Book of Common Prayer
SABUURRADII
Kitaabka Kowaad
Sabuurrada 1-41
1 Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh,
Oo aan istaagin jidka dembilayaasha,
Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
2 Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga,
Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda,
Oo midhihiisa dhala xilligooda,
Oo aan caleentiisuna engegin.
Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
4 Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha,
Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
5 Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka,
Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda,
Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
2 Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan,
Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
2 Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin,
Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan
Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
3 Silsiladahooda aan gooyno
Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
4 Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa,
Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
5 Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa,
Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey
Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
7 Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa,
Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga,
Maantaan ku dhalay.
8 I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha,
Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah,
Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha,
Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
11 Rabbiga cabsi ugu adeega,
Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane.
Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa.
Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu wiilkiisa Absaaloom ka cararay.
3 Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa!
Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.
2 Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh,
Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)
3 Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan,
Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.
4 Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa,
Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)
5 Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday,
Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
6 Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa,
Oo gees kasta iga hareereeyey.
7 Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow,
Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka,
Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.
8 Badbaado waxaa leh Rabbiga,
Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
4 Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal,
Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay,
Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
2 Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa?
Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan?
Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)
3 Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh,
Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.
4 Cadhooda oo ha dembaabina,
Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)
5 Bixiya allabaryadii xaqnimada,
Oo Rabbiga isku halleeya.
6 Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya?
Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
7 Waxaad qalbigayga gelisay farxad
Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.
8 Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa,
Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.
Kanu waa sabuur Shiggayoon ah oo Daa'uud Rabbiga ugu gabyay, oo ku saabsan Kuush oo ahaa reer Benyaamiin.
7 Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa,
Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,
2 Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane,
Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa.
3 Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey,
Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,
4 Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah,
(Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)
5 De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado,
Oo isagu ha igu tunto,
Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)
6 Rabbiyow, cadhadaada la kac,
Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda,
Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
7 Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen,
Oo adna iyaga xagga sare uga noqo.
8 Rabbigu dadyowga buu u garsooraa,
Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.
9 Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah,
Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
10 Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha
Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11 Ilaah waa xaakin xaq ah,
Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.
12 Haddii aan laga noqon, isagu seeftiisuu afaysan doonaa,
Qaansadiisana wuu xootay, oo wuu diyaarsaday.
13 Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada,
Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya.
14 Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan,
Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been.
15 Booraan buu sameeyey, oo uu qoday,
Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.
16 Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa,
Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.
17 Rabbiga waan ugu mahadnaqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay,
Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.
21 Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een. 22 Markaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba. 23 Markaasaa Masriyiintiina soo eryadeen, oo intay soo daba galeen ayay waxay mareen badda dhexdeeda, oo waxayna ahaayeen Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii oo dhan. 24 Oo markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta. 25 Kolkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta.
26 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda. 27 Markaasaa Muuse gacantii badda ku kor fidiyey, oo markii waagii beryay ayaa baddii xooggeedii hore ku soo noqotay, markaasaa Masriyiintiina ka carareen; kolkaasaa Rabbigu wuxuu Masriyiintii ku tuuray badda dhexdeedii. 28 Markaasaa biyihii isku soo noqdeen, oo waxay qariyeen gaadhifardoodkii, iyo fardooleydii, iyo xataa ciidankii Fircoon oo dhan oo badda dhexdeeda reer binu Israa'iil ku eryaday, oo xataa midna kama hadhin. 29 Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah, biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba. 30 Oo sidaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga badbaadiyey gacantii Masriyiinta; oo reer binu Israa'iilna waxay arkeen Masriyiintii oo dhimatay oo badda xeebteeda taal. 31 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu ku sameeyey Masriyiintii, kolkaasay dadkii Rabbiga ka cabsadeen, oo waxay rumaysteen Rabbiga iyo addoonkiisii Muuse.
WARQADDII KOWAAD EE RASUUL
BUTROS
Salaan
1 Anigoo ah Butros oo ah rasuulkii Ciise Masiix waxaan warqaddan u qorayaa qariibbada ku kala firidhsan Bontos, iyo Galatiya, iyo Kabbadokiya, iyo Aasiya, iyo Bituniya, 2 oo lagu doortay aqoontii Ilaaha Aabbaha ahu hore u sii ogaa, oo quduus lagaga dhigay Ruuxa, xagga addeecidda iyo rushaynta dhiiggii Ciise Masiix. Nimco iyo nabadu ha idiin bateen.
U Mahadnaqidda Rajada Masiixiyiinta Oo Ah Badbaadada
3 Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Naxariistiisa badan aawadeed ayuu mar kale ina dhalay inaynu rajo nool ku helno sarakiciddii Ciise Masiix ka soo sara kacay kuwii dhintay, 4 oo aynu helno dhaxal aan dhammaanayn, oo aan nijaasoobayn, oo aan baabba'ayn, oo jannada laydiinku kaydiyey. 5 Idinku waxaad tihiin kuwo xoogga Ilaah iyo rumaysadka lagu dhawro ilaa badbaadada diyaarka u ah in wakhtiga ugu dambaysta la muujiyo. 6 Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah. 7 Si loo tijaabiyo rumaysadkiinna, oo aad uga sii qaalisan dahabka oo ah wax baabba'a in kastoo dab lagu tijaabiyo. Markaasaa laga helayaa mahad iyo ammaan iyo ciso markii Ciise Masiix la muujiyo. 8 Isaga ma aydin arkin, waadse jeceshihiin, hadda in kastoo aydnaan arkin, waadse rumaysan tihiin, oo waxaad ku faraxdaan farxad aan la sheegi karin oo ammaan leh. 9 Waxaadna helaysaan waxa rumaysadkiinnu ku dhammaado oo ah badbaadada naftiinna. 10 Nebiyadii sii sheegay nimcada idiin imanaysa waxay doondooneen oo aad u raadiyeen wax ku saabsan badbaadadaas. 11 Waxayna raadiyeen wixii iyo wakhtigii Ruuxii Masiixa oo iyaga ku jiray uu u tilmaamay markuu horay uga sii markhaati furay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsan doono iyo waxyaalaha ammaanta ah oo iyaga ka daba iman doona. 12 Oo waxaa iyagii loo muujiyey inaanay iyagu isugu adeegin waxyaalahaas, laakiinse idinkay idiinku adeegeen, oo waxyaalahaas waxaa idin ogaysiiyey kuwii injiilka idinkaga wacdiyey Ruuxa Quduuska ah ee jannada laga soo diray; waxyaalahaas oo ay malaa'iguhuna jecel yihiin inay fiiriyaan.
Jidka Loo Maro Aabbaha
14 Qalbigiinnu yuusan murugoon. Ilaah waad rumaysan tihiin, anigana i rumaysta. 2 Guriga Aabbahay wuxuu leeyahay hoyaal badan. Haddaanay sidaas ahayn waan idiin sheegi lahaa, maxaa yeelay, waxaan u tegayaa inaan meel idiin sii diyaariyo. 3 Oo haddaan tago oo meel idiin diyaariyo, mar dambe waan soo noqon doonaa, oo xaggaygaan idiin qaadan doonaa, in meeshaan joogo, idinkuna aad joogtaan. 4 Oo meeshaan tegayo iyo jidkaba waad taqaaniin. 5 Toomas ayaa ku yidhi, Sayidow, ma naqaan meeshaad tegaysid ee sidee baan ku naqaan jidka? 6 Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee. 7 Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen.
8 Filibos baa ku yidhi, Sayidow, Aabbaha na tus, waana nagu filan yahay. 9 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus? 10 Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya. 11 I rumaysta inaan Aabbaha ku jiro, oo Aabbuhuna aniga igu jiro, haddii kale shuqullada aawadood ii rumaysta. 12 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii i rumaystaa, shuqullada aan sameeyo, isna wuu samayn doonaa, oo shuqullo kuwan ka waaweynna wuu samayn doonaa, maxaa yeelay, Aabbahaan u tegayaa. 13 Oo wax alla waxaad magacayga ku weyddiisataan, waan samayn doonaa in Aabbuhu ku ammaanmo Wiilka. 14 Haddii aad wax igu weyddiisataan magacayga, waan samayn doonaa.
Ciise Wuxuu Ku Ballanqaaday Ruuxa
15 Haddii aad i jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan. 16 Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin, 17 waxaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya