Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 75-76

Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed.

75 Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa,
Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay,
Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
Wakhtiga aan qawimay,
Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen,
Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)
Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina,
Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
Geeskiinna kor ha u taagina,
Oo madaxadayg ha ku hadlina.
Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed,
Ama xataa xagga koonfureed toona.
Laakiinse Ilaah baa xaakin ah,
Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri,
Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa,
Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa,
Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
10 Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa,
Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.

Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

76 Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan,
Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.
Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem,
Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.
Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada,
Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba. (Selaah)
Adigu waxaad ka ammaan iyo haybad badan tahay buuraha ugaadha leh.
Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een,
Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.
Ilaaha Yacquubow, canaantaadii aawadeed
Ayaa gaadhifardood iyo fardoba waxay kula dhex dheceen hurdo weyn.
Adigase waa in lagaa cabsadaa,
Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
Waxaad ka dhigtay in xukun samada laga maqlo,
Oo dhulkiina waa baqay, oo wuu aamusay,
Markuu Ilaah xukunka u sara kacay
Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan. (Selaah)
10 Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa,
Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.
11 Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya,
Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.
12 Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda,
Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.

Sabuurradii 23

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

23 Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.
Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis,
Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
Naftayda wuu soo celiyaa.
Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.
In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada,
Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa,
Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.
Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis,
Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.
Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis,
Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.

Sabuurradii 27

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

27 Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa?
Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?
Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan,
Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen.
In kastoo ciidan col ah i ag dego,
Qalbigaygu cabsan maayo,
In kastoo dagaal igu soo kaco,
Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.
Wax keliya ayaan Rabbiga ka baryay, oo taas aad baan u doonayaa,
Waana inaan cimrigayga oo dhan dhex degganaado guriga Rabbiga,
Oo aan fiiriyo Rabbiga quruxdiisa, oo aan wax ku baryo macbudkiisa.
Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa,
Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa,
Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.
Imminka waxaa madaxayga laga sarraysiin doonaa cadaawayaashayda igu wareegsan,
Oo waxaan taambuugga Rabbiga ku dhex bixin doonaa allabari dhawaaq farxadeed leh,
Waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan Rabbiga ugu gabyi doonaa.
Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal,
Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.
Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi,
Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.
Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin,
Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin,
Caawimaad baad ii ahayde,
Ha i xoorin, hana i dayrin.
10 Waayo, aabbahay iyo hooyaday way i dayriyeen,
Laakiinse Rabbigaa i qaadan doona.
11 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood
Jidkaaga i bar,
Oo igu hoggaami waddo bannaan.
12 Oo gacanta ha ii gelin cadaawayaashayda,
Waayo, waxaa igu kacay markhaatiyaal been ah iyo kuwa nacweynaanta ku hadla.
13 Waan itaal darnaan lahaa haddaanan rumaysnayn
Inaan wanaagga Rabbiga ku arkayo dalka kuwa nool.
14 Rabbiga sug,
Adkayso, oo qalbigaagu ha dhiirranaado,
Haah, Rabbiga sug.

Laawiyiintii 23:23-44

Iidda Buunanka

23 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 24 Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bisha toddobaad maalinteeda kowaad waxay idiin ahaan doontaa nasasho weyn oo ah buunafuufid xusuus ah, iyo shir quduus ah. 25 Oo innaba waa inaydaan shuqul adag qaban, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo.

Maalintii Kafaaraggudka

26 Markaasa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 27 Habase yeeshee bishan toddobaad maalinteeda tobnaad waa maalinta kafaaraggudka. Oo waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan; oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo. 28 Oo isla maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, waayo, taasu waa maalintii kafaaraggudka in kafaaraggud laydiinku sameeyo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa. 29 Oo qof kasta ha ahaadee kii aan maalintaas la dhibin, dadkiisa waa in laga gooyaa. 30 Oo qof kasta ha ahaadee kii maalintaas wax shuqul ah qabtaa cayn kastoo uu yahayba, qofkaas ayaan ka dhex baabbi'in doonaa dadkiisa. 31 Waa inaydaan innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, oo kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba. 32 Oo dharaartaasu waxay idiin ahaan doontaa sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Oo bisha maalinteeda sagaalaad waa inaad dhawrtaan sabtidiinna tan iyo fiid ilaa ka fiid.

Iiddii Waababka

33 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 34 La hadal dadka reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bishan toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa Iiddii Waababka oo waa in toddoba maalmood Rabbiga loo iidaa. 35 Maalinta kowaad waa inay shir quduus ah ahaataa, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban. 36 Oo intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo, dharaartaasu waa shir quduus ah.

37 Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo. 38 Oo kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan.

39 Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn. 40 Oo maalinta kowaad waxaad soo qaadataan midhaha dhirta wanaagsan, iyo laamo cawbaar ah, iyo dhir waaweyn laamaheed, iyo safsaafka durdurka, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku rayraysaan intii toddoba maalmood ah. 41 Oo sannaddiiba toddoba maalmood waa inaad Rabbiga iid u qabataan, oo kaasu waa qaynuun weligiisba idiin jira tan iyo ab ka ab; oo iiddaas waa inaad bisha toddobaad dhawrtaan. 42 Intii toddoba maalmood ah waa inaad waabab ku hoyataan, oo kulli reer binu Israa'iilka waddaniga ah oo dhammu waa inay waabab ku hoydaan, 43 si farcankiinna dambe u ogaado inaan reer binu Israa'iil waabab ku hoyiyey markaan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 44 Oo Muusena wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay iidihii Rabbiga oo la amray.

2 Tesaloniika 3

Noo Soo Duceeya

Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Noo soo duceeya in ereyga Rabbigu dhaqso u faafo oo loo ammaano sida dhexdiinna loogu ammaano, oo lanaga badbaadiyo dadka qalloocan oo sharka ah, waayo, rumaysad lama wada laha. Laakiinse Rabbigu waa aamin; wuuna idin xoogayn doonaa, sharkana wuu idinka ilaalin doonaa. Xaggiinnana Rabbiga waannu aaminsan nahay inaad samaysaan oo aad samayn doontaan wixii aannu idinku amarno. Rabbigu qalbiyadiinna ha ku toosiyo jacaylka Ilaah iyo dulqaadashada Masiixa.

Waxaa Waajib Ah In La Shaqaysto

Hadda walaalayaalow, waxaannu magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinku amraynaa inaad ka fogaataan walaal kasta oo si aan hagaagsanayn u socda oo aan ku soconayn cilmigii ay naga heleen. Waayo, idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sida idinku waajibka ah inaad nagu dayataan; waayo, si aan hagaagsanayn uma aannu socon markaannu idin dhex joognay. Ninnana kama aannu cunin kibis aannan wax ka bixin, laakiin dhib iyo daal ayaannu ku shaqaysannay habeen iyo maalinba inaannan midkiinna culaysin; mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan. 10 Waayo, xataa markaannu idinla joognay, waxaannu idinku amarnay, Mid hadduusan doonayn inuu shaqeeyo yuusan waxba cunin. 11 Laakiin waxaannu maqalnay inay idin dhex joogaan kuwo si aan hagaagsanayn u socda oo aan innaba shaqayn, laakiin axwaalka dadka kale faraggeliya. 12 Kuwa caynkaas ah waxaannu Rabbi Ciise Masiix ku amraynaa oo ku waaninaynaa inay xasilloonaan ku shaqaystaan oo kibistooda cunaan. 13 Idinkuse, walaalayaalow, wanaagfallidda ha ka qalbi jabina. 14 Haddii nin addeeci waayo waxaannu warqaddan ku qornay, ninkaas iska jira oo ha raacina si uu isugu yaxyaxo. 15 Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya.

Duco

16 Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.

17 Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa; waana u calaamo warqad kasta oo tayda ah. Sidaasaan u qoraa. 18 Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin.

Matayos 7:13-21

Labada Jid(A)

13 Iridda cidhiidhsan ka gala, waayo, iriddu waa weyn tahay, jidkuna waa ballaadhan yahay kan xagga baabbi'idda u kaca, oo kuwa ka galaa waa badan yihiin. 14 Waayo, iriddu waa cidhiidhsan tahay, jidkuna waa yar yahay kan xagga nolosha u kaca, kuwa helaana waa yar yihiin.

Runta Iyo Beenta(B)

15 Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa. 16 Midhahooda ayaad ku garan doontaan. Canab ma laga guraa geed qodxan leh? Berdena ma laga guraa yamaarugga? 17 Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa. 18 Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo. 19 Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa. 20 Sidaa darteed waxaad iyaga ku garanaysaan midhahooda.

Hadallada Iyo Falimaha(C)

21 Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya