Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 101

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

101 Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid,
Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.
Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya,
Bal goormaad ii iman doontaa?
Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman.
Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono,
Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda,
Oo innaba iguma dhegi doono.
Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa,
Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.
Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa,
Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.
Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed,
Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.
Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono,
Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono.
Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan,
Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.

Sabuurradii 109:1-30

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

109 Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,
Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba,
Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.
Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan,
Oo sababla'aan bay igula dirireen.
Anigoo jecel bay cadow ii yihiin,
Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan,
Jacaylna nacayb.
Nin shar leh ka sarraysii isaga,
Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.
Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay,
Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.
Cimrigiisu ha yaraado,
Jagadiisana mid kale ha qaato.
Carruurtiisu ha agoontoobeen,
Naagtiisuna carmal ha noqoto.
10 Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen,
Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.
11 Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan,
Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.
12 Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa,
Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.
13 Farcankiisu ha baabba'o,
Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.
14 Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto,
Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.
15 Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba,
Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.
16 Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto
Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan,
Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.
17 Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay,
Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
18 Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda,
Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale,
Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.
19 Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado,
Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,
20 Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan,
Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
21 Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel,
Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
22 Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan,
Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
23 Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya,
Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
24 Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan,
Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.
25 Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay,
Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.
26 Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi,
Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
27 Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada,
Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.
28 Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee,
Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
29 Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen,
Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
30 Afkaygaan aad ugaga mahadnaqi doonaa Rabbiga,
Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.

Sabuurradii 119:121-144

CAYN.

121 Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad,
Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
122 Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino,
Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
123 Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan,
Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
124 Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan,
Oo qaynuunnadaada i bar.
125 Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii,
Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
126 Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow,
Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
127 Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay
Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan,
Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.

FE.

129 Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay,
Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa,
Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
131 Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday,
Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
132 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso,
Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
133 Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga,
Oo dembina yaanu ii talin.
134 Dadka dulmigiisa iga bixi,
Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
135 Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi,
Oo qaynuunnadaada i bar.
136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah,
Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.

SADE.

137 Rabbiyow, xaq baad tahay,
Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
138 Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo
Iyo daacadnimo oo dhan.
139 Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo,
Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.
140 Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay,
Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
141 Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa,
Laakiinse amarradaada ma illoobo.
142 Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa,
Oo sharcigaaguna waa run.
143 Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday.
Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
144 Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq,
Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.

Tirintii 16:36-50

36 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 37 La hadal Elecaasaar ina Haaruun wadaadka ah, oo u sheeg inuu idammada dabka ka bixiyo, adna dabka xagga shishe ku kala firdhi, waayo, iyagu waa quduus. 38 Oo idammada nimankan naftooda ku dembaabay ha laga dhigo dahaadh tuman oo meesha allabariga lagu dahaadho; waayo, Rabbiga hortiisay ku bixiyeen, oo sidaas daraaddeed iyagu waa quduus; oo calaamo bay reer binu Israa'iil u noqon doonaan. 39 Markaasaa wadaadkii Elecaasaar wuxuu soo qaaday idammadii naxaasta ahaa oo ay kuwii gubtay bixiyeen, oo inta la tumay ayaa meesha allabariga dahaadh looga dhigay, 40 inay taasu reer binu Israa'iil xusuus u noqoto, si uusan shisheeye aan Haaruun farcankiisa ahaynu Rabbiga hortiisa ugu soo dhowaan inuu foox u bixiyo, si uusan u noqon sidii Qorax iyo guutadiisa, sidii Rabbigu isaga ugula hadlay Muuse.

41 Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen. 42 Oo kolkii shirkii oo dhammu ay soo urureen oo ay Muuse iyo Haaruun gees ka noqdeen, waxay soo fiiriyeen teendhadii shirka xaggeedii, oo bal eeg, daruurtii baa qarisay, oo waxaa muuqatay Rabbiga ammaantiisii. 43 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay yimaadeen teendhadii shirka horteeda. 44 Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 45 Adigu shirkan ka soo kac, aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. Oo iyana markaasay wejiga dhulka dhigeen. 46 Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War idankaaga qaad oo meesha allabariga dab kaga soo shubo, oo foox ku rid, oo haddiiba shirka u qaad, oo iyaga u kafaaro gud, waayo, cadho ayaa Rabbiga ka soo baxday, oo belaayadii way bilaabatay. 47 Markaasaa Haaruun qaaday sidii Muuse ku hadlay, oo shirkuu ku dhex orday, oo bal eeg, belaayadiina dadka way ku dhex bilaabatay; oo fooxii wuu shiday, dadkiina buu u kafaaro guday. 48 Markaasuu isdhex taagay kuwii dhintay iyo kuwii noolaa; oo belaayadiina way joogsatay. 49 Haddaba kuwii belaayada ku dhintay waxay ahaayeen afar iyo toban kun iyo toddoba boqol, oo aan lagu tirin kuwii ku dhintay xaalkii Qorax. 50 Markaasaa Haaruun Muuse ugu noqday iriddii teendhadii shirka; oo belaayadiina way joogsatay.

Rooma 4:13-25

Ballankii Waxaa Lagu Helay Rumaysadka

13 Waayo, ballankii lagula ballamay Ibraahim ama farcankiisii inuu ku noqdo kii dunida dhaxli lahaa, uguma iman sharciga, laakiinse wuxuu ugu yimid xaqnimada rumaysadka. 14 Waayo, haddii kuwa sharciga leh ay noqdaan kuwa dhaxalka leh, de markaas rumaysadkii waxaa laga dhigay wax aan waxtar lahayn, ballankiina waa la buriyey, 15 maxaa yeelay, sharcigu wuxuu keenaa cadho, laakiinse meeshii aan sharci jirin xadgudubna ma jiro.

16 Taas daraaddeed waa xagga rumaysadka inay noqoto xagga nimcada, in ballanku hubaal u ahaado farcanka oo dhan; ee uusan u ahayn kan sharciga leh oo keliya, laakiinse inuu u ahaado kan leh rumaysadkii Ibraahim, kan aabbaha inoo ah kulligeen, 17 (sida qoran, Quruumo badan baan aabbe kaaga dhigay) Ilaaha uu rumaystay hortiisa, kan nooleeya kuwii dhintay oo u yeedha waxyaalaha aan jirin sida iyagoo jira. 18 Ibraahim rajuu wax ku rumaystay iyadoo aan rajo jirin inuu aabbe u noqdo quruumo badan, sida waxyaalihii lagula hadlay leeyihiin, Farcankaagu sidaasuu noqon doonaa. 19 Isagoo aan rumaysadkii ku tabaryaraan wuxuu ka fikiray jidhkiisii sida meyd oo kale ahaa (isagoo boqol jir ku dhow) iyo meydnimadii maxalkii Saarah. 20 Ballankii Ilaah rumaysaddarro kagama uu shakiyin, laakiinse rumaysad buu ku xoogaystay, isagoo Ilaah ammaanaya 21 oo aad u huba in wixii uu u ballanqaaday uu samayn karo. 22 Sidaas daraaddeedna waxaa loogu tiriyey xaqnimo. 23 Wixii loo tiriyey looma qorin isaga aawadiis oo keliya, 24 laakiin waxaa loo qoray innaga aawadeenna. Waa loo tirin doonaa kuweenna rumaysan kii kuwii dhintay ka soo sara kiciyey Rabbigeenna Ciise, 25 kii loo bixiyey xadgudubkeenna aawadiis oo loo sara kiciyey inuu xaq inaga dhigo.

Matayos 20:1-16

Masaalka Ku Saabsan Shaqaalayaasha Beerta Canabka Ah

20 Boqortooyada jannada waxay u eg tahay nin oday reer u ah oo aroortii hore baxay inuu shaqaalayaal u kireeyo beertiisa canabka ah. Oo goortuu shaqaalayaal maalintii kula heshiiyey dinaar, ayuu beertiisii canabka ahayd u diray iyagii. Oo saacaddii saddexaad ayuu baxay, oo wuxuu arkay qaar kale oo suuqa shuqulla'aan la taagtaagan, oo wuxuu kuwaas ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga oo wixii xaq ah ayaan idin siin doonaa. Wayna tageen. Haddana saacaddii lixaad iyo saacaddii sagaalaad wuu baxay oo sidaas oo kale ayuu sameeyey. Saacaddii koob iyo tobnaad intuu baxay wuxuu arkay qaar kale oo taagtaagan, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maalintii oo dhan halkan shuqulla'aan ula taagtaagan tihiin? Waxay ku yidhaahdeen Maxaa yeelay, cidna nama kiraysan. Wuxuu ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga.

Goortii makhribkii la gaadhay, sayidkii beertii canabka ahayd ayaa wakiilkiisii ku yidhi, Shaqaalayaasha u yeedh oo mushahaaradooda sii, oo waxaad ka bilowdaa kuwii ugu dambeeyey ilaa kuwii ugu horreeyey. Goortay yimaadeen, kuwii saacaddii koob iyo tobnaad baxay, waxay wada heleen dinaar dinaar. 10 Kuwii hore goortay yimaadeen waxay u malaynayeen inay wax ka badan helayaan, iyaguna sidaas oo kale dinaar dinaar bay heleen. 11 Oo intay qaadanayeen ayay odaygii reerka ku gunuunaceen, 12 oo waxay ku yidhaahdeen, Kuwan dambeeyey waxay shaqeeyeen saacad keliya, oo waad nagala mid dhigtay annagoo sidnay shaqadii cuslayd ee maalinta iyo kulaylkii. 13 Laakiin wuu u jawaabay oo midkood ku yidhi, Saaxiibow, xumaan kuguma aan samayn. Sow dinaar igulama heshiin? 14 Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale. 15 Miyaynan igu hagaagsanayn inaan waxayga ku sameeyo wixii aan doonayo? Ma waxaase ishaadu u xun tahay wanaagsanaantayda aawadeed? 16 Sidaasay kuwa dambe u horrayn doonaan, kuwa horena u dambayn doonaan. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya