Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed.
75 Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa,
Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay,
Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.
2 Wakhtiga aan qawimay,
Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.
3 Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen,
Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)
4 Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina,
Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,
5 Geeskiinna kor ha u taagina,
Oo madaxadayg ha ku hadlina.
6 Waayo, sarrayntu kama timaado xagga bari ama xagga galbeed,
Ama xataa xagga koonfureed toona.
7 Laakiinse Ilaah baa xaakin ah,
Isagu mid buu dejiyaa, ku kalena wuu sarraysiiyaa.
8 Waayo, Rabbiga gacantiisa waxaa ku jira koob, oo waxaa ka xumbaynaysa khamri,
Oo waxaa ka buuxa wax laysku qooshay, oo kaasuu wax ka shubaa,
Hubaal huubadiisa waxaa heenheensan doona oo cabbi doona dunida kuweeda sharka leh oo dhan.
9 Laakiinse anigu weligayba waan rayrayn doonaa,
Oo waxaan ammaan ugu gabyi doonaa Ilaaha Yacquub.
10 Oo weliba kuwa sharka leh geesahooda oo dhan waan wada jejebin doonaa,
Laakiinse kuwa xaqa ah geesahooda waa la sarraysiin doonaa.
Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
76 Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan,
Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.
2 Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem,
Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.
3 Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada,
Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba. (Selaah)
4 Adigu waxaad ka ammaan iyo haybad badan tahay buuraha ugaadha leh.
5 Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een,
Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.
6 Ilaaha Yacquubow, canaantaadii aawadeed
Ayaa gaadhifardood iyo fardoba waxay kula dhex dheceen hurdo weyn.
7 Adigase waa in lagaa cabsadaa,
Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
8 Waxaad ka dhigtay in xukun samada laga maqlo,
Oo dhulkiina waa baqay, oo wuu aamusay,
9 Markuu Ilaah xukunka u sara kacay
Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan. (Selaah)
10 Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa,
Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.
11 Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya,
Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.
12 Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda,
Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
23 Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.
2 Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis,
Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
3 Naftayda wuu soo celiyaa.
Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.
4 In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada,
Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa,
Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.
5 Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis,
Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.
6 Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis,
Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
27 Rabbigu waa nuurkayga iyo badbaadadayda, bal yaan ka cabsadaa?
Oo Rabbigu waa xoogga noloshayda, bal yaan ka baqaa?
2 Markii xumaanfalayaashu iigu yimaadeen inay hilibkayga cunaan,
Kuwaasoo ah cadaawayaashayda iyo colkayga, way turunturoodeen, wayna dheceen.
3 In kastoo ciidan col ah i ag dego,
Qalbigaygu cabsan maayo,
In kastoo dagaal igu soo kaco,
Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.
4 Wax keliya ayaan Rabbiga ka baryay, oo taas aad baan u doonayaa,
Waana inaan cimrigayga oo dhan dhex degganaado guriga Rabbiga,
Oo aan fiiriyo Rabbiga quruxdiisa, oo aan wax ku baryo macbudkiisa.
5 Waayo, isagu maalinta dhibta wuxuu igu qarin doonaa teendhadiisa,
Oo meesha qarsoon oo taambuuggiisa ayuu igu xasayn doonaa,
Kor buu ii qaadi doonaa oo dhagax weyn buu i saari doonaa.
6 Imminka waxaa madaxayga laga sarraysiin doonaa cadaawayaashayda igu wareegsan,
Oo waxaan taambuugga Rabbiga ku dhex bixin doonaa allabari dhawaaq farxadeed leh,
Waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan Rabbiga ugu gabyi doonaa.
7 Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal,
Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.
8 Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi,
Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.
9 Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin,
Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin,
Caawimaad baad ii ahayde,
Ha i xoorin, hana i dayrin.
10 Waayo, aabbahay iyo hooyaday way i dayriyeen,
Laakiinse Rabbigaa i qaadan doona.
11 Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood
Jidkaaga i bar,
Oo igu hoggaami waddo bannaan.
12 Oo gacanta ha ii gelin cadaawayaashayda,
Waayo, waxaa igu kacay markhaatiyaal been ah iyo kuwa nacweynaanta ku hadla.
13 Waan itaal darnaan lahaa haddaanan rumaysnayn
Inaan wanaagga Rabbiga ku arkayo dalka kuwa nool.
14 Rabbiga sug,
Adkayso, oo qalbigaagu ha dhiirranaado,
Haah, Rabbiga sug.
28 Gabadhiina intay orodday ayay waxyaalahan dadkii guriga hooyadeed uga warrantay. 29 Rebeqahna waxay lahayd walaal magiciisa la yidhaahdo Laabaan. Markaasaa Laabaan dibadda u baxay oo wuxuu ku orday ninkii isha joogay. 30 Markuu arkay sangeliskii, iyo dugaagadihii gacmihii walaashiis ku jiray, oo uu maqlay hadalkii walaashiis Rebeqah, iyadoo leh, Sidan buu ninkii iila hadlay, ayuu u yimid ninkii oo bal eeg, wuxuu ag istaagay awrtii isha joogtay. 31 Oo wuxuu ku yidhi, Kaaga Rabbigu barakeeyeyow, soo gal, maxaad dibadda u taagan tahay? Gurigii waan soo hagaajiyey, awrtana meel baan u diyaariyey. 32 Ninkiina gurigii buu soo galay, awrtiina wuu furay, wuxuuna isaga awrtii ugu dhiibay caws iyo cunto, biyona wuu siiyey inay ku cago maydhaan isaga iyo raggii la socdayba. 33 Cuntona waa la hor dhigay inuu cuno: laakiinse wuxuu yidhi, Cuni maayo ilaa aan sheego farriintayda. Kolkaasuu yidhi, Sheeg. 34 Markaasuu yidhi, Waxaan ahay Ibraahim addoonkiisa. 35 Rabbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro. 36 Saarah oo ahayd sayidkayga naagtiisii ayaa wiil u dhashay sayidkayga markay gabowday, oo wuxuu isaga siiyey wuxuu leeyahay oo dhan. 37 Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay. 38 Laakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen.
49 Haddaba haddaad sayidkayga ula macaamiloonaysaan si raxmad leh oo daacad ah, ii sheega: haddii kalese ii sheega, inaan u leexdo xagga midigta ama xagga bidixda. 50 Markaasay Laabaan iyo Betuu'el jawaabeen oo yidhaahdeen, Waxanu wuxuu ka soo baxay xagga Rabbiga, annana kugulama hadli karno xumaan iyo samaan toona. 51 Bal eeg, Rebeqah waa ku hor joogtaaye, kaxee oo la tag, oo ha noqoto sayidkaaga wiilkiisii naagtiisa, sidii Rabbigu ku hadlay.
12 Sidaas daraaddeed xoogeeya gacmaha taagta daran iyo jilbaha tabarta yar. 13 Cagihiinnana waddooyin toosan u sameeya si aan curyaanku u murkacan laakiin u bogsado.
Digidda
14 Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin. 15 Fiiro u yeesha si aan ninna u gaadhi waayin nimcada Ilaah, waaba intaasoo xidid qadhaadhi soo baxaa oo idin dhibaa, oo qaar badanu ku nijaasoobaane, 16 si aan dhillay u jirin ama qof cibaado la' sidii Ceesaw oo ahaa kii curadnimadiisii kala baxay waxoogaa cunto ah. 17 Waayo, waad og tihiin, xataa kolkuu dabadeedto jeclaaday inuu dhaxlo barakada, in loo diiday, in kastoo uu doondoonay, isagoo ilmo daadinaya, waayo, ma uu helin meel uu ka soo noqdo.
Siyoonta Dunida Ah Iyo Tan Jannada Ah
18 Waayo, ma aydnaan iman buurtii la taaban karay, oo ololaysay, iyo madowgii, iyo gudcurkii, iyo duufaankii, 19 iyo dhawaaqii buunka, iyo codkii erayada, oo ahaa codkii ay kuwii maqlay Muuse ka baryeen inaan eray dambe lagula hadlin. 20 Waayo, uma ay adkaysan karin wixii lagu amray, markii lagu yidhi, Xataa haddii neef buurta taabto, waa la dhagxin doonaa. 21 Muuqashadiina cabsi intay ka qabtay Muuse wuxuu yidhi, Aad iyo aad baan u cabsanayaa oo waan gariirayaa. 22 Laakiin idinku waxaad timaadeen Buur Siyoon iyo magaaladii Ilaaha nool oo ah Yeruusaalemtii jannada, oo waxaad u timaadeen guutooyin malaa'igo ah oo isu soo ururay, 23 iyo kiniisadda curadyada oo ku qoran jannada, iyo Ilaaha ah Xaakinka wax kasta, iyo ruuxyada kuwa qumman oo la kaamilay, 24 iyo Ciise oo ah dhexdhexaadiyaha axdiga cusub, iyo dhiigga rushaynta oo u hadla si ka wanaagsan kii Haabiil. 25 Digtoonaada si aydnaan u diidin kan hadlaya; waayo, haddayan baxsan kuwii diiday kii dhulka ku waaniyey, si ka badan innaguna ma baxsan doonno haddaynu ka jeesanno kan jannada ka hadlaya, 26 kan codkiisii wakhtigaas gariiriyey dhulka; laakiin hadda wuu ballanqaaday isagoo leh, Weliba mar kale ayaan gariirin doonaa dhulka, dhulka oo keliyana ma aha ee xataa samadana waan gariirin doonaa. 27 Erayadii ahaa, Weliba mar kale, micnehoodu waxaa weeye in la qaadi doono waxyaalihii la gariiriyey sidii waxyaalo la sameeyey, si waxyaalihii aan la gariirinu u hadhaan. 28 Sidaas daraaddeed innagoo helayna boqortooyo aan la gariirin karin, aynu mahadnaqno si aynu Ilaah uga farxinno innagoo cibaado iyo cabsi ugu adeegayna; 29 waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya.
Ciise Wuxuu Dadkii Baray Inuu Ilaah Ka Yimid
14 Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray. 15 Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran? 16 Ciise ayaa haddaba u jawaabay oo ku yidhi, Waxbariddaydu tayda ma aha, laakiin waxaa leh kan i soo diray. 17 Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo. 18 Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto. 19 Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan? 20 Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo? 21 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen. 22 Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan. 23 Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey? 24 Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.
25 Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan? 26 Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa? 27 Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.
28 Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin. 29 Anigu waa aqaan, waayo, isagaan ka imid, wuuna i soo diray.
30 Sidaa aawadeed waxay dooneen inay qabtaan, laakiin ninna faro ma uu saarin, waayo, saacaddiisii weli ma iman. 31 Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey?
32 Farrisiintu way maqleen dadkii badnaa oo ka gunuunacayay waxaas ku saabsanaa isaga, wadaaddadii sarena iyo Farrisiintii waxay u direen saraakiil inay soo qabtaan isaga. 33 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Weli in yar baan idinla joogayaa, markaasaan u tegayaa kii i soo diray. 34 Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan. 35 Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah? 36 Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya