Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 50

Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.

50 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay,
Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah
Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono,
Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa,
Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare,
Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya,
Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona,
Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa,
Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa,
Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada,
Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
Reerkaaga dibi ka qaadan maayo,
Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
10 Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh,
Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
11 Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan,
Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
12 Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen,
Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
13 Miyaan cuni doonaa hilibka dibida,
Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
14 Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa,
Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
15 Oo i bari maalinta dhibi jirto,
Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
16 Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa,
Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa,
Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
17 Adigoo tacliinta neceb,
Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
18 Markaad tuug aragtay waad oggolaatay,
Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
19 Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo,
Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
20 Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa,
Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
21 Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay,
Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah,
Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
22 Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada,
Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
23 Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa,
Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana
Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.

Sabuurradii 59-60

Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuu tiriyey markii Saa'uul cid u diray, oo ay gurigii ilaaliyeen inay isaga dilaan.

59 Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi,
Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.
Iga samatabbixi xumaanfalayaasha,
Oo dadka dhiigyocabyada ahna iga badbaadi.
Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda,
Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan,
Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.
Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn,
Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.
Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow,
Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo,
Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)
Fiidkay soo noqdaan, oo waxay u ciyaan sida eey oo kale,
Oo waxay ku warwareegaan magaalada hareeraheeda.
Afkooda waxaa ka qubmaysa cay,
Bushimahoodana waxaa ku jira seefo,
Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?
Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa,
Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.
Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.
10 Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona,
Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
11 Sayidow, gaashaankayagiiyow,
Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane,
Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.
12 Kibirkoodu iyaga ha dabo
Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood,
Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.
13 Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i,
Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub
Tan iyo dhulka darafkiisa. (Selaah)
14 Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen,
Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.
15 Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan,
Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.
16 Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga,
Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa,
Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii,
Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.
17 Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.

Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha inuu wax ku baro, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shuushan Ceeduud. Wuxuuna tiriyey markii uu la diriray Aram Nahara'im iyo Aram Soobaah, oo uu Yoo'aab soo noqday oo uu reer Edom Dooxadii Cusbada kaga laayay laba iyo tobanka kun.

60 Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay,
Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.
Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay,
Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.
Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag,
Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.
Calan baad siisay kuwa kaa cabsada,
In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)
Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan,
Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.
Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa,
Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh,
Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga,
Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray,
Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa,
Falastiinay, qayli aawaday.
Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh?
Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
10 Ilaahow, sow nama aadan xoorin?
Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
11 Cadowga naga caawi,
Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
12 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa,
Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

Sabuurradii 114-115

114 Markay reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen,
Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen,
Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah,
Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay.
Baddii way aragtay, wayna carartay,
Webi Urdunna dib baa loo celiyey.
Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan,
Kurihiina sidii baraar.
Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa?
Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?
Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan?
Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?
Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa,
Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,
Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah,
Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.

115 Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan,
Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato,
Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.
Bal maxay quruumuhu u odhanayaan,
Haddaba Ilaahoodu meeh?
Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa,
Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.
Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab,
Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.
Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan,
Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan,
Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan,
Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan,
Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan,
Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.
Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan,
Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.
Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
10 Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
11 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
12 Rabbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakayn doonaa,
Reerka Israa'iilna wuu barakayn doonaa,
Reerka Haaruunna wuu barakayn doonaa.
13 Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada,
Yar iyo weynba.
14 Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo,
Idinka iyo carruurtiinnaba.
15 Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka
Ayaa idin barakeeyey.
16 Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga,
Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.
17 Kuwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan,
Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aamusnaantana ma ay ammaanaan isaga,
18 Laakiinse annagu Rabbiga waannu ammaani doonnaa
Haatan intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Rabbiga ammaana.

Baxniintii 34:1-17

Looxyadii Cusbaa Ee Dhagaxa Ahaa

34 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad soo qortaa laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo waxaan looxyada ku qori doonaa erayadii ku qornaa looxyadii hore, oo aad jebisay. Oo subaxda diyaar ahow, oo Buur Siinay subaxda soo fuul, oo halkaas buurta dusheeda ah iigu kaalay. Oo ninna yuusan kula soo fuulin, oo buurta dhan yaan ninna lagu arkin, oo adhi iyo lo' toona yaanay buurta horteeda daaqin. Markaasuu qoray laba loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg; kolkaasuu Muuse aroor hore kacay, oo Buur Siinay fuulay sidii Rabbigu ku amray, oo gacantana wuxuu ku qaaday laba loox oo dhagax ah. Markaasaa Rabbigu daruurtii ku soo degay, oo halkaas isla taagay, oo wuxuu naadiyey magicii Rabbiga. Kolkaasaa Rabbigu hortiisa maray oo naadiyey isagoo leh, Waxaan ahay Rabbiga, Rabbiga, oo ah Ilaah raxmad iyo roonaan badan, oo cadho u gaabiya, oo naxariis iyo run badan, oo kumankun u naxariista, oo xumaanta iyo xadgudubka iyo dembiga dhaafa, laakiin aan sinaba u caddayn in kan dembiga galay aanu eed lahayn; oo xumaantii awowayaasha soo gaadhsiiya carruurtooda iyo carruurta carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraadba. Markaasaa Muuse intuu dhaqsaday u sujuuday oo caabuday. Kolkaasuu wuxuu yidhi, Haddaba, Rabbiyow, haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, Rabbiyow, bal na dhex soco oo naga cafi xumaantayada iyo dembigayaga, waayo dadkanu waa dad madax adag, ee annaga dhaxal ahaan noo qaado. 10 Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, axdi baan dhigayaa; dadkaaga oo dhan hortiisa waxaan ku samayn doonaa cajaa'ibyo aan weligood lagu samayn dhulka oo dhan iyo quruunnaba; oo dadka aad dhex joogto oo dhammu waxay arki doonaan shuqulka Rabbiga, waayo, waxaan kugu samaynayaa waa wax cabsi badan. 11 Waxaad dhawrtaa waxaan maanta kugu amrayo; oo bal ogow, hortaada waxaan ka eryayaa reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus. 12 Haddaba iska jira, oo axdi ha la dhiganina dadka deggan dalka aad u socotaan, waaba intaasoo ay dabin ku noqoto dhexdiinna, 13 laakiinse waa inaad dumisaan meelahooda allabariga, oo burburisaan tiirarkooda, oo gooysaan geedahooda Asheeraah, 14 waayo, idinku waa inaydnaan caabudin ilaah kale, maxaa yeelay, Rabbiga magiciisu yahay Masayr[a] waa Ilaah masayr ah; 15 waaba intaasoo aad axdi la dhigataan dadka dalkaas deggan, oo ay ilaahyadooda raacaan sida naagi ninkeeda uga dhillowdo, oo ay allabari u bixiyaan ilaahyadooda, oo inta laydiin yeedho, aad allabarigiisa wax ka cuntaan, 16 oo waaba intaasoo aad gabdhahooda u guurisaa wiilashaada, oo ay gabdhahooduna ilaahyadooda raacaan sida dhillooyin oo kale, oo ay wiilashaadana u jiitaan inay raacaan ilaahyadooda. 17 Waa inaanad samaysaan ilaahyo shub ah.

1 Tesaloniika 2:13-20

Silec

13 Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila'aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheen ereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan. 14 Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda, 15 oo ah kuwii dilay Rabbi Ciise iyo nebiyadiiba, oo annagana dibadda noo eryay, oo aan Ilaah ka farxin, dadka oo dhanna ka geesta ah. 16 Oo waxay noo diidaan inaannu dadka aan Yuhuudda ahayn la hadalno inay badbaadaan. Sidaasay mar walba dembiyadooda u dhammaystiraan, laakiin ugu dambaysta cadhada waa ku dul degtay.

Bawlos Wuxuu Doonayay Inuu Mar Kale Kiniisadda Soo Booqdo

17 Laakiin, walaalayaalow, annagoo wakhti yar lanaga kiin qaaday, xagga isla-joogidda ee ayan ahayn xagga qalbiga, aad iyo aad baannu ugu dadaalnay inaannu wejigiinna aragno, annagoo xiiso weyn u qabna; 18 waayo, waannu jeclaan lahayn inaannu idiin nimaadno, anigoo Bawlos ah mar iyo lababa waan jeclaa, laakiinse Shayddaan baa naga hor joogsaday. 19 Maxaa yeelay, waa ayo rajadayada iyo farxaddayada iyo taajka faanidda oo ahaan doona Rabbigeenna Ciise Masiix hortiisa goortuu yimaado? Sow idinka ma aha? 20 Waa idinka faankayaga iyo farxaddayaduba.

Matayos 5:21-26

Cadhada Iyo Dhiigqabidda(A)

21 Waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad dhiig qabin; kii dhiig qabaa wuxuu galabsadaa xukunka. 22 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo walaalkiis u cadhoodaa wuxuu galabsadaa xukunka, oo kii walaalkiis ku yidhaahda, Nacas yahow, wuxuu galabsadaa in shirka la geeyo, oo kii yidhaahda, Doqon yahow, wuxuu galabsadaa jahannamada dabka ah. 23 Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto, 24 hadiyaddaada ku dhaaf meeshii allabariga horteeda, tag, oo horta walaalkaa la soo heshii, dabadeed kaalay oo hadiyaddaada bixi. 25 Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin. 26 Runtii waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid beesadda ugu dambaysa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya