Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 45

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, waana gabay jacayl ku saabsan oo lagu luuqeeyo Shoshanniim.

45 Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan,
Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey,
Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga,
Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco,
Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.
Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow,
Oo quruxda iyo haybadda lahow.
Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood,
Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan,
Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan.
Fallaadhahaagu waa af badan yihiin,
Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa,
Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis,
Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd,
Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay
Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica.
Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada,
Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
10 Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig,
Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
11 Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa,
Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda,
Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
13 Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan,
Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan,
Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
15 Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn,
Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
16 Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada,
Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
17 Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto,
Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.

Sabuurradii 47-48

Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.

47 Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma,
Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan,
Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna,
Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa,
Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
Ilaah qaylo buu la kacay,
Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa,
Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda,
Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.
Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha,
Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.
Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen
Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan,
Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah.
Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.

Kanu waa gabay, waana sabuur ay reer Qorax tiriyeen.

48 Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa
Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan
Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah,
Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen,
Dhammaantood way wada dhaafeen.
Oo kolkay arkeen ayay yaabeen,
Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
Iyagii halkaasay ku gariireen,
Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa
Dabaysha bari.
Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay
Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna,
Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay
Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10 Ilaahow, sida magacaagu yahay
Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan,
Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11 Buur Siyoon ha faraxdo,
Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12 Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega,
Oo munaaradaheeda tiriya.
13 Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda,
Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer,
Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
14 Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah,
Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.

Yashuuca 8:1-22

Aacii Oo La Baabbi'iyey

Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha cabsan, hana qalbi jabin. Ragga dagaalyahannada ah oo dhan kaxayso, oo kac oo waxaad tagtaa xagga Aacii, oo bal eeg, adigaan gacanta ku geliyey boqorka Aacii, iyo dadkiisa, iyo magaaladiisa, iyo dalkiisaba; oo Aacii iyo boqorkeedaba waxaad ku samaysaa wixii aad ku samaysay Yerixoo iyo boqorkeedii; alaabteeda iyo xoolaheedase waa inaad dhacdaan oo qaadataan. Oo magaalada xagga dambe ka gaad. Sidaas daraaddeed Yashuuca waa kacay, isagii iyo raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammu, si ay Aacii u tagaan, oo Yashuuca wuxuu dooray soddon kun oo nin oo ah rag xoog leh, oo wuxuu diray goor habeennimo ah. Oo wuxuu ku amray oo ku yidhi, Bal maqla, waxaad gaaddaan magaalada xaggeeda dambe, oo ha ka fogaanina magaalada, laakiinse kulligiin diyaar ahaada; oo aniga iyo dadka ila jira oo dhammuba waxaannu u dhowaan doonnaa magaalada, oo markay dibadda noogu soo baxaan sida kolkii ugu horraysay, waannu ka carari doonnaa hortooda. Markaasay na soo eryan doonaan ilaa aannu iyaga magaalada ka fogayno; waayo, waxay is-odhan doonaan, Sidii markii ugu horraysay bay naga cararayaan, oo sidaasaannu uga hor carari doonnaa iyaga. Oo markaas waa inaad gaadmada ka timaadaan, oo aad magaalada qabsataan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta idiin gelin doona iyada. Oo markii aad magaalada qabsataan, waa inaad dab qabadsiisaan magaalada, oo waxaad yeeshaan si waafaqsan ereyga Rabbiga; bal eega, sidaasaan idinku amraye. Markaasaa Yashuuca iyagii diray; oo waxay tageen meeshii gaadmada, oo waxay joogeen meel u dhaxaysa Beytel iyo Aacii, oo galbeed ka xigta Aacii; laakiinse habeenkaas Yashuuca dadkii buu ku dhex baryay.

10 Kolkaasaa Yashuuca aroor hore kacay, oo dadkii isu ururiyey, oo isagii iyo waayeelladii reer binu Israa'iil waxay dadkii u hor kaceen xaggii Aacii. 11 Oo dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhan oo ah kuwii isaga la jiray way wada tageen oo intay soo dhowaadeen ayay magaaladii hor yimaadeen, oo waxay degeen dhinaca woqooyi oo Aacii; oo dooxo baa u dhexaysay isaga iyo Aacii. 12 Markaasuu wuxuu kaxaystay rag shan kun ku dhow, oo wuxuu gaadmo u diray meel u dhexaysa Beytel iyo Aacii, oo magaalada ka xigta xagga galbeed. 13 Markaasay diyaariyeen dadkii oo dhan, xataa ciidankii magaalada xagga woqooyi ka xigay oo dhan, iyo kuwoodii gaadmada ugu qarsoonaa magaalada xaggeeda galbeed, oo Yashuucana habeenkaas wuxuu dhaxay dooxadii dhexdeeda. 14 Oo markii boqorkii Aacii taas arkay, ayay isaga iyo dadkiisa oo dhammu aroor hore keceen oo dhaqsadeen, oo markaasay dadkii magaaladu dagaal ugu bexeen reer binu Israa'iil wakhtigii la yidhi, oo waxay wada tageen meel ka horraysa Caraabaah, laakiinse ma uu ogayn in rag gaadmo ugu qarsoon yahay magaalada dabadeeda. 15 Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay iska dhigeen sidii iyagoo laga adkaaday, oo waxay ku carareen xaggii jidka cidlada. 16 Markaasaa dadkii magaalada joogay oo dhan waxaa loogu wada yeedhay inay eryadaan reer binu Israa'iil, oo intay Yashuuca eryanayeen ayaa iyagii laga fogeeyey magaaladii. 17 Oo nin keliyahu kuma hadhin Aacii iyo Beytel toona, oo aan daba gelin reer binu Israa'iil; oo magaaladii oo furan bay ka tageen, oo waxay eryadeen reer binu Israa'iil. 18 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waranka gacantaada ku jira xagga Aacii ku taag, waayo, adigaan gacanta kuu gelin doonaa Aacii. Markaasaa Yashuuca warankii gacantiisa ku jiray wuxuu ku taagay xaggii magaalada. 19 Markaasaa haddiiba raggii gaadmada u qarsoonaa ka soo bexeen meeshoodii ay ku jireen, oo markuu gacanta taagay ayay haddiiba soo ordeen, oo waxay galeen magaaladii, wayna qabsadeen; oo intay dhaqsadeen ayay magaaladii dab qabadsiiyeen. 20 Oo dadkii reer Aacii markay dib u eegeen ayay waxay arkeen qiiqii magaalada oo samada kor ugu baxaya, oo mana ay lahayn xoog ay ugu cararaan xaggan ama xaggaa; oo dadkii u cararay xagga cidlada waxay dib ugu soo jeesteen raacdadii daba joogtay. 21 Oo markii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu arkeen in raggii gaadmada ahaa ay magaaladii qabsadeen, iyo in magaalada qiiqeedii kor u baxay, ayay dib u soo noqdeen, oo waxay laayeen dadkii reer Aacii. 22 Oo kuwii kalena waxay iyaga kaga soo bexeen magaaladii, sidaas daraaddeed waxay ku dhex jireen reer binu Israa'iil, iyadoo qaarna dhinacan ka xigo, qaarna dhinacaas ka xigo; oo way wada laayeen, oo midna kama reebin, qofna kama baxsan.

Rooma 14:1-12

Waa In Loo Dulqaataa Kuwa Wax Ka Shakiya

14 Kii rumaysadka ku itaal yar soo dhoweeya, mana aha inaad ra'ayiyadiisa la murantaan. Mid baa rumaysan inuu wax walba cuno, kii itaal yarse wuxuu cunaa khodaarta. Kii cunaa yuusan quudhsanin kii aan cunin, kii aan cuninna yuusan xukumin kii cuna, waayo, Ilaah baa aqbalay isaga. Yaad tahay kaaga xukuma midiidinka mid kaleto? Waayo, sayidkiisuu u taagan yahay ama u dhacaa. Waana la taagi doonaa, waayo, Rabbigu waa awoodaa inuu taago. Nin bay la tahay in maalinu maalinta kale ka fiican tahay, mid kalena waxay la tahay in maalmaha oo dhammu isku mid yihiin. Mid kastaaba maankiisa aad ha ugu hubsado. Kii maalinta ka fikiraa, Rabbiguu uga fikiraa, kii wax cunaa, Rabbiguu u cunaa, waayo, Ilaah buu ku mahadnaqaa; kii aan wax cuninuna, Rabbiga ayuusan u cunin, oo Ilaah buu ku mahadnaqaa. Midkeenna naftiisa uma noola, midkeenna naftiisa uma dhinto. Waayo, haddii aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay; oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimannaa, sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimannoba, Rabbigaa ina leh. Waayo, sababtaasaa Masiixu u dhintay, una soo noolaaday inuu Rabbi u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba. 10 Adigu maxaad walaalkaa u xukuntaa? amase adigu maxaad walaalkaa u quudhsataa? Waayo, kulligeen waxaynu hor istaagi doonnaa kursiga xukumaadda Ilaah. 11 Waayo, waxaa qoran,

Anigu waa noolahay, ayaa Rabbigu leeyahay, oo jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa,
Carrab walubana Ilaah buu qiri doonaa.

12 Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa.

Matayos 26:47-56

Ciise Waa La Qabtay(A)

47 Oo intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo waayeellada dadka. 48 Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta. 49 Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday. 50 Kolkaasaa Ciise ku yidhi, Saaxiibow, maxaad u timid? Markaasay yimaadeen, oo gacmahooda ayay Ciise saareen oo qabteen. 51 Oo bal eeg, mid ka mid ah kuwii Ciise la jiray ayaa gacanta fidiyey, oo seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay. 52 Markaasaa Ciise ku yidhi, Seeftaada meesheedii ku celi, waayo, kuwa seefo qaada oo dhammu seef bay ku halligmi doonaan. 53 Ma waxaad u malaynaysaa inaanan Aabbahay baryi karin oo uusan haddeer ii soo diri karin malaa'igo laba iyo toban guuto ka badan? 54 Haddaba sidee buu u noqon doonaa Qorniinku kan leh, Waa in sidaasu noqotaa? 55 Saacaddaas qudheeda ayaa Ciise dadkii badnaa ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay? Maalin walbaba macbudka ayaan fadhiyi jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan. 56 Laakiin waxan oo dhan ayaa noqday in qorniinka nebiyadu rumoobo. Markaasaa xertii oo dhammu ka wada tageen oo carareen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya