Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:145-176

QOF.

145 Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab,
Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.
146 Waan kuu qayshaday ee i badbaadi,
Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.
147 Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey,
Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.
148 Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo,
Si aan eraygaaga uga fikiro.
149 Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan,
Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
150 Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan,
Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.
151 Rabbiyow, adigu waad dhow dahay,
Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.
152 Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin
Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.

RESH.

153 Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi,
Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.
154 Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo,
Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
155 Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay,
Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.
156 Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay,
Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
157 Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin,
Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
158 Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday,
Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
159 Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay,
Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
160 Eraygaaga dhammaantiisu waa run,
Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.

SHIN.

161 Amiirraa sababla'aan ii silciyey,
Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.
162 Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa
Sidii mid booli badan helay.
163 Beenta waan necbahay oo waan karahsaday,
Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
164 Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa,
Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
165 Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn,
Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.
166 Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday,
Oo amarradaadiina waan oofiyey.
167 Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga,
Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
168 Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga,
Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.

TAW.

169 Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada,
Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.
170 Baryootankaygu hortaada ha yimaado,
Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.
171 Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen,
Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
172 Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga,
Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
173 Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso,
Waayo, amarradaadaan doortay.
174 Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday,
Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
175 Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa,
Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
176 Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon,
Waayo, amarradaada ma aan illoobo.

Sabuurradii 128-130

Gabayga meelokoridda.

128 Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada,
Oo jidadkiisa ku socda.
Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen,
Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.
Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala.
Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.
Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa
Ninka Rabbiga ka cabsadaa.
Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa,
Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.
Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda.
Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

Gabayga meelokoridda.

129 Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,
Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen,
Laakiinse igama ay adkaan.
Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay,
Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
Rabbigu waa xaq,
Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.
Inta Siyoon neceb oo dhammu,
Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa
Oo engega intaanu korin,
Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin,
Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.
Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan,
Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato.
Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.

Gabayga meelokoridda.

130 Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.
Sayidow, codkayga maqal,
Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon
Codka baryootankayga.
Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid,
Bal yaa istaagi doona, Sayidow?
Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid,
In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
Waxaan sugaa Rabbiga,
Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.
Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa
In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa,
Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba,
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis
Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa
Dembiyadooda oo dhan.

Ruud 2:1-13

Ruud Oo La Kulantay Bocas

Oo Nimco waxaa ninkeedii qaraabo u ahaan jiray nin xoog badan oo xoolo leh oo reer Eliimeleg ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Bocas. Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay Nimco ku tidhi, Bal i daa aan beerta tagee, oo kii iga raalli noqda, intaan raaco, aan hadhuudh ka soo xaabxaabee. Oo iyana waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tag. Markaasay tagtay, oo markay timid, kuwii beerta gooynayay ayay dabadood beertii xaabxaabtay. Oo nasiibkeeduna waxaa weeye inay timaado beertii uu lahaa Bocas oo ahaa reer Eliimeleg. Oo bal eeg, Bocas baa wuxuu ka yimid Beytlaxam, oo wuxuu ku yidhi kuwii beerta gooynayay, Rabbigu ha idinla jiro. Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Rabbigu ha ku barakeeyo. Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi midiidinkiisii madaxda u ahaa kuwii beerta gooynayay, Gabadhanu waa ina ayo? Markaasaa midiidinkii kuwii beerta gooynayay madaxda u ahaa wuxuu Bocas ugu jawaabay, Waa gabadhii reer Moo'aab ee Nimco kala soo noqotay waddankii reer Moo'aab. Oo waxay igu tidhi, Waan ku baryayaaye aan beerta xaabxaabo, oo aan kuwa beerta gooynaya dabadood xidmooyinka wax ka dhex urursado. Taas aawadeed way timid, oo wax bay urursanaysay subaxdii ilaa haatan, in yar oo ay guriga ku maqnayd mooyaane. Markaasaa Bocas wuxuu Ruud ku yidhi, Sow maqli maysid, gabadhaydiiyey? Ha tegin oo ha xaabxaabin beer kale, oo halkanna ha sii dhaafin, laakiinse halkan gabdhahayga u dhow iska joog. Oo waxaad fiirisaa beerta ay gooynayaan, oo iyaga iska daba gal. Miyaanan ragga dhallinyarada ah ku amrin inaanay ku taaban? Oo markaad oontidna xagga weelasha tag oo ka soo cab biyaha ragga dhallinyarada ahu soo dhaamiyeen. 10 Markaasay wejiga u dhacday, oo dhulka ugu foororsatay, oo waxay isagii ku tidhi, Maxaad raalli iigu noqotay, oo aad ii garatay, anoo ah mid qalaad? 11 Markaasaa Bocas u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Dhammaan waa lay wada tusay, kulli wixii aad u samaysay soddohdaa ilaa markii ninkaagii dhintay, iyo sidii aad uga soo kacday aabbahaa iyo hooyadaa, iyo dalkii aad ku dhalatay, oo aad u timid dad aadan hadda ka hor aqoon. 12 Haddaba Rabbigu shuqulkaaga ha kaaga abaalgudo, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad baalashiisa hoostooda magan gashay ha ku siiyo abaalgud dhan. 13 Kolkaasay tidhi, Sayidow, haddaba raalli iga ahow; waayo, waad i qalbi qaboojisay, oo si raxmad leh ayaad iila hadashay anigoo ah addoontaada, in kastoo aanan addoommahaaga ka mid ahayn.

2 Korintos 1:23-2:17

23 Laakiin Ilaah baan markhaati ugu yeedhayaa xagga naftayda, waxaan Korintos u iman waayay inaan idiin tudho. 24 Ma aha inaannu sayid u ahaanno rumaysadkiinna, laakiin waxaannu nahay kuwa idinla wada shaqeeya farxaddiinna aawadeed, waayo, rumaysad ayaad ku taagan tihiin.

Laakiin waxaan aniga qudhaydu goostay inaanan haddana caloolxumo idiinla imanin. Waayo, haddaan idin calool xumeeyo, waa kee kan iga farxinayaa kii aan calool xumeeyey maahee? Waxakan ayaan u qoray inaanan markaan imaado ka calool xumaan kuwa aan ku farxi lahaa, anigoo idinku aaminsan dhammaantiin inay farxaddaydu tahay farxadda kulligiin. Waayo, dhib badan iyo silica qalbiga ayaan idinku soo qoray anigoo aad u ilmaynaya, oo ma aha inaad calool xumaataan, laakiin inaad garataan jacaylka aad u sii badan ee aan idiin qabo.

Dembiilaha Toobadkeena Waa In La Aqbalo

Laakiin mid uuni hadduu qof calool xumeeyey, aniga ima uu calool xumayn, laakiin dhammaantiin buu si ahaan idiin calool xumeeyey; dooni maayo inaan idin culaysiyo. Taqsiirtan kuwa badani ay saareen way ku filan tahay kaasoo kale. Laakiinse waa inaad isaga cafidaan oo u gargaartaan inaanay sina caloolxumo aad u badani liqin kaasoo kale. Sidaa daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaad jacaylkiinna u caddaysaan isaga. Waayo, taa aawadeed ayaan u qoray inaan idin imtixaamo inaad wax walba ku dhega nugushihiin iyo in kale. 10 Kii aad wax ka cafidaan, aniguna waan ka cafiyaa: waxaan anigu ka cafiyeyna, haddaan wax ka cafiyey, waxaan uga cafiyey aawadiin Masiix hortiisa, 11 inaan Shayddaan inaga faa'iidaysan, waayo, innagu ma nihin kuwo jaahil ka ah xeeladdiisa.

Dhibaatooyinka Iyo Libta Xagga Injiilka

12 Markaan Taroo'as imid inaan injiilka Masiix kaga wacdiyo, ee uu Rabbigu irid iga furay, 13 ruuxaygu ma nasan, waayo, ma aan helin walaalkay Tiitos, laakiin iyagaan nabadgelyeeyey oo Makedoniyaan u kacay. 14 Ilaah baa mahad leh kan had iyo goorba libta inagu siiya Masiix, oo meel walba udgoonka aqoontiisa gaadhsiiya, ee innaga inaga gaadhsiiya. 15 Waayo, waxaynu Ilaah u nahay udgoonka Masiix xagga kuwa badbaadaya iyo kuwa lumayaba; 16 kuwa dambe udgoonka xagga dhimasho ilaa dhimasho, kuwa kalena udgoonka xagga nolol ilaa nolol. Oo yaa ku filan waxyaalahan? 17 Waayo, innagu la mid ma nihin kuwa badan ee ereyga Ilaah ka baayacmushtara, laakiin sida kuwa daacadda ah iyo kuwa Ilaah ayaynu Masiix ugu hadallaa Ilaah hortiisa.

Matayos 5:21-26

Cadhada Iyo Dhiigqabidda(A)

21 Waad maqasheen in kuwii hore lagu yidhi, Waa inaanad dhiig qabin; kii dhiig qabaa wuxuu galabsadaa xukunka. 22 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo walaalkiis u cadhoodaa wuxuu galabsadaa xukunka, oo kii walaalkiis ku yidhaahda, Nacas yahow, wuxuu galabsadaa in shirka la geeyo, oo kii yidhaahda, Doqon yahow, wuxuu galabsadaa jahannamada dabka ah. 23 Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto, 24 hadiyaddaada ku dhaaf meeshii allabariga horteeda, tag, oo horta walaalkaa la soo heshii, dabadeed kaalay oo hadiyaddaada bixi. 25 Dhaqso cadowgaaga ula heshii intaad jidka kula socoto, si aan cadowgu xaakinka kuugu dhiibin, xaakinkuna askariga kuugu dhiibin, oo xabsi lagugu tuurin. 26 Runtii waxaan kugu leeyahay, Halkaas ka soo bixi maysid ilaa aad siisid beesadda ugu dambaysa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya