Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur addoonkii Rabbiga oo Daa'uud ahaa u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo wuxuu Rabbiga kula hadlay erayada gabaygan maalintii Rabbigu ka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiisa oo dhan, iyo gacantii Saa'uulba, oo wuxuu yidhi,
18 Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.
2 Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga,
Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa,
Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
3 Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano,
Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
4 Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada,
Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.
5 Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool,
Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.
6 Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay,
Oo waxaan u qayshaday Ilaahay,
Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay,
Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.
7 Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray,
Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay,
Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
8 Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq,
Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
9 Oo weliba samooyinka wuu soo foorarshay, oo hoos buu u soo degay,
Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
10 Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay,
Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.
11 Wuxuu gudcurka ka dhigtay meeshiisii dhuumashada, iyo taambuuggiisa hareerihiisa ku wareegsan,
Iyo biyo gudcur ah, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
12 Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen,
Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.
13 Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka,
Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii,
Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.
14 Markaasuu fallaadhihiisii soo ganay oo kala firdhiyey iyagii,
Haah, oo wuxuu u soo diray hillaac badan, wuuna baabbi'iyey iyagii.
15 Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed
Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen,
Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
16 Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday,
Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
17 Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa,
Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
18 Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa,
Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
19 Oo weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan,
Wuu i soo samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
20 Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd,
Oo sidii ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
21 Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga,
Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.
22 Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen,
Oo qaynuunnadiisiina anigu iskama tuurin.
23 Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa,
Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
24 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd,
Iyo sidii nadiifsanaanta gacmahaygu ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
25 Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa,
Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
26 Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa,
Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
27 Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan,
Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.
28 Waayo, waxaad daaraysaa laambaddayda,
Rabbiga Ilaahayga ah ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
29 Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa,
Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
30 Ilaah jidkiisu waa qumman yahay,
Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey,
Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
31 Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane?
Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
32 Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog,
Jidkaygana qummaatiya.
33 Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada,
Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.
34 Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka,
Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
35 Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada,
Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig,
Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.
36 Adigu tallaabooyinkayga waxaad ku ballaadhisay hoostayda,
Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.
37 Anigu waxaan eryan doonaa cadaawayaashayda, oo waan gaadhi doonaa,
Oo jeeray wada baabba'aanna dib uga soo noqon maayo.
38 Waan wada layn doonaa si aanay mar dambe u awoodin inay kacaan,
Oo cagahaygay ku soo hoos dhici doonaan.
39 Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis,
Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.
40 Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan,
Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
41 Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya,
Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
42 Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dabaysha hor kaca,
Oo waxaan iyagii dibadda ugu tuuray sidii dhoobada jidadka taal oo kale.
43 Waxaad iga samatabbixisay murankii dadka,
Oo waxaad iga dhigtay quruumaha madaxdoodii,
Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
44 Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan,
Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,
45 Shisheeyayaashu way libdhi doonaan,
Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
46 Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn,
Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,
47 Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda,
Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.
48 Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda,
Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca,
Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
49 Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda,
Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.
50 Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa,
Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday,
Kaasoo ah Daa'uud, iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.
17 Qaabiilna naagtiisuu u tegey; wayna uuraysatay, oo waxay dhashay Enoog. Wuxuuna dhisay magaalo, oo magaaladiina wuxuu ku magacaabay magicii wiilkiisii Enoog. 18 Enoogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg. 19 Lamegna wuxuu guursaday laba naagood; mid magaceedu wuxuu ahaa Caadah, tan kalena magaceedu wuxuu ahaa Sillah. 20 Caadahna waxay dhashay Yaabaal: isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa teendhooyinka deggan oo xoolaha leh. 21 Magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yuubaal; isna wuxuu ahaa aabbihii kuwa kataaradda iyo biibiilaha garaaca. 22 Sillahna waxay dhashay Tuubalqayin oo ahaa mid tumi jiray alaabtii naxaasta iyo birta ahayd oo dhan; Tuubalqayin walaashiisna waxay ahayd Nacmah. 23 Lamegna wuxuu naagihiisii ku yidhi:
Caadah iyo Sillahay, codkayga maqla;
Lameg naagihiisow, hadalkayga dhegaysta;
Nin baan u dilay dhaawicid uu i dhaawacay aawadeed,
Iyo nin dhallinyar dhufashadii uu wax igu dhuftay aawadeed.
24 Haddii Qaabiil toddoba labanlaab looga aargudan lahaa,
Runtii Lameg waa in toddoba iyo toddobaatan labanlaab looga aar gutaa.
25 Aadanna naagtiisii mar kale ayuu u tegey; waxayna dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Seed, iyadoo leh, Ilaah abuur kaluu ii soo dhigay Haabiil meeshiisii; waayo, Qaabiil baa dilay isagii. 26 Seedna waxaa u dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Enoos; markaasaa dadkii waxay bilaabeen inay Rabbiga ku baryaan magiciisa.
Ciise Masiix Waa Ka Sarreeyaa Muuse
3 Haddaba walaalaha quduuska ah oo ka qayb gala yeedhniinta jannadow, u fiirsada Ciise oo ah Rasuulka iyo Wadaadka sare ee iimaanka aynu qiranno. 2 Aamin buu u ahaa kan doortay, sidii Muuseba gurigiisii oo dhan aaminka ugu ahaa. 3 Waayo, waxaa isaga lagu tiriyey inuu istaahilo ammaan ka badan tii Muuse, sida kan guriga dhisa uga murwad badan yahay guriga. 4 Waayo, guri walba mid baa dhisay, laakiin kan wax walba dhisay waa Ilaah. 5 Oo runtii Muuse gurigiisa oo dhan aamin buu ugu ahaa sida midiidin, inuu markhaati u ahaado waxyaalaha mar dambe lagu hadli doono. 6 Laakiin Masiix aamin buu u ahaa sida wiil gurigiisa ka sarreeya; oo gurigiisu waa innaga haddaynu ilaa ugu dambaysta dhiirranaanteenna iyo faanka rajadeenna aad u xajinno. 7 Haddaba waa sidan waxa Ruuxa Quduuska ahi leeyahay,
Maanta haddaad codkiisa maqashaan,
8 Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka,
Sidii maalintii jirrabaadda ee cidlada dhexdeeda,
9 Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen,
Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen.
10 Taas daraaddeed qarnigan waan u cadhaysnaa,
Oo waxaan idhi, Had iyo goorba qalbigooday ka qaldamaan,
Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii.
11 Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay,
Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.
43 Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac. 44 Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andaros iyo Butros. 45 Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana'el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan, oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasared oo ah ina Yuusuf. 46 Nataana'el wuxuu ku yidhi, Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasared? Markaasaa Filibos wuxuu ku yidhi, Kaalay oo arag. 47 Ciise wuxuu arkay Nataana'el oo ku soo socda, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, kanu waa mid reer Israa'iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn. 48 Markaasaa Nataana'el wuxuu ku yidhi, Xaggee baad igu tiqiin? Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Intaan Filibos kuu yeedhin, markaad geedkii berdaha hoostiisa joogtay, ayaan ku arkay. 49 Kolkaasaa Nataana'el u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaad tahay Wiilka Ilaah, oo waxaad tahay boqorkii Israa'iil. 50 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad u rumaysatay odhaatinkii aan kugu idhi, Geedka berdaha hoostiisa ayaan kugu arkay? Waxaad arki doontaa wax waxyaalahaas ka waaweyn. 51 Markaasuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaad arki doontaan samadoo furan iyo malaa'igaha Ilaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya