Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 137

137 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon,
Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay,
Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen,
Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa
Dal qalaad dhexdiis?
Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo,
Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga,
Haddaanan ku xusuusan,
Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan
Farxaddayda ugu weyn.
Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom,
Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi,
Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa,
Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya
Sidii aad nagu samaysay.
Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada
Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.

Sabuurradii 144

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

144 Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah,
Oo gacmahayga dagaalka bara,
Farahaygana dirirta bara,
Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda,
Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga,
Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo,
Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.
Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?
Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn,
Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac,
Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan.
Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi,
Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.
Gacantaada kor ka soo fidi,
Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan,
Iyo gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa,
Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
11 I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
12 Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray,
Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
13 Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah,
Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
14 Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan,
Markaan la arag weerarid iyo qaxid,
Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
15 Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay,
Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.

Sabuurradii 42-43

Kitaabka Labaad

Sabuurrada 42-72

Kanu waa gabay Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.

42 Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo,
Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool.
Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan,
Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah,
Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay,
Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun,
Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.
Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan,
Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.
Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa,
Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa,
Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
10 Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan,
Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
11 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

43 Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn,
Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen,
Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.
Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah,
Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn,
Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.
Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

Baxniintii 10:21-11:8

Belaayadii Gudcurka

21 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada xagga samada u taag, in gudcur ku soo dego dalka Masar, kaasoo ah gudcur aad u daran. 22 Kolkaasaa Muuse gacanta xagga samada u taagay; oo waxaa dalkii Masar ku soo degay gudcur weyn oo in saddex maalmood ah jiray; 23 oo midkoodna midka kale ma arkin, ama midkoodna meeshiisii kama kicin in saddex maalmood ah; laakiinse reer binu Israa'iil oo dhan guryahoodu iftiin bay lahaayeen. 24 Markaasaa Fircoon Muuse u yeedhay oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga u adeega; laakiinse adhyihiinna iyo lo'diinnu ha joogeen; yaryarkiinnuse ha idin raaceen. 25 Muusena wuxuu yidhi, De waa inaad weliba na siisaa allabaryo iyo qurbaan la gubo, oo aannu u bixinno Rabbiga ah Ilaahayaga. 26 Lo'dayaduna waa inay na raacdaa, oo waa inaan neef keliyahu dib nooga hadhin, waayo, iyada waa inaannu wax ka qaadannaa si aannu ugu adeegno Rabbiga ah Ilaahayaga. Annagu garan mayno wax aannu ugu adeegno Rabbiga jeeraannu tagno xaggaas. 27 Laakiinse Rabbigu waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana u doonaynin inuu iyaga sii daayo. 28 Markaasaa Fircoon wuxuu isagii ku yidhi, War iga tag, oo iska jir, si aadan wejigayga mar dambe u arkin, waayo, maalintii aad wejigayga aragtid hubaal waad dhiman doontaa. 29 Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi, Adigu si wanaagsan baad u hadashay, oo wejigaaga mar dambe arki maayo.

Belaayadii Oo Ku Dhacday Curadyada

11 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa; oo dabadeedna wuu idin sii dayn doonaa inaad halkan ka tagtaan, oo markuu idin sii daayo, giddigiin ayuu halkan idinka sii wada eryi doonaa. Haddaba dadka dhegihiisa maqashii, oo nin waluba ha weyddiisto deriskiisa, naag walubana ha weyddiisato deriskeeda alaab lacag ah iyo alaab dahab ah. Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay. Oo weliba ninkii Muuse ahaa wuxuu dalka Masar ku ahaa mid aad u weyn xagga Fircoon addoommadiisa iyo xagga dadkaba.

Muusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa, oo curadyada dalka Masar jooga oo dhammu way wada dhiman doonaan, curadka Fircoon oo ku fadhiya carshigiisa, ilaa la gaadho curadka gabadha addoonta ah oo ka dambaysa dhagaxshiidka, iyo curadyada xoolaha oo dhan. Oo waxaa dalka Masar oo dhan jiri doonta oohin weyn, taas oo kale aan hore loo arag, hadda kaddibna aan la arki doonin marnaba. Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil. Oo addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.

2 Korintos 4:13-18

13 Waxaannu leennahay isku ruuxa ee rumaysadka, sida qoran, waan rumaystay, taas aawadeed ayaan u hadlay; annaguna waan rumaysannaa, taas aawadeedna waannu u hadallaa. 14 Waannu garanaynaa in kan sara kiciyey Rabbi Ciise uu inala sara kicin doono Ciise, oo hortiisuu ina wada keeni doonaa idinka iyo annagaba. 15 Waayo, wax waliba waa aawadiin, in nimcada kuwa badan ku badanu ay mahad u badiso xagga ammaanta Ilaah.

Dhibaato Wakhti Ah Iyo Ammaan Weligeed Ah

16 Sidaa daraaddeed qalbi jabi mayno, laakiin in kastoo ninkayaga dibadda ahu uu kharribmayo, weliba kayaga gudaha ahu maalin kastuu cusboonaanayaa. 17 Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah. 18 Ma fiirsanno waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan.

Markos 10:46-52

Ciise Wuxuu Bogsiiyey Nin Indhala' Oo Bartimayos La Odhan Jiray(A)

46 Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay. 47 Goortuu maqlay inuu yahay Ciisihii reer Naasared, wuxuu bilaabay inuu aad u qayliyo oo yidhaahdo, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso. 48 Qaar badan baa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso. 49 Kolkaasaa Ciise joogsaday oo yidhi, U yeedha. Markaasay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Kalsoonow, kac, waa kuu yeedhayaaye. 50 Intuu maradiisa iska tuuray ayuu booday oo Ciise u yimid. 51 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko. 52 Markaasaa Ciise ku yidhi, Soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Kolkiiba ayuu wax arkay, oo jidka buu la qaaday isaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya