Book of Common Prayer
Kanu waa gabay Mikhtaam ah oo Daa'uud tiriyey.
16 Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.
2 Waxaan Rabbiga ku idhi, Sayidkayga baad tahay,
Oo innaba wanaag ma haysto la'aantaa.
3 Quduusiinta dhulka joogtaa
Waxaa weeye kuwa sharafta leh oo aan aad iyo aad ula faraxsanahay.
4 Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa,
Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah,
Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
5 Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga,
Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.
6 Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay,
Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.
7 Anigu waxaan ammaanayaa Rabbiga i waaniyey,
Habeenkiina uurkaygu wax buu i baraa.
8 Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku xusuustaa,
Oo anigu innaba dhaqdhaqaaqi maayo,
Maxaa yeelay, isagu wuxuu joogaa midigtayda.
9 Taas aawadeed qalbigaygu waa faraxsan yahay oo naftayduna way rayraysaa,
Oo weliba jidhkayguna ammaan buu ku jiri doonaa.
10 Maxaa yeelay, naftayda She'ool kuma dayn doontid,
Kaaga quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko.
11 Waxaad i tusi doontaa jidka nolosha,
Hortaada farxad baa ka buuxda,
Gacantaada midigna nimco baa ku jirta weligeed.
Baryootankii Daa'uud.
17 Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso,
Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.
2 Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada,
Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.
3 Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay,
Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin,
Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.
4 Shuqulladii dadkana waan ka hadhay,
Oo erayada bushimahaaga ayaan kaga joogsaday jidadkii kuwa wax dulma oo dhan.
5 Si aanay cagahaygu u simbiriirixan,
Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.
6 Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa,
Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.
7 Bal muuji raxmaddaada yaabka leh,
Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya
Kuwa ku kaca iyaga.
8 Ii dhawr sida isha inankeeda,
Oo igu qari hooska baalashaada.
9 Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba,
Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.
10 Qalbigooday xidheen,
Oo afkooduna wuxuu ku hadlaa waxyaalo kibir miidhan ah.
11 Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii,
Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.
12 Isagu waa sida aar libaax ugaadhsi damacsan,
Iyo sida aaran libaax oo meelo qarsoon ku dhuunta.
13 Rabbiyow, kac,
Oo isaga ka hor tag, oo dhulka hoos ugu tuur,
Oo naftaydana kan sharka leh seeftaada kaga samatabbixi,
14 Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada,
Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan,
Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada,
Iyagu waxay ka dhergeen carruur,
Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.
15 Laakiinse anigu xaqnimaan wejigaaga ku fiirin doonaa,
Oo waa i deeqi doonaa markii aan ammaantaada arko, oo aan ekaantaada la soo tooso.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Ayeled Shaxar.
22 Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?
2 Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid,
Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
3 Laakiinse adigu quduus baad tahay,
Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil.
4 Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen,
Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.
5 Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen,
Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
6 Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi,
Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
7 Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan,
Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,
8 Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo,
Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.
9 Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey,
Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.
10 Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay,
Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.
11 Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow,
Qof i caawiyaana ma jiro.
12 Waxaa i hareereeyey dibiyo badan,
Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
13 Afkooday iigu fureen,
Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
14 Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale,
Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen,
Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale,
Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
15 Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale,
Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay,
Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
16 Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo,
Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha,
Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
17 Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa,
Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
18 Dharkayga bay qaybsadaan,
Oo maradaydana saami bay u ritaan.
19 Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan,
Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
20 Naftayda ka samatabbixi seefta,
Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
21 Iga badbaadi libaaxa afkiisa,
Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
22 Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay,
Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
23 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga,
Farcanka Yacquubow, sharfa isaga,
Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.
24 Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa,
Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii,
Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
25 Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa,
Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
26 Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow,
Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan,
Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
27 Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga.
Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
28 Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga,
Oo isagu waa taliyihii quruumaha.
29 Dunida kuweeda buurbuuran oo dhammu wax bay cuni oo Ilaah bay caabudi doonaan,
Oo inta ciidda gasha oo dhammuna hortiisay ku sujuudi doonaan,
Xataa kii aan naftiisa sii noolayn karin.
30 Farcan baa isaga u adeegi doona,
Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.
31 Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan
Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.
Tobankii Amar
5 Markaasaa Muuse u wada yeedhay dadkii reer binu Israa'iil oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan maanta dhegahiinna kula hadlayo inaad iyaga barataan oo aad dhawrtaan si aad u samaysaan. 2 Rabbiga Ilaaheenna ahu innagoo Xoreeb joogna ayuu axdi inala dhigtay. 3 Oo Rabbigu axdigaas lama uu dhigan awowayaasheen, laakiinse wuxuu la dhigtay innagoo ah inteenna maanta nool oo halkan wada joogta oo dhan. 4 Oo Rabbigu isagoo buurta jooga fool ka fool ayuu dabka dhexdiisa idiinkala hadlay, 5 (oo anna markaas waxaan istaagay Rabbiga iyo idinka dhexdiinna si aan idiin tuso Eraygii Rabbiga, waayo, waxaad ka cabsanayseen dabka, oo buurtana ma aydaan fuulin,) oo isaguna wuxuu yidhi,
6 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar, iyo gurigii addoonsiga.
7 Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.
8 Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira. 9 Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr[a] ah, oo xumaantii awowayaasha waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda, iyo tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb, 10 oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.
11 Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.
12 Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu amray. 13 Lix maalmood waa inaad hawshootaa, oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa, 14 laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale. 15 Oo waa inaad xusuusataa inaad addoon ku ahaan jirtay dalka Masar, oo Rabbiga Ilaahaaga ahu uu halkaas kaaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, oo sidaas daraaddeed Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu kugu amray inaad dhawrto maalinta sabtida.
16 Aabbahaa iyo hooyadaa u maamuus sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray, in cimrigaagu dheeraado, oo aad ku nabdoonaatid dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.
17 Waa inaadan qudh gooyn.
18 Oo waa inaadan sinaysan.
19 Oo waa inaadan waxba xadin.
20 Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin.
21 Oo waa inaadan damcin naagta deriskaaga, oo waa inaanad damcin guriga deriskaaga, ama beertiisa, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.
22 Erayadaas wuxuu Rabbigu, isagoo buurta jooga, dab iyo daruur iyo gudcur qaro weyn dhexdooda shirkiinna oo dhan kagala hadlay cod weyn, wax kalena kuma uu darin. Oo wuxuu ku qoray laba loox oo dhagax ah, markaasuu i siiyey.
Bawlos Faankiisii
11 Doqon baan noqday; idinkaase igu qasbay. Waxay ahayd inaad i ammaantaan, waayo, sinaba ugama aan liidan rasuulladii ugu wada waaweynaa, in kastoo aanan waxba ahayn. 12 Hubaal rasuul calaamooyinkiis ayaa si dulqaad leh laydiinka dhex sameeyey xagga calaamooyin iyo yaabab iyo shuqullo xoog leh. 13 Maxaa idinka dhiman oo aad uga liidataan kiniisadaha kale, anigoo aan idin culaysin mooyaane? Xumaantan aawadeed iga raalli ahaada.
14 Markan waa markii saddexaad oo aan diyaar u ahay inaan idiin imaado; oo idinma culaysin doono, maxaa yeelay, idinkaan idin doonayaa ee ma doonayo wixiinna; waayo, ma aha inay carruurtu waalidkood wax u kaydiso, laakiin waa inuu waalidku carruurta wax u kaydiyo. 15 Anna si farxad leh ayaan isu bixin, naftiinnaanan isu bixin. Haddii aan aad idiin jeclahay, ma si ka yar baa lay jecel yahay? 16 Hase ahaatee, anigu idinma aan culaysin, laakiin khaa'in baan noqday oo sir baan idinku qabtay. 17 Miyaan faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay kuwii aan idiin soo diray midkoodna? 18 Tiitos waan waaniyey, walaalkeenna waan la diray isagii. Tiitos miyuu faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay? Miyaannan isku ruux ku socon? Miyaannan isku tallaabooyin ku socon?
19 Haatan waxaad u malaynaysaan inaannu iska kiin daafacayno. Ilaah hortiisa waxaannu u hadlaynaa sida kuwo Masiix, oo gacaliyayaalow, wax kastaba waxaannu u samaynaa si aad u dhisantaan. 20 Waayo, waxaan ka cabsanayaa in, kolkaan imaado, aan idinka waayo sidaan doonayo inaad ahaataan, idinna aad iga weydaan sidaad doonaysaan inaan ahaado, waaba intaasoo ay jiraan dirir, iyo masayr, iyo xanaaq, iyo iskala qaybqaybin, iyo cay, iyo xan, iyo qabweynaan, iyo rabshooyin; 21 waaba intaasoo kolkaan mar kale imaado uu Ilaahay hortiinna igu hoosaysiiyaa, oo aan u baroortaa kuwo badan oo hadda ka hor dembaabay, oo aan ka toobadkeenin wasakhnimadii iyo sinadii iyo nejisnimadii ay faleen.
Labada Jid(A)
13 Iridda cidhiidhsan ka gala, waayo, iriddu waa weyn tahay, jidkuna waa ballaadhan yahay kan xagga baabbi'idda u kaca, oo kuwa ka galaa waa badan yihiin. 14 Waayo, iriddu waa cidhiidhsan tahay, jidkuna waa yar yahay kan xagga nolosha u kaca, kuwa helaana waa yar yihiin.
Runta Iyo Beenta(B)
15 Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa. 16 Midhahooda ayaad ku garan doontaan. Canab ma laga guraa geed qodxan leh? Berdena ma laga guraa yamaarugga? 17 Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa. 18 Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo. 19 Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa. 20 Sidaa darteed waxaad iyaga ku garanaysaan midhahooda.
Hadallada Iyo Falimaha(C)
21 Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya