Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 87

Kanu waa sabuur gabay ah oo ay reer Qorax tiriyeen.

87 Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.
Rabbigu degmooyinka reer Yacquub oo dhan
Wuxuu ka jecel yahay irdaha Siyoon.
Magaalada Ilaahay,
Waxyaalo ammaan badan ayaa lagaa sheegaa. (Selaah)
Anigu waxaan ka sheekayn doonaa Rahab iyo Baabuloon sidii kuwo i yaqaan,
Bal eeg, Falastiin, iyo Turos, iyo Itoobiya.
Midkanu halkaasuu ku dhashay.
Haah, oo Siyoonna waxaa laga odhan doonaa, Midkan iyo midkaasuba iyaduu ku dhashay,
Oo Ilaaha ugu sarreeya ayaa iyada dhisi doona.
Rabbigu wuu tirin doonaa markuu dadka qorayo,
Midkanu halkaasuu ku dhashay. (Selaah)
Kuwa gabya iyo kuwa cayaaraaba waxay odhan doonaan,
Waxaa kugu jira ilahayga oo dhan.

Sabuurradii 90

Kitaabka Afraad

Sabuurrada 90-106

Kanu waa baryootankii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah.

90 Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab
Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
Intaan buuruhu dhalan ka hor,
Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida,
Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.
Dadka waxaad ku soo celisaa baabba',
Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.
Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin
Sida shalay oo kale markay dhammaadaan.
Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.
Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale,
Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.
Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan,
Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay,
Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.
Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada,
Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga.
Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada,
Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.
10 Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood,
Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood,
Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan,
Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.
11 Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda,
Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?
12 Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga,
Si aannu u helno qalbi xigmad leh.
13 Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa?
Oo raalli ka ahow addoommadaada.
14 Aroorta naxariistaada naga dhergi,
Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
15 Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay,
Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.
16 Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada,
Ammaantaaduna carruurtooda.
17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto,
Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga,
Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.

Sabuurradii 136

136 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Ku mahadnaqa Ilaaha ilaahyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Ku mahadnaqa Sayidka sayidyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan samada waxgarashada ku sameeyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan sameeyey iftiimmo waaweyn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Qorraxdu inay maalinta xukunto,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
10 Kan Masar curadyadii ka laayay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
11 Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
12 Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
13 Kan Badda Cas kala qaybiyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
14 Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
15 Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
16 Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
17 Kan boqorro waaweyn wax ku dhuftay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
18 Oo laayay boqorro caan ah,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
19 Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
20 Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
21 Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
22 Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
23 Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
24 Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
25 Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
26 Ku mahadnaqa Ilaaha samada,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

Bilowgii 29:1-20

Yacquub Oo Gaaray Fadan Araam

29 Yacquubna sodcaalkiisii buu iska sii watay, oo wuxuu yimid dalkii reer bari. Kolkaasuu wax fiiriyey, oo wuxuu arkay ceel berrinka ku dhex yaal, oo waxaa joogay saddex qaybood oo ido ah oo agtiisa jiifjiifa, maxaa yeelay, ceelkaasay idaha ka waraabin jireen. Dhagaxa ceelka afkiisa saarnaana aad buu u weynaa. Oo halkaasaa idaha oo dhan lagu soo ururin jiray: kolkaasay dhagaxa ceelka afkiisa ka rogi jireen, oo idaha ka waraabin jireen, markaasay mar labaad dhagaxa ceelka afkiisa saari jireen oo ku celin jireen meeshiisii. Markaasaa Yacquub ku yidhi, Walaalahayow, xaggaad ka timaadeen? Iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid Haaraan. Markaasuu ku yidhi, Ma taqaaniin Laabaan oo ah ina Naaxoor? Markaasay ku yidhaahdeen, Waannu naqaan. Markaasuu ku yidhi, Ma nabad qabaa? Iyana waxay yidhaahdeen, Haah, wuu nabad qabaa. Waa taas gabadhiisii Raaxeel idaha soo kaxaynaysa. Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Bal eega, weli waa maalin weyn, mana aha goortii xoolaha la soo wada ururin lahaa. Idaha waraabiya, oo kaxeeya oo daajiya. Iyana waxay yidhaahdeen, Ma yeeli karno taas, jeeray idoyowga oo dhammu isu yimaadaan, oo dhagaxa ceelka afkiisa laga rogo; markaasaannu idaha waraabinaynaa. Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay. 10 Oo Yacquub markuu arkay Raaxeel oo ahayd gabadhii abtigiis Laabaan, iyo idihii abtigiis Laabaan, ayuu u dhowaaday, oo dhagaxii ka rogay ceelka afkiisa, oo uu waraabiyey idihii abtigiis Laabaan. 11 Markaasuu Yacquub Raaxeel dhunkaday, wuuna qayliyey oo ooyay. 12 Yacquubna wuxuu Raaxeel u sheegay inuu yahay aabbeheed xigaalkiis, oo uu yahay wiilkii Rebeqah; kolkaasay orodday oo u sheegtay aabbeheed. 13 Oo Laabaan markuu maqlay warkii Yacquub oo ahaa wiilkii walaashiis ayuu ku orday inuu ka hor tago, markaasuu isku duubay, oo dhunkaday, oo uu gurigiisii keenay. Isna wuxuu Laabaan u sheegay waxyaalahan oo dhan.

Guurkii Yacquub Ee Lee'ah Iyo Raaxeel

14 Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Hubaal waxaad tahay laftayda iyo jidhkayga. Wuxuuna la joogay isagii intii bil ah. 15 Markaasaa Laabaan Yacquub ku yidhi, Walaalkayga aad tahay aawadeed ma habboon tahay inaad mushahaarola'aan iigu shaqaysid? Bal ii sheeg, mushahaaradaadu maxay ahaan doontaa? 16 Laabaanna wuxuu lahaa laba gabdhood: midda weyn magaceedu wuxuu ahaa Lee'ah, tan yar magaceeduna wuxuu ahaa Raaxeel. 17 Lee'ahna way indha darnayd, laakiinse Raaxeel way quruxsanayd, suurad wanaagsanna way lahayd. 18 Yacquubna wuxuu jeclaa Raaxeel; markaasuu yidhi, Toddoba sannadood baan kuugu shaqayn gabadhaada yar oo Raaxeel ah. 19 Laabaanna wuxuu yidhi, Waa wanaagsan tahay inaan adiga ku siiyo intii aan iyada nin kale siin lahaa, ee ila joog. 20 Yacquubna toddoba sannadood buu u shaqaynayay Raaxeel aawadeed; waxayna la ahaayeen maalmo yar, waana jacaylkii uu iyada u qabay aawadiis.

Rooma 14

Waa In Loo Dulqaataa Kuwa Wax Ka Shakiya

14 Kii rumaysadka ku itaal yar soo dhoweeya, mana aha inaad ra'ayiyadiisa la murantaan. Mid baa rumaysan inuu wax walba cuno, kii itaal yarse wuxuu cunaa khodaarta. Kii cunaa yuusan quudhsanin kii aan cunin, kii aan cuninna yuusan xukumin kii cuna, waayo, Ilaah baa aqbalay isaga. Yaad tahay kaaga xukuma midiidinka mid kaleto? Waayo, sayidkiisuu u taagan yahay ama u dhacaa. Waana la taagi doonaa, waayo, Rabbigu waa awoodaa inuu taago. Nin bay la tahay in maalinu maalinta kale ka fiican tahay, mid kalena waxay la tahay in maalmaha oo dhammu isku mid yihiin. Mid kastaaba maankiisa aad ha ugu hubsado. Kii maalinta ka fikiraa, Rabbiguu uga fikiraa, kii wax cunaa, Rabbiguu u cunaa, waayo, Ilaah buu ku mahadnaqaa; kii aan wax cuninuna, Rabbiga ayuusan u cunin, oo Ilaah buu ku mahadnaqaa. Midkeenna naftiisa uma noola, midkeenna naftiisa uma dhinto. Waayo, haddii aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay; oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimannaa, sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimannoba, Rabbigaa ina leh. Waayo, sababtaasaa Masiixu u dhintay, una soo noolaaday inuu Rabbi u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba. 10 Adigu maxaad walaalkaa u xukuntaa? amase adigu maxaad walaalkaa u quudhsataa? Waayo, kulligeen waxaynu hor istaagi doonnaa kursiga xukumaadda Ilaah. 11 Waayo, waxaa qoran,

Anigu waa noolahay, ayaa Rabbigu leeyahay, oo jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa,
Carrab walubana Ilaah buu qiri doonaa.

12 Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa.

13 Sidaas daraaddeed mar dambe yeynan isxukumin, laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada. 14 Waan ogahay, waanan ku hubaa Rabbi Ciise, inaan waxba nafahaantiisa iska xaaraan ahayn, laakiinse kii ku tiriya inay xaaraan tahay, kaas waa ka xaaraan. 15 Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabbi'in kii Masiixu u dhintay. 16 Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin. 17 Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Quduuskaa. 18 Kii waxaas Masiixa ugu adeega, Ilaah buu ka farxiyaa, xagga dadkana waa mid loo bogay. 19 Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo. 20 Shuqulka Ilaah ha u dumin cunto aawadeed. Hubaal wax waluba waa nadiif, laakiin waa u xun tahay kii cuna isagoo mid kale xumaynayo. 21 Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleto oo walaalkaa ku turunturoodo. 22 Rumaysadka aad leedahay, Ilaah hortiis u hayso. Waxaa faraxsan kii aan isku xukumin wixii la qumman isaga. 23 Laakiinse kii shakiya, hadduu cuno, waa xukuman yahay, maxaa yeelay, rumaysad wax kuma cuno, oo wax kastoo aan rumaysadka ka imaninu waa dembi.

Yooxanaa 8:47-59

47 Kii Ilaah kuwiisa ka mid ah, erayada Ilaah ayuu maqlaa, sidaas daraaddeed idinku maqli maysaan, waayo, Ilaah kuwiisii ma ihidin.

48 Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Miyaannan run ku hadlin markaannu nidhi, Reer Samaariya baad tahay, oo jinni baad qabtaa? 49 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Jinni ma qabo, laakiin Aabbahay baan murweeyaa, idinkuna waad i murwad jebisaan. 50 Anigu ammaantayda ma doono, waxaase jira mid doona oo xukuma. 51 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddii qof uun ereygayga xajiyo, weligiis dhimasho ma arki doono. 52 Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen isaga, Imminka waxaannu garanaynaa inaad jinni qabto. Ibraahim waa dhintay iyo nebiyadiiba, adiguna waxaad leedahay, Haddii qof uun hadalkayga xajiyo, weligiis dhimasho ma dhadhamin doono. 53 Miyaad ka sii weyn tahay aabbaheen Ibraahim oo dhintay, iyo nebiyadii dhintay? Yaad iska dhigaysaa? 54 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaan is-ammaano, ammaantaydu waxba ma aha. Waa Aabbahay kan i ammaanaa, kaad ku sheegtaan Ilaahiinna. 55 Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa. 56 Aabbihiin Ibraahim waa ku reyreeyey inuu maalintayda arko, wuuna arkay oo ku farxay. 57 Sidaa aawadeed Yuhuuddii waxay ku yidhaahdeen, Weli konton sannadood ma aadan gaadhin, oo Ibraahim ma aragtay? 58 Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan Ibraahim jirin anaa ah. 59 Markaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya