Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 18

Kanu waa sabuur addoonkii Rabbiga oo Daa'uud ahaa u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo wuxuu Rabbiga kula hadlay erayada gabaygan maalintii Rabbigu ka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiisa oo dhan, iyo gacantii Saa'uulba, oo wuxuu yidhi,

18 Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.
Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga,
Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa,
Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano,
Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada,
Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.
Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool,
Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.
Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay,
Oo waxaan u qayshaday Ilaahay,
Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay,
Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.
Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray,
Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay,
Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq,
Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
Oo weliba samooyinka wuu soo foorarshay, oo hoos buu u soo degay,
Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
10 Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay,
Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.
11 Wuxuu gudcurka ka dhigtay meeshiisii dhuumashada, iyo taambuuggiisa hareerihiisa ku wareegsan,
Iyo biyo gudcur ah, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
12 Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen,
Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.
13 Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka,
Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii,
Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.
14 Markaasuu fallaadhihiisii soo ganay oo kala firdhiyey iyagii,
Haah, oo wuxuu u soo diray hillaac badan, wuuna baabbi'iyey iyagii.
15 Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed
Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen,
Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
16 Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday,
Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
17 Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa,
Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
18 Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa,
Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
19 Oo weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan,
Wuu i soo samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
20 Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd,
Oo sidii ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
21 Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga,
Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.
22 Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen,
Oo qaynuunnadiisiina anigu iskama tuurin.
23 Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa,
Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
24 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd,
Iyo sidii nadiifsanaanta gacmahaygu ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
25 Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa,
Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
26 Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa,
Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
27 Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan,
Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.
28 Waayo, waxaad daaraysaa laambaddayda,
Rabbiga Ilaahayga ah ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
29 Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa,
Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
30 Ilaah jidkiisu waa qumman yahay,
Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey,
Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
31 Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane?
Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
32 Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog,
Jidkaygana qummaatiya.
33 Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada,
Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.
34 Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka,
Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
35 Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada,
Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig,
Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.
36 Adigu tallaabooyinkayga waxaad ku ballaadhisay hoostayda,
Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.
37 Anigu waxaan eryan doonaa cadaawayaashayda, oo waan gaadhi doonaa,
Oo jeeray wada baabba'aanna dib uga soo noqon maayo.
38 Waan wada layn doonaa si aanay mar dambe u awoodin inay kacaan,
Oo cagahaygay ku soo hoos dhici doonaan.
39 Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis,
Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.
40 Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan,
Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
41 Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya,
Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
42 Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dabaysha hor kaca,
Oo waxaan iyagii dibadda ugu tuuray sidii dhoobada jidadka taal oo kale.
43 Waxaad iga samatabbixisay murankii dadka,
Oo waxaad iga dhigtay quruumaha madaxdoodii,
Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
44 Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan,
Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,
45 Shisheeyayaashu way libdhi doonaan,
Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
46 Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn,
Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,
47 Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda,
Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.
48 Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda,
Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca,
Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
49 Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.
50 Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa,
Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday,
Kaasoo ah Daa'uud, iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.

Baxniintii 16:10-22

10 Intii Haaruun la hadlayay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan waxay eegeen xaggii cidlada, oo bal eeg, ammaantii Rabbiga ayaa daruurtii ka dhex muuqatay. 11 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu isagii ku yidhi, 12 Anigu waan maqlay gunuuskii reer binu Israa'iil; haddaba la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Makhribka waxaad cuni doontaan hilib, subaxdana waxaad ka dhergi doontaan kibis; oo waad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah. 13 Oo waxaa dhacday in makhribkii digaagduur yimaadeen oo ay xeradii oo dhan qariyeen, oo subaxdiina waxaa degmadii hareeraheeda ku soo degay sayax. 14 Oo markii sayaxii soo degay baabba'ay ayaa waxaa dhulkii cidlada ku hadhay wax yaryar oo goobaaban oo laale'eg sayax barafoobay. 15 Oo markay reer binu Israa'iil arkeen ayaa midkoodba ka kale ku yidhi, Maxay tahay? Waayo, ma ay garanayn waxay tahay. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Tanu waa kibistii Rabbigu idiin siiyey inaad cuntaan. 16 Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray, Nin waluba ha ka gurto in cuntadiisa ugu filan, inta dadkiinna tiradiisu tahay, qofkiiba comer muggiis ha qaato, oo nin waluba inta teendhadiisa joogta ha u qayb qaado. 17 Oo reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen, oo qaarna wax badan buu soo gurtay, qaarna wax yar. 18 Oo markay comerkii ku qiyaaseen, kii wax badan soo gurtay waxba kama hadhin, kii wax yar soo gurtayna waxba kama dhinmin, oo nin waluba in cuntadiisa ugu filan buu soo gurtay. 19 Markaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna yuusan wax ka reebin ilaa subaxda. 20 Habase yeeshee Muuse ma ay dhegaysan, laakiinse qaarkood baa wax ka reebay ilaa subaxdii, kolkaasaa dirxi galay, oo ay urtay. Markaasaa Muusena iyagii u cadhooday. 21 Oo subax kasta nin waluba wuxuu guran jiray in cuntadiisa ugu filan; oo markii qorraxdu soo kululaatana, way dhalaali jirtay. 22 Oo maalintii lixaad waxay soo gurteen kibistii hore labanlaabkeed, qof waluba wuxuu soo gurtay laba comer, markaasaa taliyayaashii shirka oo dhammu intay u yimaadeen Muuse u sheegeen.

1 Butros 2:11-25

11 Gacaliyayaalow, waxaan idiin baryayaa, idinkoo ah sidii qariib iyo dad sodcaal ah, inaad ka fogaataan damacyada jidhka oo nafta la dagaallama. 12 Quruumaha dhexdooda dabiicad wanaagsan ku dhaqma, in meeshii ay wax xun idinkaga sheegi lahaayeen sidii idinkoo ah kuwo xumaan fala, ay shuqulladiinna wanaagsan oo ay arkaan Ilaah ku ammaanaan maalinta booqashada.

Dawladda Waa In Laga Dambeeyo

13 Rabbiga daraaddiis u addeeca amar kasta oo dadka, ama ha ahaado boqorka ka sarreeya dadka oo dhan, 14 amase taliyayaasha uu isagu u soo diray inay ka aargutaan kuwa xumaanta sameeya oo ay ammaanaan kuwa samaanta fala. 15 Waayo, Ilaah doonistiisu waxa weeye inaad samafalid ku aamusiisaan jaahilnimada nacasyada, 16 idinkoo xor ah oo aan xorriyaddiinna ugu isticmaalayn sidii jubbad aad xumaanta ku qarisaan, laakiinse sidii idinkoo ah addoommo Ilaah. 17 Dadka oo dhan maamuusa, walaalahana jeclaada, Ilaahna ka cabsada, oo boqorka ciseeya.

Adeegidda Micneheeda

18 Midiidinyadow, ka cabsada oo ka dambeeya sayidyadiinna, mana aha kuwa wanaagsan oo idiin roon oo keliya, laakiinse xataa kuwa qalloocan. 19 Waayo, tanu waa wax loo bogo haddii nin niyada xagga Ilaah uga adkaysto dhibaatooyinka, isagoo xaqdarro ku xanuunsanaya. 20 Markii aad dembaabtaan, oo laydin garaaco, haddii aad u dulqaadataan, maxay ammaan leedahay? Laakiinse markaad wanaag fashaan oo aad xanuunsataan, haddii aad u dulqaadataan, taasu waa wax Ilaah u bogo. 21 Waayo, taasu waa wixii laydiinku yeedhay, maxaa yeelay, Masiix baa idiin xanuunsaday, oo wuxuu idinkaga tegey masaal inaad tallaabooyinkiisa raacdaan. 22 Isagu ma uu dembaabin, khiyaanona afkiisa lagama helin. 23 Oo isagu markii la caayay, dadkii caayay cay uma uu celin. Markuu xanuunsadayna ninna ma uu cabsiin, laakiinse wuxuu isu dhiibay kan xaqnimada wax ku xukuma. 24 Oo isagu dembiyadeennii wuxuu ku qaaday jidhkiisii geedka saarnaa, si innagoo dembi kala dhimannay aynu xaqnimo ugu noolaanno. Waxaad ku bogsateen xariijimihii karbaashiddiisii. 25 Waayo, waxaad u ambanayseen sida ido oo kale, laakiinse haatan waxaad u soo noqoteen Adhijirka iyo Hoggaamiyaha naftiinna.

Yooxanaa 15:12-27

12 Kanu waa qaynuunkayga inaad isjeclaataan sidaan idiin jeclaaday. 13 Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis. 14 Saaxiibbaday baad tihiin haddaad yeeshaan waxaan idinku amro. 15 Mar dambe addoommo idiinku yeedhi maayo, maxaa yeelay, addoonku garan maayo wuxuu sayidkiisu sameeyo, laakiin saaxiibbo waan idiinku yeedhay, maxaa yeelay, waxaan Aabbahay ka soo maqlay oo dhan ayaan idin ogeysiiyey. 16 Idinku ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin doortay, waanan idiin diray inaad tagtaan oo midho soo dhashaan, iyo in midhihiinnu sii jiraan, in wax alla waxaad Aabbaha magacayga ku weyddiisataan uu idin siiyo. 17 Waxyaalahaas ayaan idiinku amray inaad isjeclaataan.

Dunida Iyo Ruuxa Runta

18 Dunidu hadday idin nebcaato, waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay. 19 Haddaad kuwa dunida ahaan lahaydeen, dunidu kuweeda way jeclaan lahayd, laakiin kuwa dunida ma ihidin, waanse idinka doortay dunida, taas aawadeed dunidu way idin neceb tahay. 20 Xusuusta hadalkaan idinku idhi, Addoon kama weyna sayidkiisa. Hadday i silciyeen, idinkana way idin silcin doonaan. Hadday hadalkayga xajiyeen, kiinnana way xajin doonaan. 21 Laakiin waxyaalahaas oo dhan waxay idiinku samayn doonaan magacayga aawadii, maxaa yeelay, waxaanay garanayn kii i soo diray. 22 Haddaanan iman oo aanan la hadlin, dembi ma ay lahaadeen, laakiin hadda dembigooda marmarsiinyo uma haystaan. 23 Kii i neceb, waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay. 24 Haddaanan dhexdooda ku samayn shuqullada aan nin kale samayn, dembi ma ay lahaadeen, haddase aniga iyo Aabbahayba way na arkeen oo na nebcaadeen. 25 Laakiin sidaas waxay u noqotay inuu dhammaado hadalka sharcigooda ku qorani, Way ii nebcaadeen sababla'aan.

26 Laakiin markuu yimaado Gargaaraha oo aan xagga Aabbaha ka soo diri doono, isagoo ah Ruuxa runta oo xagga Aabbaha ka soo baxa, ayuu ii marag furi doonaa. 27 Idinkuna waad marag furi doontaan, waayo, tan iyo bilowgii waad ila jirteen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya