Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
50 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay,
Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
2 Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah
Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
3 Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono,
Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa,
Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
4 Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare,
Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
5 Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya,
Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
6 Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona,
Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
7 Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa,
Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa,
Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
8 Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada,
Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
9 Reerkaaga dibi ka qaadan maayo,
Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
10 Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh,
Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
11 Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan,
Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
12 Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen,
Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
13 Miyaan cuni doonaa hilibka dibida,
Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
14 Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa,
Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
15 Oo i bari maalinta dhibi jirto,
Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
16 Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa,
Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa,
Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
17 Adigoo tacliinta neceb,
Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
18 Markaad tuug aragtay waad oggolaatay,
Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
19 Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo,
Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
20 Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa,
Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
21 Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay,
Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah,
Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
22 Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada,
Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
23 Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa,
Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana
Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuu tiriyey markii Saa'uul cid u diray, oo ay gurigii ilaaliyeen inay isaga dilaan.
59 Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi,
Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.
2 Iga samatabbixi xumaanfalayaasha,
Oo dadka dhiigyocabyada ahna iga badbaadi.
3 Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda,
Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan,
Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.
4 Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn,
Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.
5 Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow,
Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo,
Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)
6 Fiidkay soo noqdaan, oo waxay u ciyaan sida eey oo kale,
Oo waxay ku warwareegaan magaalada hareeraheeda.
7 Afkooda waxaa ka qubmaysa cay,
Bushimahoodana waxaa ku jira seefo,
Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?
8 Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa,
Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.
9 Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.
10 Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona,
Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
11 Sayidow, gaashaankayagiiyow,
Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane,
Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.
12 Kibirkoodu iyaga ha dabo
Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood,
Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.
13 Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i,
Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub
Tan iyo dhulka darafkiisa. (Selaah)
14 Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen,
Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.
15 Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan,
Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.
16 Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga,
Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa,
Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii,
Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.
17 Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.
Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha inuu wax ku baro, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shuushan Ceeduud. Wuxuuna tiriyey markii uu la diriray Aram Nahara'im iyo Aram Soobaah, oo uu Yoo'aab soo noqday oo uu reer Edom Dooxadii Cusbada kaga laayay laba iyo tobanka kun.
60 Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay,
Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.
2 Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay,
Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.
3 Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag,
Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.
4 Calan baad siisay kuwa kaa cabsada,
In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)
5 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan,
Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.
6 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa,
Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
7 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh,
Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga,
Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
8 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray,
Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa,
Falastiinay, qayli aawaday.
9 Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh?
Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
10 Ilaahow, sow nama aadan xoorin?
Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
11 Cadowga naga caawi,
Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
12 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa,
Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
66 Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
2 Oo ammaanta magiciisa ku gabya,
Ammaantiisana qurxiya.
3 Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa!
Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
4 Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan,
Wayna kuu gabyi doonaan,
Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
5 Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah,
Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
6 Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan,
Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug,
Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
7 Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa,
Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha,
Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
8 Dadyahow, Ilaaheenna ammaana,
Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
9 Kaasoo nafteenna nolol ku haya,
Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
10 Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay,
Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
11 Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah,
Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
12 Dad baad madaxa naga saartay,
Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo,
Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
13 Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo,
Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
14 Bushimahaygu ay ku hadleen,
Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
15 Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran
Iyo wanan iyo fooxood,
Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)
16 Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla,
Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
17 Isagaan afkayga ugu qayshaday,
Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
18 Haddaan dembi qalbigayga ku arkay,
Sayidku ima uu maqleen,
19 Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay,
Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
20 Mahad waxaa leh Ilaaha
Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
67 Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee,
Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah)
2 In jidkaaga laga ogaado dhulka,
Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.
3 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
4 Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed,
Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad,
Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)
5 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
6 Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii,
Waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.
7 Ilaah waa ina barakayn doonaa,
Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.
3 Laakiinse dadkii Gibecoon degganaa markay maqleen wixii Yashuuca ku sameeyey Yerixoo iyo Aacii, 4 iyana markaasay khiyaano sameeyeen, oo intay tageen bay iska dhigeen sidii iyagoo ah wakiillo dalal kale, oo waxay dameerradoodii ku qaateen joonyado gaboobay, iyo sibraarro khamri oo khamri oo gaboobay oo dildillaacay oo la xidhxidhay. 5 Oo waxay gashadeen kabo duugoobay oo la karkaray, oo waxay xidheen dhar gaboobay, oo kibistii ay soo sahaydeen oo dhammuna waxay ahayd mid engegan oo caaryaysatay. 6 Oo waxay u tageen Yashuuca oo jooga xeradii ku tiil Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen isagii iyo raggii reer binu Israa'iilba, Annagu waxaannu ka nimid dal fog; haddaba sidaas daraaddeed axdi nala dhigta. 7 Oo raggii reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen kuwii reer Xiwi, War mindhaa annagaad na dhex deggan tihiin, oo haddaba sidee baannu axdi idiinla dhiganaynaa? 8 Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay addoommadaada. Markaasaa Yashuuca wuxuu ku yidhi, Yaad tihiin? Oo xaggee baad ka timaadeen? 9 Kolkaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Magaca Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis ayaannu annagoo addoommadaada ah waddan aad u fog uga nimid, waayo, waxaannu maqalnay warkiisii, iyo kulli wixii uu Masar ku dhex sameeyey oo dhan, 10 iyo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod. 11 Oo odayaashayadii iyo dadkii waddankayaga degganaa oo dhammu waxay nagu soo yidhaahdeen, Sodcaalka aawadiis sahay u qaata, oo taga si aad ula kulantaan iyaga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Annagu waxaannu nahay addoommadiinna, ee haddaba axdi nala dhigta. 12 Oo kibistan iyadoo kulul baan guryahayagii sahay uga soo qaadannay maalintii aan idiin soo kacnay; laakiinse bal hadda eega, way engegtay, wayna caaryaysatay: 13 oo sibraarradan khamriga oo aannu soo buuxsannay way cusbaayeen, oo bal eega haatan waa dildillaacsan yihiin, oo dharkayaga iyo kabahayagu waxay ku duugoobeen sodcaalkii aad u dheeraa aawadiis. 14 Oo markaasay nimankii wax ka qaateen sahaydoodii, oo Rabbigana talo ma ay weyddiisan. 15 Oo Yashuucana wuu la nabday iyagii, oo axdina wuu la dhigtay inuu naftooda u daayo; oo amiirradii shirkuna way u dhaarteen iyagii. 16 Oo markay axdigii la dhigteen saddex maalmood dabadeed waxay maqleen inay yihiin deriskooda, oo ay dhexdooda deggan yihiin. 17 Oo reer binu Israa'iil way sodcaaleen, oo maalintii saddexaad waxay yimaadeen magaalooyinkoodii. Oo magaalooyinkooduna waxay ahaayeen Gibecoon, iyo Kefiiraah, iyo Bi'irod, iyo Qiryad Yecaariim. 18 Oo reer binu Israa'iilna ma ay layn, waayo, amiirradii shirku waxay iyagii ugu dhaarteen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. Oo markaasaa shirkii oo dhammu waxay ka gunuunaceen amiirradii. 19 Laakiinse amiirradii oo dhammu waxay shirkii oo dhan ku yidhaahdeen, Waxaannu iyaga ugu dhaarannay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo haddaba sidaas daraaddeed waa inaynaan taaban iyaga. 20 Oo sidan baan u yeelaynaa, oo naftooda ayaan u daynaynaa waaba intaas oo dhaartii aannu ugu dhaarannay daraaddeed cadho inoogu dhacdaaye. 21 Oo amiirradii waxay ku yidhaahdeen, Naftooda u daaya, ha noolaadeene. Sidaas daraaddeed waxay shirkii oo dhan u noqdeen kuwo xaabada gura oo biyaha dhaansha, sidii amiirradii kula hadleen iyagii.
15 Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin. 2 Midkeen kastaaba deriskiisa ha ka farxiyo inuu ku wanaagsanaado oo ku dhismo. 3 Waayo, Masiixiiba naftiisii kama uu farxin, laakiinse sida qoran, Caydii kuwii adiga ku caayay ayaa igu kor dhacday. 4 Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna, inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno. 5 Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix, 6 inaad isku qalbi iyo isku af ku ammaantaan Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix.
Injiilka Loo Keenay Dadka Aan Yuhuudda Ahayn
7 Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano. 8 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Masiixu wuxuu noqday kuwa gudan midiidinkooda, runta Ilaah aawadeed, inuu u xaqiijiyo ballamadii awowayaashii hore la siiyey, 9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran,
Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga waan u gabyi doonaa.
10 Oo haddana wuxuu leeyahay,
Quruumahow, la reyreeya dadkiisa.
11 Oo haddana,
Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow,
Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga.
12 Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay,
Waxaa jiri doona xididkii Yesay,
Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha,
Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan.
13 Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa.
Butros Baa Dafiray Ciise(A)
69 Butros wuxuu fadhiyey barxadda dibadda ah, markaasaa gabadh u timid oo waxay ku tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Galili. 70 Laakiin dhammaantood ayuu ku hor dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu garan maayo waxaad leedahay. 71 Goortuu iridda tegey mid kale ayaa aragtay, oo waxay kuwii halkaas joogay ku tidhi, Kanu wuxuu la jiray Ciisihii reer Naasared. 72 Haddana dhaar ayuu ku dafiray oo yidhi, Anigu garan maayo ninka. 73 Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa u yimid oo Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, hadalkaaga ayaa ku muujinaya. 74 Markaasuu bilaabay inuu caytamo oo ku dhaarto inaanu ninka garanayn. Kolkiiba diiqii baa ciyey. 75 Markaasaa Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu ciyin saddex goor ayaad i dafiri doontaa. Markaasuu baxay oo aad u ooyay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya