Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 89

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo uu Eetaan kii reer Cesraax tiriyey.

89 Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh,
Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.
Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa,
Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda.
Axdi baan la dhigtay kii aan doortay,
Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi,
Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa,
Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab. (Selaah)
Rabbiyow, samooyinku waxay ammaani doonaan yaababkaaga,
Oo weliba aaminnimadaadana waxaa laga dhex sheegi doonaa shirka kuwa quduuska ah.
Waayo, bal yaa cirka ku jira oo Rabbiga lala simi karaa?
Bal yaase ku dhex jira wiilasha kuwa xoogga badan oo Rabbiga la mid ah,
Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah,
Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan.
Rabbiyow Ilaaha ciidammadow,
Bal yaa sidaada u xoog badan, Rabbiyow?
Aaminnimadaadu hareerahaagay ku wareegsan tahay.
Adigaa u taliya badda kibirkeeda,
Oo markii hirarkeedu kacaan adigaa dejiya.
10 Rahab waxaad u kala burburisay sidii mid la dilay,
Oo cadaawayaashaadiina waxaad ku kala firdhisay gacanta xooggaaga.
11 Samooyinka adigaa iska leh, dhulkana adigaa iska leh,
Dunida iyo waxaa ka buuxana adigaa aasaasay.
12 Woqooyi iyo koonfurba adigaa abuuray,
Taaboor iyo Xermoonba magacaagay ku reyreeyaan.
13 Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn,
Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.
14 Carshigaaga aasaaskiisu waxa weeye xaq iyo caddaalad,
Oo naxariista iyo runtuna way ku hor socdaan.
15 Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh,
Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,
16 Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga,
Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada.
17 Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda,
Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.
18 Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga,
Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
19 Markaas quduusiintaada waxaad kula hadashay muuqasho,
Oo waxaad ku tidhi, Waxaan caawimaad kor saaray mid xoog badan,
Oo waxaan sarraysiiyey mid dadka laga doortay.
20 Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa,
Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd,
21 Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa,
Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.
22 Cadowgu ma dulmi doono,
Wiilka sharnimaduna ma dhibi doono.
23 Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa,
Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa.
24 Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan,
Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga.
25 Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda,
Midigtiisana webiyaasha.
26 Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay,
Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.
27 Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga,
Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.
28 Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda,
Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.
29 Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara,
Carshigiisana sida wakhtiga samada.
30 Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan,
Oo aanay ku socon xukummadayda,
31 Hadday qaynuunnadayda jebiyaan,
Oo aanay amarradayda dhawrin,
32 Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul,
Xumaantoodana jeedal.
33 Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono,
Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono.
34 Axdigayga ma jebin doono,
Oo wixii afkayga ka soo baxayna ma beddeli doono.
35 Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda,
Oo Daa'uud been uma sheegi doono,
36 Farcankiisu weligiisuu waari doonaa,
Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.
37 Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa,
Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)
38 Laakiinse adigu waad xoortay oo waad nacday,
Oo waxaad u cadhootay kaaga subkan.
39 Axdigii addoonkaaga waad nacday,
Oo taajkiisiina waad nijaasaysay oo dhulka ku tuurtay.
40 Deyrarkiisii oo dhan waad dumisay,
Oo qalcadihiisii oo dhanna waad burburisay.
41 Wax alla wixii jidka soo mara oo dhanba isagay dhacaan,
Oo derisyadiisana wuxuu u noqday cay.
42 Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay,
Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.
43 Oo weliba afka seeftiisana dib baad u celisaa,
Isagiina kama aad dhigin inuu dagaalka ku sii adkaysto.
44 Iftiinkiisii waad demisay,
Carshigiisiina dhulkaad ku tuurtay.
45 Cimrigii dhallinyaranimadiisii waad soo gaabisay,
Oo waxaad isagii ka muujisay ceeb. (Selaah)
46 Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa?
Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?
47 Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay,
Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!
48 Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin,
Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool? (Selaah)
49 Sayidow, meeday naxariistaadii hore,
Oo aad Daa'uud aaminnimadaada ugu dhaaratay?
50 Sayidow, bal soo xusuuso cayda addoommadaada,
Iyo sida aan laabta ugu sido cayda dadka badan oo dhan,
51 Rabbiyow, waana tii ay cadaawayaashaadu igu caayeen,
Oo waa tii ay ku caayeen tallaabooyinka kaaga subkan.
52 Mahad waxaa leh Rabbiga tan iyo weligiisba.
Aamiin, iyo aamiin.

Xaakinnada 12:1-7

Yeftaah Iyo Efrayim

12 Oo raggii reer Efrayimna way is-urursadeen, oo waxay u gudbeen xagga woqooyi, oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Reer Cammoon inaad la dirirto intaad u soo gudubtay, maxaad noogu yeedhi weyday aannu ku raacnee? Gurigaagaannu kugu dul gubi doonnaa. Yeftaahna wuxuu ku yidhi, Aniga iyo dadkayguba dagaal weyn baannu kula jirnay reer Cammoon, oo markaan idiin yeedhay igama aydnaan badbaadin gacantoodii. Oo markaan arkay inaydnaan i badbaadinayn ayaan naftayda biimeeyey, oo waxaan u gudbay reer Cammoon, oo Rabbigu gacantayduu soo geliyey. Haddaba maxaad maanta iigu timaadeen inaad ila dirirtaan? Markaasuu Yeftaah soo urursaday raggii reer Gilecaad oo dhan, oo wuxuu la diriray reer Efrayim; oo reer Gilecaadna way laayeen reer Efrayim, maxaa yeelay, waxay yidhaahdeen, Idinku fakad baad tihiin kuwiinnan reer Gilecaad oo ku dhex jira reer Efrayim iyo reer Manaseh. Oo reer Gilecaadna waxay qabsadeen meelihii Webi Urdun laga gudbi jiray oo xagga reer Efrayim ahaa; oo markuu mid reer Efrayim ah oo cararay yidhaahdo, I daaya aan gudbee, waxaa dhici jirtay inay reer Gilecaad ku odhan jireen, Ma reer Efrayim baad tahay? Oo hadduu yidhaahdo, Maya, waxay ku odhan jireen, Bal waxaad tidhaahdaa Shibboled, markaasuu odhan jiray, Sibboled, waayo, taas odhaahdeeda qummaati uma uu odhan karin; markaasay intay qabsadaan ku dili jireen meelihii Webi Urdun laga gudbi jiray; oo wakhtigaas waxaa reer Efrayim ka dhintay laba iyo afartan kun.

Oo Yeftaahna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay lix sannadood. Markaasuu Yeftaah oo ahaa reer Gilecaad dhintay, oo waxaa lagu aasay magaalooyinkii reer Gilecaad middood.

Falimaha Rasuullada 5:12-26

Calaamooyin Iyo Yaabab Ay Rasuulladu Sameeyeen

12 Rasuulladii waxay gacmahooda dadka dhexdiisa ku sameeyeen calaamooyin iyo yaabab badan; iyagoo isku wada qalbi ah ayay waxay wada joogeen Balbaladii Sulaymaan. 13 Laakiin kuwii kale midkoodna kuma dhicin inuu iyaga ku darmado, hase ahaatee dadkii waa sharfeen iyaga; 14 oo waxaa ku soo kordhay iyaga kuwa badan oo Rabbiga rumaystay, oo rag iyo dumarba leh; 15 xataa waxay noqotay inay kuwii bukay jidadka u soo saareen oo ku jiifiyeen sariiro iyo dermooyin si hooskiisu u dul maro qaarkood, markii Butros uu soo maro. 16 Oo waxaa kaloo ku soo ururay dad badan oo ka yimid magaalooyinkii Yeruusaalem ku wareegsanaa, iyagoo wada dad buka iyo kuwo jinniyo wasakh lahu derdereen; oo kulligood waa la wada bogsiiyey.

Butros Iyo Yooxanaa Ayaa Mar Labaad Shirka La Hor Keenay

17 Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan, 18 intay rasuulladii qabqabteen, xabsi ku rideen. 19 Laakiin malaa'igtii Rabbiga ayaa habeennimo albaabbadii xabsiga ka furtay, oo intay dibadda u soo saartay, ku tidhi, 20 Taga oo macbudka isdhex taaga, oo waxaad dadka kula hadashaan erayada oo dhan ee Noloshan. 21 Markay taas maqleen ayay, intay aroortii macbudkii galeen, dadkii wax bareen. Laakiin wadaadkii sare iyo kuwii la jiray ayaa yimid, oo waxay isugu yeedheen shirkii iyo duqowdii reer binu Israa'iil oo dhan, markaasay cid u direen xabsigii in kuwii xidhnaa laga keeno. 22 Laakiin saraakiishu markay xabsiga yimaadeen waa ka waayeen iyagii; markaasay shirkii ku noqdeen oo u warrameen, 23 oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu aragnay xabsigii oo aad u xidhan, oo nimankii ilaalinayayna albaabbada ka taagan yihiin; laakiin markaannu furnay, ninna waa ka waynay. 24 Haddaba markii sirkaalkii macbudka iyo wadaaddadii sare hadalladaas maqleen, waxay la fajaceen waxyaalahaasu waxay noqon doonaan. 25 Mid baa intuu u yimid ku yidhi, Ogaada, nimankii aad xabsiga ku riddeen, macbudkay dhex taagan yihiin, oo dadkay wax ku barayaane. 26 Markaasaa sirkaalkii, isagoo saraakiil kale la socoto, intuu tegey, rabshadla'aan u soo kaxeeyey; waayo, waxay ka baqeen dadku inuu dhagxiyo.

Yooxanaa 3:1-21

Ciise Baa Nikodemos La Sheekaystay

Waxaa jiray nin ka mid ahaa Farrisiinta oo la odhan jiray Nikodemos oo Yuhuudda taliye u ahaa. Isagu habeenkuu u yimid Ciise, wuxuuna ku yidhi, Macallimow, waannu og nahay inaad tahay macallin ka yimid Ilaah, waayo, ninna ma samayn karo calaamooyinkan aad samayso haddaan Ilaah la jirin. Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu mar kale dhalan, boqortooyadii Ilaah arki kari maayo. Nikodemos wuxuu ku yidhi, Sidee baa nin mar kale u dhalan karaa isagoo duq ah? Miyuu mar kale uurkii hooyadiis geli karaa oo ka dhalan karaa? Ciise baa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu ka dhalan biyo iyo Ruuxa, boqortooyadii Ilaah geli kari maayo. Waxa jidhka ka dhashaa waa jidh, waxa Ruuxa ka dhashaana waa ruux. Ha la yaabin haddaan ku leeyahay, Waa inaad mar kale dhalataan. Dabayshu way u dhacdaa meeshay doonto, waxaadna maqashaa xiinkeeda, laakiin ma ogid meeshay ka timaado iyo meeshay u kacdo; waa sidaas oo kale qof kasta oo Ruuxa ka dhasha. Nikodemos ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sidee baa waxyaalahaas u noqon karaan? 10 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad tahay macallinka Israa'iil, oo aadan weliba waxyaalahaasna garanayn? 11 Runtii, runtii, waxaan ku leeyahay, Waxaannu naqaan ayaannu ka hadalnaa, oo waxaannu aragnay ayaannu ka marag furnaa, idinkuna maraggayaga ma aqbashaan. 12 Haddaan wixii dunida idiin sheegay oo aad rumaysan weydeen, sidee baad u rumaysanaysaan haddaan waxa jannada idiin sheego? 13 Ninna jannada kor uma tegin, kii jannada ka soo degay maahee, waana Wiilka Aadanaha oo jannada jooga. 14 Sidii Muuse abeesadii kor ugu qaaday cidlada, sidaasoo kale Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado, 15 in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah.

16 Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah. 17 Ilaah Wiilka uguma soo dirin dunida inuu xukumo dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunidu ku badbaaddo isaga. 18 Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay. 19 Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen. 20 Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan. 21 Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya