Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
31 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa, yaanan weligayba ceeboobin,
Oo xaqnimadaada igu samatabbixi.
2 Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi,
Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.
3 Waayo, waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda,
Haddaba magacaaga daraaddiis ii hoggaami oo ii hanuuni.
4 Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen,
Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.
5 Gacantaada ayaan ruuxayga u dhiibayaa,
Waayo, waad i soo furatay, Rabbiyow, Ilaaha runta ahow.
6 Waan neceb ahay kuwa hawada beenta ah ka fikira,
Laakiinse Rabbigaan isku halleeyaa.
7 Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa,
Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay,
Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,
8 Oo weliba iguma aad xidhin gacantii cadowga,
Oo cagtayda waxaad taagtay meel ballaadhan.
9 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa,
Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.
10 Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid,
Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
11 Cadaawayaashayda oo dhan daraaddood ayaan waxaan noqday mid ceebaysan,
Xataa deriskayga aad iyo aad baan ugu hor ceeboobay, oo kuwa i yaqaanna way iga cabsadeen,
Oo xataa kuwii dibadda igu arkay way iga carareen.
12 Sida qof dhintay oo laga samray ayaa layska kay illoobay,
Oo waxaan ahay sida weel jabay.
13 Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya,
Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan,
Oo intay ii wada tashadeen,
Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.
14 Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey,
Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.
15 Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa,
Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.
16 Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi,
Oo igu badbaadi raxmaddaada.
17 Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday,
Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen.
18 Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa,
Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega,
Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.
19 Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada,
Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.
20 Dadka sirqoolladiisa waxaad iyaga kaga qarinaysaa joogistaada qarsoon,
Oo carrabka dirirtiisana waxaad iyaga kaga qarinaysaa taambuug.
21 Mahad waxaa leh Rabbiga,
Waayo, wuxuu raxmaddiisa yaabka leh igu tusay magaalo xoog weyn.
22 Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay,
Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.
23 Quduusiintiisa oo dhammay, Rabbiga jeclaada,
Rabbigu wuu ilaaliyaa kuwa aaminka ah,
Kan waxa kibirka ah falase aad iyo aad buu u abaalmariyaa.
24 Kuwiinna Rabbiga wax ka rajaynaya oo dhammow,
Adkaysta, oo qalbigiinnu ha dhiirranaado.
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
35 Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira,
Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
2 Gaashaan iyo gabbaad qaado.
Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.
3 Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo,
Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.
4 Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto,
Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
5 Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda,
Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.
6 Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh,
Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.
7 Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen,
Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.
8 Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto,
Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado,
Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
9 Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa,
Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.
10 Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah?
Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan,
Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.
11 Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah,
Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.
12 Wanaag xumaan bay iigaga abaalgudaan
Oo naftayda way gacal tiraan.
13 Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado,
Oo naftaydana soon baan ku dhibay,
Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.
14 Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay,
Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta.
15 Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen,
Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba,
Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.
16 Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan
Ayay igu ilko jirriqsadeen.
17 Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa?
Naftayda halligaaddooda ka badbaadi,
Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.
18 Waxaan kaaga mahadnaqi doonaa shirka weyn dhexdiisa,
Oo dad fara badan dhexdooda ayaan kugu ammaani doonaa.
19 Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn,
Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.
20 Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan,
Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.
21 Afkoodii aad bay iigu fureen,
Oo waxay yidhaahdeen, Ahaa, ahaa, annagaa indhahayaga ku aragnay.
22 Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin,
Sayidow, ha iga fogaan.
23 Sara joogso, oo garsooriddayda u toos,
Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.
24 Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay,
Oo yaanay igu rayrayn.
25 Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa,
Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.
26 Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood,
Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.
27 Kuwa xaqnimadayda jecelu farxad ha ku dhawaaqeen, oo ha farxeen,
Oo had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo,
Waayo, isagu wuxuu ku farxaa barwaaqada addoonkiisa.
28 Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa
Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.
27 Kuwanu waa farcankii Terax. Terax wuxuu dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan; Haaraanna wuxuu dhalay Luud. 28 Haaraanna wuxuu dhintay aabbihiis Terax oo jooga, wuxuuna ku dhintay dhulkii uu ku dhashay, oo la odhan jiray Uur tii reer Kaldayiin. 29 Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah. 30 Saarayna waxay ahayd madhalays; ilmona ma ay lahayn. 31 Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen. 32 Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.
Wiciddii Aabraam
12 Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac. 2 Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako; 3 oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan. 4 Markaasaa Aabraam tegey, sidii Rabbigu ku yidhi; Luudna wuu raacay. Aabraam shan iyo toddobaatan sannadood buu jiray markuu Haaraan ka tegey. 5 Aabraamna wuxuu kaxaystay naagtiisii Saaray, iyo Luud oo ahaa wiilkii walaalkiis, iyo xoolahoodii ay urursadeen oo dhan, iyo dadkii ay Haaraan ka heleen oo dhan; kolkaasay u kaceen dalkii Kancaan, oo waxay yimaadeen dalkii Kancaan. 6 Aabraamna dalkii buu dhex maray ilaa meeshii la odhan jiray Shekem iyo tan iyo geedkii Moreh. Wakhtigaasna reer Kancaan dalkay joogeen. 7 Oo Ilaah baa Aabraam u muuqday, oo ku yidhi, Dalkan farcankaagaan siin doonaa. Kolkaasuu meeshaas meel allabari uga dhisay Rabbigii u muuqday. 8 Markaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu tegey buurtii xagga bari ka ahayd Beytel, oo teendhadiisii buu ka dhistay meel Beytel galbeed ka ahayd, Aaciina bari ka ahayd; markaasuu meeshaas meel allabari Rabbiga uga dhisay, oo magaca Rabbiga ku baryootamay.
Ciise Wuxuu Ahaa Wadaad Sare Sidii Malkisadaq Oo Kale
7 Malkisadaqan, oo Saalem boqorka u ahaa, wadaadkii Ilaaha ugu sarreeyana ahaa, wuxuu la kulmay Ibraahim oo ka soo noqday layntii boqorrada, wuuna barakeeyey. 2 Oo Ibraahim wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel. Malkisadaq hortii waxaa magiciisii lagu fasiray, Boqorka Xaqnimada, dabadeedna, Boqorka Saalem, oo ah Boqorka Nabadda. 3 Aabbe ma lahayn, hooyona ma lahayn, abtirsiinyona ma lahayn, oo isagoo aan lahayn bilowga maalmaha ama dhammaadka nolosha laakiin loo ekaysiiyey Wiilka Ilaah, ayuu weligiis wadaad sii ahaanayaa.
4 Haddaba ka fiirsada ninkanu siduu u weynaa, kan Ibraahim oo madaxda awowayaashii ahi meeltobnaad ka siiyey boolidii. 5 Oo runtii kuwii qoladii Laawi oo helay shuqulka wadaadnimada waxay haystaan amar ay dadka kaga qaataan meeltobnaadka sida sharcigu leeyahay, kuwaas waxaa weeye walaalahood in kastoo ay kuwanu ka yimaadeen xanjaadka Ibraahim. 6 Laakiin kii aan iyaga ku abtirsanin ayaa wuxuu Ibraahim ka qaatay meeltobnaadyo, oo barakeeyey kii ballamada loo qaaday. 7 Laakiin muranla'aan kan yar waxaa barakeeya kan ka wanaagsan. 8 Oo halkan waxaa meeltobnaadyada qaata dadka dhinta, laakiin halkaas mid loo markhaati furay inuu nool yahay. 9 Waxaa la odhan kara, Laawiga meeltobnaadyada qaataana, Ibraahim meeltobnaadyo ayuu ku bixiyey. 10 Waayo, isagu weli xanjaadkii aabbihiis buu ku jiray kolkii Malkisadaq la kulmay.
Ciise Wadaadnimadiisu Way Ka Sarraysaa Wadaadnimada Yuhuudda
11 Haddaba haddii kaamilnimo ku jirtay wadaadnimadii Laawi, waayo, iyada ayuu dadku sharciga ka hoos helaye, maxaa weli loogu baahnaa in wadaad kale ka kaco derejadii Malkisadaq oo aan lagu magacaabin derejadii Haaruun? 12 Waayo, wadaadnimada markii la beddelo waa lagamamaarmaan in sharcigana la beddelo. 13 Waayo, kii waxyaalahan laga sheegay waa qolo kale oo aan nin meeshii allabariga ka shaqeeyey ka iman. 14 Waa cad dahay in Sayidkeennu ka soo baxay Yahuudah, oo ah qolo aan Muuse kaga hadlin wax wadaaddo ku saabsan. 15 Oo weliba aad bay u sii cad dahay, haddii wadaad kale oo Malkisadaq u egi kaco, 16 kii aan wadaad lagaga dhigin sharciga abtirsiinyada xagga jidhka, laakiin xagga xoogga nolosha aan dhammaadka lahayn. 17 Waayo, isaga waxaa loogu markhaati furay,
Adigu weligaaba wadaad baad tahay
Sidii derejadii Malkisadaq.
16 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Tag oo ninkaagii u soo yeedh, oo halkan kaalay. 17 Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi. Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi. 18 Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay. 19 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay. 20 Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo. 21 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba. 22 Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda. 23 Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale. 24 Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta. 25 Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa. 26 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya