Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 50

Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.

50 Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay,
Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah
Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono,
Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa,
Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare,
Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya,
Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona,
Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa,
Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa,
Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada,
Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
Reerkaaga dibi ka qaadan maayo,
Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
10 Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh,
Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
11 Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan,
Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
12 Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen,
Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
13 Miyaan cuni doonaa hilibka dibida,
Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
14 Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa,
Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
15 Oo i bari maalinta dhibi jirto,
Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
16 Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa,
Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa,
Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
17 Adigoo tacliinta neceb,
Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
18 Markaad tuug aragtay waad oggolaatay,
Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
19 Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo,
Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
20 Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa,
Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
21 Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay,
Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah,
Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
22 Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada,
Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
23 Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa,
Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana
Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.

Sabuurradii 59-60

Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Altashed. Wuxuu tiriyey markii Saa'uul cid u diray, oo ay gurigii ilaaliyeen inay isaga dilaan.

59 Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi,
Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.
Iga samatabbixi xumaanfalayaasha,
Oo dadka dhiigyocabyada ahna iga badbaadi.
Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda,
Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan,
Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.
Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn,
Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.
Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow,
Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo,
Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)
Fiidkay soo noqdaan, oo waxay u ciyaan sida eey oo kale,
Oo waxay ku warwareegaan magaalada hareeraheeda.
Afkooda waxaa ka qubmaysa cay,
Bushimahoodana waxaa ku jira seefo,
Waayo, waxay isyidhaahdaan, Bal yaa na maqla?
Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa,
Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.
Xooggaygiiyow, adigaan ku sugi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda.
10 Ilaahayga naxariista leh ayaa i hor iman doona,
Oo waxaan doonayana Ilaah wuxuu iga tusi doonaa cadaawayaashayda.
11 Sayidow, gaashaankayagiiyow,
Iyaga ha layn, waaba intaasoo ay dadkaygu illoobaane,
Laakiinse iyaga xooggaaga ku kala firdhi, oo hoos u soo deji.
12 Kibirkoodu iyaga ha dabo
Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood,
Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.
13 Iyaga cadho ku baabbi'i, si aanay mar dambe u jirin iyaga baabbi'i,
Oo ha ogaadeen in Ilaah u taliyo reer Yacquub
Tan iyo dhulka darafkiisa. (Selaah)
14 Oo iyagu fiidka ha soo noqdeen, oo sida eey oo kale ha u ciyeen,
Oo magaalada hareeraheeda ha ku warwareegeen.
15 Waxay u warwareegayaan inay cunto helaan,
Oo haddaanay dherginna habeenkii oo dhan way sii joogayaan.
16 Laakiinse anigu waxaan ka gabyi doonaa xooggaaga,
Haah, oo aroortii ayaan naxariistaada aad uga gabyi doonaa,
Waayo, waxaad ahayd qalcaddaydii,
Oo maalintii aan dhibaataysnaana magangal baad ii ahayd.
17 Xooggaygiiyow, adigaan ammaan kuugu gabyi doonaa,
Waayo, Ilaah waa qalcaddayda, waana Ilaaha naxariistayda.

Kanu waa sabuur Mikhtaam ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha inuu wax ku baro, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shuushan Ceeduud. Wuxuuna tiriyey markii uu la diriray Aram Nahara'im iyo Aram Soobaah, oo uu Yoo'aab soo noqday oo uu reer Edom Dooxadii Cusbada kaga laayay laba iyo tobanka kun.

60 Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay,
Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.
Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay,
Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.
Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag,
Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.
Calan baad siisay kuwa kaa cabsada,
In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)
Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan,
Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.
Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa,
Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh,
Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga,
Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray,
Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa,
Falastiinay, qayli aawaday.
Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh?
Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?
10 Ilaahow, sow nama aadan xoorin?
Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.
11 Cadowga naga caawi,
Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.
12 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa,
Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

Sabuurradii 118

118 Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday,
Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono,
Bal maxaa dad igu samayn karaa?
Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya,
Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.
Intii dad lagu kalsoonaan lahaa
Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa
Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
10 Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
11 Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
12 Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
13 Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed,
Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.
14 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
15 Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
16 Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
17 Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa,
Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
18 Rabbigu aad buu ii edbiyey,
Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
19 Irdaha xaqnimada iga fura,
Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.
20 Tanu waa iriddii Rabbiga,
Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
21 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay,
Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
22 Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
23 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid,
Oo waa ku yaab indhahayaga.
24 Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey,
Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
25 Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi,
Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
26 Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya,
Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.
27 Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin,
Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geeseheeda.
28 Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa,
Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.
29 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.

Bilowgii 16:15-17:14

15 Oo Haagaar waxay Aabraam u dhashay wiil; oo Aabraamna wuxuu wiilkiisii Haagaar dhashay u bixiyey Ismaaciil. 16 Aabraamna wuxuu jiray lix iyo siddeetan sannadood, markii ay Haagaar Ismaaciil u dhashay Aabraam.

Axdigii Gudniinka

17 Oo markuu Aabraam jiray sagaal iyo sagaashan sannadood ayaa Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah; hortayda ku soco, oo mid eed la' ahow. Oo axdigaygaan kula dhigan doonaa, oo anigu aad baan kuu tarmin doonaa. Markaasuu Aabraam wejiga u dhacay; oo Ilaah baa la hadlay isagoo ku leh, Bal eeg, axdigaygii waa kula jiraaye, oo adigu quruumo badan baad aabbe u noqon doontaa. Magacaagana mar dambe lama odhan doono Aabraam, laakiinse magacaagu wuxuu noqon doonaa Ibraahim; waayo, waxaan kaa dhigay quruumo badan aabbahood. Aad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan. Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya. Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood. Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan. 10 Kanu waa axdigayga aad xajin doontaan, oo inoo dhexeeya aniga iyo adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba; mid kasta oo lab oo idinku jira waa in la gudaa. 11 Oo waxaad iska gudi doontaan buuryadiinna; waxayna calaamo u noqon doontaa axdiga ina dhex yaal aniga iyo idinka. 12 Kii siddeed maalmood jira oo idinku dhex jira waa in la gudaa, mid kasta oo lab tan iyo qarniyadiinna oo dhan, ha ahaado kii gurigaaga ku dhasha ama kii lacag lagaga soo iibsado shisheeyaha oo aan farcankaaga ahayn. 13 Kii gurigaaga ku dhasha, iyo kii lacagtaada lagu iibsadoba, waa in la gudaa: axdigayguna wuxuu jidhkiinna ku noqon doonaa axdi weligiis waara. 14 Oo buuryoqabka lab oo aan buuryadiisa laga gooynin, midkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa; waayo, axdigaygii buu jebiyey.

Cibraaniyada 10:1-10

Isbixinta Ciise Way Ka Roon Tahay Waxay Dadkii Ku Bixin Jireen Amarkii Muuse

10 Waayo, sharcigu wuxuu leeyahay hooska waxyaalaha wanaagsan oo iman doona, laakiin ma leh suuradda waxyaalahaas qudheeda. Oo caabudayaasha marnaba kaamil kagama uu dhigi karo allabaryo sannad walba had iyo goor la bixiyo. Haddii kale miyaan la joojiyeen in allabaryo la bixiyo? Maxaa yeelay, caabudayaashu, iyagoo mar la nadiifiyey, mar dambe dembiyo iskama ay garteen. Laakiin allabaryadaas waxaa sannad walba lagu xusuustaa dembiyo. Waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado. Saas daraaddeed kolkuu Masiixu dunida soo galay wuxuu lahaa,

Allabaryo iyo qurbaan ma aad doonaynin,
Laakiin jidh baad ii diyaarisay.
Waxyaalo la bixiyo oo la gubo oo dhan iyo dembi allabaryadiis kuma aad faraxsanayn.
Markaasaan idhi, Bal eeg, waxaan u imid
Inaan sameeyo doonistaada, Ilaahow.
Kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.

Siduu horay u yidhi, Allabaryo iyo qurbaan iyo waxyaalo la bixiyo oo la gubo iyo dembi allabaryadiis ma aad doonayn, kumana aad faraxsanayn, kuwaas oo loo bixiyo sida sharcigu leeyahay. Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan u imid inaan sameeyo doonistaada. Wuxuu rujiyey kii kowaad si uu ka labaad u taago. 10 Sida doonistaasu tahay, waxaa quduus laynagaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyey.

Yooxanaa 5:30-47

Maragga Ciise Loo Furo

30 Waxba keli ahaantayda ma samayn karo. Sidaan wax u maqlo ayaan u xukumaa, xukunkayguna waa xaq, waayo, doonistayda ma doono, waxaanse doonaa doonista kii i soo diray. 31 Haddaan isu marag furo, maraggaygu run ma aha. 32 Laakiin waxaa jira mid kale oo ii marag fura, waanan ogahay maragguu ii furaa inuu run yahay. 33 Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta. 34 Aniguse xagga dadka marag kama aan qaato, laakiin waxyaalahan waxaan u idhaahdaa inaad badbaaddaan. 35 Isagu wuxuu ahaa laambad baxaysa oo ifaysa, idinkuna waxaad doonayseen inaad saacad ku faraxdaan nuurkiisa. 36 Laakiin maraggaan leeyahay waa ka weyn yahay kii Yooxanaa, waayo, shuqullada Aabbuhu i siiyey inaan dhammeeyo waa kuwaan hadda samaynayo, wayna ii marag furayaan in Aabbuhu i soo diray. 37 Aabbihii i soo dirayna waa ii marag furay. Idinkuna codkiisa ma maqlin goornaba, mana aydnaan arkin muuqiisa. 38 Mana haysataan ereygiisa oo idinku sii jira, waayo, kii uu soo diray waad rumaysan weydeen. 39 Qorniinka ayaad baadhaan, waayo, waxaad u malaynaysaan inaad nolosha weligeed ah ka helaysaan, waana iyaga kuwa ii marag furayaa. 40 Idinkuna dooni maysaan inaad ii timaadaan inaad nolol lahaataan.

41 Anigu dadka ammaan kama qaato. 42 Laakiin waan idin aqaan inaan jacaylka Ilaah idinku jirin. 43 Waxaan ku imid Aabbahay magiciis, idinkuna waad i aqbali weydeen. Haddiise mid kale magiciisa ku yimaado, kaasaad aqbalaysaan. 44 Sidee baad u rumaysan kartaan, idinkoo dhexdiinna ammaan iska aqbalaya, oo aydnaan doonayn ammaanta ka timaada Ilaaha keligiis ah? 45 Ha u malaynina inaan Aabbaha idinku ashtakaynayo: kan idin ashtakaynayaa waa Muuse, kii aad isku hallayseen. 46 Waayo, haddaad Muuse rumaysateen, anigana waad i rumaysan lahaydeen, waayo, wax buu iga qoray. 47 Laakiin haddaydnan rumaysan wuxuu qoray, sidee baad u rumaysan doontaan ereyadayda?

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya