Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
20 Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta,
Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,
2 Caawimaadna ha kaaga soo diro meesha quduuska ah,
Oo Siyoonna ha kaa xoogeeyo,
3 Ha xusuusto qurbaannadaadii oo dhan,
Oo ha aqbalo allabarigaagii gubnaa, (Selaah)
4 Oo ha ku siiyo waxa qalbigaagu doono,
Oo ha kuu yeelo muraadkaaga oo dhan.
5 Innagu waxaynu ku guulaysanaynaa badbaadintaada,
Oo calammadeennana waxaynu ku sudhaynaa magaca Ilaaheenna,
Rabbigu ha ku siiyo waxaad weyddiisato oo dhan.
6 Anigu hadda waan ogahay in Rabbigu badbaadiyo kii uu isagu subkaday,
Oo wuxuu isaga uga soo jawaabi doonaa samadiisa quduuska ah,
Oo wuxuuna ugu jawaabi doonaa xooggiisa wax badbaadiya oo gacantiisa midig.
7 Qaar waxay isku halleeyaan gaadhifardoodyo, qaarna waxay isku halleeyaan fardo,
Laakiinse innagu waxaynu xusuusanaynaa magaca Rabbiga Ilaaheenna ah.
8 Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen,
Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taagan nahay.
9 Rabbiyow, ina badbaadi,
Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
21 Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga,
Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.
2 Waxaad isaga siisay wixii qalbigiisu doonayay,
Oo wixii bushimihiisu ku weyddiisteenna uma aad diidin. (Selaah)
3 Waayo, waxaad isaga hor dhigtaa barakooyinka wanaagga,
Oo madaxiisana waxaad saartaa taaj dahab saafi ah.
4 Wuxuu kaa baryay nolol, oo adna waad siisay isaga,
Oo waxaad siisay cimri dheer oo waaraya weligiis iyo weligiisba.
5 Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada,
Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.
6 Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan,
Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.
7 Waayo, boqorku wuxuu isku halleeyaa Rabbiga,
Oo Ilaaha ugu sarreeya raxmaddiisa aawadeed isaga innaba lama dhaqaajin doono.
8 Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan,
Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.
9 Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah.
Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa,
Oo dab baa gubi doona.
10 Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa,
Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
11 Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan,
Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.
12 Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan,
Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa.
13 Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree,
Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
110 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso,
Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.
2 Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga,
Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali.
3 Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga,
Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga,
Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
4 Rabbigu wuu dhaartay, kana soo noqon maayo, oo wuxuu yidhi,
Adigu weligaaba wadaad baad tahay,
Sidii derejadii Malkisadaq.
5 Sayidka midigtaada joogaa
Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.
6 Isagu quruumaha dhexdooda ayuu wax ku xukumi doonaa,
Oo meel walba wuxuu ka buuxin doonaa meydad,
Oo waddammo badan ayuu madaxda ka dili doonaa.
7 Intuu jidka socdo ayuu durdurka ka cabbi doonaa,
Oo sidaas daraaddeed ayuu madaxa kor u qaadi doonaa.
116 Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay
Codkaygii iyo baryootankaygii.
2 Dhegtuu ii dhigay,
Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.
3 Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey,
Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday.
Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.
4 Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga,
Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.
5 Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq,
Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.
6 Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa,
Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay.
7 Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo,
Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.
8 Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho,
Indhahaygana ilmo,
Cagahaygana kufid.
9 Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa
Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.
10 Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay
Aad baa la ii dhibay,
11 Anigoo degdegsan baan waxaan idhi,
Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.
12 Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa
Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?
13 Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada,
Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
14 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii,
Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.
15 Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa
Ayaa qiimo weyn ku leh.
16 Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga,
Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada,
Silsiladahaygii waad iga furtay.
17 Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda,
Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
18 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii,
Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
19 Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa,
Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay.
Rabbiga ammaana.
117 Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana,
Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga.
2 Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay,
Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa.
Rabbiga ammaana.
Biyihii Dhagaxa Ka Yimid
17 Oo markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ka sodcaaleen cidlada Siin la yidhaahdo, oo waxay u socdeen sidii Rabbigu ku amray, kolkaasay waxay degeen meel la yidhaahdo Refiidiim; oo dadkuna ma ay haysan biyo ay cabbaan. 2 Sidaas daraaddeed dadkii waxay la dirireen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, War biyo aannu cabno na sii. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Bal maxaad aniga iila diriraysaan? Oo maxaad Rabbiga u jirrabaysaan? 3 Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa? 4 Kolkaasaa Muuse Rabbiga u qayshaday oo ku yidhi, Bal maxaan dadkan ku sameeyaa? Waayo, waxay ku dhow yihiin inay i dhagxiyaan. 5 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal dadka ka hor mar, oo waxaad kaxaysataa waayeellada reer binu Israa'iil, ushaadii aad webiga ku dhufatayna gacanta ku qabso oo tag. 6 Oo bal ogow, halkaas ayaan hortaada isku dul taagi doonaa dhagaxa weyn oo Xoreeb yaal, kolkaas waa inaad dhagaxa ushaada ku dhufataa, oo waxaa halkaas ka iman doona biyo ay dadku cabbaan. Kolkaasaa Muuse sidaas ku sameeyey waayeelladii reer binu Israa'iil hortooda. 7 Markaasuu meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey [a]Masaah iyo [b]Meriibaah, dirirtii ay reer binu Israa'iil dirireen aawadeed, iyo jirrabaaddii ay Rabbiga jirrabeen aawadeed, oo ay yidhaahdeen, War, Rabbigu ma na dhex joogaa mise nama dhex joogo?
Jebintii Reer Camaaleq
8 Markaasaa waxaa yimid reer Camaaleq, oo wuxuu reer binu Israa'iil kula diriray Refiidiim. 9 Markaasaa Muuse wuxuu Yashuuca ku yidhi, Rag inoo dooro, oo la bax, oo reer Camaaleq la dirir. Berrito waxaan istaagi doonaa buurta dusheeda, anigoo gacanta ku haysta ushii Ilaah. 10 Kolkaasaa Yashuuca yeelay sidii Muuse ku yidhi, oo wuxuu la diriray reer Camaaleq. Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo Xuur waxay koreen ilaa buurta dusheedii. 11 Oo markii Muuse gacanta kor u taagayba, waxaa adkaaday reer binu Israa'iil; markuu gacanta dejiyeyna, waxaa adkaaday reer Camaaleq. 12 Laakiinse Muuse gacmihiisu way cuslaayeen; kolkaasay waxay soo qaadeen dhagax, oo Muuse u saldhigeen, isna kolkaasuu ku fadhiistay; Haaruun iyo Xuurna gacmihiisii bay sare u hayeen, intuu midba dhinac ka maray, oo gacmihiisiina way xoogeeyeen ilaa ay qorraxdii dhacday. 13 Oo Yashuucana seef afkeed buu ku jebiyey reer Camaaleq iyo dadkiisiiba. 14 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxan buug ku qor si loo xusuusto, oo Yashuuca dhegihiisa maqashii, waayo, xusuusta reer Camaaleq lagu xusuusan jiray ayaan inta samada ka hoosaysa oo dhan ka baabbi'inayaa. 15 Markaasaa Muuse wuxuu dhisay meel allabari, oo magaceedii wuxuu u bixiyey [c]Yehowah Nisii, 16 oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhaartay, oo Rabbigu wuu la dagaallami doonaa reer Camaaleq ka ab ka ab.
7 Haddaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada. 8 Wax walba hortood idinku aad isu jeclaada, maxaa yeelay, jacaylku wuxuu qariyaa dembiyo faro badan. 9 Ismartiqaada gunuunacla'aan. 10 Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah. 11 Haddii nin hadlo, ha u hadlo sidii isagoo ku hadlaya ereyga Ilaah; haddii nin adeegona, ha u adeego siduu Ilaah xoogga u siiyo, in wax walbaba Ilaah ku ammaanmo Ciise Masiix, kaasoo weligiis iyo weligiisba leh ammaanta iyo dowladnimadaba. Aamiin.
Masiixiyiintu Waa Inay Ku Farxaan Xanuunka Ay Masiixa U Xanuunsadaan
12 Gacaliyayaalow, ha la yaabina jirrabaadda dabka ah oo idinku dhex dhacday in laydiin tijaabiyo sida iyadoo ay idinku dhaceen wax la yaab lihi. 13 Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo. 14 Haddii magaca Masiix aawadiis laydin caayo, waad barakaysan tihiin, maxaa yeelay, waxaa idin dul jooga Ruuxa ammaanta oo ah Ruuxa Ilaah. 15 Haddaba midkiinna yuusan u xanuunsan sida isagoo ah gacankudhiigle, ama tuug, ama sharfale, ama mid faraggeliya axwaasha dadka kale. 16 Laakiin haddii nin u xanuunsado sida isagoo Masiixi ah, yaanu ceebsan, laakiinse Ilaah ha ku ammaano magacan. 17 Waayo, waxaa la gaadhay wakhtigii dadka Ilaah xukunka laga bilaabi lahaa, oo haddii innaga marka hore laynaga bilaabo, kuwa aan injiilka Ilaah addeecin muxuu aakhirkoodu ahaan doonaa? 18 Haddaba haddii kan xaqa ahu si dhib leh ku badbaado, xaggee bay ka muuqan doonaan cibaadalaawaha iyo dembiluhu? 19 Sidaas daraaddeed kuwa doonista Ilaah u xanuunsada, iyagoo samafalaya, naftooda ammaano ha ugu dhiibeen Abuuraha aaminka ah.
Wax Ku Saabsan Ciise Tegiddiisa
16 In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan. 17 Sidaa daraaddeed xertiisa qaarkood waxay isku yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu inagu leeyahay, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan, iyo, Maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa? 18 Haddaba waxay yidhaahdeen, Waa maxay waxan uu leeyahay, In yar dabadeed? Garan mayno wuxuu leeyahay. 19 Ciise ayaa garanayay inay doonayeen inay wax weyddiiyaan, oo wuxuu ku yidhi, Ma waxaad isweyddiinaysaan xaalkan aan idhi, In yar dabadeed i arki maysaan, oo weliba in yar dabadeed waad i arki doontaan? 20 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waad ooyi doontaan oo barooran doontaan, duniduse waa farxi doontaa. Waad murugoon doontaan, laakiin murugaddiinnu waxay u rogman doontaa farxad. 21 Naagtu goortay umulayso, way murugootaa, waayo, saacaddeedaa timid, laakiin markay ilmaha umusho, dhibtii dib uma xusuusato farxad aawadeed, waayo, nin baa dunida ku dhashay. 22 Haddaba waad murugsan tihiin, laakiin mar dambe ayaan idin arki doonaa, qalbigiinnuna wuu farxi doonaa, farxaddiinnana ninna idinkama qaadi doono. 23 Oo maalintaasna waxba ima weyddiin doontaan. Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii aad wax uun weyddiisataan Aabbaha, magacayga ayuu idinku siin doonaa. 24 Tan iyo imminka waxba magacayga kuma weyddiisan. Weyddiista, waanad heli doontaan, inay farxaddiinnu buuxsanto. 25 Waxyaalahaas ayaan masaallo idinkula hadlay. Waxaa imanaysa goortii aanan mar dambe masaallo idinkula hadli doonin, laakiin aan bayaan idiinkaga warrami doono Aabbaha. 26 Maalintaas waxaad ku weyddiisan doontaan magacayga. Idinkuma lihi inaan Aabbaha baryayo daraaddiin. 27 Waayo, Aabbaha qudhiisu wuu idin jecel yahay, maxaa yeelay, waad i jeclaateen, oo waadna rumaysateen inaan xagga Ilaah ka imid. 28 Aabbaha ayaan ka imid oo dunida imid. Haddana waan ka tegayaa dunida oo Aabbahaan u tegayaa.
29 Xertiisii ayaa ku tidhi, Bal eeg, bayaan baad hadda u hadlaysaaye, oo masaal ku hadli maysid. 30 Imminka waannu garanaynaa inaad wax walba taqaan, oo aadan u baahnayn qofna inuu wax ku weyddiiyo. Taas aawadeed waannu rumaysan nahay inaad Ilaah ka timid. 31 Ciise ayaa ugu jawaabay, Hadda ma rumaysan tihiin? 32 Ogaada, saacaddii baa imanaysa, waana timid, kolkaad u kala firdhi doontaan mid kasta xaggiisa, anna keligay baad iga tegi doontaan, oo weliba keligay ma ihi, waayo, waxaa ila jooga Aabbaha. 33 Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya