Book of Common Prayer
MEM.
97 Aad baan sharcigaaga u jeclahay!
Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
98 Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda.
Waayo, weligayba way ila jiraan.
99 Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan,
Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
100 Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha,
Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
101 Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh,
Si aan eraygaaga u dhawro.
102 Xukummadaada gees ugama aan leexan,
Waayo, wax baad i bartay.
103 Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa!
Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa,
Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
NUN.
105 Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad,
Waddooyinkaygana iftiin.
106 Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey
Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
107 Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay,
Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
108 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga,
Xukummadaadana i bar.
109 Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar,
Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
110 Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin,
Laakiinse amarradaada kama aan amban.
111 Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya,
Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
112 Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo,
Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
SAMEKH.
113 Waan necbahay kuwa labada qalbi leh,
Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
114 Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga,
Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.
115 Kuwiinna xumaanta falow, iga taga,
Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
116 Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado,
Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.
117 Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa,
Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
118 Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay,
Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
119 Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale,
Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
120 Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada,
Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.
81 Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah,
Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.
2 Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka,
Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.
3 Buunka afuufa markay bishu dhalato,
Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.
4 Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil,
Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.
5 Oo wuxuu reer Yuusuf dhexdooda ka dhigay markhaati,
Markii uu dalkii Masar ku soo baxay,
Halkaas oo aan ka maqlay af aanan aqoon.
6 Garbihiisa waxaan ka qaaday culaabtii saarnayd,
Gacmihiisana waxaa laga xoreeyey dambiishii.
7 Waad ii dhawaaqatay markii dhib kuu yimid, oo anna waan ku soo samatabbixiyey,
Waxaan kaaga jawaabay onkodka meeshiisa qarsoon,
Oo waxaan kugu tijaabiyey biyihii Meriibaah. (Selaah)
8 Dadkaygiiyow, bal i maqla,
Oo anna waan idiin digi doonaa,
Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
9 Waa inaan ilaah qalaad idinku dhex jirin,
Oo waa inaydaan innaba ilaah qalaad caabudin.
10 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah,
Oo kaa soo bixiyey dalkii Masar,
Afkaaga aad u kala qaad, oo anna waan buuxin doonaa.
11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii,
Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
12 Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda.
Si ay taladooda ugu socdaan.
13 Bal may dadkaygu i dhegaystaan,
Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
14 Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda,
Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
15 Kuwa Rabbiga necebu waxay hoos geli lahaayeen isaga,
Laakiinse wakhtigoodu weligiis wuu waari lahaa.
16 Oo weliba wuxuu iyaga ku quudin lahaa sarreenka ugu wanaagsan,
Oo waxaan ka dhergin lahaa malabka dhagaxa ka soo baxa.
Kanu waa sabuur uu Aasaaf tiriyey.
82 Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah,
Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda,
2 Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan?
Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah)
3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya,
Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.
4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan,
Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.
5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan,
Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan,
Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.
6 Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo,
Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii.
7 Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale,
Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood.
8 Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun,
Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.
24 Markaasaa Muuse baxay oo dadkii u soo sheegay ereygii Rabbiga, oo wuxuu soo ururiyey toddobaatan nin oo reer binu Israa'iil waayeello u ah, oo Teendhada hareeraheedii ayuu isugu keenay. 25 Markaasaa Rabbigu ku soo degtay daruurtii oo isagii la hadlay, wuxuuna qaaday ruuxii isaga saarnaa, markaasuu toddobaatankii waayeel saaray, oo markii ruxuu korkooda ku degay ayay wax sii sheegeen, laakiinse sidaas mar dambe ma ay yeelin. 26 Laakiinse laba nin baa xeradii ku dhex hadhay. Mid magiciisa waxaa la odhan jiray Eldaad, kan kalena magiciisa waxaa la odhan jiray Meedaad, oo iyagana ruuxii baa ku soo degay, oo waxay ka mid ahaayeen kuwii la qoray, laakiinse uma ay bixin Teendhadii; oo iyagu xerada dhexdeedii ayay wax ku sii sheegeen. 27 Markaasaa nin dhallinyaro ah soo orday oo Muuse u soo sheegay oo yidhi, Eldaad iyo Meedaad xeradii bay wax ku sii sheegayaan. 28 Markaasaa Yashuuca ina Nuun oo Muuse midiidinkiisa ahaa oo raggiisii uu doortay ka mid ahaa ayaa ku yidhi, Sayidkaygii Muusow, u diid iyaga. 29 Markaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, War ma aniga baad ii xinaasaysaa? Bal may dadka Rabbiga oo dhammu nebiyo ahaadaan, oo Rabbigu muu iyaga ruuxiisa ku soo dejiyo! 30 Markaasaa Muuse iyo waayeelladii reer binu Israa'iilba xerada ku noqdeen. 31 Markaasaa dabayl Rabbiga ka timid, oo waxay badda ka keentay digaagduur, oo xerada hareeraheedii ayay ku soo daadisay intii maalin socodkeed ah oo dhankan ah iyo intii maalin socodkeed ah oo dhanka kale ah oo xerada ku wareegsan, oo dalka korkiisana waxay u jireen intii laba dhudhun ah. 32 Markaasaa dadkii kacay oo maalintaas oo dhan, iyo habeenkii oo dhan, iyo maalintii dambe oo dhan waxay soo urursadeen digaagduurkii; oo kii ugu wax yaraa wuxuu soo urursaday toban xomeer, oo waxay ku kala bixiyeen xerada hareeraheedii. 33 Oo intii hilibkii ilkahoodii ku dhex jiray, oo aanay weli calalin, ayaa cadhadii Rabbigu dadkii aad ugu kululaatay, markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii ku dhuftay belaayo weyn. 34 Oo meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Qibrood Xatawaah, maxaa yeelay, halkaasaa lagu aasay dadkii hunguri xumaaday. 35 Markaasay dadkii Qibrood Xatawaah ka guureen, oo waxay u sodcaaleen Xaseerood, Xaseeroodna way degeen.
28 Intay oggolaan waayeen inay Ilaah ku sii haystaan aqoontooda, Ilaah wuxuu u daayay maan dulli ah inay sameeyaan waxyaalo aan qummanayn, 29 iyagoo ay ka buuxaan xaqdarrada, iyo sharnimada, iyo damacnimada, iyo xumaanta oo dhammu; waxaa kaloo ay ka buuxaan hinaasada, iyo dilidda, iyo ilaaqda, iyo khiyaanada, iyo camalxumaanta, oo waxay yihiin kuwa wax xun ku faqa, 30 iyo kuwa wax xanta, iyo kuwa Ilaah neceb, iyo kuwa wax caaya, iyo kuwa kibirka badan, iyo kuwa faanka badan, iyo kuwa wax shar ah hindisa, iyo kuwa waalidkood caasiga ku ah, 31 iyo kuwa garaadka la', iyo kuwa axdiga jebiya, iyo kuwa aan kalgacaylka lahayn, iyo kuwa aan naxariista lahayn. 32 Iyagoo garanaya qaynuunka Ilaah in kuwa waxyaalahaas sameeyaa ay dhimasho istaahilaan, ayaanay samayn waxyaalahaas oo keliya ee weliba waxay u bogaan kuwa sameeya.
Yuhuuddu Waa Gardarantahay
2 Sidaas daraaddeed, nin yahow, marmarsiinyo ma lihid ku kastoo aad tahayba kaaga wax xukuma; maxaa yeelay, meeshii aad ku kale ku xukuntid, waad isku xukumaysaa, waayo, kaaga wax xukumaa, waxaad samaysaa isla wixii. 2 Oo waxaannu og nahay in xukunka Ilaah uu ka gees yahay kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya, sida runta ah. 3 Nin yahow, ma waxay kula tahay, kolkaad xukuntid kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeya oo aad isla wixiina sameeysid, inaad xukunka Ilaah ka baxsan doonto? 4 Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda? 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah, 6 kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa, 7 kuwa dulqaadashada shuqulka wanaagsan ku doondoonaa ammaan iyo ciso iyo dhimashola'aan, wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah; 8 laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil, 9 iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga. 10 Laakiin ammaan iyo ciso iyo nabad baa u ahaan doona ku kasta oo wanaag sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga; 11 maxaa yeelay, Ilaah dadka uma kala eexdo.
Is-hoosaysiinta(A)
18 Saacaddaas ayaa xertii u timid Ciise oo waxay ku yidhaahdeen, Yaa haddaba boqortooyada jannada ugu weyn? 2 Markaasuu wuxuu u yeedhay ilmo yar, oo dhexdooda ayuu joojiyey oo yidhi, 3 Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan soo jeesan oo aydnaan noqon sida carruur oo kale, boqortooyada jannada ma geli doontaan. 4 Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada, 5 oo ku alla kii magacayga ilmahan oo kale ku aqbalaa, wuu i aqbalaa.
Ciise Wuxuu Ka Digay Inaan Dadka Kale La Xumayn(B)
6 Laakiin ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda moolkeeda lagu hafiyo. 7 Waa u hoog dunida xumaanta aawadeed! Xumaantu waa inay timaado, laakiin waa u hoog ninka ay xumaantu ka timaado. 8 Haddii gacantaadu ama cagtaadu ku xumayso, iska jar, oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan iyo lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba gacmood iyo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa dabka weligiis ah. 9 Haddii ishaaduna ku xumayso iska bixi oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad il keliya nolosha ku gashid intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada dabka ah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya