Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 63

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu joogay cidlada reer Yahuudah.

63 Ilaahow, waxaad tahay Ilaahay, oo anna goor hore ayaan ku doondooni doonaa,
Naftaydu adigay kuu oomman tahay, jidhkayguna aduu kuu xiisoodaa,
Anoo jooga dhul engegan oo daal miidhan ah oo aan biyo lahayn.
Si aan u arko xooggaaga iyo ammaantaadaba aawadeed,
Ayaan kaa fiiriyey meesha quduuska ah.
Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol,
Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.
Sidaas daraaddeed waan kugu mahadnaqayaa intaan noolahay,
Oo gacmahaygana kor baan ugu qaadi doonaa magacaaga aawadiis.
Naftaydu waxay u dhergi doontaa sida mid dhuux iyo baruur uga dhergo,
Oo afkayguna wuxuu kugu ammaani doonaa bushimo faraxsan
Kolkaan sariirtayda kugu soo xusuusto
Oo aan kaa fikiro habeenka markaan soo jeedo.
Waayo, waxaad ii ahayd caawimaad,
Oo hooska baalashaada ayaan ku rayrayn doonaa.
Naftaydu adigay ku raacdaa,
Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)
Laakiinse kuwa naftayda u doondoonaya inay halligaan aawadeed,
Waxay geli doonaan dhulka meelaha ugu hooseeya.
10 Waxaa iyaga loo gacangelin doonaa xoogga seefta,
Oo waxay qayb u noqon doonaan dawacooyinka.
11 Laakiinse boqorku wuxuu ku rayrayn doonaa Ilaah,
Mid kasta oo isaga ku dhaartaa wuu faani doonaa,
Waayo, kuwa beenta sheega afkooda waa la aamusiin doonaa.

Sabuurradii 98

Sabuur

98 Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan,
Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado.
Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii,
Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda.
Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil,
Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna.
Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya,
Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta,
Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.
Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya
Turumbooyin iyo buunan.
Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen,
Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,
Webiyadu ha sacbiyeen,
Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,
Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo,
Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo,
Dadyowgana caddaalad.

Sabuurradii 103

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

103 Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa quduuska ah.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan,
Oo ha illoobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan.
Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan,
Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,
Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda,
Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,
Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan,
Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.
Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo,
Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.
Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii,
Reer binu Israa'iilna falimihiisii.
Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan,
Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.
Isagu had iyo goor wax canaanan maayo,
Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.
10 Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen,
Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.
11 Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso,
Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.
12 Sida barigu uga fog yahay galbeedka,
Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.
13 Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale
Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.
14 Waayo, abuuristeennuu og yahay,
Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay.
15 Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale,
Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.
16 Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa,
Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.
17 Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba,
Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
18 Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya
Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.
19 Rabbigu carshigiisii wuxuu ka dhistay samooyinka,
Oo boqortooyadiisuna wax walbay u talisaa.
20 Malaa'igihiisa xoogga badan oo eraygiisa oofiya
Oo codka hadalkiisa maqlow,
Rabbiga ammaana.
21 Rabbiga ammaana, ciidammadiisa oo dhammow,
Idinkoo ah midiidinyadiisa wuxuu doonayo sameeyow,
22 Shuqulladiisa oo dhammow, Rabbiga ku ammaana
Meel kasta oo dowladnimadiisa ahba,
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.

Daanyeel 9:3-10

Oo waxaan wejigayga u jeediyey Sayidka Ilaah ah inaan ku doondoono tukasho iyo baryootan, anoo sooman, oo joonyado guntan, oo dambas ku fadhiya. Oo Rabbiga ah Ilaahayga ayaan baryay, oo wax baan u qirtay, oo aan idhi, Sayidow, waxaad tahay Ilaaha weyn oo laga cabsado, oo axdi xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa dhawra; waannu dembaabnay, oo wax baannu si qalloocan u samaynay, oo shar baannu falnay, oo waannu caasiyownay, oo xataa waannu ka baydhnay amarradaadii iyo xukummadaadii, oo ma aannu dhegaysan nebiyadii addoommadaada ahaa, oo magacaaga kula hadlay boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayo, iyo dadka waddanka deggan oo dhan. Sayidow, xaqnimada adigaa iska leh, laakiinse annagu waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb sida maanta annagoo ah dadka reer Yahuudah, iyo kuwa ku dhaqma Yeruusaalem, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, iyo kuwa dhow iyo kuwa fog oo aad dalalka kale u kaxaysay xadgudubkii ay kugu xadgudbeen aawadiis. Sayidow, waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb, annaga iyo boqorradayada iyo amiirradayada, iyo awowayaashayaba, maxaa yeelay, waannu kugu dembaabnay. Sayidka Ilaahayaga ahu wuxuu leeyahay naxariis iyo dembidhaaf, waayo, waannu ku caasiyownay; 10 mana aannu addeecin codkii Rabbiga Ilaahayaga ah, iyo inaannu ku soconno sharciyadiisa ay na hor dhigeen nebiyadii ahaa addoommadiisa.

Cibraaniyada 2:10-18

10 Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo. 11 Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo, 12 isagoo leh,

Magacaaga waxaan u sheegi doonaa walaalahay,
Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.

13 Oo haddana, Isagaan aamini doonaa, oo haddana, Bal eega, aniga iyo carruurta Ilaah i siiyey. 14 Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska, 15 iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan addoonnimo ugu hoos jiray cabsida dhimashada. 16 Waayo, runtii, ma uu qaadan suuradda malaa'igaha, wuxuuse qaatay tan dhashii Ibraahim. 17 Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka. 18 Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo.

Yooxanaa 12:44-50

Ciise Waxbariddiisii La Soo Koobay

44 Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray. 45 Kii i arkaana, wuxuu arkaa kan i soo diray. 46 Waxaan dunida u imid inaan nuur u ahaado, in mid kasta oo i rumaystaa uusan gudcurka ku sii jirin. 47 Nin uun hadduu erayadayda maqlo oo uusan xajin, xukumi maayo, waayo, uma iman inaan dunida xukumo, waxaanse u imid inaan dunida badbaadiyo. 48 Kii i diida oo aan erayadayda aqbalin, wuxuu haystaa mid xukuma; ereygaan ku hadlay baa xukumi doona isaga maalinta u dambaysa. 49 Waayo, anigu amarkayga kuma hadlin, laakiinse Aabbihii i soo diray isagaa i amray waxaan idhaahdo iyo waxaan ku hadloba. 50 Oo waanan garanayaa inuu amarkiisu yahay nolosha weligeed ah. Sidaa daraaddeed waxaan ku hadlayaa, sidii Aabbuhu igu yidhi, sidaasaan ku hadlayaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya