Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha, waana gabay jacayl ku saabsan oo lagu luuqeeyo Shoshanniim.
45 Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan,
Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey,
Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
2 Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga,
Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco,
Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.
3 Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow,
Oo quruxda iyo haybadda lahow.
4 Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood,
Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan,
Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan.
5 Fallaadhahaagu waa af badan yihiin,
Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa,
Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
6 Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis,
Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
7 Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd,
Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay
Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
8 Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica.
Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
9 Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada,
Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
10 Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig,
Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
11 Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa,
Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda,
Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
13 Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan,
Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan,
Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
15 Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn,
Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
16 Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada,
Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
17 Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto,
Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
47 Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma,
Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.
2 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan,
Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.
3 Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna,
Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
4 Isagu dhaxalkeenna ayuu inoo dooran doonaa,
Kaasoo ah ammaanta Yacquub uu jecel yahay. (Selaah)
5 Ilaah qaylo buu la kacay,
Oo wuxuu Rabbiguna la kacay dhawaaqa buunka.
6 Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa,
Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.
7 Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda,
Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.
8 Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha,
Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.
9 Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen
Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan,
Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah.
Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.
Kanu waa gabay, waana sabuur ay reer Qorax tiriyeen.
48 Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa
Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
2 Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan
Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah,
Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
3 Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
4 Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen,
Dhammaantood way wada dhaafeen.
5 Oo kolkay arkeen ayay yaabeen,
Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
6 Iyagii halkaasay ku gariireen,
Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
7 Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa
Dabaysha bari.
8 Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay
Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna,
Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
9 Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay
Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10 Ilaahow, sida magacaagu yahay
Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan,
Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11 Buur Siyoon ha faraxdo,
Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12 Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega,
Oo munaaradaheeda tiriya.
13 Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda,
Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer,
Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
14 Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah,
Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.
Axdigii Ilaah La Dhigtay Aabraam
15 Waxyaalahaas ka dib ereygii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin: anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa. 2 Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla'aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq. 3 Oo Aabraam wuxuu yidhi, Bal eeg, aniga ima aad siin farcan: oo mid gurigayga ku dhashay baa i dhaxlaya. 4 Oo bal eeg, ereygii Rabbigaa u yimid, isagoo leh, Ninkanu kuma dhaxli doono: laakiinse waxaa ku dhaxli doona wiil aad dhali doontid. 5 Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa. 6 Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo. 7 Oo wuxuu ku yidhi isaga, Anigu waxaan ahay Rabbiga kaaga soo kaxeeyey Uur tii reer Kaldayiin, inaan ku siiyo dalkan si aad u dhaxashid. 8 Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaan ku ogaadaa inaan dhaxli doono? 9 Oo wuxuu ku yidhi, Ii kaxee qaalin lo' ah oo saddex jir ah, iyo ceesaan saddex jir ah, iyo wan saddex jir ah, iyo qoolley, iyo xamaam yar. 10 Oo wuu u kaxeeyey kuwaas oo dhan, oo badhtankuu ka kala wada gooyay, oo badh kastaba kan kaluu hor dhigay: laakiinse shimbirrihii ma uu kala gooyn. 11 Haad baana hilibkii ku soo degtay, laakiinse Aabraam baa ka eryay.
17 Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii. 18 Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad: 19 reer Qeyn, iyo reer Qenas, iyo reer Qadmon, 20 iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Refaa'iim, 21 iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Girgaash, iyo reer Yebuus.
Meeshii Quduuska Ahayd Ee Hore Waxay Ka Dhigan Tahay Tan Cusub
9 Xataa axdigii hore wuxuu lahaa qaynuunno ku saabsan caabudid, iyo meel quduus ah ee dunidatan. 2 Waayo, waxaa la dhisay taambuug; intii hore waxaa ku jiray laambadaha isku yiil, iyo miiska, iyo kibista tusniinta, oo waxaa la odhan jiray Meeshii Quduuska ahayd. 3 Daaha labaad shishediisa waxaa ku jiray taambuuggii la odhan jiray, Quduuskii Quduusyada, 4 isagoo leh girgire dahab ah oo foox lagu shido, iyo sanduuqii axdiga oo kulligiis dahab lagu dahaadhay, dhexdiisana waxaa ku jiray weel dahab ah oo [a]maannadii ku jirto, iyo ushii Haaruun oo magooshay, iyo looxyadii axdiga; 5 dushiisana Keruubiimtii ammaanta oo hadhaynaya daboolka kafaaraggudka, waxyaalahaas oo aannan hadda gooni gooni uga hadli karin. 6 Haddaba waxyaalahan oo sidaas loo diyaariyey, wadaaddadu waxay had iyo goor galaan taambuugga kowaad iyagoo shuqulka dhammaynaya. 7 Laakiin kan labaad waxaa sannaddiiba mar gala wadaadka sare oo keliya, isagoo aan dhiigla'aan gelaynin. Oo dhiiggaas wuxuu u bixiyaa naftiisa iyo dembiyada dadku aqoonla'aanta ku sameeyo. 8 Ruuxa Quduuska ahu wuxuu tilmaamaa inaan jidkii Quduuskii Quduusyada weli la muujin, inta taambuugga hore weli taagan yahay. 9 Tani wakhtiga la joogo waa masaal, sida loo bixiyo hadiyado iyo allabaryo, kuwaas oo aan kaamil ka dhigi karin caabudaha niyadiisa, 10 iyagoo ku saabsan cuntooyin iyo cabbitin iyo maydhmaydhid kala duwan oo ah amarrada jidhka oo keliya oo la dejiyey ilaa wakhtiga hagaajinta.
Isbixinta Ciise Masiix Xoog Wax Nadiifiya Ayay Leedahay
11 Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman. 12 Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay. 13 Waayo, haddii orgiyo iyo dibiyo dhiiggooda, iyo qaalin dambaskeeda lagu rusheeyo kuwa nijaasoobay, ay quduus ka dhigaan in jidhka la nadiifiyo, 14 intee ka badan ayuu dhiigga Masiix, kan Ruuxa weligiis ah isugu bixiyey Ilaah isagoo aan eed lahayn, niyadiinna ka nadiifin kara shuqullada dhintay si aad ugu adeegtaan Ilaaha nool?
Curyaankii War Beytesda Ag Joogay
5 Waxaas dabadeed waxaa jirtay iiddii Yuhuudda, oo Ciise ayaa Yeruusaalem u kacay. 2 Waxaa Yeruusaalem jirtay, Albaabka Idaha agtiisa, war biyo ah oo af Cibraani lagu yidhaahda Beytesda oo leh shan balbaladood. 3 Meelahaas waxaa jiifay dad badan oo buka oo indha la' oo laxaad la' oo curyaan ah. Waxay sugayeen biyuhu inay dhaqaaqaan. 4 Maxaa yeelay, malaa'igta Rabbiga ayaa marmar warta ku soo degi jirtay oo biyaha qasi jirtay; oo kii ugu hor galay biyihii markii la qasay dabadeed wuu ka bogsaday cudur kastuu qabay. 5 Oo waxaa meeshaas joogay nin siddeed iyo soddon sannadood bukay. 6 Markii Ciise arkay isagoo jiifa, oo gartay inuu wakhti dheer bukay, wuxuu ku yidhi, Ma doonaysaa inaad bogsato? 7 Ninkii bukay wuxuu u jawaabay, oo ku yidhi, Sayidow, nin ma lihi inuu warta igu rido markii biyaha la qaso, laakiin markaan imaado, mid kale ayaa iga hor gala. 8 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kac oo sariirtaada qaado oo soco. 9 Markiiba ninkii waa bogsaday, wuuna qaatay sariirtiisii oo socday.
Maalintaas waxay ahayd sabtidii. 10 Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay kii la bogsiiyey ku yidhaahdeen, Waa sabti, oo xalaal kuuma aha inaad sariirtaada qaadatid. 11 Laakiin wuu u jawaabay, oo ku yidhi, Kii i bogsiiyey ayaa igu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco. 12 Oo waxay weyddiiyeen, oo ku yidhaahdeen, Yuu yahay ninkii kugu yidhi, Sariirtaada qaado oo soco? 13 Kii la bogsiiyeyse ma uu oqoonin kuu ahaa, waayo, Ciise waa tegey, maxaa yeelay, dad badan ayaa meeshaas joogay.
14 Waxaas dabadeed Ciise wuxuu isaga ka helay macbudka oo ku yidhi, Bal eeg, waad bogsatay, mar dambe ha dembaabin inaan wax ka sii xumi kugu dhicin. 15 Markaasaa ninkii tegey, wuuna u sheegay Yuhuuddii inuu ninkii bogsiiyey Ciise ahaa. 16 Sidaa aawadeed Yuhuuddu Ciise way silciyeen, maxaa yeelay, wuxuu waxyaalahaas sameeyey sabtidii. 17 Laakiin Ciise wuxuu ugu jawaabay, Aabbahay tan iyo imminka ayuu shaqeeyaa, aniguna waa shaqeeyaa. 18 Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya