Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 78

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.

78 Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta,
Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal,
Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin,
Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
Ka qarin mayno carruurtooda,
Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa,
Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.
Waayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay,
Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey,
Kaasoo uu ku amray awowayaasheen,
Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,
Iyo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa,
Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,
Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan,
Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii,
Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,
Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon
Farcan madax adag oo caasi badan,
Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn,
Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn.
Reer Efrayim iyagoo hub iyo qaansooyin sita
Ayay maalintii dagaalka dib u noqdeen.
10 Axdigii Ilaah ma ay xajin,
Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan,
11 Oo waxay illoobeen falimihiisa
Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay.
12 Waxyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey,
Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan.
13 Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey,
Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan.
14 Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur,
Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.
15 Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada,
Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.
16 Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro,
Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.
17 Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan,
Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.
18 Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda
Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.
19 Oo Ilaah bay wax ka sheegeen,
Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?
20 Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen
Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay,
Haddaba miyuu kibisna bixin karaa?
Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?
21 Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday,
Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay,
Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,
22 Maxaa yeelay, Ilaah ma ay rumaysan,
Oo badbaadintiisana iskuma ay hallayn.
23 Laakiin isagu wuxuu amray cirka sare
Oo albaabbadii samadana wuu furay;
24 Oo wuxuu ku soo daayay maanna ay cunaan,
Oo wuxuu iyagii wax ka siiyey hadhuudhkii samada.
25 Dadkii waxay cuneen kibistii malaa'igaha,
Oo weliba wuxuu iyaga u soo diray hilib ay ka dhergaan.
26 Isagu wuxuu samada ka kiciyey dabaysha bari,
Oo dabaysha koonfureedna xooggiisuu ku hoggaamiyey.
27 Oo korkoodana hilib buu ugu soo daadiyey sidii ciidda oo kale,
Oo wuxuu ku soo daayay haad baalal leh oo ah sidii cammuudda badaha,
28 Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda,
Iyo rugahooda hareerahooda.
29 Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen,
Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.
30 Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin,
Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,
31 Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday,
Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa,
Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil.
32 In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen,
Weli way sii dembaabeen,
Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.
33 Sidaas daraaddeed maalmahoodii wuxuu ku dhammeeyey wax aan waxtar lahayn,
Cimrigoodiina cabsi.
34 Markii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen,
Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen.
35 Oo waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa,
Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda.
36 Laakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda,
Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen.
37 Waayo, qalbigoodu xaggiisa kuma hagaagsanayn,
Oo axdigiisiina daacad uma ay ahayn.
38 Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii,
Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey,
Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.
39 Oo wuxuu xusuustay inay iyagu yihiin binu-aadmi,
Iyo dabayl iska gudubta oo aan mar dambe soo noqon.
40 Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen,
Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!
41 Oo haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah,
Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa'iil Kooda Quduuska ah.
42 Sooma ay xusuusan gacantiisii,
Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona,
43 Iyo xataa siduu calaamooyinkiisii Masar ugu dhex sameeyey,
Yaababkiisiina berrinkii Socan.
44 Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay,
Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.
45 Wuxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen,
Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi'iyeen.
46 Oo weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir,
Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax.
47 Geedcanabkoodii wuxuu ku baabbi'iyey roobdhagaxyaale,
Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi'iyey sayax barafoobay.
48 Xoolahoodii wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaalaha,
Adhyahoodiina danabyo kulul.
49 Oo wuxuu ku soo daayay kulaylkii cadhadiisa,
Iyo xanaaq, iyo dhirif, iyo dhib,
Iyo guuto ah malaa'igo shar ah.
50 Isagu cadhadiisii wadduu u sameeyey,
Oo naftoodiina dhimasho ugama uu lexejeclaan,
Laakiinse noloshoodii wuxuu u daayay belaayada,
51 Oo wuxuu dalkii Masar ku laayay curadyadii oo dhan,
Kuwaas oo ahaa xooggoodii u horreeyey oo uu ku dhex laayay teendhooyinkii Xaam,
52 Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay,
Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.
53 Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin,
Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.
54 Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah,
Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay.
55 Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha,
Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey.
Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.
56 Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya,
Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,
57 Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen,
Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan.
58 Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare,
Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.
59 Ilaah markuu taas maqlay ayuu cadhooday,
Oo aad buu reer binu Israa'iil u karhay,
60 Sidaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey,
Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay,
61 Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo,
Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii.
62 Dadkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef,
Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii.
63 Raggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay,
Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin.
64 Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef,
Carmalladoodiina uma ay barooran.
65 Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay,
Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis.
66 Cadaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey,
Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn.
67 Oo weliba wuu diiday teendhadii reer Yuusuf,
Qabiilkii reer Efrayimna ma uu dooran,
68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah,
Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday.
69 Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare,
Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.
70 Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud,
Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha,
71 Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay,
Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.
72 Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa,
Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.

Bilowgii 26:1-6

Isxaaq Iyo Abimeleg

26 Waxaa dhulkii ka dhacday abaar, oo aan ahayn tii hore oo waagii Ibraahim dhacday. Markaasaa Isxaaq u kacay xagga Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin xagga Geraar. Rabbiguna wuu u muuqday isaga, oo wuxuu ku yidhi, Xagga Masar ha u dhaadhicin, laakiinse deg dhulka aan kuu sheegi doono. Dhulkan qariib ahaan u deg, oo anna waan kula jiri doonaa, oo waan ku barakayn doonaa; waayo, adiga iyo farcankaaga ayaan dalalkan oo dhan siin doonaa, oo waxaan adkayn doonaa dhaartii aan ugu dhaartay aabbahaa Ibraahim. Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan; maxaa yeelay, Ibraahim baa addeecay codkaygii, wuxuuna dhawray wixii la ii dhawri lahaa, iyo xukummadaydii, iyo amarradaydii, iyo qaynuunnadaydii. Isxaaqna wuxuu degganaa Geraar:

Bilowgii 26:12-33

12 Isxaaqna dhulkaasuu wax ku beertay, isla sannaddiina wuxuu helay boqol laab; Rabbiguna wuu barakeeyey isagii. 13 Ninkiina wuu weynaaday, oo hor u maray, ilaa uu noqday nin aad u weyn, 14 wuxuuna lahaa adhi iyo lo', iyo addoommo fara badan; markaasay reer Falastiin ka masayreen. 15 Ceelashii addoommada aabbihiis qodeen oo dhan waagii aabbihiis Ibraahim noolaa ayay reer Falastiin hore u awdeen oo ciid uga buuxiyeen. 16 Abimelegna wuxuu Isxaaq ku yidhi, Naga tag; waayo, aad baad nooga xoog badan tahay. 17 Markaasaa Isxaaq halkaas ka tegey, oo dooxadii Geraar degay, halkaasuuna joogay. 18 Kolkaasaa Isxaaq mar kale qoday ceelashii biyaha oo ay qodeen waagii aabbihiis Ibraahim noolaa, waayo, reer Falastiin baa awday markii Ibraahim dhintay ka dib, oo wuxuu magacyadoodii u bixiyey magacyadii aabbihiis Ibraahim u bixiyey. 19 Markaasaa addoommadii Isxaaq dooxadii qodeen, oo waxay ka heleen ceel durdur ah. 20 Markaasaa xoolojirradii reer Geraar la dirireen xoolojirradii Isxaaq, iyagoo leh, Biyaha annagaa leh. Ceelka magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceseq, maxaa yeelay, way la dirireen isagii. 21 Ceel kalena way qodeen, oo kaasna way kula dirireen, markaasuu magiciisii u bixiyey Sitnah. 22 Kolkaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu qoday ceel kale; kaasna kulama ay diririn; magiciisiina wuxuu u bixiyey Rexobod, oo wuxuu yidhi, Haatan Rabbigu meel buu noo banneeyey, oo dalka waannu ku badnaynaa. 23 Markaasuu halkaas ka tegey, oo wuxuu u kacay Bi'ir Shebac. 24 Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis. 25 Kolkaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, oo magaca Rabbiga ku baryootamay, halkaas buuna teendhadiisii ka dhisay, markaasaa addoommadii Isxaaq halkaas ceel ka qodeen. 26 Dabadeedna Abimeleg iyo saaxiibkiis Axusad, iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ayaa Geraar ka tegey oo Isxaaq u kacay. 27 Markaasaa Isxaaq ku yidhi, Maxaad iigu timaadeen, waabad i neceb tihiine, oo aad iska kay erideene? 28 Oo waxay yidhaahdeen, Caddaan baannu u aragnay in Rabbigu kula jiro; oo waxaannu nidhi, Annaga iyo adiga dhaaru ha inoo dhexayso oo aynu axdi dhiganno, 29 inaadan wax na yeelayn, sidii annana aannan kuu taaban, oo aannan waxba kuugu samayn wanaag mooyaane, oo aannu nabad kuugu dirnay. Adigu hadda waxaad tahay kan Rabbigu barakeeyey. 30 Diyaafad buuna u sameeyey, wayna cuneen oo cabbeen. 31 Kolkaasay aroor hore kaceen, oo isu dhaardhaarteen: markaasaa Isxaaq iska diray, iyana nabad bay kaga ambabbaxeen. 32 Oo isla maalintaas ayay addoommadii Isxaaq yimaadeen, oo ay uga warrameen ceelkii ay qodeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Biyaannu helnay. 33 Markaasuu u bixiyey Shebcaah; sidaas daraaddeed magaaladaas magaceeda waxaa ilaa maantadan la yidhaahdaa Bi'ir Shebac.

Cibraaniyada 13:17-25

17 Hoggaamiyayaashiinna addeeca oo ka dambeeya, waayo, iyagu waxay ilaaliyaan naftiinna sidii iyagoo jawaab ka bixin doona. Taas farxad ha ku sameeyeen, oo yaanay qulubsanaan, waayo, taasu waxba idiin tari mayso.

Farriin Iyo Duco

18 Noo soo duceeya; waayo, waxaannu hubnaa inaannu leennahay niyo wanaagsan annagoo doonayna inaannu wax kasta si qumman ugu soconno. 19 Oo aad baan idiinka baryayaa inaad tan samaysaan, in dhaqso laygu soo kiin celiyo.

20 Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah, 21 kaamil ha idinkaga dhigo wax kasta oo wanaagsan si aad u samaysaan doonistiisa, oo waxa isaga ka farxiya ha inooga dhex shaqeeyo Ciise Masiix, kan ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.

22 Walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad u dulqaadataan hadalka waanada ah, waayo, waxaan idiin soo qoray dhawr eray. 23 Ogaada in walaalkeen Timoteyos la sii daayay, kan hadduu dhaqso u yimaado, aannu idin soo wada arki doonno.

24 Igu salaama kuwa idin hoggaamiya oo dhan, iyo quduusiinta oo dhan. Kuwa Itaaliya ka yimaadaa way idin soo salaamayaan.

25 Nimco ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

Yooxanaa 7:53-8:11

Naagtii Sinada Lagu Qabtay

53 Markaasaa nin kastaa wuxuu u baxay gurigiisii.

Ciisese wuxuu u baxay Buur Saytuun. Aroortii hore ayuu haddana macbudka yimid, dadkii oo dhammuna way u yimaadeen, oo intuu fadhiistay, ayuu wax baray. Culimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen, oo waxay isagii ku yidhaahdeen, Macallimow, naagtan waxaa lagu qabtay sino. Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada? Waxay waxaas u yidhaahdeen, iyagoo jirrabaya, si ay u helaan wax ay ku ashtakeeyaan. Laakiin Ciise waa foororsaday, oo farta ayuu dhulka wax ku qoray. Laakiin goortay sii wadeen inay weyddiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro. Mar kale ayuu foororsaday, oo haddana dhulka wax ku qoray. Iyagu markay waxaas maqleen, ayay iska daba baxeen midba mid, waayeelladii ka bilaabato ilaa kii u dambeeyey. Ciisena keligiis ayuu hadhay iyo naagtii dhexda joogtay. 10 Ciise ayaa istaagay oo ku yidhi iyadii, Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin? 11 Waxay ku tidhi, Ninna, Sayidow. Ciisena wuxuu ku yidhi, Anna ku xukumi maayo. Soco, oo hadda ka dib ha dembaabin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya