Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 118

118 Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday,
Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono,
Bal maxaa dad igu samayn karaa?
Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya,
Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.
Intii dad lagu kalsoonaan lahaa
Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa
Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
10 Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
11 Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
12 Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale,
Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
13 Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed,
Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.
14 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
15 Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
16 Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
17 Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa,
Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
18 Rabbigu aad buu ii edbiyey,
Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
19 Irdaha xaqnimada iga fura,
Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.
20 Tanu waa iriddii Rabbiga,
Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
21 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay,
Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
22 Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
23 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid,
Oo waa ku yaab indhahayaga.
24 Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey,
Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
25 Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi,
Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
26 Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya,
Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.
27 Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin,
Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geeseheeda.
28 Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa,
Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.
29 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.

Sabuurradii 145

Kanu waa sabuur ammaan ah oo Daa'uud tiriyey.

145 Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa,
Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano,
Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.
Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa,
Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.
Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada,
Iyo shuqulladaada yaabka badan.
Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan,
Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa,
Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.
Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad,
Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay,
Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
10 Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan,
Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
11 Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada,
Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
12 Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn,
Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
13 Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah,
Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
14 Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan,
Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
15 Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan,
Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
16 Gacantaadaad furtaa,
Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
17 Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay,
Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
18 Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan,
Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
19 Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa,
Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
20 Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa,
Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.
21 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga,
Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.

Ishacyaah 66:7-14

Intii ayan foolan ayay dhashay, oo intii ayan xanuunsan ayay wiil umushay. Bal yaa waxaas oo kale maqlay? Yaase waxaas oo kale arkay? Dal miyuu maalin qudha dhashaa? Quruunse miyey haddiiba dhalataa? Waayo, Siyoon mar alla markay foolatay ayay haddiiba carruurteedii dhashay. Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigoo foosha keena miyaanan dhalin doonin? Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anigoo wax dhaliya, miyaan maxalka awdi doonaa?

10 Kuwiinna iyada jecel oo dhammow, Yeruusaalem la reyreeya, oo aawadeed u faraxsanaada, kuwiinna u baroorta oo dhammow, farxad aawadeed ula reyreeya, 11 si aad naaseheeda gargaarka ah u nuugtaan oo aad uga dheregtaan, iyo si aad sharafteeda badan uga maashaan oo aad ugu faraxdaan. 12 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, nabad sida webi oo kale ayaan ugu soo fidin doonaa, oo sharafta quruumahana sida durdur soo buuxdhaafay oo kale ayaan ugu soo dayn doonaa, oo markaasaad nuugi doontaan, oo sintaa laydinku xambaari doonaa, dhabtaana laydinku dul cayaarsiin doonaa. 13 Sida mid hooyadiis u qalbi qaboojiso oo kale ayaan aniguna idiin qalbi qaboojin doonaa, oo waxaa laydinku qalbi qaboojin doonaa Yeruusaalem. 14 Oo markaad waxaas aragtaan ayaa qalbigiinnu farxi doonaa, oo lafihiinnuna sida caws qoyan oo kale ayay u soo barwaaqaysnaan doonaan, oo waxaa la ogaan doonaa inay gacanta Rabbigu addoommadiisa la jirto, cadhadiisuse waxay ku dhici doontaa cadaawayaashiisa.

1 Yooxanaa 3:4-10

Carruurta Ilaah Waa Inaanay Dembaabin

Kii kasta oo dembi falaa wuxuu falaa caasinimo; oo dembigu wuxuu yahay caasinimo. Oo idinku waad og tihiin in isagu u muuqday inuu dembiyadeenna inaga qaado, oo isagu dembi ma leh. Ku alla kii isaga ku sii jiraa, ma dembaabo; ku alla kii dembaabaa ma uu arkin isaga, oo weliba ma yaqaan isaga.

Carruurtiiyey, yaan cidi idin khiyaanayn; kii xaqnimo falaa waa xaq siduu isaguba xaq u yahay. Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi'iyo shuqullada Ibliiska. Ku alla kii Ilaah ka dhashay dembi ma falo; maxaa yeelay, Ilaah dabiicaddiisu way ku sii jirtaa isaga; oo ma dembaabi karo, waayo, wuxuu ka dhashay Ilaah. 10 Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn.

Yooxanaa 10:7-16

Adhijirka Wanaagsan

Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaan ahay illinka iduhu ka soo galaan. Kuwii hortay yimid oo dhammu waa tuugag iyo waxdhacayaal, iduhuse ma maqlin. Waxaan ahay illinka, haddii qof uun xaggayga ka soo galo, wuu badbaadi doonaa, wuuna soo geli doonaa oo bixi doonaa, daaq buuna heli doonaa. 10 Tuuggu wax kale uma yimaado inuu wax xado oo dilo oo halleeyo mooyaane, aniguse waxaan u imid inay nolosha haystaan oo ay badnaan u haystaan.

11 Waxaan ahay adhijirka wanaagsan. Adhijirka wanaagsanu wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha daraaddood. 12 Kan ciidanka ah oo aan adhijirka ahayn, iduhuna aanay kuwiisa ahayn, kolkuu arko yeeyda oo soo socota, wuu ka tagaa idaha oo ka cararaa. Markaasay yeeydu qabsataa oo kala firdhisaa iyaga. 13 Wuu cararaa, waayo, isagu waa ciidan uun, oo idaha waxba kama gelin. 14 Waxaan ahay adhijirka wanaagsan; waan garanayaa kuwayga, kuwayguna waa i garanayaan, 15 sida Aabbuhu ii garanayo, anna aan Aabbaha u garanayo; oo naftaydana waan u bixiyaa idaha daraaddood. 16 Ido kale ayaan leeyahay oo aan kuwa xeradan ahayn, kuwaasna waa inaan keenaa, waxayna maqli doonaan codkayga, oo waxaa jiri doona adhi keliya iyo adhijir keliya.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya