Book of Common Prayer
106 Rabbiga ammaana.
Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
2 Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn?
Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?
3 Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra,
Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
4 Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto,
Oo igu soo booqo badbaadintaada,
5 Inaan arko kuwaaga aad dooratay barwaaqadooda,
Oo aan ku reyreeyo farxadda quruuntaada,
Iyo inaan la faano dadka dhaxalkaaga ah.
6 Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo,
Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
7 Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay.
Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada,
Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.
8 Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis,
Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
9 Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay,
Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.
10 Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii,
Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
11 Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii.
Xataa mid qudhahu kama hadhin.
12 Markaasay rumaysteen erayadiisii,
Oo ammaantiisay ku gabyeen.
13 Haddiiba way illoobeen shuqulladiisii,
Oo taladiisiina ma ay sugin,
14 Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen,
Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.
15 Oo isna wuxuu siiyey wixii ay weyddiisteen,
Laakiinse wuxuu naftoodii u soo diray caatow.
16 Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse
Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.
17 Oo dhulkiina waa kala furmay oo wuxuu liqay Daataan,
Oo weliba wuxuu qariyey Abiiraam guutadiisii.
18 Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay,
Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.
19 Waxay samaysteen weyl markii ay Xoreeb joogeen,
Oo waxay caabudeen sanam la shubay.
20 Oo sidaasay ammaantoodii ugu beddeleen
Dibi caws daaqa ekaantiis.
21 Waxay illoobeen Ilaahii Badbaadiyahooda ahaa,
Oo waxyaalo waaweyn ku sameeyey dalkii Masar,
22 Shuqullo yaab badanna ku sameeyey dalkii Xaam,
Waxyaalo cabsi badanna ku sameeyey Badda Cas agteeda.
23 Sidaas daraaddeed isagu wuxuu yidhi, Waan baabbi'inayaa.
Laakiinse Muuse oo ahaa kii uu doortay ayaa hortiisa u istaagay xidhiidhla'aantii u dhexaysay,
Inuu Ilaah cadhadiisa ka leexiyo aawadeed si aanu iyaga u baabbi'in.
24 Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa,
Mana ay rumaysan eraygiisii,
25 Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen,
Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.
26 Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga,
Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,
27 Iyo inuu farcankooda ku afgembiyo quruumaha dhexdooda,
Oo uu iyaga ku kala firdhiyo dalalka.
28 Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor,
Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay.
29 Sidaasay isaga shuqulladoodii ugaga xanaajiyeen,
Markaasay belaayadu ka dhex dillacday.
30 Markaasaa waxaa istaagay Fiinexaas, oo wuxuu ku soo dejiyey xukun,
Oo sidaasaa belaayada lagu joojiyey.
31 Oo taas waxaa isagii loogu tiriyey xaqnimo
U sii waaraysa qarni kasta iyo weligeedba.
32 Oo weliba waxay isagii kaga cadhaysiiyeen biyihii Meriibaah agtooda,
Sidaas daraaddeed dhib baa ku dhacday Muuse iyaga aawadood,
33 Maxaa yeelay, iyagu waxay ku caasiyoobeen ruuxiisii,
Kolkaasuu fiirola'aan u hadlay.
34 Dadyowgiina uma ay baabbi'in,
Sidii Rabbigu ugu amray iyaga,
35 Laakiinse iyagu waxay ku dhex qasmeen quruumihii,
Shuqulladoodiina way barteen,
36 Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii,
Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,
37 Haah, oo waxay wiilashoodii iyo gabdhahoodii allabari ahaan ugu qaleen jinniyo,
38 Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda
Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan,
Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
39 Haddaba sidaasay shuqulladoodii ugu nijaasoobeen,
Oo falimahoodii ayay ku caasiyoobeen sidii dhillo oo kale.
40 Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu dadkiisii aad ugu cadhooday,
Oo isna wuxuu karhay dadkii dhaxalkiisii ahaa.
41 Oo wuxuu iyagii u gacangeliyey quruumaha,
Oo kuwii iyaga necbaa ayaa u taliyey.
42 Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay,
Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.
43 Marar badan ayuu samatabbixiyey,
Laakiinse waxay ku caasiyoobeen taladoodii,
Oo waxaa lagu hoosaysiiyey dembigoodii.
44 Habase yeeshee isagu waa ka fiirsaday cidhiidhigoodii,
Markuu qayladoodii maqlay,
45 Oo wuxuu iyagii u soo xusuustay axdigiisii,
Kolkaasuu naxariistiisa badan aawadeed u qoomamooday.
46 Oo weliba wuxuu ka dhigay inay
Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.
47 Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi,
Oo quruumaha naga soo dhex ururi,
Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno,
Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
48 Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil
Tan iyo weligiis iyo weligiisba.
Oo dadka oo dhammu ha yidhaahdo, Aamiin.
Rabbiga ammaana.
RUUD
Nimco Iyo Ruud
1 Waagii xaakinnadu wax xukumi jireen abaar baa dalkii ka dhacday. Markaasaa nin Beytlaxam Yahuudah ka tegey, oo wuxuu qariib ahaan u degay waddankii Moo'aab, isagii iyo naagtiisii, iyo labadiisii wiilba. 2 Oo ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Eliimeleg, naagtiisana waxaa la odhan jiray Nimco, labadiisa wiil magacyadooduna waxay ahaayeen Maxloon iyo Kilyoon, oo qoladooduna waxay ahayd reer Efraad oo Beytlaxam Yahuudah ka yimid. Oo waxay soo galeen waddankii Moo'aab, oo halkaasay iska degeen. 3 Markaasaa waxaa dhintay Eliimeleg oo ahaa Nimco ninkeedii, oo waxaa hadhay iyadii iyo labadeedii wiil. 4 Oo iyana waxay naago ka guursadeen dumarkii reer Moo'aab; oo naagahoodii mid magaceedii waxaa la odhan jiray Corfah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Ruud; oo waxay halkaas degganaayeen intii toban sannadood ku dhow. 5 Oo haddana Maxloon iyo Kilyoon labadiiba way dhinteen; oo naagtii waxaa ka dhintay labadeedii carruur ahayd iyo ninkeedii.
6 Markaasay kacday iyadoo wadata labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd inay ka noqoto waddankii Moo'aab; waayo, waxay waddankii Moo'aab ku maqashay in Rabbigu dadkiisii soo booqday oo uu cunto siiyey. 7 Oo markaasay meeshii ay joogtay ka tagtay, oo labadii gabdhood oo ay soddohda u ahaydna way la socdeen; oo jidkay qaadeen inay ku noqdaan dalkii reer Yahuudah. 8 Markaasaa Nimco waxay ku tidhi labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd, Taga oo middiin kastaaba ha ku noqoto gurigii hooyadeed; oo Rabbigu si raxmad leh ha idiin yeelo taasoo ah sidii aad ula macaamilooteen kuwii dhintay iyo anigaba. 9 Rabbigu middiin kastaba nasasho ha ku siiyo guriga ninkeeda. Oo markaasay iyagii dhunkatay; oo iyana codkoodii bay kor u qaadeen oo ooyeen. 10 Oo waxay iyadii ku yidhaahdeen, Maya, laakiinse adigaannu kula noqonaynaa xaggii dadkaaga. 11 Markaasay Nimco waxay tidhi, Iska noqda, gabdhahaygiiyow, bal maxaad ii raacaysaan? Ma wiilal kalaa uurkayga ku hadhay oo niman idiin noqonaya? 12 Iska noqda, gabdhahaygiiyow, oo iska taga, waayo, waan ka gaboobay inaan nin guursado. Haddii aan odhan lahaa, Weli rajaan qabaa, iyo haddii xataa aan caawa nin guursado, ee haddana wiilal dhalo, 13 haddaba ma waxaad sugaysaan ilaa ay ka koraan? Oo ma sidaas baad isaga daynaysaan inaad niman guursataan? Gabdhahaygiiyow, maya, waayo, taasaan aad uga xumaanayaa idinka aawadiin, waayo, waxaa igu soo baxday gacanta Rabbiga. 14 Markaasay codkoodii kor u qaadeen oo haddana way ooyeen; Corfahna soddohdeed bay dhunkatay; Ruudse way ku soo dhegtay.
WARQADDII LABAAD EE RASUUL BAWLOS U QORAY DADKII
KORINTOS
Salaan Iyo Mahadnaqid
1 Bawlos oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, iyo walaalkeen Timoteyos waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah oo Korintos ku taal iyo kulli quduusiinta Akhaya oo dhan jooga. 2 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
3 Waxaa barako leh Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, oo ah Aabbaha naxariista leh iyo Ilaaha gargaarka oo dhan, 4 kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray. 5 Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay. 6 Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno. 7 Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh. 8 Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay. 9 Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay. 10 Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono; 11 idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahadnaqaan aawadayo.
Wacdigii Ciise Dadka Ku Wacdiyey Markuu Buurta Joogay
5 Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid. 2 Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.
Kuwa Barakaysan(A)
3 Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. 4 Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa. 5 Waxaa barakaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan. 6 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan. 7 Waxaa barakaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa. 8 Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan. 9 Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah. 10 Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh. 11 Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday. 12 Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya