Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo uu Eetaan kii reer Cesraax tiriyey.
89 Anigu weligayba waxaan ku gabyi doonaa Rabbiga waxyaalihiisa naxariista leh,
Oo aaminnimadaadana afkaygaan ka ab ka ab ku ogeysiinayaa.
2 Waayo, waxaan idhi, Naxariistu weligeedba way dhisnaan doontaa,
Oo aaminnimadaadana waxaad ku adkayn doontaa samooyinka qudhooda.
3 Axdi baan la dhigtay kii aan doortay,
Oo waxaan u dhaartay addoonkaygii Daa'uud, oo ku idhi,
4 Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa,
Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab. (Selaah)
5 Rabbiyow, samooyinku waxay ammaani doonaan yaababkaaga,
Oo weliba aaminnimadaadana waxaa laga dhex sheegi doonaa shirka kuwa quduuska ah.
6 Waayo, bal yaa cirka ku jira oo Rabbiga lala simi karaa?
Bal yaase ku dhex jira wiilasha kuwa xoogga badan oo Rabbiga la mid ah,
7 Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah,
Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan.
8 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow,
Bal yaa sidaada u xoog badan, Rabbiyow?
Aaminnimadaadu hareerahaagay ku wareegsan tahay.
9 Adigaa u taliya badda kibirkeeda,
Oo markii hirarkeedu kacaan adigaa dejiya.
10 Rahab waxaad u kala burburisay sidii mid la dilay,
Oo cadaawayaashaadiina waxaad ku kala firdhisay gacanta xooggaaga.
11 Samooyinka adigaa iska leh, dhulkana adigaa iska leh,
Dunida iyo waxaa ka buuxana adigaa aasaasay.
12 Woqooyi iyo koonfurba adigaa abuuray,
Taaboor iyo Xermoonba magacaagay ku reyreeyaan.
13 Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn,
Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.
14 Carshigaaga aasaaskiisu waxa weeye xaq iyo caddaalad,
Oo naxariista iyo runtuna way ku hor socdaan.
15 Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh,
Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,
16 Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga,
Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada.
17 Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda,
Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.
18 Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga,
Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
19 Markaas quduusiintaada waxaad kula hadashay muuqasho,
Oo waxaad ku tidhi, Waxaan caawimaad kor saaray mid xoog badan,
Oo waxaan sarraysiiyey mid dadka laga doortay.
20 Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa,
Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd,
21 Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa,
Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.
22 Cadowgu ma dulmi doono,
Wiilka sharnimaduna ma dhibi doono.
23 Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa,
Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa.
24 Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan,
Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga.
25 Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda,
Midigtiisana webiyaasha.
26 Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay,
Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.
27 Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga,
Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.
28 Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda,
Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.
29 Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara,
Carshigiisana sida wakhtiga samada.
30 Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan,
Oo aanay ku socon xukummadayda,
31 Hadday qaynuunnadayda jebiyaan,
Oo aanay amarradayda dhawrin,
32 Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul,
Xumaantoodana jeedal.
33 Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono,
Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono.
34 Axdigayga ma jebin doono,
Oo wixii afkayga ka soo baxayna ma beddeli doono.
35 Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda,
Oo Daa'uud been uma sheegi doono,
36 Farcankiisu weligiisuu waari doonaa,
Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.
37 Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa,
Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)
38 Laakiinse adigu waad xoortay oo waad nacday,
Oo waxaad u cadhootay kaaga subkan.
39 Axdigii addoonkaaga waad nacday,
Oo taajkiisiina waad nijaasaysay oo dhulka ku tuurtay.
40 Deyrarkiisii oo dhan waad dumisay,
Oo qalcadihiisii oo dhanna waad burburisay.
41 Wax alla wixii jidka soo mara oo dhanba isagay dhacaan,
Oo derisyadiisana wuxuu u noqday cay.
42 Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay,
Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.
43 Oo weliba afka seeftiisana dib baad u celisaa,
Isagiina kama aad dhigin inuu dagaalka ku sii adkaysto.
44 Iftiinkiisii waad demisay,
Carshigiisiina dhulkaad ku tuurtay.
45 Cimrigii dhallinyaranimadiisii waad soo gaabisay,
Oo waxaad isagii ka muujisay ceeb. (Selaah)
46 Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa?
Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?
47 Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay,
Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!
48 Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin,
Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool? (Selaah)
49 Sayidow, meeday naxariistaadii hore,
Oo aad Daa'uud aaminnimadaada ugu dhaaratay?
50 Sayidow, bal soo xusuuso cayda addoommadaada,
Iyo sida aan laabta ugu sido cayda dadka badan oo dhan,
51 Rabbiyow, waana tii ay cadaawayaashaadu igu caayeen,
Oo waa tii ay ku caayeen tallaabooyinka kaaga subkan.
52 Mahad waxaa leh Rabbiga tan iyo weligiisba.
Aamiin, iyo aamiin.
Qorax, Daataan Iyo Abiiraam
16 Haddaba Qorax ina Isehaar oo ahaa ina Qohaad, oo ka sii ahaa reer Laawi, isaga iyo Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, iyo Oon oo ahaa ina Feled oo reer Ruubeen ahaa ayaa rag watay, 2 oo waxay ku hor kaceen Muuse iyaga iyo reer binu Israa'iil qaarkood oo ahaa laba boqol iyo konton amiir oo shirka loo doortay oo wada caan ahaa. 3 Oo iyana way wada urureen oo gees ka noqdeen Muuse iyo Haaruun, oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku filan, maxaa yeelay, shirka oo dhan qof kastaaba waa quduus, oo Rabbiguna waa dhex joogaa iyaga. Haddaba maxaad Rabbiga ururkiisa isaga sara marisaan? 4 Oo Muusena markuu taas maqlay ayuu wejiga dhulka dhigay. 5 Markaasuu la hadlay Qorax iyo guutadiisii oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Berri subax ayaa Rabbigu muujin doonaa kuwa ah kuwiisa iyo kii quduus ah, wuuna soo dhowayn doonaa; oo kii uu isagu dooranayana wuu isu soo dhowayn doonaa. 6 Haddaba Qorax iyo guutadiisa oo dhammay, sidan yeela, oo waxaad qaadataan idammo, 7 oo berrito Rabbiga hortiisa iyaga dab ku shuba oo foox ku shida, oo kolkaas ninkii Rabbigu doorto, wuxuu ahaan doonaa quduus. Idinku filan reer Laawiyow. 8 Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Haddaba maqla reer Laawiyow. 9 Ma idinla yar tahay in Ilaaha reer binu Israa'iil idiinka soocay shirka reer binu Israa'iil inuu idin soo dhowaysto si aad u samaysaan hawsha taambuugga Rabbiga oo aad shirka hortiisa istaagtaan oo u adeegtaan, 10 iyo inuu weliba idinka iyo walaalihiinna reer Laawi oo dhanba soo dhowaystay? Oo haddana ma waxaad doonaysaan wadaadnimada? 11 Haddaba adiga iyo guutadaada oo dhammu waxaad isu soo urursateen oo aad gees ka tihiin Rabbiga. Balse maxaa dhacay oo aad Haaruun ugu gunuustaan? 12 Markaasaa Muuse u cid diray Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, oo iyana waxay yidhaahdeen, Iman mayno. 13 Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid? 14 Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno. 15 Markaasaa Muuse aad u cadhooday, oo wuxuu Rabbiga ku yidhi, Adigu qurbaankooda ha aqbalin. Anigu iyaga dameerna kama qaadan, midkoodna waxba ma yeelin. 16 Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Berrito adiga iyo guutadaaduba Rabbiga hortiisa kaalaya, adiga iyo iyaga iyo Haaruunba. 17 Oo idinka nin waluba idankiisa ha qaato oo foox ha ku shubo, oo ninkiin kastaaba idankiisa Rabbiga ha hor keeno, kuwaasoo wada ah laba boqol iyo konton idan, oo weliba adiga iyo Haaruunna idammadiinna soo qaata. 18 Oo iyana nin waluba idankiisii buu soo qaatay, oo dab bay ku shubeen, fooxna way saareen, kolkaasay Muuse iyo Haaruun la istaageen iridda teendhadii shirka. 19 Markaasaa Qorax soo shirsaday shirkii oo dhan oo iyaga ka gees ah, oo wuxuu soo tubay iridda teendhadii shirka. Oo shirkii oo dhan waxaa u muuqatay ammaantii Rabbiga.
Xaqnimada Waxaa Lagu Helaa Rumaysadka Xagga Ciise Masiix
21 Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii, 22 waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh. 23 Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah; 24 iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay, 25 kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah; 26 waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan. 27 Haddaba faankii meeh? Waa reebban yahay. Sharci caynkee ah buu ku hadhay? Ma xagga shuqulladaa? Maya; laakiinse wuxuu ku hadhay sharciga rumaysadka. 28 Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga. 29 Ama Ilaah ma Ilaaha Yuhuudda oo keliya baa? Miyuusan ahayn kan quruumaha kalena? Haah, waa yahay kan quruumaha kalena, 30 hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay oo uu kuwa gudan xaq kaga dhigi doono rumaysadka, kuwa buuryoqabka ahna rumaysadka. 31 De miyaannu haddaba sharciga ku burinnaa rumaysadka? Yaanay noqon! Laakiin sharciga waannu taagnaa.
Ciise Wuxuu U Duceeyey Carruur Yaryar(A)
13 Markaasaa ilmo yaryar loo keenay inuu gacmiihiisa saaro oo uu u duceeyo, laakiin xertii ayaa canaanatay. 14 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ilmaha daaya oo ha u diidina inay ii yimaadaan, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada jannada. 15 Gacmihiisa ayuu saaray iyaga, markaasuu meeshaas ka tegey.
Nin Dhallinyar Oo Hodan Ah Baa Doonayay Nolosha Weligeed Ah(B)
16 Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo? 17 Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr. 18 Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin. 19 Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay. 20 Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman? 21 Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac. 22 Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya