Book of Common Prayer
ALEF
119 Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman,
Oo sharciga Rabbiga ku socda.
2 Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa,
Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
3 Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan,
Jidadkiisase way ku socdaan.
4 Waxaad nagu amartay amarradaada,
Inaan aad u dhawrno.
5 Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo
Inaan qaynuunnada dhawro!
6 Markaas anigu ceeboobi maayo,
Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
7 Markaan barto xukummadaada xaqa ah
Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.
8 Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada,
Rabbow, ha i dayrin weligay.
BED
9 Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa?
Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
10 Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan,
Yaanan amarradaada ka leexan.
11 Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday
Si aanan kuugu dembaabin.
12 Rabbiyow, adigaa mahad leh,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.
13 Waxaan bushimahayga ku sheegay
Xukummadii afkaaga oo dhan.
14 Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga,
Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
15 Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada,
Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
16 Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa,
Eraygaagana ma illoobi doono.
GIMEL.
17 Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado,
Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
18 Indhahayga fur
Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
19 Socotaan dhulka ku ahay,
Haddaba amarradaada ha iga qarin.
20 Naftaydu waxay u xiisootay
Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
21 Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran,
Oo amarrada ka leexda.
22 Cay iyo ceeb iga fogee,
Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
23 Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay,
Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.
24 Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya,
Waana lataliyayaashayda.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha oo waxaa lagu luuqeeyaa Shemiiniid.
12 Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa,
Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been,
Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
3 Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan,
Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
4 Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga,
Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa
Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood,
Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
6 Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah,
Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray,
Oo toddoba jeer la safeeyey.
7 Rabbiyow, waad dhawri doontaa,
Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
8 Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay,
Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
13 Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa?
Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?
2 Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa,
Anigoo maalinta oo dhan calool xun?
Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa?
3 Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab,
Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,
4 Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday,
Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.
5 Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada,
Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.
6 Rabbigaan u gabyi doonaa,
Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
14 Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro.
Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah,
Ma jiro mid wanaag sameeya.
2 Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga,
Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya,
Oo Ilaah doondoona.
3 Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen,
Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
4 Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn?
Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan,
Mana ay baryaan Rabbiga.
5 Halkaasay aad ugu cabsadeen,
Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.
6 Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka,
Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
7 Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado!
Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,
Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
25 Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan, 26 waxaan samada iyo dhulka maanta ugu yeedhayaa inay idinku marag furaan, inaad dhaqso uga wada baabbi'i doontaan dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan. Dalkaas cimrigiinnu kuma raagi doono, laakiinse kulligiin waad wada baabbi'i doontaan. 27 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala firdhin doonaa dadyowga dhexdooda, oo quruumaha Rabbigu xaggooda idiin hoggaamin doono idinkoo yar ayaad ku dhex hadhi doontaan. 28 Oo halkaas waxaad u adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin. 29 Laakiinse haddaad halkaas Rabbiga Ilaahiinna ah ka doondoontaan, waad heli doontaan, haddaad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku doondoontaan. 30 Markaad dhib ku dhex jirtaan, oo waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, marka u dambaysa waxaad ku soo noqon doontaan Rabbiga Ilaahiinna ah, codkiisana waad dhegaysan doontaan, 31 maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaah naxariis badan, oo isagu idin gabi maayo, idinna baabbi'in maayo, illoobina maayo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay.
21 Waan ka xishoonayaa inaan idhaahdo, Waannu tabardaran nahay. Laakiin weliba wax kasta oo uu qof geesi ku yahay, aniguna geesi baan ku ahay (sida doqon ayaan u hadlayaa). 22 Iyagu ma Cibraaniyo baa? Anna waan ahay. Ma reer binu Israa'iil baa? Anna waan ahay. Ma dhashii Ibraahim baa? Anna waan ahay. 23 Iyagu ma Masiix bay u adeegaan? Si ka sii badan ayaan ugu adeegaa. Sidii qof waalan ayaan u hadlayaa. Waan ka hawlo badnaa, waanan ka xabsi badnaa, karbaashyo tirola'aan ahna waa laygu dhuftay, marar badanna dhimashaan ku dhowaaday. 24 Shan goor Yuhuuddu waxay i karbaasheen afartan mid la'. 25 Saddex goorna ulaa laygu dhuftay, marna waa lay dhagxiyey, saddex goor doonni baa ila jabtay, habeen iyo maalinna waxaan ku jiray badda. 26 Marar badan baan safray, xagga webiyadana khatar baan galay, xagga tuugaggana khatar baan galay, xagga dadkaygana khatar baan galay, xagga dadka aan Yuhuuddu ahaynna khatar baan galay, xagga magaaladana khatar baan galay, xagga cidladana khatar baan galay, xagga baddana khatar baan galay, walaalo been ah dhexdoodana khatar baan ku galay. 27 Waxaanna ku jiray dhib iyo daal, marar badanna hurdola'aan iyo gaajo iyo harraad, marar badanna cuntola'aan iyo qabow iyo arrad. 28 Waxyaalahaas dibadda ahna waxaa ii dheeraad ah waxaa maalin walba i dhiba ee ah kawelwelidda kiniisadaha oo dhan. 29 Kumaa itaaldaran oo anna aanan itaal darnayn? Kumaa la xumeeyey oo aanan ka guban? 30 Hadday tahay inaan faano waxaan ku faanayaa waxyaalaha ku saabsan itaaldarradayda. 31 Ilaaha ah Aabbaha Rabbi Ciise, kan barakada leh weligiis, wuxuu yaqaan inaanan been sheegaynin. 32 Xagga Dimishaq taliyihii ka hooseeyey boqorkii Aretas ahaa ayaa gaadh ka qabtay magaalada reer Dimishaq si uu ii qabto. 33 Markaas anigoo dambiil ku jira ayaa daaqad xagga derbiga hoos laygaga dejiyey oo aan gacmihiisii ka baxsaday.
Welwelka Iyo Aamminaadda Ilaah Lagu Aammino(A)
24 Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal. 25 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka? 26 Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn? 27 Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara?
28 Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. 29 Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood. 30 Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow? 31 Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa? 32 Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin. 33 Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa. 34 Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya