Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 95

95 Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee,
Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.
Aynu hortiisa la nimaadno mahadnaq,
Oo aynu isaga farxad ugu qaylinno innagoo sabuurro ugu gabyayna.
Waayo, Rabbigu waa Ilaah weyn,
Waana boqor weyn oo ilaahyada oo dhan ka wada sarreeya.
Dhulka meelihiisa ugu mool dheeru gacantiisay ku jiraan,
Oo buuraha dheeraantoodana isagaa iska leh.
Baddana isagaa iska leh, oo isagaa sameeyey,
Oo dhulka engeganna isagaa gacmihiisa ku sameeyey.
Haddaba kaalaya aynu isaga caabudnee oo u sujuudnee,
Oo Rabbiga ina abuuray aan hortiisa ku jilba joogsanno,
Waayo, isagu waa Ilaaheen,
Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira.
Bal maanta maad codkiisa maqashaan!
Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay,
Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal,
Markay awowayaashiin i jirrabeen,
Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen.
10 Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa,
Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama,
Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,
11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan waxaan ku dhaartay
Inaanay nasashadayda gelin.

Sabuurradii 88

Kanu waa sabuur gabay ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Maxalad Lecannod. Oo waa Maskiil tacliin ah oo Heemaankii reer Cesraax.

88 Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow,
Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,
Baryootankaygu hortaada ha yimaado,
Oo qayladayda dhegta u dhig,
Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin,
Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.
Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yamayska,
Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn,
Oo meydadka lagu dhex tuuray,
Sida kuwa la laayay oo xabaalaha yaal,
Oo aanad mar dambe soo xusuusnayn,
Kuwaas oo ah kuwa gacantaada ka go'ay.
Waxaad igu ridday yamayska ugu hooseeya,
Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.
Cadhadaadii baa igu soo degtay,
Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)
Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay,
Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda.
Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed,
Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay,
Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.
10 Ma yaabab baad tusaysaa meydadka?
Kuwii dhintay miyey soo sara kacayaan oo ku ammaanayaan? (Selaah)
11 Raxmaddaada miyaa qabriga lagu sheegayaa?
Aaminnimadaadana miyaa halligaadda laga dhex sheegayaa?
12 Yaababkaaga miyaa gudcurka lagu ogaanayaa?
Xaqnimadaadana ma waxaa lagu ogaanayaa dalka illoobidda?
13 Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday,
Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.
14 Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa?
Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?
15 Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba,
Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.
16 Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay,
Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.
17 Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale,
Dhammaantood way i wada hareereeyeen.
18 Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay,
Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.

Sabuurradii 91-92

91 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon
Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa,
Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda
Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha,
Iyo belaayada aad u xun.
Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa,
Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa,
Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada,
Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
Ama belaayada gudcurka ku socota,
Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun,
Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun,
Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa,
Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.
Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga,
Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.
10 Shar kuguma dhici doono,
Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa
Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan
Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa,
Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa,
Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa,
Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa,
Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
16 Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa,
Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.

Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey maalinta Sabtida.

92 Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo,
Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,
Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo,
Habeen kastana aaminnimadaada,
Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda,
Iyo dhawaaqa kataaradda.
Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii,
Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.
Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa!
Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
Doqonku taas ma yaqaan,
Kii nacas ahuna ma garan karo.
Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan,
Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan,
Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.
Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada,
Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane,
Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.
10 Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga
Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.
11 Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa,
Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.
12 Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed,
Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.
13 Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray
Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
14 Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay,
Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,
15 Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay,
Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.

Bilowgii 47:1-26

47 Markaasaa Yuusuf gudaha galay oo uu Fircoon u warramay, wuxuuna ku yidhi, Aabbahay iyo walaalahay, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haystaan oo dhammu way ka yimaadeen dalkii Kancaan, oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen. Oo walaalihiisna wuxuu ka kaxeeyey shan nin, oo wuxuu hor taagay Fircoon. Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf walaalihiis ku yidhi, Shuqulkiinnu waa maxay? Markaasay waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waxaannu nahay adhijirro, annaga iyo awowayaashayoba. Oo waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid, waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaannu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen. Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen. Dalka Masarna wuu ku hor yaal; haddaba dalka meesha ugu wanaagsan aabbahaa iyo walaalahaa deji, oo dalka Goshen ha degeen. Oo haddaad ku garanaysid rag karti leh, de ka dhig kuwo xoolahayga u taliya. Markaasaa Yuusuf aabbihiis Yacquub gudaha soo geliyey, oo wuxuu soo hor taagay Fircoon; Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey. Fircoonna wuxuu Yacquub ku yidhi, Immisa jir baad tahay? Markaasaa Yacquub wuxuu Fircoon ku yidhi, Sannadihii aan qariibka ahaa waa boqol iyo soddon; cimrigaygu waa yaraa, wuuna xumaa, mana gaadhin cimrigii awowayaashay qariibka ahaayeen. 10 Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey, markaasuu Fircoon hortiisa ka tegey. 11 Markaasuu Yuusuf aabbihiis iyo walaalihiis dejiyey dalkii Masar oo uu ka siiyey meel hanti ah, taasoo ah meeshii dalka ugu wanaagsanayd oo ku tiil dalka la yidhaahdo Racmeses, sidii Fircoon ku amray. 12 Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.

Yuusuf Iyo Abaartii

13 Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd, sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag darnaadeen. 14 Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon. 15 Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay. 16 Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi, Haddii lacagtii idinka dhammaatay, xoolihiinna keena, oo anna xoolihiinna ayaan cunto idinka siin doonaa. 17 Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii; oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay. 18 Oo markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane. 19 De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in. 20 Yuusufna dhulkii Masar oo dhan Fircoon buu u iibiyey, waayo, Masriyiintii nin waluba wuxuu iibiyey beertiisii, maxaa yeelay, abaartaa ku xumayd iyaga; dhulkiina waxaa yeeshay Fircoon. 21 Dadkiina wuxuu u wareejiyey magaalooyinka dhulka Masar darafkiisa ilaa darafka kale. 22 Wuxuusan iibsan dhulkii wadaaddada oo keliya, waayo, wadaaddadu qayb bay ku lahaan jireen Fircoon, oo waxay cuni jireen qaybtii Fircoon siin jiray, oo sidaas daraaddeed ma ay iibsan dhulkoodii. 23 Markaasaa Yuusuf wuxuu dadkii ku yidhi, Bal eega, maantaan Fircoon idiin iibiyey idinka iyo dhulkiinnaba; haddaba abuurkan qaata oo dhulka ku beera. 24 Markii aad wax soo goosataan, waxaad Fircoon siisaan shan meelood meel, afarta kalena waxay idiin ahaan doonaan abuur aad beerta ku abuurtaan iyo cuntadiinna iyo cuntadii reerihiinna iyo cuntadii dhallaankiinnaba. 25 Markaasay iyana waxay yidhaahdeen, Adigu noloshayada waad badbaadisay, haddaba, sayidkayagiiyow, naga raalli ahow, oo annana waxaannu Fircoon u noqon doonnaa addoommo. 26 Yuusufna wuxuu sameeyey qaynuun ku saabsan dhulka Masar in ilaa maantadan la joogo Fircoon lahaado shantii meeloodba meel, Fircoonna wuxuusan yeelan dhulkii wadaaddada oo keliya.

1 Korintos 9:16-27

16 Waayo, haddaan dadka injiilka ku wacdiyo, wax aan ku faano ma aha, waayo, wax baa i qasbaya, maxaa yeelay, waa ii hoog haddaanan dadka injiilka ku wacdiyin. 17 Waayo, haddaan waxaas ku sameeyo doonistayda aawadeed, abaalgud baan helayaa, laakiin haddaanan doonistayda ku samayn, weli wakiilnimo baa laygu aaminay. 18 Haddaba abaalgudkaygu waa maxay? Waa in markaan injiilka dadka ku wacdiyo aan injiilka ka dhigo iibla'aan, si aanan ugu wada isticmaalin waxa ii jidka ah xagga injiilka.

Aad Buu Ugu Dadaalay Inuu Dad U Jiido Masiix

19 Waayo, in kastoo aan xor ka ahaa dad oo dhan, dhammaan ayaan addoon isaga dhigay, si aan qaar kaloo badan u soo kordhiyo. 20 Yuhuudda waxaan u noqday sida Yuhuudi oo kale, si aan Yuhuud kale u soo kordhiyo. Kuwa sharciga ka hooseeyana, sida mid sharciga ka hooseeya ayaan u noqday, aniga oo aan sharciga ka hoosayn, si aan kuwa sharciga ka hooseeya u soo kordhiyo. 21 Xagga kuwa aan sharciga lahayn, sida mid aan sharci lahayn ayaan u noqday anigoo aan ahayn mid sharci la' xagga Ilaah, laakiin sharci leh xagga Masiix, si aan u soo kordhiyo kuwa aan sharciga lahayn. 22 Xagga kuwa itaalka daran waxaan u noqday mid itaaldaran, si aan kuwa itaalka daran u soo kordhiyo. Dadka oo dhan ayaan wax kasta u noqday inaan si kastaba qaar ku badbaadiyo. 23 Wax kasta waxaan u sameeyaa injiilka aawadiis, si aan u noqdo mid injiilka la qaybsada iyaga.

Dadaalka Loo Baahan Yahay Si Loo Lib Helo

24 Miyaanad ogayn in kuwa tartan ku ordaa ay wada ordaan, laakiin mid uun baa dheefta hela? Sidaas u orda inaad heshaan. 25 Kii cayaarta aad ugu dadaalaa, wax walba ayuu iska dhawraa. Kuwaasu haddaba waxay sidaas u yeelaan inay taaj dhammaanaya helaan, innaguse waxaynu helaynaa mid aan dhammaanaynin. 26 Haddaba anigu uma ordo qasdila'aan, uma feedhtamo sida mid dabaysha ku dhufanaya. 27 Laakiin jidhkaygaan dhibaa oo addoon ka dhigaa si markaan qaar kale injiilka ku wacdiyo aan qudhayda lay diidin.

Markos 6:47-56

47 Goortii makhribkii la gaadhay, doonnidii waxay joogtay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay. 48 Wuxuu arkay iyagoo wadidda ku dhibtoonaya, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtigii gaadhka afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda, wuuna iska dhaafi lahaa. 49 Laakiin goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, waxay moodeen inuu muuqasho yahay, markaasay qayliyeen. 50 Waayo, way wada arkeen, wayna nexeen. Markiiba wuu la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina. 51 Markaasuu doonnidii iyaga ugu tegey, dabayshuna waa joogsatay. Aad iyo aad bay u nexeen oo ula yaabeen. 52 Waayo, iyaga kibistii waxba kama ay garanin, maxaa yeelay, qalbigoodu waa engegnaa.

Bogsiintii Dadka Gennesared Joogay(A)

53 Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared, oo doonnidiina xeebtay ku xidheen. 54 Goortay doonnida ka soo degeen, kolkiiba dadku way garteen isaga. 55 Oo waxay orod ku wareegeen dalka u dhow oo dhan oo bilaabeen inay kuwa buka sariiro ugu soo qaadaan meeshii ay ku maqleen inuu joogo. 56 Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya