Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.
78 Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta,
Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
2 Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal,
Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
3 Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin,
Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
4 Ka qarin mayno carruurtooda,
Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa,
Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.
5 Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay,
Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey,
Kaasoo uu ku amray awowayaasheen,
Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,
6 Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa,
Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,
7 Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan,
Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii,
Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,
8 Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon
Farcan madax adag oo caasi badan,
Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn,
Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn.
9 Reer Efrayim iyagoo hub iyo qaansooyin sita
Ayay maalintii dagaalka dib u noqdeen.
10 Axdigii Ilaah ma ay xajin,
Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan,
11 Oo waxay illoobeen falimihiisa
Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay.
12 Waxyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey,
Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan.
13 Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey,
Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan.
14 Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur,
Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.
15 Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada,
Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.
16 Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro,
Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.
17 Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan,
Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.
18 Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda
Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.
19 Oo Ilaah bay wax ka sheegeen,
Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?
20 Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen
Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay,
Haddaba miyuu kibisna bixin karaa?
Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?
21 Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday,
Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay,
Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,
22 Maxaa yeelay, Ilaah ma ay rumaysan,
Oo badbaadintiisana iskuma ay hallayn.
23 Laakiin isagu wuxuu amray cirka sare
Oo albaabbadii samadana wuu furay;
24 Oo wuxuu ku soo daayay maanna ay cunaan,
Oo wuxuu iyagii wax ka siiyey hadhuudhkii samada.
25 Dadkii waxay cuneen kibistii malaa'igaha,
Oo weliba wuxuu iyaga u soo diray hilib ay ka dhergaan.
26 Isagu wuxuu samada ka kiciyey dabaysha bari,
Oo dabaysha koonfureedna xooggiisuu ku hoggaamiyey.
27 Oo korkoodana hilib buu ugu soo daadiyey sidii ciidda oo kale,
Oo wuxuu ku soo daayay haad baalal leh oo ah sidii cammuudda badaha,
28 Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda,
Iyo rugahooda hareerahooda.
29 Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen,
Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.
30 Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin,
Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,
31 Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday,
Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa,
Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil.
32 In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen,
Weli way sii dembaabeen,
Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.
33 Sidaas daraaddeed maalmahoodii wuxuu ku dhammeeyey wax aan waxtar lahayn,
Cimrigoodiina cabsi.
34 Markii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen,
Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen.
35 Oo waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa,
Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda.
36 Laakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda,
Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen.
37 Waayo, qalbigoodu xaggiisa kuma hagaagsanayn,
Oo axdigiisiina daacad uma ay ahayn.
38 Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii,
Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey,
Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.
39 Oo wuxuu xusuustay inay iyagu yihiin binu-aadmi,
Iyo dabayl iska gudubta oo aan mar dambe soo noqon.
40 Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen,
Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!
41 Oo haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah,
Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa'iil Kooda Quduuska ah.
42 Sooma ay xusuusan gacantiisii,
Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona,
43 Iyo xataa siduu calaamooyinkiisii Masar ugu dhex sameeyey,
Yaababkiisiina berrinkii Socan.
44 Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay,
Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.
45 Wuxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen,
Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi'iyeen.
46 Oo weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir,
Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax.
47 Geedcanabkoodii wuxuu ku baabbi'iyey roobdhagaxyaale,
Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi'iyey sayax barafoobay.
48 Xoolahoodii wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaalaha,
Adhyahoodiina danabyo kulul.
49 Oo wuxuu ku soo daayay kulaylkii cadhadiisa,
Iyo xanaaq, iyo dhirif, iyo dhib,
Iyo guuto ah malaa'igo shar ah.
50 Isagu cadhadiisii wadduu u sameeyey,
Oo naftoodiina dhimasho ugama uu lexejeclaan,
Laakiinse noloshoodii wuxuu u daayay belaayada,
51 Oo wuxuu dalkii Masar ku laayay curadyadii oo dhan,
Kuwaas oo ahaa xooggoodii u horreeyey oo uu ku dhex laayay teendhooyinkii Xaam,
52 Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay,
Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.
53 Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin,
Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.
54 Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah,
Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay.
55 Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha,
Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey.
Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.
56 Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya,
Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,
57 Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen,
Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan.
58 Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare,
Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.
59 Ilaah markuu taas maqlay ayuu cadhooday,
Oo aad buu reer binu Israa'iil u karhay,
60 Sidaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey,
Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay,
61 Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo,
Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii.
62 Dadkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef,
Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii.
63 Raggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay,
Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin.
64 Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef,
Carmalladoodiina uma ay barooran.
65 Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay,
Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis.
66 Cadaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey,
Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn.
67 Oo weliba wuu diiday teendhadii reer Yuusuf,
Qabiilkii reer Efrayimna ma uu dooran,
68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah,
Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday.
69 Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare,
Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.
70 Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud,
Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha,
71 Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay,
Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.
72 Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa,
Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.
Abaalmarintii Addeecidda
26 Waa inaydaan sanamyo samaysan, ama aydaan qotonsan ekaan la qoray amase tiir, oo waa inaydaan dalkiinna dhagax la qoray u dhex dhigin inaad u sujuuddaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 2 Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga ayaa Rabbiga ah.
3 Haddaad qaynuunnadayda ku socotaan, oo aad amarradayda dhawrtaan oo yeeshaan, 4 markaasaan roobkiinna idin siinayaa xilligiisa, oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, dhirta duurkuna midhahooday dhali doonaan. 5 Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan. 6 Oo anigu waxaan dalka idinku siin doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna innaba ma dhex mari doonto. 7 Oo idinku cadaawayaashiinnaad eryan doontaan, oo iyana hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan. 8 Oo shan idinka ahu boqol nin bay eryan doonaan, oo boqol idinka ahuna toban kun oo nin bay eryan doonaan, oo cadaawayaashiinnuna hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan. 9 Oo anigu waan idiin soo jeesan doonaa, waanan idin badin doonaa oo idin tarmin doonaa, oo axdigaygii aan idinla dhigtayna waan sii adkayn doonaa. 10 Oo waxaad cuni doontaan midhihii hore oo aad wakhti dheer kaydsateen, oo waxaad soo bixin doontaan midhihii hore si aad kuwa cusub meel ugu heshaan. 11 Oo anna taambuuggaygaan idinka dhex dhisan doonaa, oo naftayduna idinma karhi doonto. 12 Oo dhexdiinnaan ku socon doonaa, oo Ilaahiinnaan ahaan doonaa, oo idinkuna dadkaygaad ahaan doontaan. 13 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo idiinka soo bixiyey dalkii Masar si aydaan u sii ahaan addoommadoodii. Qataarradii harqoodkiinna waan idinka jebiyey, oo waxaan idinka dhigay inaad madaxfurnaan ku socotaan.
Ciqaabtii Caasiyiinta
14 Laakiinse haddaad i dhegaysan weydaan, oo aydaan amarradan oo dhan wada yeelin, 15 iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan, 16 markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna. 17 Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn. 18 Oo weliba haddaydnan waxyaalahaas daraaddood ii dhegaysan, haddana toddoba jeer oo kale ayaan dembiyadiinna aawadood idiin edbin doonaa. 19 Waanan jebin doonaa kibirka xooggiinna, oo samadiinnana waxaan ka dhigi doonaa sida bir oo kale, dhulkiinnana sida naxaas oo kale. 20 Oo xooggiinnuna waxtarla'aan buu idinkaga dhammaan doonaa, waayo, dhulkiinnu midho ma dhali doono, oo dhirta dalka ku taalna midho kama soo bixin doonaan.
Caabudidda
2 Sidaas daraaddeed ugu horraysta waxaan kugu waaninayaa inaad Ilaah u baridid, oo aad u tukatid, oo aad u ducaysid, oo aad u mahadnaqdid dadka oo dhan, 2 khusuusan boqorrada iyo kuwa amarka lehba, inaynu nolol xasilloon oo nabdaysan ku noolaanno, innagoo si walba cibaado iyo maamuus u leh. 3 Taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu aqbali karo. 4 Wuxuu doonayaa in dadka oo dhammu badbaado oo ay runta gartaan. 5 Waayo, waxaa jira Ilaah keliya iyo dhexdhexaadiye keliya oo u dhexeeya Ilaah iyo dadka, waana ninka Ciise Masiix ah, 6 oo naftiisii dadka oo dhan furashadooda u bixiyey, oo wakhtigiisii qummanaa loo markhaati furay.
Micnaynta Masaalka Beerreyga(A)
18 Haddaba maqla masaalkii beerreyga. 19 Mid kasta oo hadalka boqortooyada maqla oo aan garan, waxaa u yimaada kan sharka leh oo ka dhifta wixii qalbigiisa lagu beeray. Waa kan kii jidka geestiisa lagu beeray. 20 Oo kii meelaha dhagaxa ah lagu beeray waa kan hadalka maqla oo kolkiiba farxad ku qaata. 21 Xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar buu sii jiraa, oo goortii dhib ama silec ugu dhaco erayga aawadiis, markiiba waa ka xumaadaa. 22 Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalka maqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaa hadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan. 23 Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan erayga maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya