Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
31 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin,
Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
2 Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi,
Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.
3 Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda,
Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.
4 Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen,
Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.
5 Gacantaada ayaan ruuxayga u dhiibayaa,
Waayo, waad i soo furatay, Rabbiyow, Ilaaha runta ahow.
6 Waan neceb ahay kuwa hawada beenta ah ka fikira,
Laakiinse Rabbigaan isku halleeyaa.
7 Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa,
Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay,
Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,
8 Oo weliba iguma aad xidhin gacantii cadowga,
Oo cagtayda waxaad taagtay meel ballaadhan.
9 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa,
Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.
10 Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid,
Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
11 Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan,
Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen,
Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.
12 Sida qof dhintay oo laga samray ayaa layska kay illoobay,
Oo waxaan ahay sida weel jabay.
13 Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya,
Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan,
Oo intay ii wada tashadeen,
Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.
14 Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey,
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.
15 Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa,
Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
16 Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada.
17 Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday,
Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen.
18 Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa,
Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega,
Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.
19 Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada,
Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.
20 Dadka sirqoolladiisa waxaad iyaga kaga qarinaysaa joogistaada qarsoon,
Oo carrabka dirirtiisana waxaad iyaga kaga qarinaysaa taambuug.
21 Mahad waxaa leh Rabbiga,
Waayo, wuxuu raxmaddiisa yaabka leh igu tusay magaalo xoog weyn.
22 Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay,
Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.
23 Quduusiintiisa oo dhammay, Rabbiga jeclaada,
Rabbigu wuu ilaaliyaa kuwa aaminka ah,
Kan waxa kibirka ah falase aad iyo aad buu u abaalmariyaa.
24 Kuwiinna Rabbiga wax ka rajaynaya oo dhammow,
Adkaysta, oo qalbigiinnu ha dhiirranaado.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
35 Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira,
Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
2 Gaashaan iyo gabbaad qaado.
Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.
3 Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo,
Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.
4 Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto,
Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
5 Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda,
Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.
6 Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh,
Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.
7 Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen,
Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.
8 Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto,
Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado,
Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
9 Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa,
Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.
10 Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah?
Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan,
Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.
11 Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah,
Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.
12 Wanaag xumaan bay iigaga abaalgudaan
Oo naftayda way gacal tiraan.
13 Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado,
Oo naftaydana soon baan ku dhibay,
Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.
14 Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay,
Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta.
15 Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen,
Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba,
Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.
16 Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan
Ayay igu ilko jirriqsadeen.
17 Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa?
Naftayda halligaaddooda ka badbaadi,
Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.
18 Waxaan kaaga mahadnaqi doonaa shirka weyn dhexdiisa,
Oo dad fara badan dhexdooda ayaan kugu ammaani doonaa.
19 Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn,
Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.
20 Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan,
Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.
21 Afkoodii aad bay iigu fureen,
Oo waxay yidhaahdeen, Ahaa, ahaa, annagaa indhahayaga ku aragnay.
22 Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin,
Sayidow, ha iga fogaan.
23 Sara joogso, oo garsooriddayda u toos,
Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.
24 Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay,
Oo yaanay igu rayrayn.
25 Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa,
Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.
26 Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood,
Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.
27 Kuwa xaqnimadayda jecelu farxad ha ku dhawaaqeen, oo ha farxeen,
Oo had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo,
Waayo, isagu wuxuu ku farxaa barwaaqada addoonkiisa.
28 Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa
Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.
19 Oo dadku waxay Webi Urdun ka soo bexeen maalintii tobnaad oo bishii kowaad, oo waxay degeen Gilgaal oo xagga bari ka xigta Yerixoo. 20 Oo laba iyo tobankii dhagax oo ay ka soo qaadeen Webi Urdun dhexdiisa ayuu Yashuuca qotomiyey Gilgaal. 21 Markaasuu ka hadlay reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Wakhtiga soo socda markii carruurtiinnu aabbayaashood weyddiiyaan, oo yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan dhagaxyadan? 22 Waxaad carruurtiinna ogeysiisaan, oo ku tidhaahdaan, Reer binu Israa'iil Webigan Urdun waxay kaga soo gudbeen dhul engegan. 23 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah baa hortiinna ka engejiyey biyihii Webi Urdun, ilaa aad ka soo gudubteen, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu u galay Badda Cas oo kale, tii uu hortayada ka engejiyey ilaa aannu ka gudubnay, 24 si ay dadka dhulka jooga oo dhammu u ogaadaan gacanta Rabbigu inay xoog badan tahay; oo ay weligood uga cabsadaan Rabbiga Ilaahiinna ah.
Gudniinkii Laga Sameeyey Gilgaal
5 Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.
10 Oo reer binu Israa'iil waxay degeen Gilgaal; oo bisha maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay bannaankii Yerixoo ku sameeyeen Iiddii Kormaridda. 11 Oo maalintii Iidda Kormaridda ka dambaysay waxay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay, kaas oo ahaa kibis aan khamiir lahayn, iyo hadhuudh la dubay, maalintaas qudheeda. 12 Oo maannadiina maalintii dambe ayay ka joogsatay, markay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay dabadeed, oo reer binu Israa'iilna ma ay helin maanna dambe, laakiinse sannaddaas waxay cuneen midhihii dalkii Kancaan ka baxay.
Qabsashadii Yerixoo
13 Oo markii Yashuuca joogay Yerixoo agteeda ayuu indhihiisa kor u taagay oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay nin isaga ka soo hor jeeda oo seeftiisii oo gal la' gacanta ku haysta. Markaasaa Yashuuca intuu u tegey ku yidhi, War ma annagaad nala gees tahay mise colkayagaad la gees tahay? 14 Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Maya; laakiinse waxaan haatan u imid inaan madax u ahaado ciidanka Ilaah. Markaasaa Yashuuca wejigiisii dhulka saaray, wuuna sujuuday, oo wuxuu isagii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad anoo addoonkaaga ah igu odhan lahayd? 15 Markaasaa kii ciidanka Rabbiga madax u ahaa wuxuu Yashuuca ku yidhi, Kabtaada iska siib, waayo, meeshaad ku taagan tahay waa quduus. Oo Yashuucana sidaasuu yeelay.
Wixii Masiixiyiinta Lagu Amray
9 Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada. 10 Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo. 11 Dadaalka ha ka caajisina, ruuxa ku kululaada, oo Rabbiga u adeega. 12 Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta, 13 oo ku caawiya waxa quduusiintu u baahan yihiin, oo shisheeyaha martiggeliya. 14 U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina. 15 La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya. 16 Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina. 17 Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa. 18 Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan. 19 Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay. 20 Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah. 21 Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow.
Cashadii Ugu Dambaysay(A)
17 Maalintii ugu horraysay oo Iiddii Kibistii aan khamiirka lahayn xertii ayaa Ciise u timid oo waxay ku yidhaahdeen, Xaggee baad doonaysaa inaannu kuu diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda? 18 Wuxuu yidhi, Magaalada gala oo hebel u taga oo waxaad ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Wakhtigaygii waa dhow yahay, gurigaaga ayaan cashada Iidda Kormaridda kula samaysanayaa xertayda. 19 Xertii waa samaysay sida Ciise ku amray oo cashada Iidda Kormariddii ayay diyaargareeyeen. 20 Goortii makhribkii la gaadhay, laba-iyo-tobankii xerta ahaa ayuu cunto ula fadhiistay, 21 oo intay wax cunayeen ayuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona. 22 Markaasay aad iyo aad u caloolxumaadeen, oo waxay bilaabeen in mid kastaa ku yidhaahdo, Ma aniga baa, Sayidow? 23 Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Kii saxanka gacanta ila gesha kaasaa i gacangelin doona. 24 Wiilka Aadanahu waa baxayaa, siday u qoran tahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacangelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan. 25 Yuudas oo ah kii gacangeliyey ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma aniga baa, Sayidow? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya