Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 83

Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf tiriyey.

83 Ilaahow, shib ha odhan,
Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.
Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan,
Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.
Dadkaagay xeelad ugu tashadaan,
Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.
Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine.
Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan.
Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen,
Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan,
Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil,
Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim,
Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq,
Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,
Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen,
Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah)
Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan,
Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,
10 Waxay ku halligmeen Ceyn Door,
Oo waxay dhulka u noqdeen digo.
11 Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb,
Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac,
12 Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa.
13 Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega,
Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya,
14 Sida dabka duurka guba,
Iyo sida ololka buuraha huriya,
15 Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri,
Hufadaadana ku cabsii.
16 Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo,
Si ay magacaaga u doondoonaan.
17 Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen,
Ha wareereen, hana baabbe'een,
18 Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay
Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.

Sabuurradii 145

Kanu waa sabuur ammaan ah oo Daa'uud tiriyey.

145 Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano,
Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.
Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa,
Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.
Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada,
Iyo shuqulladaada yaabka badan.
Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan,
Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa,
Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.
Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad,
Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay,
Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
10 Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
11 Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada,
Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
12 Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn,
Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
13 Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah,
Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
14 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan,
Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
15 Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan,
Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
16 Gacantaadaad furtaa,
Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
17 Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay,
Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
18 Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan,
Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
19 Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa,
Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
20 Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa,
Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.
21 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga,
Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.

Sabuurradii 85-86

Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.

85 Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay,
Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.
Xumaantii dadkaagana waad cafiday,
Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)
Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay,
Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.
Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi,
Oo dhirifkaaga naga jooji.
Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa?
Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?
Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn,
Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?
Rabbiyow, naxariistaada na tus,
Oo badbaadadaada na sii.
Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo,
Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa,
Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.
Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada,
Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
10 Naxariis iyo runu way isla kulmeen,
Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.
11 Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka,
Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.
12 Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan,
Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.
13 Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo,
Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.

Baryootankii Daa'uud.

86 Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab,
Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.
Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh,
Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.
Sayidow, ii naxariiso,
Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.
Sayidow, addoonkaaga naftiisa ka farxi,
Waayo, naftayda adigaan kor kuugu soo qaadaa.
Waayo, Sayidow, waad wanaagsan tahay, oo waxaad diyaar u tahay inaad dembidhaafto,
Waanad u naxariis badan tahay kuwa ku barya oo dhan.
Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig,
Oo codka baryootankayga maqal.
Maalinta aan dhibaataysnahay adaan ku baryi doonaa,
Waayo, waad ii jawaabi doontaa.
Sayidow, adigoo kale ilaahyada kuma jiro,
Oo shuqulladaadana wax la mid ahu ma jiraan.
Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan,
Waxay ammaani doonaan magacaaga.
10 Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa,
Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.
11 Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa,
Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.
12 Sayidow Ilaahayow, qalbigayga oo dhan waan kugu ammaanayaa,
Oo weligayba waxaan ammaani doonaa magacaaga.
13 Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay,
Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.
14 Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen,
Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan,
Oo adigana kuuma ay soo jeesan.
15 Laakiinse adigu Sayidow, waxaad tahay Ilaah ay raxmad iyo nimco ka buuxaan,
Oo cadhada u gaabiya, oo naxariis iyo runba badan.
16 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso,
Oo anoo addoonkaaga ah xoog i sii,
Oo i badbaadi anoo wiilka addoontaada ah.
17 Calaamad wanaaggaaga lagu garto i tus,
Si ay kuwa i necebu u arkaan, oo ay u ceeboobaan,
Maxaa yeelay, Rabbiyow, waad i caawisay, oo waad i qalbi qaboojisay.

Xaakinnada 8:22-35

Eefodkii Gidcoon

22 Markaasaa dadkii reer binu Israa'iil waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, Haddaba noo tali, adiga iyo wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisuba; maxaa yeelay, waad naga badbaadisay gacantii reer Midyaan. 23 Kolkaasaa Gidcoon wuxuu ku yidhi, Anigu idiinma talin doono, wiilkayguna idiinma talin doono; laakiinse Rabbigaa idiin talin doona. 24 Oo haddana Gidcoon wuxuu ku yidhi, Waxaan idin weyddiisan lahaa in ninkiin waluba i siiyo hilqadihii uu boolida u helay. (Waxay haysteen hilqado dahab ah, maxaa yeelay, waxay ahaayeen reer Ismaaciil). 25 Oo waxay ugu jawaabeen, Annagoo raalli ka ah ayaannu ku siinaynaa. Kolkaasay maro gogleen, oo nin kastaaba wuxuu ku tuuray hilqadihii uu boolida u helay. 26 Oo hilqadihii dahabka ahaa oo uu weyddiistay miisaankoodii wuxuu noqday kun iyo toddoba boqol oo sheqel oo dahab ah, intaasoo aanay ku jirin bilihii, iyo murriyadihii, iyo dharkii guduudnaa oo ay boqorradii reer Midyaan xidhnaayeen, iyo silsiladihii sudhnaa qoorta awrtooda. 27 Markaasaa Gidcoon wuxuu dahabkii ka sameeyey eefod, oo wuxuu dhigay magaaladiisii taasoo ahayd Coofraah; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, markaasuu dabin ku noqday Gidcoon iyo reerkiisiiba.

Dhimashadii Gidcoon

28 Sidaasaa reer Midyaan loo hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda, oo mar dambena madaxooda kor uma ay qaadin. Oo wakhtigii Gidcoon dalku wuxuu nastay afartan sannadood. 29 Markaasaa wiilkii Yoo'aash, oo Yerubbacal ahaa intuu tegey ayuu iska degay gurigiisii. 30 Oo Gidcoon wuxuu lahaa toddobaatan wiil oo uu isagu dhalay, waayo, wuxuu qabay naago badan. 31 Oo naagtiisii addoonta ahayd oo degganayd Shekem, iyana wiil bay u dhashay, oo wuxuu magiciisii u bixiyey Abiimeleg. 32 Oo Gidcoon ina Yoo'aash ayaa dhintay isagoo da' weyn, oo waxaa lagu aasay xabaashii aabbihiis Yoo'aash, oo ku tiil Coofraah tii reer Abiiceser.

33 Oo isla markii Gidcoon dhintay ayay reer binu Israa'iil haddana noqdeen, oo Bacaliimkii raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, oo Bacal Beriidna ilaahoodii bay ka dhigteen. 34 Oo reer binu Israa'iilna ma ay xusuusan Rabbiga Ilaahood ahaa, oo ka samatabbixiyey cadaawayaashoodii dhan kasta ka xigay oo dhan; 35 raxmadna ma ay tusin reerkii Yerubbacal, kaasoo ahaa Gidcoon, siduu wanaagga oo dhan ugu sameeyey reer binu Israa'iil.

Falimaha Rasuullada 4:1-12

Butros Iyo Yooxanaa Waxaa La Hor Keenay Shirka

Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen, iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay. Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd. Laakiin qaar badan oo hadalkii maqlay waa rumaysteen; oo tiradii nimanku waxay noqotay abbaaraha shan kun.

Markaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen; waxaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd. Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen? Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow, haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey, 10 dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay. 11 Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka. 12 Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.

Yooxanaa 1:43-51

43 Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac. 44 Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andaros iyo Butros. 45 Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana'el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan, oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasared oo ah ina Yuusuf. 46 Nataana'el wuxuu ku yidhi, Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasared? Markaasaa Filibos wuxuu ku yidhi, Kaalay oo arag. 47 Ciise wuxuu arkay Nataana'el oo ku soo socda, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, kanu waa mid reer Israa'iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn. 48 Markaasaa Nataana'el wuxuu ku yidhi, Xaggee baad igu tiqiin? Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Intaan Filibos kuu yeedhin, markaad geedkii berdaha hoostiisa joogtay, ayaan ku arkay. 49 Kolkaasaa Nataana'el u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaad tahay Wiilka Ilaah, oo waxaad tahay boqorkii Israa'iil. 50 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad u rumaysatay odhaatinkii aan kugu idhi, Geedka berdaha hoostiisa ayaan kugu arkay? Waxaad arki doontaa wax waxyaalahaas ka waaweyn. 51 Markaasuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaad arki doontaan samadoo furan iyo malaa'igaha Ilaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya