Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 40

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

40 Anigu Rabbiga samir baan ku sugay,
Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,
Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah,
Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.
Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna.
Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan,
Rabbigayna isku hallayn doonaan.
Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya,
Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.
Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin,
Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin,
Oo iyaga lama xisaabi karo,
Haddii aan sheego oo ka hadlo,
Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.
Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid,
Oo anna dhegahaygii waad ii furtay,
Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.
Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid,
Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada,
Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.
Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey,
Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin,
Waad og tahay, Rabbiyow.
10 Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin,
Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay,
Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
11 Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan,
Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.
12 Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey,
Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo,
Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.
13 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi,
Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.
14 Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen,
Oo dhammaantood ha wareereen,
Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana
Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.
15 Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda,
Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.
16 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen,
Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen,
Rabbiga ha la weyneeyo!
17 Laakiinse anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan,
Sayidkuse waa i xusuustaa.
Ilaahayow, waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga,
Haddaba ha iga raagin.

Sabuurradii 54

Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, markii ay reer Sif Saa'uul u yimaadeen oo ay ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu dhuumasho noo dhex joogin? Waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

54 Ilaahow, magacaaga igu badbaadi,
Oo xooggaaga iigu garsoor.
Ilaahow, baryadayda maqal,
Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay,
Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan,
Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)
Bal eega, Ilaah waa gargaarahayga,
Oo Sayidkuna wuxuu la jiraa kuwa naftayda tiiriya.
Isagu sharka wuxuu ku celin doonaa cadaawayaashayda,
Iyaga runtaada ku baabbi'i.
Waxaan kuu qali doonaa qurbaan ikhtiyaar ah,
Rabbiyow, magacaaga waan ku mahadnaqi doonaa, waayo wuu wanaagsan yahay.
Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan,
Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.

Sabuurradii 51

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha markii nebi Naataan u yimid, kolkuu Batshebac u tegey dabadeed.

51 Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
Xumaantayda iga wada maydh,
Oo iga nadiifi dembigayga.
Waayo, anigu waan ogahay xadgudubyadayda,
Oo dembigayguna hortayduu yaallaa had iyo goorba.
Adiga keliya ayaan kugu dembaabay,
Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun,
Inaad xaq ahaatid markaad hadashid,
Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.
Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan,
Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run,
Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
Haddaba geed husob ah igu daahiri, oo anna nadiif baan ahaan doonaa,
I maydh, oo anna baraf cad waan ka sii caddaan doonaa.
I maqashii farxad iyo rayrayn,
Inay lafihii aad jejebisay farxaan.
Wejigaaga ka qari dembiyadayda,
Oo iga tirtir xumaatooyinkayga oo dhan.
10 Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah,
Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
11 Hortaada ha iga xoorin,
Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.
12 Farxaddii badbaadintaada ii soo celi,
Oo ruux raalli ah igu tiiri.
13 Oo markaas kuwa xadgudba jidkaagaan bari doonaa,
Oo dembilayaashuna adigay kuu soo noqon doonaan.
14 Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi,
Markaasaa carrabkaygu wuxuu aad uga gabyi doonaa xaqnimadaada.
15 Sayidow, bushimahayga fur,
Oo afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaantaada.
16 Waayo, adigu kuma faraxdid allabari, haddii kalese waan bixin lahaa,
Qurbaan gubanna kuma cajebiyo.
17 Allabaryada Ilaah waa ruux is-hoosaysiintiisa,
Ilaahow, adigu quudhsan maysid qalbi hoosaysan oo qoomamaysan.
18 Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso,
Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.
19 Oo markaas adigu waxaad ku farxi doontaa allabaryada xaqnimada iyo qurbaan guban, iyo allabari wada guban dhammaantiis,
Oo markaasay dibiyo ku dul bixin doonaan meeshaada allabariga.

Wacdiyahii 5:1-7

Ilaah Cabsi Ku Horjoog

Markaad guriga Ilaah tegaysid is-ilaali, waayo, inaad u dhowaatid si aad wax u maqashid way ka roon tahay inaad bixisid allabariga nacasyada oo kale, maxaa yeelay, iyagu ma oga inay wax shar ah samaynayaan. Afkaaga ha ku degdegin, oo inaad Ilaah hortiisa wax kaga hadashid ha u dhaqsan, waayo, Ilaah samaduu joogaa, adna dhulkaad joogtaa, haddaba hadalkaagu ha yaraado. Waayo, riyo waxay ka dhalataa hawl badan, oo nacaska codkiisana waxaa lagu gartaa hadalkiisa badan. Markaad Ilaah nidar u nidartid waa inaadan inaad bixisid dib uga dhicin, waayo, isagu nacasyada kuma farxo ee wixii aad u nidartay bixi. Inaad nidar gasho oo aadan bixin waxaa ka wanaagsan inaadan waxba nidrin. Afkaaga ha u oggolaan inuu jidhkaaga dembaajiyo, oo malaa'igta horteedana ha ka odhan, Qalad bay ahaayeen. Bal maxaad Ilaah codkaaga ugu cadhaysiisaa si uu shuqulka gacmahaaga u baabbi'iyo? Waayo, riyooyin iyo erayo fara badanba waxaa ku jira wax badan oo aan waxtar lahayn, laakiinse adigu Ilaah ka cabso.

Galatiya 3:15-22

15 Walaalayaalow, sida dadkaan u hadlayaa, In kastoo ay tahay xataa axdiga dadka, mar haddii la hubiyo, lama buriyo, waxbana laguma daro. 16 Ballamada waxaa loo qaaday Ibraahim iyo kii ka soo farcamay. Lama odhan, Kuwa ka soo farcamay sida kuwa badan, laakiinse sidii mid keliya, oo ah kan ka soo farcamay, kaas oo ah Masiixa. 17 Waxaan leeyahay, Ilaah baa axdi hore u dhigay, oo sharcigii afar boqol iyo soddon sannadood dabadeed yimid ma buriyo axdigaas oo ballanka ma baabbi'iyo. 18 Waayo, haddii dhaxalka laga helo sharciga, ballanka lagama sii heleen; laakiinse Ilaah baa Ibraahim ballan ku siiyey.

Waxa Sharciga Loo Soo Dejiyey

19 Haddaba sharcigu waa maxay? Waxaa loogu daray xadgudubyo aawadood, ilaa farcankii loo ballanqaaday yimaado, oo waxaa xagga malaa'igaha lagaga amray dhexdhexaadiye gacantiis. 20 Dhexdhexaadiye mid keliyahu ma leh, laakiinse Ilaah waa mid keliya. 21 Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga. 22 Laakiin Qorniinku wax walba dembiguu ku hoos xidhay in ballanka rumaysadka ee Ciise Masiix la siiyo kuwa rumaystay.

Matayos 14:22-36

Ciise Baa Badda Ku Dul Socday(A)

22 Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale, intuu dadkii badnaa dirayo. 23 Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay. 24 Doonniduse durba wax badan ayay dhulka ka fogaatay oo hirarku waa dhibeen, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. 25 Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda. 26 Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen. 27 Markiiba Ciise waa la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina. 28 Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, haddaad tahay adiga, igu amar inaan biyaha kuugu dul imaado. 29 Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago. 30 Laakiin goortuu dabayshii arkay ayuu baqay, oo markuu bilaabay inuu dego ayuu qayliyey oo ku yidhi, Sayidow, i badbaadi, 31 oo markiiba Ciise gacantiisuu u taagay oo qabtay oo ku yidhi, Rumaysadyare yahow, maxaad u shakiday? 32 Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay. 33 Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.

Bogsiintii Dadkii Gennesared Joogay(B)

34 Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared. 35 Oo nimankii halkaas degganaa goortay garteen isaga, waxay cid u direen dalkaas ku wareegsan oo dhan, oo waxay u keeneen kuwa buka oo dhan, 36 oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya