Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 25

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

25 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey,
Haddaba yaanan ceeboobin,
Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo,
Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
Rabbiyow, jidadkaaga i tus,
Oo waddooyinkaagana i bar.
Runtaada igu hoggaami, oo i bar,
Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda,
Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada,
Waayo, weligoodba way jireen.
Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii,
Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay,
Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay,
Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa,
Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
10 Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin
Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
11 Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis,
Waayo, aad buu u weyn yahay.
12 Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa?
Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
13 Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa,
Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
14 Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
15 Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga,
Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
16 Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso,
Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
17 Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen,
Cidhiidhigayga iga bixi.
18 Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga,
Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
19 Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin,
Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
20 Naftayda dhawr, oo i samatabbixi,
Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
21 Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen,
Waayo, adaan ku sugaa.
22 Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi
Dhibaatooyinkooda oo dhan.

Sabuurradii 9

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Muutlabbeen.

Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahadnaqi doonaa,
Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa,
Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.
Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan,
Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.
Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay,
Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.
Quruumaha ayaad canaanatay, oo kuwa sharka lehna waad baabbi'isay,
Oo magacoodiina waad tirtirtay weligiis iyo weligiis.
Cadaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba',
Oo magaalooyinkii aad afgembidayna
Xataa xusuustoodii waa baabba'day.
Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor,
Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.
Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa.
Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.
Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal.
Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,
10 Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan,
Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
11 Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya,
Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.
12 Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda,
Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
13 Rabbiyow, ii naxariiso,
Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan.
Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,
14 Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan,
Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
15 Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen,
Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
16 Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey,
Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)
17 Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool,
Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.
18 Waayo, kan baahan mar walba lama illoobi doono,
Oo masaakiinta waxfilashadooduna weligeed ma baabba'sanaan doonto.
19 Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan.
Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.
20 Rabbiyow, iyaga cabsi geli,
Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)

Sabuurradii 15

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

15 Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya?
Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya,
Oo qalbigiisa run kaga hadla.
Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman,
Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn,
Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan,
Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada,
Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod,
Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin.
Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.

Maahmaahyadii 27:1-6

27 Berrito ha ku faanin,
Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin,
Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay,
Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad,
Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
Canaantii bayaan ahu
Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo,
Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.

Maahmaahyadii 27:10-12

10 Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona,
Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin,
Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
11 Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi,
Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
12 Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa,
Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.

Filiboy 2:1-13

Waano Ku Saabsan Isku-mid-ahaanshaha Iyo Is-hoosaysiinta

Haddaba haddii ay Masiixa ku jiraan dhiirrigelin iyo qalbiqabowjis jacayl ah iyo haddii ay ku jirto walaalnimo xagga Ruuxa iyo haddii ay ku jiraan jixinjix iyo naxariis, farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah. Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay. Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale.

Ciise Is-hoosaysiintiisii Iyo Isbixintiisii Waa Masaal

Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro. Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis, laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg, oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto. Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya; 10 in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan, 11 iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.

Nuurar Dunida Ku Dhex Jira

12 Haddaba, gacaliyayaalow, xataa sidii aad weligiin u addeeci jirteen, iyadoo aan ahayn intii aan idinla joogay oo keliya, laakiinse haatan intaan idinka maqnahay si sidii hore aad uga sii badan badbaadadiinna ku shaqaysta cabsi iyo gariir, 13 waayo, waa Ilaah kan idinkaga dhex shaqeeya xagga doonista iyo xagga shuqulkaba farxaddiisa wanaagsan aawadeed.

Yooxanaa 18:15-18

Butros Baa Dafiray Ciise. Wadaadkii Sarena Wax Buu Ciise Weyddiiyey(A)

15 Waxaa Ciise daba socday Simoon Butros iyo mid kale oo xer ah. Ninkaas xerta ahaa wadaadka sare waa garanayay, wuuna la galay Ciise barxadda wadaadkii sare. 16 Butros se wuxuu taagnaa albaabka agtiisa oo dibadda ah. Sidaa daraaddeed kii kale oo xerta ahaa oo wadaadka sare garanayay ayaa dibadda u soo baxay oo la hadlay tii albaabka ilaalinaysay, oo Butros ayuu soo geliyey. 17 Gabadhii albaabka ilaalinaysay waxay Butros ku tidhi, Adiguna ma waxaad tahay mid ka mid ah ninkan xertiisa? Wuxuu ku yidhi, Ma ihi. 18 Markaasaa waxaa taagnaayeen addoommadii iyo saraakiishii oo dab dhuxul ah sameeyey, maxaa yeelay, dhaxan bay ahayd, wayna kulaalayeen. Butrosna wuu la joogay, isagoo taagan oo dabka kulaalaya.

Yooxanaa 18:25-27

25 Simoon Butros ayaa taagnaa oo dabka kulaalayay. Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma waxaad tahay xertiisii midkood? Markaasuu inkiray oo yidhi, Ma ihi. 26 Addoommadii wadaadka sare midkood oo qaraabo ay ahaayeen kii Butros uu dhegta ka gooyay wuxuu yidhi, Miyaanan beerta kugula arkin isaga? 27 Haddaba Butros mar kale ayuu inkiray, oo markiiba diiqii baa ciyey.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya