Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
26 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda,
Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
2 Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi,
Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
3 Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda,
Oo waxaan ku socday runtaada.
4 Lama aan fadhiisan waxmatarayaal,
Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
5 Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha,
Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
6 Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta,
Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
7 Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo,
Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
8 Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay,
Iyo meesha ammaantaadu joogto.
9 Naftayda ha la ururin dembilayaal,
Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10 Gacmahooda belaayadu ku jirto,
Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda,
Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman,
Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
28 Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa,
Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin,
Waaba intaas oo haddaad iga aamusto,
Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.
2 Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado,
Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
3 Ha ila jiidin kuwa sharka leh,
Iyo xumaanfalayaasha
Oo deriskooda nabadda kula hadla,
Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
4 Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay,
Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay,
Oo waxa ay galabsadaan sii.
5 Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe,
Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii
Iyo hawshii gacmihiisa toona.
6 Mahad waxaa leh Rabbiga,
Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.
7 Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga,
Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey,
Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey,
Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
8 Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog,
Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.
9 Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee,
Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.
Kanu waa sabuur uu Daa'uud oo ahaa addoonkii Rabbiga u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
36 Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa,
Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.
2 Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin
Oo aan la nebcaanayn.
3 Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano,
Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.
4 Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan,
Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn,
Oo weliba sharka ma naco.
5 Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa,
Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
6 Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah,
Oo xukummadaaduna waa mool dheer,
Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
7 Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa!
Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
8 Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga,
Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
9 Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa,
Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.
10 Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan,
Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11 Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman,
Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.
12 Xumaanfalayaashu halkaasay ku dhaceen,
Iyaga hoos baa loo riday, oo mana ay kari doonaan inay mar dambe soo kacaan.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey Yeduutuun oo ahaa madaxdii muusikaystayaasha.
39 Waxaan idhi, Jidadkaygaan iska jiri doonaa,
Si aanan carrabkayga ugu dembaabin,
Oo afkayga waxaan ku qaban doonaa xakame inta kii shar lahu i hor joogo.
2 Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa,
Tiiraanyadaydiina waa kacday.
3 Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday,
Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay,
Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
4 Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda
Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay,
Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
5 Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed
Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha,
Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
6 Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah,
Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah,
Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.
7 Haddaba Sayidow, bal maxaan sugaa?
Waayo, rajadaydu adigay kugu xidhan tahay.
8 Xadgudubyadayda oo dhan iga samatabbixi,
Oo ha iga dhigin mid nacasyadu caayaan.
9 Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin,
Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
10 Haddaba belaayadaada iga durki,
Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.
11 Markaad dadka canaanta ku edbisid xumaanta daraaddeed,
Waxaad quruxdiisa ka dhigtaa inay u baabba'do sidii balanbaallis oo kale,
Hubaal nin kastaaba waa bilaash. (Selaah)
12 Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig,
Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin,
Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga
Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.
13 Ii tudh, itaalkaygu mar ha igu soo noqdee,
Intaanan meesha tegin oo aanan mar dambe ka soo noqonayn.
Buurtii Siinay
19 Markii reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen dabadeed, bishii saddexaad, ayay isla maalintaas yimaadeen cidlada Siinay la yidhaahdo. 2 Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda. 3 Muusena kor buu ugu tegey Ilaah, markaasaa Rabbigu buurta uga yeedhay isagii, oo wuxuu ku yidhi, Yacquub reerkiisa waxaad ku tidhaahdaa sidan, reer binu Israa'iilna ku dheh, 4 Idinku waad aragteen wixii aan ku sameeyey Masriyiintii, iyo sidii aan idiinku soo qaaday gorgorro baalashood, oo aan idiin soo kaxaystay. 5 Haddaba sidaas daraaddeed, haddaad daacad ahaan ii addeecaysaan, oo aad axdigayga dhawraysaan, de markaas waxaad ahaan doontaan dad hanti iiga ah dadyowga oo dhan, waayo, dhulka oo dhan anigaa iska leh; 6 oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto. 7 Markaasaa Muuse yimid oo wuxuu u yeedhay waayeelladii dadka oo dhan, kolkaasuu erayadii Rabbigu isaga ku amray oo dhan hortooda wada dhigay. 8 Markaasaa dadkii oo dhammu waxay ku wada jawaabeen, oo yidhaahdeen, Kulli waxa Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa. Markaasaa Muuse Rabbiga uga warramay erayadii dadka. 9 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal ogow, waxaan kuugu iman doonaa daruur qaro weyn dhexdeed, inay dadku maqlaan markii aan kula hadlayo, iyo weliba inay weligood adiga ku rumaystaan. Markaasaa Muuse Rabbiga u sheegay erayadii dadka. 10 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal orod oo dadka u tag, oo maanta iyo berri quduus ka dhig iyaga, oo dharkooda ha dhaqeen, 11 oo maalinta saddexaad diyaar ha u noqdeen, waayo, maalinta saddexaad dadka oo dhan hortiisa ayaa Rabbigu ku soo degi doonaa Buur Siinay. 12 Oo waa inaad soohdin dadka kaga wareejisaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Iska jira, oo buurta ha fuulina, hana taabanina xuduudkeeda; waayo, ku alla kii buurta taabta hubaal waa la dili doonaa. 13 Gacanu yaanay taaban isaga, laakiinse hubaal isaga waa in la dhagxiyo ama waa in gantaal lagu dilo; dad iyo duunyo ha ahaado, kaasu sina yaanu u noolaan; oo markii buunka aad looga dhawaajiyo, buurta ha soo fuuleen. 14 Markaasaa Muuse buurtii ka degay, oo wuxuu u tegey dadkii, kolkaasuu dadkii quduus ka dhigay, oo ay dharkoodii dhaqeen. 15 Oo wuxuu dadkii ku yidhi, Maalinta saddexaad diyaar noqda oo naagna ha isugu dhowaanina. 16 Oo maalintii saddexaad, markuu waagii beryay, waxaa dhacay onkod iyo hillaac, oo daruur qaro weyn baa buurtii soo dul joogsatay, oo waxaa yeedhay buun codkiisu aad iyo aad u weyn yahay, kolkaasay dadkii xerada ku jiray oo dhammu wada gariireen.
WARQADDII RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII
KOLOSAY
Salaan
1 Anigoo ah Bawlos, oo ah rasuulkii Ciise Masiix xagga doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos, 2 waxaannu warqaddan u qoraynaa quduusiinta iyo walaalaha aaminka ah ee Masiixa ku jira oo Kolosay jooga. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah.
Mahadnaqid Iyo Duco
3 Waxaannu ku mahadnaqnaa Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, annagoo had iyo goorba idiin soo ducaynayna. 4 Waxaannu maqalnay rumaysadkiinna xagga Ciise Masiix iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, 5 rajada jannada laydiin dhigay aawadeed, taas oo aad hore ugu maqasheen hadalka runta ah oo injiilka. 6 Kaasu waa idiin yimid, xataa siduu ugu yimid dunida oo dhan isagoo midho dhalaya oo kordhaya, sida uu idinkana midho idiinku dhalayo oo idiinku kordhayo, tan iyo maalintii aad maqasheen oo aad ogaateen nimcada Ilaah oo runta ku jirta. 7 Sidaasaad ka barateen gacaliyeheenna Ebafras oo addoon nala ah, oo Masiixa u ah midiidin aamin ah aawadeen, 8 kaas oo weliba noo caddeeyey jacaylkiinna Ruuxa ku jira.
Ciise Masiix Wuxuu Yahay Iyo Wuxuu Sameeyey
9 Sababtaas daraaddeed tan iyo maalintii aannu taas maqalnay ma aannu joojin inaannu idiin soo ducayno. Waxaannu Ilaah idiin baryaynaa inay idinka buuxsanto aqoonta doonistiisa xagga xigmadda iyo waxgarashada Ruuxa oo dhan, 10 inaad u socotaan si Rabbiga istaahisha oo aad wax kasta isaga kaga farxisaan, idinkoo midho ku soo saaraya shuqul kasta oo wanaagsan oo ku sii kordhaya aqoonta Ilaah. 11 Weliba waxaannu Ilaah baryaynaa inaad ku xoogaysataan xoog oo dhan sida uu yahay itaalka ammaantiisu xagga adkaysashada iyo dulqaadashada farxaddu la jirto oo dhan. 12 Mahad baannu u naqaynaa Aabbaha inaga dhigay kuwa istaahila inay ka qayb qaataan dhaxalka quduusiinta nuurka ku jirta. 13 Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa, 14 kaas oo aynu ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafka.
7 Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa? 8 Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, 9 hana ku fikirina inaad tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim. 10 Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa. 11 Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 12 Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya