Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 102

Kanu waa mid dhibaataysan baryootankiis markuu taag darnaado, oo uu Rabbiga u cawdo.

102 Rabbiyow, baryootankayga maqal,
Qayladayduna ha ku soo gaadho.
Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay,
Dhegta ii dhig,
Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.
Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale,
Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.
Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay,
Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.
Codkii taahiddayda daraaddiis
Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.
Anigu waxaan la mid ahay haad cantalyaa ah oo cidlada joogta,
Oo waxaan la mid noqday haad guumays ah oo lamadegaanka dhex joogta.
Waan soo jeedaa, oo waxaan noqday
Sidii shimbir yar oo keligeed guri dhaladiis saaran.
Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan,
Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.
Waayo, dambas baan u cunay sidii kibis oo kale,
Oo cabniinkaygiina waxaan ku darsaday ilmadaydii.
10 Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood,
Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.
11 Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya,
Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.
12 Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa,
Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.
13 Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa,
Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.
14 Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda,
Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.
15 Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga,
Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,
16 Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon,
Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,
17 Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii,
Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.
18 Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda,
Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.
19 Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah,
Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,
20 Inuu maqlo taaha maxbuuska,
Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,
21 Si dadku magaca Rabbiga uga sheego Siyoon dhexdeeda,
Ammaantiisana Yeruusaalem dhexdeeda,
22 Markii dadyowgu isu soo wada ururaan,
Iyo xataa boqortooyooyinkuba, inay Rabbiga u adeegaan aawadeed.
23 Isagu xooggayguu ku dhex dhimay jidka,
Oo cimrigaygiina wuu gaabiyey.
24 Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah,
Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab.
25 Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay,
Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.
26 Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa,
Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale,
Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,
27 Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba,
Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.
28 Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan,
Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.

Sabuurradii 142-143

Kanu waa baryootan Maskiil ah ee Daa'uud tiriyey markuu godkii ku jiray.

142 Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa,
Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.
Oo hortiisaan ku cawdaa,
Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.
Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin,
Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.
Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag,
Waayo, nin i yaqaan ma jiro,
Meel aan magangalo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.
Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga,
Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.
Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey,
Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.
Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahadnaqo,
Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona,
Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa.

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

143 Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig,
Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.
Anoo addoonkaaga ah xukun ha i gelin,
Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.
Waayo, cadowgaa naftayda silciyey,
Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray,
Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.
Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa,
Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.
Waxaan soo xusuustaa wakhtigii hore,
Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa,
Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.
Gacmahaygaan kuu hoorsadaa,
Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)
Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa.
Wejigaaga ha iga qarin,
Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.
Aroorta naxariistaada i maqashii,
Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa,
I garansii sidii aan u socon lahaa,
Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.
Rabbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi,
Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.
10 I bar si aan doonistaada u sameeyo, waayo, waxaad tahay Ilaahayga,
Ruuxaaga wanaagsanu ha igu dhex hoggaamiyo dalka qummanaanta.
11 Rabbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis,
Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.
12 Oo raxmaddaada cadaawayaashayda ku wada tirtir,
Kuwa naftayda dhiba oo dhanna baabbi'i,
Waayo, waxaan ahay addoonkaaga.

Baroorashadii Yeremyaah 2:10-18

10 Odayaashii magaalada Siyoon iyagoo aamusan ayay dhulka fadhiyaan,
Boodh bay madaxa ku shubteen, oo waxay guntadeen joonyado.
Bikradihii Yeruusaalem madaxay dhulka ku foororiyeen.
11 Indhahaygii ilmay la gudheen, uurkuna waa i gubanayaa,
Oo aad baan u caloolxumahay, waayo, waxaa la baabbi'iyey dadkaygii,
Maxaa yeelay, carruurtii iyo naasonuugyadiiba jidadka magaalada bay ku itaal darnaadaan.
12 Waxay hooyooyinkood ku yidhaahdaan, Meeh hadhuudhkii iyo khamrigii?
Iyagoo jidadka magaalada ku itaaldaran sida dad dhaawac ah oo kale,
Markii ay naftoodu kaga baxayso laabta hooyooyinkood.
13 Magaalada Yeruusaalemay, maxaan kuu maragfuraa? Maxaanse kuu ekaysiiyaa?
Magaalada Siyoonay, bal maxaan kaala mid dhigaa si aan kuugu qalbi qabowjiyo?
Waayo, jabkaagu wuxuu u weyn yahay sida badda oo kale. Bal yaa ku bogsiin kara?
14 Nebiyadaadii waxay arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo doqonnimo ah,
Oo xumaantaadiina daaha sow kama ay qaadin si maxaabiistaadii laguugu soo celiyo,
Laakiinse waxay kuu arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo ku leexiya.
15 Waxa ag mara oo dhammu way kugu sacbiyaan,
Wayna ku foodhyaan oo ay madaxa ku lulaan magaalada Yeruusaalem, oo waxay isku yidhaahdaan,
Tanu ma magaaladii la odhan jiray Kaamilnimada quruxda iyo farxadda dunida oo dhan baa?
16 Cadaawayaashaadii oo dhammu afkay kugu kala qaadeen,
Intay foodhyaan oo ilko jirriqsadaan ayay waxay yidhaahdaan, Waannu liqnay.
Sida xaqiiqada ah tanu waa maalintii aannu sugaynay,
Waannu helnay oo waannu aragnay.
17 Rabbigu wuu sameeyey wixii uu ku talaggalay,
Oo eraygiisii uu waagii hore amrayna wuu oofiyey.
Wuu dumiyey, umana uu tudhin.
Oo wuxuu ka dhigay in cadowgu kugu reyreeyo,
Oo geeskii cadaawayaashaadana kor buu u taagay.
18 Qalbigoodii Sayidkuu ugu qayliyey.
Derbiga magaalada Siyoonow, habeen iyo maalinba ilmadaadu ha u qulqusho sida webi oo kale.
Nafsaddaada nasasho ha siin, oo yaan ishaadu joogsan.

1 Korintos 10:14-17

Sanamcaabudidda Waa In Laga Cararo

14 Sidaa daraaddeed, gacaliyayaalow, sanamcaabudidda ka carara. 15 Waxaan idiinla hadlayaa sida dad caqli leh loola hadlo oo kale. Idinku qiyaasa waxaan leeyahay. 16 Koobka barakada leh ee aynu u ducayno miyaanu ahayn islawadaagidda dhiigga Masiix? Kibistaynu jebinnaa, miyaanay ahayn islawadaagidda jidhka Masiix? 17 Innagu in kastoo aynu badan nahay, waxaynu nahay jidh qudha, maxaa yeelay, waxaa jira kibis qudha, waayo, dhammaanteen waxaynu wada qaybsannaa kibista qudha.

1 Korintos 11:27-32

Waa Inaan Cashada Si Aan Istaahilin Loo Qaadan

27 Taas aawadeed ku alla kii kibista u cuna ama koobka Rabbiga u cabba si aan istaahilin, jidhka iyo dhiigga Rabbigu dushiisay noqon doonaan. 28 Nin kastaa ha is-imtixaamo, oo sidaas kibista wax ha uga cuno, oo koobka ha uga cabbo. 29 Waayo, kii cuna oo cabba, xukun ayuu naftiisa u cunaa oo u cabbaa isagoo aan jidhka garanaynin. 30 Sababtaas aawadeed ayay badidiinnu u itaal daranyihiin, oo u bukaan, oo qaar aan yaraynu u dhinteen. 31 Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen. 32 Markii layna xukumo, Rabbiga ayaa ina edbiya, inaan laynala xukumin dunida.

Markos 14:12-25

Cashadii Ugu Dambaysay(A)

12 Maalinta ugu horraysay oo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn, goortii neefka Kormaridda la gowraco ayaa xertiisii ku tidhi, Xaggee baad doonaysaa inaannu tagno oo ku diyaargarayno inaad cuntid cashada Iidda Kormaridda? 13 Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita; isaga raaca. 14 Meeshuu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qolladdaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda? 15 Wuxuu idin tusayaa qollad weyn oo sare oo goglan oo diyaar ah; halkaa inoogu diyaargareeya. 16 Xertiisii ayaa baxday oo magaalada gashay, wayna heleen siduu u sheegay, oo cashada Iidda Kormaridda ayay diyaargareeyeen.

17 Goortii makhribkii la gaadhay ayuu laba-iyo-tobankii la yimid. 18 Oo intay fadhiisteen oo wax cunayeen, Ciise baa yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin oo wax ila cunaya ayaa i gacangelin doona. 19 Markaasay calool xumaadeen, oo mid baa mid ku yidhi, Ma aniga baa? 20 Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waa mid ka mid ah laba-iyo-tobankii oo saxanka gacanta ila gesha. 21 Wiilka Aadanahu waa baxayaa siday u qoran tahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacangelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan.

22 Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakeeyey, wuuna jejebiyey oo iyaga siiyey oo yidhi, Qaata, tanu waa jidhkaygiiye. 23 Kolkaasuu koobkii qaaday oo mahadnaqay oo siiyey iyaga, oo kulli way ka wada cabbeen. 24 Wuxuu ku yidhi, Kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay. 25 Runtii waxaan idinku leeyahay, Mar dambe midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa maalinta aan boqortooyada Ilaah ka cabbi doono kan cusub.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya