Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 145

Kanu waa sabuur ammaan ah oo Daa'uud tiriyey.

145 Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano,
Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.
Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa,
Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.
Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada,
Iyo shuqulladaada yaabka badan.
Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan,
Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa,
Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.
Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad,
Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay,
Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
10 Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
11 Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada,
Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
12 Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn,
Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
13 Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah,
Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
14 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan,
Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
15 Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan,
Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
16 Gacantaadaad furtaa,
Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
17 Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay,
Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
18 Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan,
Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
19 Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa,
Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
20 Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa,
Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.
21 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga,
Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.

Sabuurradii 104

104 Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay,
Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
Waxaad sida maro u huwataa nuur,
Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda,
Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras,
Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada,
Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
Adigaa dhigay aasaaska dhulka,
Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale,
Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
Canaantaadii ayay ku carareen,
Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka,
Ilaa meeshii aad u samaysay.
Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin,
Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
10 Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo,
Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
11 Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan,
Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
12 Haadda samadu iyagay ag degganaadaan,
Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.
13 Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa,
Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
14 Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo,
Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo,
Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
15 Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa,
Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado,
Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
16 Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay,
Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
17 Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan,
Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.
18 Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda,
Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.
19 Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo,
Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
20 Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada,
Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.
21 Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda,
Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.
22 Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan,
Oo waxay iska seexdaan godadkooda.
23 Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa
Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
24 Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa!
Kulligoodna xigmad baad ku samaysay,
Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
25 Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan,
Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin,
Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
26 Halkaas waxaa ku socda doonniyo,
Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
27 Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan,
Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
28 Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan,
Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
29 Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan,
Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan,
Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
30 Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan,
Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
31 Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba,
Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
32 Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa,
Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
33 Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa,
Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
34 Fikirkaygu isaga ha u macaanaado,
Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
35 Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een,
Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Rabbiga ammaana.

Baxniintii 13:17-14:4

Ka Gudubkii Badda

17 Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan. 18 Laakiinse Ilaah wuxuu dadkii u hor kacay waddada la wareegta cidlada ku ag taal Badda Cas; reer binu Israa'iilna waxay Masar ka bexeen iyagoo hubkoodii sita. 19 Markaasaa Muuse wuxuu qaaday lafihii Yuusuf; waayo, Yuusuf aad buu ugu dhaartay reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa; ee lafahayga waa inaad halkan ka qaaddaan. 20 Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda. 21 Rabbiguna inuu iyaga jidka tuso aawadeed ayuu maalintii hortooda socon jiray isagoo ku jira tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah, inuu iyaga u iftiimiyo si ay u socdaan hadh iyo habeenba. 22 Tiirkii daruurta ahaa oo maalinta, iyo tiirkii dabka ahaa oo habeenka kama tegin dadka hortiisa.

14 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, La hadal reer binu Israa'iil oo u sheeg inay dib u soo noqdaan oo ay degaan meel ka horraysa Fiihaahiirod, oo u dhaxaysa Migdol iyo badda, kana horraysa Bacal Sefoon. Horteeda oo meel badda agteeda ah waa inaad degtaan. Oo Fircoon wuxuu wax ka sheegi doonaa reer binu Israa'iil, oo odhan doonaa, Dhulkaa murgiyey, oo cidladaa xidhay iyagii. Oo anna waxaan qallafin doonaa Fircoon qalbigiisa, oo isna wuu soo raacdaysan doonaa iyaga; markaasaan Fircoon iyo ciidankiisaba ciso ka heli doonaa; Masriyiintuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga. Oo iyana sidii bay yeeleen.

2 Korintos 4:16-5:10

Dhibaato Wakhti Ah Iyo Ammaan Weligeed Ah

16 Sidaa daraaddeed qalbi jabi mayno, laakiin in kastoo ninkayaga dibadda ahu uu kharribmayo, weliba kayaga gudaha ahu maalin kastuu cusboonaanayaa. 17 Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah. 18 Ma fiirsanno waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan.

Waayo, waxaynu og nahay, haddii gurigeenna dhulka ee taambuug ahu uu dumo, inaynu Ilaah xaggiisa ku leennahay dhismo, mana aha guri gacmo lagu sameeyey, waase mid jannooyinka weligii ku jira. Kan baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah. Haddii aynu huwan nahay laynama heli doono innagoo qaawan. Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya. Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey. Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay, waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga. Waynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno. Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno. 10 Waayo, dhammaanteen waa in layna wada muujiyo kursiga xukumaadda ee Masiix hortiisa, in qof kastaa helo siday ahaayeen waxyaalihii uu jidhka ku falay, ha ahaadeen wanaag ama share.

Markos 12:18-27

Sarakicidda Kuwii Dhintay(A)

18 Markaasaa waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, 19 Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto oo naag ka tago isagoo aan ilmo lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo. 20 Waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay, dhalna kama tegin. 21 Kii labaad baa dumaalay, wuuna dhintay, isaguna dhal kama tegin, oo sidaas oo kalaa ku dhacday kii saddexaad. 22 Toddobadii way wada guursadeen, dhalna kama tegin. Kulligood dabadood naagtiina waa dhimatay. 23 Wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay iyaga kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen. 24 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Sidaa darteed miyaydnaan qaldamin? Waayo, Qorniinka iyo xoogga Ilaah midna garan maysaan. 25 Waayo, goortay kuwii dhintay ka soo sara kacaan layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha jannada ku jira. 26 Oo xagga kuwii dhintay in la sara kiciyo miyaydnaan kitaabkii Muuse ka akhriyin sidii Ilaah geedkii ugala soo hadlay oo yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? 27 Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool. Idinku aad baad u qaldan tihiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya