Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
61 Ilaahow, qayladayda maqal,
Oo baryadaydana dhegta u dhig.
2 Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya,
Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.
3 Waayo, waxaad ii ahayd magangal,
Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
4 Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga,
Oo waxaan magangeli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)
5 Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay,
Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.
6 Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa,
Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.
7 Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa,
Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.
8 Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa,
Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.
62 Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya,
Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.
2 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
3 Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan,
Inaad kulligiin isaga dumisaan,
Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?
4 Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan,
Oo waxay ku farxaan beensheegidda,
Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)
5 Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug,
Waayo, isagaan wax ka filanayaa.
6 Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah,
Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
7 Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah,
Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.
8 Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba,
Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa,
Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah. (Selaah)
9 Hubaal dad gun ahu waa xumbo,
Oo dad gob ahuna waa been,
Markii la miisaamo way kor mari doonaan,
Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
10 Dulmiga ha isku hallaynina,
Waxdhiciddana ha ku kibrina.
Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.
11 Ilaah mar buu hadlay,
Oo laba goor baan maqlay,
In Ilaah xoogga iska leeyahay,
12 Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay,
Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.
Kanu waa sabuur gabay ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
68 Ilaah ha sara joogsado, oo cadaawayaashiisuna ha kala firdheen,
Kuwa necebuna hortiisa ha ka carareen.
2 Sida qiiqu u kala firdho, iyagana sidaasoo kale u kala firdhi,
Sida shamacu dabka ugu dhalaalo,
Sidaasoo kale kuwa sharka lahu Ilaah hortiisa ha ku baabbe'een.
3 Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen,
Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen.
4 Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya,
Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala,
Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.
5 Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay
Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda.
6 Kuwa cidlaysan Ilaah reero ayuu u yeelaa,
Oo maxaabiistana intuu soo bixiyo ayuu barwaaqo dhex geeyaa,
Laakiinse caasiyiintu waxay degganaadaan dhul oommane ah.
7 Ilaahow, markaad dadkaaga hor kacday,
Markaad lamadegaanka ku dhex socotay, (Selaah)
8 Dhulku waa gariiray,
Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa,
Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil.
9 Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan,
Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay.
10 Ururkaagu halkaasuu dhex degganaa,
Ilaahow, wanaaggaaga aawadiis wax baad u diyaarisay masaakiinta.
11 Sayidku wuxuu bixiyey erayga,
Kuwa warka faafiyaana waa guuto weyn.
12 Boqorrada ciidammadu way cararaan, way cararaan,
Oo tan guriga ku hadha ayaa dhaca qaybisa.
13 Xeryaha idaha miyaad iska dhex jiifaysaan,
Sidii baadad qoolley oo lacag lagu dahaadhay,
Iyo baalasheeda oo dahab cas lagu dahaadhay?
14 Markii Qaadirku boqorrada halkaas ku kala dhex firdhiyey,
Waxay ahayd sida marka baraf cad ku da'o Salmoon.
15 Buur Ilaah waxaa ah Buur Baashaan.
Oo buur dheer waxaa ah Buur Baashaan.
16 Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan
Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto?
Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.
17 Ilaah gaadhifardoodyadiisu waa labaatan kun, iyo xataa kumanyaal iyo kumaankun,
Sayidku wuu ku dhex jiraa iyaga, siduu Siinay ugu jiri jiray xagga meesha quduuska ah.
18 Adigu kor baad u baxday, oo waxaad qabatay oo kaxaysay kuwii maxaabiista ahaan jiray.
Oo waxaad hadiyado ka qaadatay dadka dhexdiisa,
Iyo xataa caasiyiintaba, in Rabbiga Ilaah ahu halkaas joogo aawadeed.
19 Waxaa mahad leh Sayidka maalin kasta culaabteenna inoo qaada,
Kaasoo ah Ilaaha ina badbaadiya. (Selaah)
20 Ilaah wuxuu inoo yahay Ilaaha samatabbixinta,
Ilaaha Sayidka ah ayaa iska leh dhimashada kabixiddeeda.
21 Laakiinse Ilaah wuxuu wax ku dhufan doonaa madaxa cadaawayaashiisa,
Iyo dhalada timaha leh oo kan xadgudubyadiisa ku sii socdaba.
22 Sayidku wuxuu yidhi, Waxaan iyaga ka soo celin doonaa xagga Baashaan,
Oo waxaan ka soo bixin doonaa badda moolkeeda,
23 Inaad cagtaada dhiig darsatid,
Iyo in eeyahaaga carrabkoodu uu qayb ka helo cadaawayaashaada.
24 Ilaahow, waxay arkeen tegiddaadii,
Taas oo ah tegiddii Ilaahay oo ah Boqorkayga oo uu galay meesha quduuska ah.
25 Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen,
Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
26 Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow,
Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah.
27 Waxaa jooga Benyaamiin yar oo ah taliyahooda,
Iyo amiirrada reer Yahuudah iyo guddigooda,
Iyo amiirrada reer Sebulun iyo amiirrada reer Naftaali.
28 Ilaahaagu xooggaaguu amray,
Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee.
29 Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis
Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.
30 Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira,
Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka
Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah,
Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
31 Masar waxaa ka iman doona amiirro,
Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.
32 Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya,
Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)
33 Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray,
Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay.
34 Ilaah xoog ka sheega,
Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil,
Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.
35 Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado,
Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal.
Mahad waxaa leh Ilaah.
20 Oo markuu dhammaystiro kafaaraggudka uu u samaynayo meesha quduuska ah, iyo teendhada shirka, iyo meesha allabarigaba waa inuu orgiga nool keenaa. 21 Oo markaas Haaruun waa inuu labadiisa gacmoodba kor saaraa madaxa orgiga nool, oo waa inuu korkiisa ku qirtaa xumaatooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo xadgudubyadoodii oo dhan, oo ah xataa dembiyadoodii oo dhan, oo waxaas oo dhan waa inuu kor saaraa orgiga madaxiisa, dabadeedna waa inuu cidlada ugu diraa nin diyaarsan. 22 Oo orgiguna xumaatooyinkoodii oo dhan wuxuu u qaadayaa dhul cidla ah, oo markaas waa inuu orgiga ku sii daayaa cidlada dhexdeeda. 23 Markaas Haaruun waa inuu teendhada shirka galaa, oo waa inuu iska furaa dharka wanaagsan oo linenka ah, oo uu gashaday markuu galay meesha quduuska ah, oo waa inuu dharka halkaas kaga tagaa, 24 oo waa inuu meel quduus ah ku maydhaa, oo uu dharkiisii soo gashadaa, oo dibadda u soo baxaa, oo bixiyaa qurbaankiisii la gubayo iyo qurbaankii dadka oo la gubayoba, oo kafaaraggudna waa inuu u sameeyaa nafsaddiisa iyo dadka daraaddiisba. 25 Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa. 26 Oo kii Casaaseel orgiga u sii daayayna waa inuu dharkiisa maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada galaa. 27 Oo dibigii qurbaanka dembiga ahaa, iyo orgigii qurbaanka dembiga ahaa oo dhiiggooda loo soo geliyey meesha quduuska ah in kafaaraggud lagu sameeyo, waa in xerada dibadda looga bixiyaa, oo haraggooda iyo hilibkooda iyo uuskoodaba dabka lagu gubaa. 28 Oo qofkii iyaga gubaana dharkiisa waa inuu maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada soo galaa.
29 Oo waxaa weligiinba qaynuun idiin ahaan doona inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha ahaadee, kiinna waddaniga ah iyo shisheeyaha dhexdiinna degganuba, 30 waayo, maalintaas kafaaraggud baa laydiin samayn doonaa in laydin daahiriyo aawadeed, oo dembiyadiinna oo dhanna daahir baad kaga noqon doontaan Rabbiga hortiisa. 31 Maalintaasu waxay idiin tahay sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Taasu waa qaynuun weligiis jira. 32 Oo wadaadka la subki doono oo quduus looga dhigi doono inuu wadaad ka ahaado meeshii aabbihiis ayaa kafaaraggudka samayn doona, oo isagaa xidhan doona dharka wanaagsan oo linenka ah, oo ah dharka quduuska ah. 33 Oo isagu waa inuu kafaaraggud u sameeyaa meesha quduuska ah, waana inuu kafaaraggud u sameeyaa teendhada shirka iyo meesha allabariga, oo waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wadaaddada iyo dadka shirka oo dhan. 34 Oo kaasu qaynuun weligiis ah buu idiin ahaan doonaa inaad reer binu Israa'iil sannaddiiba mar kafaaraggud ugu samaysaan dembiyadooda oo dhan. Oo isna wuxuu sameeyey sidii Rabbigu Muuse ku amray.
5 Walaalayaalow, uma baahnidin in laydiin soo qoro wax ku saabsan wakhtiyada iyo xilliyada. 2 Waayo, idinka qudhiinnuba qummaati baad u garanaysaan inay maalinta Rabbigu u imanayso sida tuug habeen u yimaado. 3 Markay leeyihiin, Waa nabad iyo salaamad, kolkaasaa filashola'aan halaaggu u qaban doonaa sida fooshu naag uur leh u qabato; iyaguna sinaba ugama baxsan doonaan. 4 Laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato. 5 Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka; 6 sidaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno. 7 Waayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan. 8 Laakiin innagoo kuwa maalinta ah aan feeyignaanno, oo gashanno hubka laabta oo rumaysadka iyo jacaylka ah iyo koofiyadda rajada badbaadada ah. 9 Waayo, Ilaah inooma uu dooran cadhada, laakiinse wuxuu inoo doortay inaynu ku badbaadno Rabbigeenna Ciise Masiix, 10 kan inoo dhintay, inaynu la wada noolaanno isaga, haddaynu nool nahay iyo haddaynu dhimannoba. 11 Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.
7 Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis. 8 Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.
Tukashaduu Ciise Xertiisii Baray(A)
9 Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado. 10 Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo. 11 Kibis maalin nagu filan, maanta na sii. 12 Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan. 13 Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
14 Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona. 15 Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya