Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur gabay ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Maxalad Lecannod. Oo waa Maskiil tacliin ah oo Heemaankii reer Cesraax.
88 Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow,
Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,
2 Baryootankaygu hortaada ha yimaado,
Oo qayladayda dhegta u dhig,
3 Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin,
Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.
4 Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yamayska,
Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn,
5 Oo meydadka lagu dhex tuuray,
Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal,
Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn,
Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.
6 Waxaad igu ridday yamayska ugu hooseeya,
Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.
7 Cadhadaadii baa igu soo degtay,
Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)
8 Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay,
Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda.
Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
9 Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed,
Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay,
Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
10 Ma yaabab baad tusaysaa meydadka?
Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan? (Selaah)
11 Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa?
Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?
12 Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa?
Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?
13 Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,
Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
14 Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa?
Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?
15 Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba,
Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.
16 Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay,
Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.
17 Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale,
Dhammaantood way i wada hareereeyeen.
18 Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay,
Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.
91 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon
Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa,
Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda
Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
3 Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha,
Iyo belaayada aad u xun.
4 Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa,
Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa,
Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
5 Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada,
Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
6 Ama belaayada gudcurka ku socota,
Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
7 Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun,
Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun,
Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
8 Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa,
Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.
9 Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga,
Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.
10 Shar kuguma dhici doono,
Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa
Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan
Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa,
Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa,
Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa,
Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa,
Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
16 Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa,
Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey maalinta Sabtida.
92 Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo,
Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
2 Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo,
Habeen kastana aaminnimadaada,
3 Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda,
Iyo dhawaaqa kataaradda.
4 Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii,
Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
5 Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa!
Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
6 Doqonku taas ma yaqaan,
Kii nacas ahuna ma garan karo.
7 Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan,
Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan,
Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
8 Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.
9 Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada,
Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane,
Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.
10 Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga
Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
11 Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa,
Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
12 Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed,
Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
13 Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray
Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
14 Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay,
Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
15 Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay,
Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.
Basaasiddii Reer Kancaan
13 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 War waxaad dirtaa niman soo basaasa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil siinayo, oo qabiil walba waa inaad nin ka dirtaan, oo mid kastaaba ha ahaado amiir iyaga ku jira. 3 Markaasaa Muuse iyagii ka diray cidladii Faaraan sidii amarkii Rabbigu ahaa, oo kulligood waxay ahaayeen rag reer binu Israa'iil madax u ahaa.
21 Haddaba iyagii way tageen oo waxay soo basaaseen dalkii tan iyo cidlada Sin iyo ilaa Rexob oo ku taal meesha Xamaad laga galo. 22 Oo waxay tageen xagga koonfureed, oo yimaadeen Xebroon; oo Axiiman iyo Sheeshay iyo Talmay oo reer Canaaq ahaa ayaa halkaas degganaa. (Oo Xebroon waxaa la dhisay goor toddoba sannadood ka horraysa intaan la dhisin Socan oo Masar ku taal.) 23 Oo haddana waxay yimaadeen dooxadii Eshkol, oo halkaasay ka goosteen laan rucub canab ahu ku yaal, oo waxay ku qaadeen ul laba nin u dhexaysa, waxayna keeneen midho rummaan iyo berde ah. 24 Oo meeshaas magaceeda waxaa la odhan jiray Eshkol, rucubkii canabka ahaa oo ay reer binu Israa'iil halkaas ka goosteen aawadiis. 25 Oo markay afartan maalmood dalkii soo basaaseen dabadeed ayay ka soo noqdeen.
Warbixintii Basaasiinta
26 Markaasay tageen oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ugu yimaadeen cidladii Faaraan iyo tan iyo Qaadeesh, oo iyagii iyo ururkii oo dhan war bay u keeneen, oo waxay soo tuseen midhihii dalka. 27 Oo Muuse bay u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu dalkii aad noo dirtay waan gaadhnay, oo hubaal wuxuu la barwaaqaysan yahay caano iyo malab, oo midhihiisiina waa kuwan. 28 Habase yeeshee dadka dalka degganu waa xoog badan yihiin, oo magaalooyinkuna deyrar bay leeyihiin, waana waaweyn yihiin, oo weliba waxaannu halkaas ku soo aragnay reer Canaaq. 29 Oo reer Camaaleq waxay deggan yihiin dalka xaggiisa koonfureed, oo reer Xeed iyo reer Yebuus iyo reer Amorna waxay deggan yihiin buuraha, oo reer Kancaanna waxay deggan yihiin badda agteeda iyo Webi Urdun dhinaciisa. 30 Markaasaa Kaaleeb dadkii ku aamusiiyey Muuse hortiisa, oo wuxuu ku yidhi, War haddiiba ina keena, aynu dalka qabsannee, waayo, innagu waynu karaynaa inaynu ka adkaanno.
25 Waayo, hubaal gudniintu wax bay tartaa, haddaad sharciga yeeshid, laakiin haddaad sharciga gudubtid, gudniintaadii waxay noqotay buuryoqabnimo. 26 Haddaba haddii mid buuryoqab ahu xajiyo qaynuunnada sharciga, buuryoqabnimadiisii miyaan loo tirin doonin sida gudniin? 27 Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta? 28 Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha; 29 laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.
Murammadii Laga Jawaabay
3 Haddaba maxay Yuhuuddu dadka kale dhaantaa? Ama gudniinta waxtarkeedu waa maxay? 2 Si walba wuu u badan yahay; marka hore waxaa Yuhuudda lagu ammaaneeyey hadallada Ilaah. 3 Haddaba, maxaa jira, haddii qaar aanay rumaysad lahayn? Rumaysaddarradoodu miyey Ilaah aaminnimadiisa burin doontaa? 4 Ma suurtowdo! Ilaah runlow ha ahaado in kastoo nin waluba beenlow yahay, sida qoran,
In xaq lagaaga dhigo hadalladaada,
Oo aad libaantid markii lagu xukumo.
5 Laakiin haddii xaqnimola'aanteennu muujiso xaqnimada Ilaah, maxaynu odhan doonnaa? Ma xaq daranyahay Ilaaha cadhada soo dejiyaa? (Sida dad baan u hadlayaa.) 6 Ma suurtowdo! Hadduu xaq daranyahay, sidee baa Ilaah dunida u xukumi doonaa? 7 Runta Ilaah hadday beentayda ugu badatay ammaantiisa, de maxaa aniga haddana weli la iigu xukumaa sida mid dembi leh? 8 Maxaannu u odhan weynaa, Shar aan samayno in wanaag yimaado? sida lanoo hafro oo ay qaar naga sheegaan sidii annagoo nidhaahna. Xukunka ay kuwaasu helaan waa xaq.
Waajibka Iscafiga Iyo Masaalka Ku Saabsan Midiidinkii Abaaldarnaa(A)
21 Markaas Butros ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, immisa goor baan cafiyaa walaalkay hadduu igu dembaabo? Ma ilaa toddoba goor baa? 22 Ciise ayaa ku yidhi, Kugu odhan maayo, Ilaa toddoba goor, laakiin, Ilaa toddobaatan goor oo toddoba ah. 23 Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato. 24 Goortuu bilaabay inuu xisaab qaato waxaa loo keenay nin toban kun oo [a]talanti uu ku lahaa. 25 Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo. 26 Addoonkii haddaba wuu dhacay, oo intuu sujuuday, ayuu wuxuu ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan wada bixin doonaaye. 27 Markaasaa addoonkaas sayidkiisii u naxariistay, wuuna sii daayay, oo amaahdii wuu u dhaafay.
28 Laakiin addoonkaas ayaa baxay oo helay mid ka mid ah addoommadii uu la shaqayn jiray, kii uu ku lahaa boqol dinaar. Wuu qabtay oo intuu ceejiyey ayuu ku yidhi, Bixi waxa lagugu leeyahay. 29 Addoonkii uu la shaqayn jiray ayaa haddaba cagihiisii isku riday oo baryay, oo ku yidhi, Ii dulqaado, anna waan bixin doonaaye. 30 Isaguse ma uu doonaynin, laakiin wuu baxay oo xabsiga ku tuuray ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa. 31 Haddaba kuwii la shaqayn jiray, goortay arkeen wixii dhacay, aad bay u calool xumaadeen, oo intay sayidkooda u yimaadeen, ayay u sheegeen wixii dhacay oo dhan. 32 Markaasaa sayidkiisii u yeedhay oo ku yidhi, Addoon yahow sharkaluhu! Waxaan kugu lahaa oo dhan waan kuu dhaafay, waayo, waad i bariday. 33 Miyaanad lahayn inaad kii kula shaqayn jiray u naxariisatid sidaan anigu kuugu naxariistay? 34 Markaasaa sayidkiisu cadhooday oo u dhiibay kuwa dadka silciya ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa oo dhan. 35 Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya