Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
25 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
2 Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey,
Haddaba yaanan ceeboobin,
Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
3 Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo,
Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
4 Rabbiyow, jidadkaaga i tus,
Oo waddooyinkaagana i bar.
5 Runtaada igu hoggaami, oo i bar,
Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda,
Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
6 Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada,
Waayo, weligoodba way jireen.
7 Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii,
Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay,
Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
8 Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay,
Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
9 Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa,
Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
10 Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin
Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
11 Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis,
Waayo, aad buu u weyn yahay.
12 Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa?
Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
13 Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa,
Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
14 Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
15 Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga,
Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
16 Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso,
Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
17 Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen,
Cidhiidhigayga iga bixi.
18 Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga,
Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
19 Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin,
Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
20 Naftayda dhawr, oo i samatabbixi,
Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
21 Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen,
Waayo, adaan ku sugaa.
22 Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi
Dhibaatooyinkooda oo dhan.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Muutlabbeen.
9 Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahadnaqi doonaa,
Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
2 Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa,
Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.
3 Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan,
Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.
4 Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay,
Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.
5 Quruumaha ayaad canaanatay, oo kuwa sharka lehna waad baabbi'isay,
Oo magacoodiina waad tirtirtay weligiis iyo weligiis.
6 Cadaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba',
Oo magaalooyinkii aad afgembidayna
Xataa xusuustoodii waa baabba'day.
7 Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor,
Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.
8 Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa.
Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.
9 Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal.
Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,
10 Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan,
Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
11 Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya,
Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.
12 Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda,
Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
13 Rabbiyow, ii naxariiso,
Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan.
Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,
14 Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan,
Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
15 Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen,
Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
16 Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey,
Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)
17 Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool,
Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.
18 Waayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono,
Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.
19 Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan.
Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.
20 Rabbiyow, iyaga cabsi geli,
Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
15 Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya?
Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
2 Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya,
Oo qalbigiisa run kaga hadla.
3 Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman,
Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn,
Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
4 Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan,
Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada,
Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
5 Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod,
Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin.
Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.
Maahmaahyadii Sulaymaan
10 Maahmaahyadii Sulaymaan.
Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa,
Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.
2 Qasnadaha sharnimadu faa'iido ma leh,
Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
3 Kii xaq ah naftiisu inay gaajooto Rabbigu u oggolaan maayo,
Laakiinse doonista kuwa sharka leh ayuu ridaa.
4 Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa,
Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.
5 Kii guga wax soo urursadaa waa wiil caqli leh,
Laakiinse kii wakhtiga beergooyska seexdaa waa wiil ceeb sameeya.
6 Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa,
Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
7 Kan xaqa ah xusuustiisu barako bay leedahay,
Laakiinse kuwa sharka leh magacoodu waa qudhmi doonaa.
8 Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa,
Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
9 Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa;
Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.
10 Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa.
Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
11 Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed,
Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
12 Necbaantu waxay kicisaa isqabashada,
Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.
WARQADDII KOWAAD EE RASUUL BAWLOS U QORAY
TIMOTEYOS
Salaan, Iyo Ka-digidda Cilmiga Beenta Ah
1 Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah amarka Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo Ciise Masiix oo rajadeenna ah, 2 waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.
3 Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin, 4 ama ayan dhegaysanin sheekooyin iyo abtirsiinyada aan dhammaadka lahayn oo keena su'aalo intay hor marin lahaayeen talada Ilaah oo rumaysadka ku jirta. 5 Laakiin amarka dhammaadkiisu waa jacayl ka soo baxa qalbi daahir ah iyo niyo wanaagsan iyo rumaysad aan labaweji lahayn. 6 Waxyaalahan qaar baa seegay, oo waxay ku leexdeen hadal aan micne lahayn, 7 oo waxay doonayaan inay noqdaan macallimiinta sharciga in kastoo ayan garanayn waxay yidhaahdaan ama waxay ku xaqiiqeeyaan. 8 Waxaynu og nahay in sharcigu wanaagsan yahay haddii loo isticmaalo si sharciga ku qumman. 9 Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha, 10 iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah, 11 oo ah sida injiilka ammaanta Ilaaha barakada leh oo laygu ammaaneeyey.
Bawlos Baa Ilaah Naxariistiisa U Mahadnaqay
12 Waxaan ku mahadnaqayaa kan xoogga i siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay, 13 in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn. 14 Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix. 15 Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran. 16 Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan. 17 Boqorka daa'imiska ah, oo aan dhiman karin, oo aan la arki karin, oo ah Ilaaha keligiis ah, maamuus iyo ammaanu ha u ahaadeen weligiis iyo weligiis. Aamiin.
Ciise Iyo Be'elsebul(A)
22 Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay. 23 Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud? 24 Laakiin Farrisiintu goortay maqleen, waxay yidhaahdeen, Kanu jinniyada wax kale kuma saaro Be'elsebul oo ah madaxda jinniyada maahee. 25 Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cid la' bay noqotaa, oo magaalo walba iyo guri walba oo kala qaysamaa, ma taagnaan doonaan. 26 Haddii Shayddaan Shayddaan saaro, waa kala qaybsamaa. Haddaba boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa? 27 Oo anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinnu yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna. 28 Laakiin haddaan jinniyada ku saaro Ruuxa Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.
29 Ama qof sidee buu kan xoog leh gurigiisa u geli karaa oo alaabtiisa u dhici karaa, haddaanu kolkii hore kan xoogga leh xidhin? Markaasuu gurigiisa dhici doonaa. 30 Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa. 31 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono. 32 Ku alla kii ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah waa loo cafiyi doonaa, laakiin ku alla kii ku hadla hadal Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono wakhtigan iyo wakhtiga iman doona.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya