Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 34

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markii uu asluubtiisa ku hor beddelay Abiimeleg oo isaga eryay, dabadeedna wuu iska tegey.

34 Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa,
Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.
Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga,
Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.
Rabbiga ila weyneeya,
Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.
Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay,
Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.
Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen,
Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.
Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay,
Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.
Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada,
Oo weliba way samatabbixisaa.
Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay,
Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.
Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada,
Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.
10 Aaranka libaaxa wax baa ka dhimman, wayna gaajoodaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.
11 Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta,
Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.
12 Bal waa ayo ninka nolol jecel,
Oo cimriga dheer doonayaa,
Si uu wanaag u arko?
13 Carrabkaaga shar ka jooji,
Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.
14 Shar ka leexo, oo wanaag samee,
Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
15 Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah,
Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.
16 Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya
Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.
17 Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay,
Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.
18 Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan,
Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.
19 Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin,
Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.
20 Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan,
Oo middoodna ma jabna.
21 Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh,
Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.
22 Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa,
Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.

Sabuurradii 33

33 Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya,
Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.
Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad,
Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
Gabay cusub isaga ugu gabya,
Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.
Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay,
Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.
Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad,
Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa,
Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.
Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale,
Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.
Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen,
Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.
Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay,
Oo wuu amray, wayna adkaatay.
10 Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa,
Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.
11 Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa,
Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
12 Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay,
Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
13 Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa,
Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
14 Oo meesha isaga rugta u ah
Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,
15 Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya,
Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.
16 Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn,
Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
17 Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo,
Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
18 Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
19 Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo,
Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.
20 Nafteennu waxay sugtay Rabbiga,
Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
21 Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa,
Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
22 Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto,
Sidii aannu kaa rajaynay.

Boqorradii Kowaad 19:1-8

Eliiyaah Oo U Cararay Xoreeb

19 Oo markaasaa Axaab wuxuu Yesebeel u sheegay kulli wixii Eliiyaah sameeyey oo dhan, iyo siduu nebiyadii oo dhan seef ugu laayay. Markaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii. Oo isna markuu saas ogaaday ayuu kacay oo naftiisii la cararay, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac oo dalka Yahuudah ka mid ahaa, markaasuu midiidinkiisii halkaas kaga tegey. Laakiinse isagii intii maalin socodkeed ah ayuu cidlada sii dhex maray, oo intuu meel yimid ayuu hoos fadhiistay geed rotem la yidhaahdo; oo wuxuu weyddiistay inuu dhinto, oo yidhi, Rabbiyow, haatan waabase naftayda iga qaad, waayo, anigu kama aan fiicni awowayaashay. Markaasuu jiifsaday, oo hoos seexday geed rotem ah, kolkaasaa waxaa taabtay malaa'ig, oo waxay ku tidhi, Toos oo wax cun. Kolkaasuu wax fiiriyey oo wuxuu arkay kibis dhuxul lagu dubay iyo kusad biyo ah oo madaxiisa yaal. Markaasuu wax cunay oo wax cabbay oo haddana wuu iska jiifsaday. Markaasaa malaa'igtii Rabbiga mar labaad u timid, oo intay taabatay ayay ku tidhi, Toos oo wax cun, maxaa yeelay, sodcaalku waa kugu dheer yahay. Markaasuu toosay, oo wax cunay, oo wax cabbay, oo cuntadaas itaalkeedii ayuu ku socday afartan maalmood iyo afartan habeen ilaa uu gaadhay Xoreeb oo ahayd buurtii Ilaah.

Efesos 4:1-16

Yeedhista Ilaah Iyo Midownimada

Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah, idinkoo leh is-hoosaysiin iyo qalbiqaboobaan oo dhan iyo samir, oo midkiinba midka kale jacayl ugu dulqaadanayo. Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda. Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii. Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya, iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira. Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa. Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi,

Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray,
Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.

Haddaba, kor buu u baxay, micneheedu waa maxay haddayan ahayn inuu isagu hoos ugu degtay meelaha dhulka ugu hooseeya? 10 Waa isla kii hoos u degtay kan haddana kor u baxay oo samooyinka oo dhan ka sara maray si uu isaga buuxiyo wax kastaba. 11 Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin. 12 Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa, 13 ilaa aynu wada gaadhno midnimada rumaysadka iyo aqoonta Wiilka Ilaah oo aynu noqonno dad waaweyn xagga qiyaasta koridda ee buuxnaanta Masiixa. 14 Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kasta oo cilmi ah xagga dulanka dadka iyo khiyaanada iyo sirta qaladka. 15 Laakiinse innagoo si jacayl ah runta ugu hadlayna aynu wax walba ku korno xaggiisa, kan madaxa ah oo ah Masiixa, 16 kaas oo jidhka oo dhammu si wanaagsan isugu haysto oo isugu wada xidhan yahay caawimaadda xubin kastaaba keento sida xubin kastaaba u shaqayso qiyaasteeda oo ugu kordhiso jidhka inuu jacayl ku dhismo.

Yooxanaa 6:1-14

Waxaa Cunto La Siiyey Shan Kun Oo Nin(A)

Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas. Dad badanna way raaceen, waayo, waxay arkeen calaamooyinkii uu ku sameeyey kuwii bukay. Kolkaasaa Ciise buurta u baxay, halkaasna ayuu xertiisii la fadhiistay. Markaasna waxaa dhowayd Iiddii Kormaridda ee ahayd iiddii Yuhuudda. Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan? Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa. Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato. Markaasaa xertiisii midkood oo Andaros la odhan jiray oo Simoon Butros walaalkiis ahaa wuxuu ku yidhi, Halkan waxaa jooga wiil qaba shan kibsood oo shaciir ah iyo laba kalluun, laakiin waxaasi maxay u tarayaan dad sidan u badan? 10 Markaasaa Ciise yidhi, Dadka fadhiisiya. Meeshaasina waxay lahayd doog badan. Haddaba nimankii waa fadhiisteen, tiradooduna qiyaastii waxay ahayd shan kun. 11 Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen. 12 Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin. 13 Sidaa aawadeed ayay ururiyeen, oo laba iyo toban dambiilood ayay ka buuxiyeen jajabkii ka hadhay kuwii shantii kibsood oo shaciirka ahayd cunay. 14 Haddaba dadkii markay arkeen calaamadii uu sameeyey, waxay yidhaahdeen, Runtii, kanu waa nebigii dunida iman lahaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya