Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 118

118 Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday,
Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono,
Bal maxaa dad igu samayn karaa?
Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya,
Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.
Intii dad lagu kalsoonaan lahaa
Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa
Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
10 Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
11 Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
12 Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
13 Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed,
Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.
14 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
15 Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
16 Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
17 Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa,
Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
18 Rabbigu aad buu ii edbiyey,
Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
19 Irdaha xaqnimada iga fura,
Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.
20 Tanu waa iriddii Rabbiga,
Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
21 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay,
Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
22 Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
23 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid,
Oo waa ku yaab indhahayaga.
24 Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey,
Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
25 Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi,
Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
26 Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya,
Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.
27 Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin,
Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geeseheeda.
28 Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa,
Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.
29 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.

Sabuurradii 145

Kanu waa sabuur ammaan ah oo Daa'uud tiriyey.

145 Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano,
Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.
Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa,
Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.
Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada,
Iyo shuqulladaada yaabka badan.
Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan,
Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa,
Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.
Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad,
Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay,
Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
10 Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
11 Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada,
Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
12 Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn,
Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
13 Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah,
Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
14 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan,
Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
15 Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan,
Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
16 Gacantaadaad furtaa,
Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
17 Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay,
Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
18 Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan,
Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
19 Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa,
Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
20 Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa,
Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.
21 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga,
Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.

Sharciga Kunoqoshadiisa 16:9-12

Iidda Toddobaadyada

Waxaad tirsataan toddoba toddobaad, oo hadhuudhka taagan markaad manjada ku bilowdaan kolkaas waa inaad bilowdaan inaad tirsataan toddoba toddobaad. 10 Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo. 11 Midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo kii reer Laawi oo irdihiisa ku jira, iyo qariibka, iyo agoonta iyo carmalka idin dhex joogaaba waa inay ku wada farxaan Rabbiga Ilaahooda ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahooda ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo. 12 Oo waa inaad xusuusnaataan inaad addoommo ku ahaydeen dalkii Masar, oo waa inaad dhawrtaan oo samaysaan qaynuunnadan.

Falimaha Rasuullada 4:18-21

18 Markaasay u yeedheen oo ku amreen inayan aslanba Ciise magiciisa ku hadlin, waxna ku barin. 19 Laakiin Butros iyo Yooxanaa ayaa u jawaabay iyagii oo ku yidhi, Idinku kala xukuma inay Ilaah hortiisa ku qumman tahay inaannu idinka idin maqallo intaannu Ilaah maqli lahayn, iyo in kale; 20 waayo, waxyaalihii aannu aragnay oo maqallay iskama dayn karno inaannu ka hadalno. 21 Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

Falimaha Rasuullada 4:23-33

Butros Iyo Yooxanaa Waxay Ku Noqdeen Saaxiibbadood

23 Markii la sii daayay ayay intoodii kale u yimaadeen oo uga warrameen wixii wadaaddada sare iyo waayeelladu ku yidhaahdeen oo dhan. 24 Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan; 25 kii Ruuxa Quduuska ah kaga hadlay afkii awowahayo Daa'uud oo ahaa midiidinkaagii oo yidhi,

Quruumuhu maxay u cadhoodeen,
Dadkuna maxay ugu fikireen wax aan waxba ahayn?
26 Boqorrada dhulku col bay u taagnaayeen.
Taliyayaashuna intay is-urursadeen
Ayay waxay caasi ku noqdeen Rabbiga iyo Masiixiisa;

27 waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen, 28 inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan. 29 Laakiin Rabbiyow, eeg, way na cabsiinayaane; haddaba addoommadaada sii dhiirranaan oo dhan oo ay ereygaaga ku sheegaan, 30 intii aad gacantaada u soo fidinaysid si aad ugu bogsiisid, si calaamooyin iyo yaabab ugu samaysmaan magaca Midiidinkaaga quduuska ah Ciise. 31 Oo markay tukadeen dabadeed, meeshay ku urursanaayeen baa gariirtay; oo dhammaantood waxaa ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo ereygii Ilaah bay dhiirranaan ugu hadleen.

Wax Waluba Xertii Bay Ka Dhexeeyeen

32 Oo intoodii badnayd oo rumaysatay isku qalbi iyo naf bay ahaayeen; midkoodna ma odhan, Waxaan leeyahay waa waxaygii, laakiin wax waluba waa ka dhexeeyeen. 33 Oo rasuulladu xoog weyn bay sarakicidda Rabbi Ciise uga marag fureen; oo nimco badan baa dhammaantood ku soo dul degtay.

Yooxanaa 4:19-26

19 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay. 20 Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo. 21 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba. 22 Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda. 23 Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale. 24 Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta. 25 Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa. 26 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya