Book of Common Prayer
148 Rabbiga ammaana.
Rabbiga samooyinka ka ammaana,
Meelaha sarsarena ka ammaana.
2 Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga,
Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga,
Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
4 Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow,
Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
5 Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen,
Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
6 Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba,
Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
7 Rabbiga dhulka ka ammaana,
Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
8 Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow,
Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
9 Buuro iyo kuro oo dhammow,
Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
10 Dugaag iyo xoolo oo dhammow,
Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
11 Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow,
Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,
12 Barbaar iyo hablow,
Odayaal iyo carruuray,
13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga,
Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa,
Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa,
Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan,
Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow.
Rabbiga ammaana.
149 Rabbiga ammaana.
Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.
2 Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen,
Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.
3 Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen,
Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.
4 Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa,
Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.
5 Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen,
Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.
6 Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto,
Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,
7 Si ay quruumaha uga aargutaan,
Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,
8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan,
Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,
9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran,
Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan.
Rabbiga ammaana.
150 Rabbiga ammaana.
Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah,
Ku dhex ammaana samada xooggiisa.
2 Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana,
U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
3 Dhawaaqa buunka ku ammaana,
Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
4 Ku ammaana daf iyo cayaar,
Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
5 Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana,
Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
6 Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen.
Rabbiga ammaana.
114 Markay reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen,
Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen,
2 Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah,
Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay.
3 Baddii way aragtay, wayna carartay,
Webi Urdunna dib baa loo celiyey.
4 Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan,
Kurihiina sidii baraar.
5 Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa?
Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?
6 Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan?
Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?
7 Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa,
Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,
8 Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah,
Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.
115 Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan,
Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato,
Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.
2 Bal maxay quruumuhu u odhanayaan,
Haddaba Ilaahoodu meeh?
3 Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa,
Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.
4 Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab,
Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.
5 Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan,
Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
6 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan,
Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan,
7 Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan,
Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan,
Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.
8 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan,
Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.
9 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
10 Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
11 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
12 Rabbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakayn doonaa,
Reerka Israa'iilna wuu barakayn doonaa,
Reerka Haaruunna wuu barakayn doonaa.
13 Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada,
Yar iyo weynba.
14 Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo,
Idinka iyo carruurtiinnaba.
15 Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka
Ayaa idin barakeeyey.
16 Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga,
Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.
17 Kuwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan,
Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aamusnaantana ma ay ammaanaan isaga,
18 Laakiinse annagu Rabbiga waannu ammaani doonnaa
Haatan intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Rabbiga ammaana.
7 Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda. 2 Xoolaha daahirka ah toddoba iyo toddoba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; xoolaha aan daahirka ahaynna laba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; 3 haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan. 4 Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa. 5 Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey.
6 Nuuxna wuxuu jiray lix boqol oo sannadood markii daadka biyuhu dhulka dul joogay. 7 Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka. 8 Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba 9 Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux. 10 Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen.
17 Daadkiina afartan maalmood buu dhulka dul joogay; biyihiina way sii kordheen, oo doonnidii bay kor u qaadeen, oo waxaa iyadii kor looga qaaday dhulka. 18 Biyihiina way xoogaysteen, oo dhulkay aad ugu kordheen; doonnidiina waxay dul socotay biyihii. 19 Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen. 20 Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen. 21 Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba. 22 Wax walba oo dhulka engegan joogay oo dulalka sankiisa ay neefta ruuxa nolosha ku jirtay, way wada dhinteen. 23 Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii.
Yeedhista Ilaah Iyo Midownimada
4 Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah, 2 idinkoo leh is-hoosaysiin iyo qalbiqaboobaan oo dhan iyo samir, oo midkiinba midka kale jacayl ugu dulqaadanayo. 3 Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda. 4 Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii. 5 Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya, 6 iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira. 7 Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa. 8 Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi,
Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray,
Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.
9 Haddaba, kor buu u baxay, micneheedu waa maxay haddayan ahayn inuu isagu hoos ugu degtay meelaha dhulka ugu hooseeya? 10 Waa isla kii hoos u degtay kan haddana kor u baxay oo samooyinka oo dhan ka sara maray si uu isaga buuxiyo wax kastaba. 11 Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin. 12 Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa, 13 ilaa aynu wada gaadhno midnimada rumaysadka iyo aqoonta Wiilka Ilaah oo aynu noqonno dad waaweyn xagga qiyaasta koridda ee buuxnaanta Masiixa. 14 Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kasta oo cilmi ah xagga dulanka dadka iyo khiyaanada iyo sirta qaladka. 15 Laakiinse innagoo si jacayl ah runta ugu hadlayna aynu wax walba ku korno xaggiisa, kan madaxa ah oo ah Masiixa, 16 kaas oo jidhka oo dhammu si wanaagsan isugu haysto oo isugu wada xidhan yahay caawimaadda xubin kastaaba keento sida xubin kastaaba u shaqayso qiyaasteeda oo ugu kordhiso jidhka inuu jacayl ku dhismo.
Dad Kaloo La Bogsiiyey
7 Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya, 8 iyo Yeruusaalem, iyo Idumiya, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo kuwa ag joogay Turos iyo Siidoon; dad tiro badan goortii ay maqleen waxa weyn ee uu samaynayay ayay u yimaadeen. 9 Xertiisii wuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Doonni yar ha i sugto dadkii badnaa aawadiis si ayan ii cidhiidhiyin. 10 Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga. 11 Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. 12 Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.
Ciise Laba Iyo Tobankiisii Rasuul(A)
13 Goortaasuu buurta fuulay; wuu u yeedhayna kuwii uu doonayay; wayna u yimaadeen. 14 Laba iyo toban ayuu soo saaray inay isaga la joogaan, iyo inuu u diro inay wax wacdiyaan, 15 iyo inay u leeyihiin amar ay cudurro ku bogsiiyaan oo ay jinniyo ku saaraan. 16 Waxay ahaayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, 17 iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka, 18 iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo [a] Simoon reer Kaana, 19 iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya