Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
66 Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
2 Oo ammaanta magiciisa ku gabya,
Ammaantiisana qurxiya.
3 Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa!
Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
4 Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan,
Wayna kuu gabyi doonaan,
Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
5 Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah,
Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
6 Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan,
Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug,
Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
7 Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa,
Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha,
Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
8 Dadyahow, Ilaaheenna ammaana,
Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
9 Kaasoo nafteenna nolol ku haya,
Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
10 Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay,
Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
11 Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah,
Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
12 Dad baad madaxa naga saartay,
Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo,
Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
13 Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo,
Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
14 Bushimahaygu ay ku hadleen,
Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
15 Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran
Iyo wanan iyo fooxood,
Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)
16 Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla,
Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
17 Isagaan afkayga ugu qayshaday,
Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
18 Haddaan dembi qalbigayga ku arkay,
Sayidku ima uu maqleen,
19 Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay,
Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
20 Mahad waxaa leh Ilaaha
Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.
Kanu waa sabuur gabay ah oo loo tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaana lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.
67 Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee,
Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah)
2 In jidkaaga laga ogaado dhulka,
Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.
3 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
4 Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed,
Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad,
Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)
5 Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen,
Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.
6 Dhulku wuxuu soo saaray midhihiisii,
Waxaa ina barakayn doona Ilaah, oo ah Ilaaheenna qudhiisa.
7 Ilaah waa ina barakayn doonaa,
Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.
116 Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay
Codkaygii iyo baryootankaygii.
2 Dhegtuu ii dhigay,
Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.
3 Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey,
Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday.
Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.
4 Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga,
Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.
5 Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq,
Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.
6 Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa,
Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay.
7 Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo,
Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.
8 Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho,
Indhahaygana ilmo,
Cagahaygana kufid.
9 Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa
Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.
10 Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay
Aad baa la ii dhibay,
11 Anigoo degdegsan baan waxaan idhi,
Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.
12 Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa
Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?
13 Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada,
Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
14 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii,
Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.
15 Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa
Ayaa qiimo weyn ku leh.
16 Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga,
Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada,
Silsiladahaygii waad iga furtay.
17 Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda,
Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
18 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii,
Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
19 Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa,
Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay.
Rabbiga ammaana.
117 Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana,
Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga.
2 Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay,
Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa.
Rabbiga ammaana.
Tukashadii Xannaah
2 Markaasaa Xannaah tukatay oo waxay tidhi:
Qalbigaygu Ilaah buu ku faraxsan yahay,
Geeskaygana Rabbigu kor buu u qaaday.
Afkayguna wuxuu u faanaa cadaawayaashayda,
Maxaa yeelay, waxaan ku reyreeyaa badbaadintaada.
2 Mid quduus ahu sida Rabbiga ma jiro,
Waayo, adiga mooyee mid kale ma jiro,
Oo dhagax weyn oo Ilaahayaga la mid ahuna ma jiro.
3 Hadal dambe oo saas u kibir badan ha ku hadlina;
Afkiinna yaanu kibir ka soo bixin;
Waayo, Rabbigu waa Ilaah wax walba yaqaan,
Falimahana isagaa miisaama.
4 Raggii xoogga badnaa qaansooyinkoodii waa jajaban yihiin,
Oo kuwii kufkufayayna itaal bay guntan yihiin.
5 Kuwii dhergi jiray waxay naftooda u kiraysteen kibis aawadeed.
Kuwii gaajaysnaana way gaajo baxeen,
Oo madhashadiina waxay dhashay toddoba,
Oo tii carruur badan lahaydna way taag gabtay.
6 Rabbigu wax buu dilaa, wuuna soo nooleeyaa;
Qabriguu wax geliyaa, wuuna ka soo bixiyaa.
7 Rabbigu isagaa wax masaakiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga.
Wuu hoosaysiiyaa, wuuna sarraysiiyaa haddana.
8 Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa,
Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa,
Si uu amiirrada ula fadhiisiyo,
Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan;
Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh,
Oo dunidana iyaguu saaray.
9 Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona,
Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis;
Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.
10 Kuwa Rabbiga la dirira waa la kala jejebin doonaa;
Oo iyaga samaduu kaga soo onkodi doonaa,
Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darfaha dunida;
Oo wuxuu xoog u yeeli doonaa boqorkiisa,
Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan.
Dabiicadda Masiixiyiinta
2 Laakiinse adigu ku hadal waxyaalaha ku habboon cilmiga runta ah. 2 Odayaashu waa inay feejignaadaan oo dhug yeeshaan oo digtoonaadaan oo ay si run ah ugu socdaan iimaanka iyo jacaylka iyo dulqaadashada. 3 Sidaas oo kalena habruhu waa inay asluub quduus ah lahaadaan, oo ayan noqon kuwa wax xanta, oo ayan khamri badan addoommo u noqon, laakiinse ay noqdaan kuwo wax wanaagsan dadka bara. 4 Oo waa inay naagaha dhallintayar baraan inay jeclaadaan nimankooda iyo carruurtooda, 5 oo ay digtoonaadaan, oo ay daahir noqdaan, oo ay gurigooda ka shaqeeyaan, oo ay wanaagsanaadaan, iyagoo nimankooda ka dambeeya, si aan ereyga Ilaah loo caayin. 6 Ragga dhallinyarada ahna sidaas oo kale ku waani inay digtoonaadaan. 7 Wax walba nafsaddaada masaal ahaan u tus xagga shuqullada wanaagsan; oo cilmigaagana ku tus qummanaan, iyo dhuglahaan, 8 iyo hadal run ah oo aan ceeb lahayn, si midka geesta kaa ahu u ceeboobo, oo uusan u helin wax xun oo uu inaga sheego. 9 Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin, 10 oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.
Dhalashada Ciise Masiix Waa La Sii Sheegay
26 Bishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasared la odhan jiray 27 ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan. 28 Malaa'igtii baa u soo gashay, oo waxay ku tidhi, Nabad, adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira. 29 Markaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan? 30 Malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Maryamay, waayo, nimco ayaad Ilaah ka heshay. 31 Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise. 32 Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud. 33 Weligiiba wuxuu boqor u ahaan doonaa dadkii Yacquub, boqornimadiisuna ma idlaan doonto. 34 Kolkaasaa Maryan waxay malaa'igtii ku tidhi, Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo. 35 Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah. 36 Bal eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad. 37 Waayo, wax aan Ilaah kari doonin ma jiro. 38 Maryan ayaa tidhi, Waa i kan, waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto. Markaasaa malaa'igtii ka tagtay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya