Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 24

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

24 Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan,
Iyo dunida iyo kuwa degganba.
Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay,
Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.
Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa?
Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?
Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay,
Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin,
Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.
Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako,
Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.
Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona,
Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)
Irdahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado,
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
Bal waa ayo Boqorka ammaantu?
Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan,
Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.
Irdahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada,
Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
10 Bal waa ayo Boqorkan ammaantu?
Waa Rabbiga ciidammada,
Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)

Sabuurradii 29

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

29 Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana,
Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay,
Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha,
Ilaaha ammaantu wuu onkodaa,
Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay,
Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah,
Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale,
Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada,
Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka,
Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa,
Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
10 Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka,
Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa,
Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.

Sabuurradii 8

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Gitiid.

Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga,
Waana cadaawayaashaada daraaddood,
Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
Idaha iyo lo'da oo dhan,
Iyo xayawaanka duurka joogaba,
Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!

Sabuurradii 84

Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo Gitiid lagu luuqeeyo.

84 Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado!
Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa,
Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool.
Haah, shimbirtu waxay nafsaddeeda u heshay guri,
Dabafallaadhuna buul ay yaryarkeeda ku dhasho,
Kaas oo ah meelaha allabarigaaga, Rabbiga ciidammadow,
Boqorkaygiiyow, Ilaahaygiiyow.
Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan,
Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.
Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado,
Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan.
Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh,
Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya.
Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan,
Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda.
Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, baryadayda maqal,
Ilaaha Yacquubow, bal dhegta ii dhig, (Selaah)
Ilaahow, gaashaankayagiiyow, bal eeg,
Oo bal kaaga la subkay wejigiisa fiiri.
10 Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale.
Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa,
Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado.
11 Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan,
Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda.
Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.
12 Rabbiga ciidammadow,
Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya.

Wacdiyahii 6

Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, taasuna waa wax dadka ku culus, waana nin Ilaah siiyey maal, iyo hanti, iyo sharaf, oo wax alla wixii naftiisu jeceshahayna aan waxba ka dhinnayn, oo haddana Ilaah isaga aan siin karti uu wax kaga cuno, laakiinse uu shisheeye iska cuno. Taasu waa wax aan waxba tarayn iyo dhibaato xun. Haddii nin boqol carruur ah dhalo, oo uu sannado badan noolaado si uu u cimri dheeraado, laakiinse ayan naftiisu wax wanaagsan ka dhergin, oo haddana aan la aasin, waxaan leeyahay, Kaas waxaa ka wanaagsan dhicis. Waayo, dhicisku wax aan waxba tarayn ayuu u yimaadaa, gudcur buuna ku tagaa, oo magiciisana gudcur baa daboola. Oo weliba qorraxda ma uu arag, mana garan, oo kaasu waa ka sii nasasho badan yahay kii kale. In kastoo uu noolaado kun sannadood oo laba jibbaar ah, laakiinse uusan wax wanaagsan ku raaxaysan, sow kulliba isku meel lama wada tago? Nin hawshiisa oo dhan waa u afkiisaa, laakiinse kama hamuun beelo. Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay? Damac iska wareega waxaa ka wanaagsan indhaha aragtiddooda, taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

10 Nin waluba wuxuu yahayba waa horaa loo magacaabay, oo waa la garanayaa inuu binu-aadmi yahay, oo lamana uu diriri karo kan isaga ka xoog badan. 11 Waxaa jira waxyaalo badan oo sii kordhiya waxa aan waxba tarayn, bal maxaa faa'iido ah oo uu binu-aadmigu leeyahay? 12 Waayo, bal yaa garanaya waxa qof u wanaagsan intuu nool yahay oo ah maalmihii cimrigiisa aan waxba tarayn oo dhan ee uu sida hoos oo kale u dhaafiyo? Waayo, bal yaa nin u sheegi kara waxa qorraxda hoosteeda isaga dabadiis ahaan doona?

Falimaha Rasuullada 10:9-23

Haddaba maalintii dambe intay safrayeen oo magaalada ku soo dhowaanayeen, ayaa Butros wuxuu tegey gurigii dushiisa inuu ku tukado abbaaraha saacaddii lixaad, 10 waana gaajooday oo wuxuu doonayay inuu wax cuno; laakiin intay wax u diyaarinayeen ayuu riyooday, 11 wuxuuna arkay samada oo furantay, oo waxaa soo degayay weel sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood loogu soo dejinayo dhulka; 12 oo waxaana ku jiray jinsi kasta oo xayawaan afar lugood leh iyo waxa dhulka gurguurta iyo haadda cirka. 13 Oo waxaa isaga u yimid cod leh, Kac, Butrosow; gowrac oo cun. 14 Laakiin Butros wuxuu yidhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, weligay ma aan cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn. 15 Mar labaad codkii baa u yimid isagoo leh, Wixii Ilaah nadiifiyey, xaaraan ha ka dhigin. 16 Taasuna waxay dhacday saddex goor; markiibana weelkii waa loo qaaday samada.

17 Haddaba Butros intuu si aad ah ugu wareersaday riyadii uu arkay waxay micneheedu ahayd, bal eega, nimankii Korneeliyos soo diray, iyagoo mar weyddiistay gurigii Simoon, ayay waxay istaageen albaabka hortiisa, 18 waxayna u yeedheen oo weyddiisteen in Simoon, kan la yidhaahdo Butros, uu meeshaas marti ku yahay iyo in kale. 19 Oo Butros intuu riyadii ka fikirayay ayaa Ruuxu wuxuu ku yidhi, Bal eeg, saddex nin baa ku raadinaysa. 20 Haddaba kac oo hoosta tag oo raac, adoo aan shaki lahayn, maxaa yeelay, anaa soo diray. 21 Markaasaa Butros nimankii hoos ugu tegey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, anigu waxaan ahay kaad raadinaysaan. Waa maxay sababta aad u timaadeen? 22 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo. 23 Sidaas aawadeed ayuu gudaha ugu yeedhay oo marti geliyey.

Maalintii dambe ayuu kacay oo iyagii la baxay, walaalihii Yaafaa joogana qaarkood ayaa raacay isagii.

Luukos 12:32-40

32 Ha baqina, idoyahow yari, waayo, Aabbihiin waxaa ka farxiya inuu boqortooyada idin siiyo. 33 Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in. 34 Waayo, meesha maalkiinnu ku jiro, meeshaasaa qalbigiinnuna ku jiri doonaa.

Soojeedid Baa Loo Baahan Yahay; Masaalka Ku Saabsan Addoommadii Aaminka Ahaa Iyo Kuwii Aan Aamminka Ahayn(A)

35 Dhexdiinnu ha xidhnaato, laambadihiinnuna ha baxaan. 36 Idinkuna ahaada sida niman sayidkooda sugaya, goortuu arooska ka soo noqdo, inay markiiba ka furaan markuu yimaado oo garaaco. 37 Waxaa barakaysan addoommadaas, kuwa sayidku goortuu yimaado, uu helo iyagoo soo jeeda. Runtii waxaan idinku leeyahay, Isagu waa guntan doonaa, oo cunto ayuu u fadhiisan doonaa, oo intuu iyaga u dhowaado ayuu u adeegi doonaa. 38 Hadduu yimaado wakhtigii gaadhka labaad ama kan saddexaad oo uu helo iyagoo sidaas ah, kuwaas ayaa barakaysan. 39 Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa saacadda tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo uma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo. 40 Idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya