Book of Common Prayer
Kanu waa gabay Mikhtaam ah oo Daa'uud tiriyey.
16 Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
2 Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay,
Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
3 Quduusiinta dhulka joogtaa
Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
4 Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa,
Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah,
Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
5 Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga,
Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
6 Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay,
Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
7 Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey,
Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
8 Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa,
Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo,
Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.
9 Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa,
Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.
10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid,
Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha,
Hortaada farxad baa ka buuxda,
Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.
Baryootankii Daa'uud.
17 Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso,
Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.
2 Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada,
Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.
3 Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay,
Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin,
Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.
4 Shuqulladii dadkana waan ka hadhay,
Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.
5 Si aanay cagahaygu u simbiriirixan,
Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.
6 Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa,
Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.
7 Bal muuji raxmaddaada yaabka leh,
Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya
Kuwa ku kaca iyaga.
8 Ii dhawr sida isha inankeeda,
Oo igu qari hooska baalashaada.
9 Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba,
Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.
10 Qalbigooday xidheen,
Oo afkooduna wuxuu ku hadlaa waxyaalo kibir miidhan ah.
11 Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii,
Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.
12 Isagu waa sida aar libaax ugaadhsi damacsan,
Iyo sida aaran libaax oo meelo qarsoon ku dhuunta.
13 Rabbiyow, kac,
Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur,
Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,
14 Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada,
Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan,
Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada,
Iyagu waxay ka dhergeen carruur,
Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.
15 Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa,
Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.
Gabayga meelokoridda.
134 Bal eega, Rabbiga ammaana, Rabbiga addoommadiisa oo dhammow,
Kuwiinna goor habeennimo ah guriga Rabbiga dhex taaganow.
2 Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa,
Oo Rabbiga ammaana.
3 Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo,
Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.
135 Rabbiga ammaana.
Ammaana magaca Rabbiga,
Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,
2 Kuwiinna guriga Rabbiga
Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.
3 Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay,
Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.
4 Waayo, Rabbigu reer Yacquub nafsaddiisuu u doortay,
Hantidiisa gaarka ah ayuu u doortay reer binu Israa'iil.
5 Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay,
Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.
6 Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey
Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.
7 Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco,
Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac,
Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
8 Isagaa laayay curadyadii Masar,
Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.
9 Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab,
Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.
10 Wuxuuna laayay quruumo badan,
Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa
11 Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor,
Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan,
Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,
12 Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey,
Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.
13 Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa,
Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.
14 Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa,
Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.
15 Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab,
Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.
16 Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan,
Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
17 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan,
Oo afkoodana neefu kuma jirto.
18 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan,
Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.
19 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga ammaana,
Reer Haaruunow, Rabbiga ammaana,
20 Reer Laawiyow, Rabbiga ammaana,
Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga ammaana.
21 Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon.
Rabbiga ammaana.
23 Kolkaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu ku hadlay, Berri waa maalin weyn oo nasasho ah, oo waa sabti quduus u ah Rabbiga. Wixii aad duban lahaydeen dubta, oo wixii aad karin lahaydeen kariya, oo wax alla wixii idiin hadha meel dhigta oo ha idiin yaalleen ilaa subaxda. 24 Kolkaasay meel dhigteen ilaa subaxdii, sidii Muuse ku amray; oo mana ay urin, dirxina laguma arag. 25 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Intan maanta cuna; waayo, maanta waa maalin sabti u ah Rabbiga; oo maanta waxba duurka ka heli maysaan. 26 Lix maalmood waa inaad soo gurataan, laakiinse maalinta toddobaad waa sabtida, oo maalintaas waxba ma jiri doonaan innaba. 27 Oo waxaa dhacday maalintii toddobaad inay dadkii qaarkood dibadda u bexeen inay wax soo gurtaan, laakiinse waxba ma ay helin. 28 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Ilaa goormaad diidaysaan inaad dhawrtaan amarradayda iyo qaynuunnadayda? 29 Bal eega, Rabbigu wuxuu idin siiyey sabtida, oo sidaas daraaddeed buu isagu maalintii lixaad idiin siiyey kibis laba maalmood idinku filan; haddaba nin kasta oo idinka mid ahu meeshiisa ha joogo, oo maalinta toddobaad ninna yuusan meeshiisa ka bixin. 30 Oo sidaas daraaddeed baa dadkii maalintii toddobaad u nasteen. 31 Oo reer binu Israa'iil waxay magaceedii u bixiyeen Maanna; oo waxay u caddayd sida midhaha koryander la yidhaahdo, waxayna u dhadhan ekayd sidii buskud malab lagu sameeyey. 32 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, oo wuxuu yidhi, Comer muggiis ha loo dhigo farcankiinna dambe, inay arkaan kibistii aan idinku masruufi jiray markaad cidlada joogteen oo aan dalkii Masar idinka soo bixiyey. 33 Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Weel qaado oo waxaad ku shubtaa comer muggiis oo Maanna ah, oo Rabbiga hor dhig in loo hayo farcankiinna dambe. 34 Sidii Rabbigu Muuse ku amray ayaa Haaruun Maragga hortiis u dhigay, in loo hayo aawadeed. 35 Oo reer binu Israa'iil waxay maannadii cunayeen afartan sannadood, ilaa ay yimaadeen dhul la deggan yahay. Waxay cuni jireen maannadii ilaa ay yimaadeen dalkii reer Kancaan xadkiisii. 36 Comer waa eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis.
Waa In Xaqdarrada Loo Adkaysto
13 Haddii aad waxa wanaagsan ku dadaashaan, bal yaa wax idin yeeli doona? 14 Laakiinse xaqnimada daraaddeed haddii aad u xanuunsataan, waad barakaysan tihiin. Haddaba ha ka cabsanina cabsigelintooda, hana welwelina. 15 Rabbiga Masiixa ah qalbiyadiinna quduus kaga dhiga, oo mar kasta diyaar u ahaada inaad u jawaabtaan nin alla ninkii wax idinka weyddiiya sabab ku saabsan rajada aad leedihiin, laakiinse qabow iyo cabsi ugu jawaaba, 16 idinkoo qalbi wanaagsan leh, in markii wax xun laydinka sheego, ay ceeboobaan kuwa caaya dabiicaddiinna wanaagsan ee xagga Masiixa ah. 17 Waayo, haddii ay doonista Ilaah tahay, waxaa ka wanaagsan inaad samafalidda u xanuunsataan intii aad u xanuunsan lahaydeen sharfalidda. 18 Maxaa yeelay, Masiixba mar buu u xanuunsaday dembiyada. Isagoo xaq ah ayuu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah. Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga ruuxa waa laga nooleeyey. 19 Ruuxii ayuu ku tegey oo wuxuu wacdiyey ruuxyadii xabsigii ku jiray, 20 kuwaas oo waagii hore ahaa caasiyiin markii dulqaadashada Ilaah ay sugaysay intii maalmihii Nuux oo la diyaarinayay doonnidii, taasoo ay biyihii kaga badbaadeen dhawr qof oo ah siddeed nafood oo keliya. 21 Biyahaasuna waxay ka dhigan yihiin baabtiiska hadda idinku badbaadiya sarakicidda Ciise Masiix, oo aan ahayn ka fogaynta wasakhda jidhka, laakiinse waxaa weeye baryo ka timaada qalbi wanaagsan oo xagga Ilaah. 22 Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.
Waa In Dembiga La Diido
4 Mar haddii Masiixu jidhka ku xanuunsaday, idinkuna sidaas oo kale isu diyaariya, idinkoo isku maan ah; maxaa yeelay, kii jidhka ku xanuunsaday waa ka joogsaday dembiga, 2 si wakhtiga idiin hadhay oo aad jidhka ku nooshihiin aydnaan damacyada dadka mar dambe ugu noolaan, laakiinse aad ugu noolaataan doonista Ilaah. 3 Waayo, waxaa idinku filan wakhtigii hore oo aad doonistii dadka aan Ilaah aaminin samayn jirteen, markii aad ku socon jirteen nejisnimo, iyo damacyadii jidhka, iyo sakhraannimo, iyo rabshad, iyo khamricabbid, iyo sanamcaabudid xaaraan ah. 4 Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan. 5 Iyagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba. 6 Waayo, taas aawadeed injiilka waxaa lagu wacdiyey xataa kuwii dhintay in iyaga jidhka lagu xukumo sida dadka, laakiinse ay ruuxa ku noolaadaan sida Ilaah.
16 Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay inaydnaan ka xumaanin. 2 Waxay idinka saari doonaan sunagogyada, weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo. 3 Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona. 4 Laakiin waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in markii saacaddoodu timaado aad xusuusataan inaan idiin sheegay. Tan iyo bilowgii waxyaalahaas idinkulama hadlin, maxaa yeelay, waan idinla joogay. 5 Laakiin hadda waxaan u tegayaa kii i soo diray, midkiinna i weyddiin maayo, Xaggee baad tegaysaa? 6 Waxyaalahaas aan idinkula hadlay aawadood, qalbigiinna murug baa ka buuxsantay. 7 Laakiin runta ayaan idiin sheegayaa, Waxaa idiin roon inaan tago. Haddaanan tegin, Gargaaruhu idiinma iman doono, laakiin haddaan tago waan idiin soo diri doonaa. 8 Isagu markuu yimaado wuxuu dunida ku caddayn doonaa xagga dembiga iyo xaqa iyo xukunka; 9 xagga dembiga, waayo, way i rumaysan waayeen; 10 xagga xaqa, waayo, Aabbahaan u tegayaa, imana arki doontaan mar dambe; 11 xagga xukunka, waayo, kan madaxda dunida ah waa la xukumay.
12 Wax badan oo kalaan leeyahay inaan idiin sheego, laakiin imminka qaadi kari maysaan. 13 Laakiin markuu kan Ruuxa runta ahu yimaado, wuxuu idinku wadi doonaa runta oo dhan, waayo, isagu iskama hadli doono, wuxuuse ku hadli doonaa wuxuu maqlo, wuxuuna idiin sheegi doonaa waxa imanaya. 14 Wuu i ammaani doonaa, waayo, waxayguu qaadi doonaa, wuuna idiin sheegi doonaa. 15 Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh. Sidaa daraaddeed waxaan idhi, Waxayguu qaadaa, wuuna idiin sheegi doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya