Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim Ceduud.
80 Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow,
Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow,
Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.
2 Reer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici,
Oo kaalay oo na badbaadi.
3 Ilaahow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
4 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow,
Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?
5 Waxaad ku quudisay kibistii ilmada,
Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.
6 Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada,
Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.
7 Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
8 Geed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay,
Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.
9 Meel baad hortiisa ku diyaarisay,
Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.
10 Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii,
Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.
11 Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda,
Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.
12 Bal maxaad deyrkiisii u dumisay
Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?
13 Waxaa kharriba doofaarka kaynta,
Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.
14 Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo,
Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,
15 Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay,
Iyo laantii aad adkaysatay.
16 Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay,
Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.
17 Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga,
Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.
18 Markaas dib kaaga noqon mayno,
Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.
19 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.
77 Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa,
Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
2 Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka,
Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan,
Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
3 Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa,
Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)
4 Indhahaygii waad soo jeedisay,
Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.
5 Waxaan ka fikiray wakhtigii hore,
Iyo sannadihii waa hore ahaa.
6 Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga,
Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga,
Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.
7 Sayidku weligiisba ma i xoorayaa?
Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?
8 Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba?
Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?
9 Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan?
Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)
10 Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda,
Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.
11 Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa,
Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
12 Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan,
Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
13 Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah,
Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
14 Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya,
Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
15 Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay,
Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)
16 Ilaahow, biyuhu way ku arkeen,
Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen,
Oo moolalkuna way gariireen.
17 Daruuruhuna biyay soo daayeen,
Cirkuna wuxuu diray dhawaaq,
Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
18 Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta,
Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida,
Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
19 Jidkaaguna badduu dhex maray,
Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan,
Oo raadadkaagana lama aqoon.
20 Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale,
Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
79 Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii,
Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen,
Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.
2 Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada,
Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.
3 Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale,
Cid aastaana ma jirin.
4 Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii,
Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.
5 Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa?
Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?
6 Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon,
Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin.
7 Waayo, waxay laayeen reer Yacquub,
Rugtoodiina way baabbi'iyeen.
8 Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo,
Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado,
Waayo, aad baa lanoo dhibay.
9 Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi,
Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.
10 Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh?
Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii
Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.
11 Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado,
Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.
12 Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaalmari,
Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.
13 Haddaba annagoo ah dadkaaga iyo idihii daaqsintaada
Waannu kugu mahadnaqaynaa weligayo,
Oo ammaantaada waannu ka sheekaysan doonnaa tan iyo ka ab ka ab.
35 Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo, oo intuu ku ag joogo masruufkiisa waayo, adigu waa inaad taageertaa, oo isagu waa inuu kuula degganaado sidii shisheeye iyo nin socoto ah. 36 Oo waa inaadan isaga ka qaadan korsocod ama wax dheeraad ah toona, laakiinse Ilaahaaga ka cabso, oo walaalkaa ha kula degganaado. 37 Oo waa inaadan lacagtaada korsocod ku deymin, ama aadan quudkaaga u siin si aad wax dheeraad ah kaga qaadatid. 38 Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inaan idin siiyo dalka Kancaan oo aan Ilaah idiin noqdo aawadeed.
39 Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale, 40 laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah, 41 oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis. 42 Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo. 43 Waa inaadan cadaadis ugu talin, laakiinse Ilaahaaga ka cabso. 44 Oo ragga iyo dumarka addoommada ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan. Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah. 45 Oo weliba waxaad ka iibsataan shisheeyayaasha idin dhex deggan iyo reerahooda idinla joogaba, kuwaasoo ay dalkiinna ku dhaleen, oo waxay ahaan doonaan hantidiin. 46 Oo iyaga waa inaad dhaxal uga dhigtaan carruurtiinna idinka dambaysa, si ay iyana hanti ahaan ugu haystaan; oo iyagu waa kuwa aad weligiin addoommo ka dhiganaysaan, laakiinse walaalihiinna reer binu Israa'iil waa inaan midkiinna midka kale cadaadis ugu talin.
47 Oo haddii shisheeye ama socoto kula joogo uu taajir noqdo, oo walaalkaana uu agtiisa miskiin ku noqdo oo uu markaas iska iibiyo shisheeyaha ama socotada kula jooga amase shisheeyaha qoladiisii, 48 markii la iibiyo dabadeed waa la soo furan karaa. Walaalihiis mid ka mid ahu waa soo furan karaa, 49 ama adeerkiis ama ina-adeerkiis way soo furan karaan, amase midkii xigaal u dhow ah oo qoladiisa ahu waa soo furan karaa, amase isaga qudhiisu hadduu taajir noqdo waa isfuran karaa. 50 Isaga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga shaqaale la kiraysto. 51 Oo haddii sannado badanu ay weli dhiman yihiin, inta ay yihiin oo kale iyaga ha uga celiyo qiimihii furashadiisa oo ha uga bixiyo lacagtii lagu iibsaday. 52 Laakiinse haddii sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii furashadiisa. 53 Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin. 54 Oo isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba. 55 Waayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
Ciise Masiix Wuxuu Yahay Iyo Wuxuu Sameeyey
9 Sababtaas daraaddeed tan iyo maalintii aannu taas maqalnay ma aannu joojin inaannu idiin soo ducayno. Waxaannu Ilaah idiin baryaynaa inay idinka buuxsanto aqoonta doonistiisa xagga xigmadda iyo waxgarashada Ruuxa oo dhan, 10 inaad u socotaan si Rabbiga istaahisha oo aad wax kasta isaga kaga farxisaan, idinkoo midho ku soo saaraya shuqul kasta oo wanaagsan oo ku sii kordhaya aqoonta Ilaah. 11 Weliba waxaannu Ilaah baryaynaa inaad ku xoogaysataan xoog oo dhan sida uu yahay itaalka ammaantiisu xagga adkaysashada iyo dulqaadashada farxaddu la jirto oo dhan. 12 Mahad baannu u naqaynaa Aabbaha inaga dhigay kuwa istaahila inay ka qayb qaataan dhaxalka quduusiinta nuurka ku jirta. 13 Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa, 14 kaas oo aynu ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafka.
Masaalka Ku Saabsan Beerreyga(A)
13 Maalintaas Ciise ayaa guriga ka baxay oo fadhiistay badda agteeda, 2 oo waxaa u soo ururay dad faro badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay oo fadhiistay, dadkii badnaa oo dhammuna xeebtay taagnaayeen. 3 Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerrey baa baxay inuu wax beero, 4 oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay. Kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen. 5 Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn, 6 laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn. 7 Qaar kalena waxay ku dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay. 8 Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon. 9 Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
Sida Loo Isticmaalo Masaallada(B)
10 Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Maxaad masaallo ugula hadashaa? 11 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo. 12 Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto. 13 Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan. 14 Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh,
Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan,
Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.
15 Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday,
Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan,
Indhahoodana way isku qabteen;
Si aanay indhaha wax ugu arkin,
Oo dhegaha wax ugu maqlin,
Oo qalbiga wax ugu garan,
Si aanay u soo noqon,
Oo aanan u bogsiin.
16 Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya