Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim Ceduud.
80 Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow,
Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow,
Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.
2 Reer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici,
Oo kaalay oo na badbaadi.
3 Ilaahow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
4 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow,
Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?
5 Waxaad ku quudisay kibistii ilmada,
Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.
6 Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada,
Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.
7 Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
8 Geed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay,
Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.
9 Meel baad hortiisa ku diyaarisay,
Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.
10 Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii,
Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.
11 Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda,
Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.
12 Bal maxaad deyrkiisii u dumisay
Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?
13 Waxaa kharriba doofaarka kaynta,
Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.
14 Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo,
Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,
15 Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay,
Iyo laantii aad adkaysatay.
16 Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay,
Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.
17 Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga,
Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.
18 Markaas dib kaaga noqon mayno,
Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.
19 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha. Oo wuxuu u tiriyey sidii Yeduutuun.
77 Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa,
Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.
2 Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka,
Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan,
Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.
3 Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa,
Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)
4 Indhahaygii waad soo jeedisay,
Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.
5 Waxaan ka fikiray wakhtigii hore,
Iyo sannadihii waa hore ahaa.
6 Habeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga,
Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga,
Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.
7 Sayidku weligiisba ma i xoorayaa?
Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?
8 Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba?
Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?
9 Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan?
Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)
10 Oo weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda,
Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.
11 Waxaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa,
Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.
12 Waxaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan,
Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.
13 Ilaahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah,
Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?
14 Waxaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya,
Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.
15 Gacantaadaad dadkaagii ku soo furatay,
Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)
16 Ilaahow, biyuhu way ku arkeen,
Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen,
Oo moolalkuna way gariireen.
17 Daruuruhuna biyay soo daayeen,
Cirkuna wuxuu diray dhawaaq,
Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.
18 Codkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta,
Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida,
Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.
19 Jidkaaguna badduu dhex maray,
Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan,
Oo raadadkaagana lama aqoon.
20 Dadkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale,
Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.
Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.
79 Ilaahow, quruumihii kale waxay u soo galeen dhaxalkaagii,
Macbudkaagii quduuska ahaana way nijaaseeyeen,
Oo Yeruusaalemna waxay ka dhigeen tuulmooyin.
2 Meydadkii addoommadaada waxay cunto uga dhigeen haadka samada,
Oo hilibkii quduusiintaadana waxay cunto uga dhigeen dugaagga dhulka.
3 Dhiiggoodiina waxay Yeruusaalem hareeraheeda ugu daadiyeen sidii biyo oo kale,
Cid aastaana ma jirin.
4 Waxaannu cay u noqonnay derisyadayadii,
Kuwa nagu wareegsanna wax la quudhsado oo lagu qoslo.
5 Rabbiyow, ilaa goormaad noo cadhaysnaan doontaa? Ma weligaa baa?
Masayrkaagu ma sida dab buu u ololi doonaa?
6 Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon,
Iyo boqortooyooyinka aan magacaaga kugu baryin.
7 Waayo, waxay laayeen reer Yacquub,
Rugtoodiina way baabbi'iyeen.
8 Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo,
Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado,
Waayo, aad baa lanoo dhibay.
9 Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi,
Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.
10 Bal maxaa quruumuhu u leeyihiin, Ilaahoodu meeh?
Dhiiggii addoommadaada oo ay daadiyeen aargoosashadiisii
Ha lagu ogaado quruumaha dhexdooda annagoo arkayna.
11 Maxbuuska taahiisu hortaada ha yimaado,
Xooggaaga weynaantiisa ku badbaadi kuwa dhimashada lagu xukumay.
12 Sayidow, derisyadayada toddoba jibbaar ugu abaalmari,
Oo laabta u geli caydii ay kugu caayeen.
13 Haddaba annagoo ah dadkaaga iyo idihii daaqsintaada
Waannu kugu mahadnaqaynaa weligayo,
Oo ammaantaada waannu ka sheekaysan doonnaa tan iyo ka ab ka ab.
YOO'EEL
1 Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Yoo'eel ina Fetuu'eel.
Weerarkii Ayaxa
2 Odayaashow, kan maqla, oo dadka dalka degganow, dhammaantiin dhegta u dhiga. War tanu ma waxay dhacday wakhtigiinnii mase wakhtigii awowayaashiin? 3 Haddaba idinku carruurtiinna u sheega, oo carruurtiinnuna carruurtooda ha u sii sheegeen, oo carruurtooduna qarni kale ha u sii sheegeen. 4 Wixii koronkorrada ka hadhay ayax baa cunay, oo wixii ayaxa ka hadhayna laddaa baa cunay, oo wixii laddaaga ka hadhayna diir baa cuntay. 5 Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay. 6 Waayo, dalkaygii waxaa ku soo kacay quruun xoog badan oo aan tiro lahayn, oo ilkahoodu waa sida ilko libaax oo kale, oo waxay leeyihiin miciyo gool libaax oo kale. 7 Geedahaygii canabka ahaa way baabbi'iyeen, oo dhirtaydii berdaha ahaydna way diirteen, wayna mudhxiyeen oo kala tuurtuureen, oo laamahoodiina waa qayax cad. 8 Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay. 9 Qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinku waa ka go'een gurigii Rabbiga, oo wadaaddada ah Rabbiga midiidinnadiisa way barooranayaan. 10 Beertii way ba'day oo dhulkii wuu barooranayaa, waayo, hadhuudhkii wuu baabba'ay, oo khamrigii cusbaana waa engegay, oo saliiddiina way cidlaanaysaa. 11 Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een. 12 Canabkii wuu engegay, oo berdihiina wuu dhaday, oo geedkii rummaanka, iyo geedkii timirta, iyo geedkii tufaaxa, iyo xataa dhirtii berrinka ku tiil oo dhammu way wada engegeen, oo farxaddiina way ka dhammaatay binu-aadmiga.
Toobadkeenid Ayaa Loogu Yeeray
13 Kuwiinna wadaaddada ahow, joonyado guntada oo ooya, oo kuwiinna meesha allabariga ka adeegow, baroorta. Ilaahayga midiidinnadiisow, kaalaya oo habeenka oo dhan joonyado ku jiifa, waayo, qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinkaba waa laga joojiyey gurigii Ilaahiinna.
15 Oo baayacmushtariyadii alaabtaas lahaa oo iyada taajir ku noqday, waxay meel fog la istaagi doonaan cabsida caddibaaddeeda iyagoo ooyaya oo barooranaya; 16 oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn, tii qabi jirtay dhar wanaagsan, iyo dhar guduudan, iyo dhar cas, oo ku sharraxnaan jirtay dahab, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo luul. 17 Waayo, maalka saas u badanu saacad keliya buu ku baabba'ay. Oo waxaa meel fog istaagay naakhude kasta, iyo mid kasta oo dhoofa, iyo ragga baxriyiinta ah, iyo in alla inta badda ka faa'iidaysata, 18 oo way qayliyeen markii ay arkeen qiiqii gubashadeeda, waxayna yidhaahdeen, Bal magaaladee baa la mid ah magaalada weyn? 19 Oo iyana intay madaxa boodh ku shubteen ayay qayliyeen oo ooyeen oo baroorteen, oo waxay yidhaahdeen, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaaladii weynayd oo kulli inta badda doonniyaha ku lahu ay dhexdeeda kaga taajireen maalkeedii, waayo, iyadii saacad keliya bay baabba'day. 20 Haddaba iyada ku farxa, samaday, iyo quduusiintay, iyo rasuulladow, iyo nebiyadow, waayo, Ilaah xukunkiinnii iyaduu ku xukumay.
21 Markaasaa malaa'ig xoog weynu waxay kor u qaadatay dhagax u eg dhagaxshiid weyn, oo waxay ku dhex tuurtay badda, oo waxay tidhi, Magaalada weyn oo Baabuloon sidaas oo kale xoog baa hoos loogu tuuri doonaa, oo hadda ka dibna lama heli doono. 22 Oo mar dambe dhexdaada lagama maqli doono codka kataaralayda, iyo muusikalayda, iyo kuwa biibiilaha ka dhawaajiya, iyo kuwa turumbada ka dhawaajiya; oo dhexdaada innaba lagama heli doono sancalow sanco kasta ha qabtee; oo sanqadha dhagaxshiidkana dhexdaada innaba lagama maqli doono mar dambe; 23 oo laambad iftiinkeedna mar dambe dhexdaada innaba kama ifi doono, oo codkii arooska iyo aroosaddana dhexdaada innaba mar dambe lagama maqli doono, waayo, baayacmushtariyadaadu waxay ahaayeen amiirradii dhulka, maxaa yeelay, saaxirnimadaadii ayaa quruumaha oo dhan lagu khiyaaneeyey. 24 Oo dhexdeeda waxaa laga helay dhiiggii nebiyadii iyo quduusiintii iyo dhiiggii kuwii dhulka lagu dilay oo dhan.
12 Wuxuuna ku yidhi kii u yeedhay, Goortaad qado ama casho samayso, ha u yeedhin saaxiibbadaada ama walaalahaa ama xigaalkaa ama derisyadaada hodanka ah, waaba intaasoo iyaguna ay markooda kuu yeedhaan, oo ay abaalgud kugu noqotaa. 13 Laakiin goortaad diyaafad samayso waxaad u yeedhaa masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo curyaannada iyo indhoolayaasha, 14 oo aad barakaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaalgudaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.
Masaalka Ku Saabsan Iidda Weyn
15 Kuwa cuntada ula fadhiyey midkood, goortuu waxaas maqlay, wuxuu isaga ku yidhi, Waxaa barakaysan kan kibis ku cuni doona boqortooyada Ilaah. 16 Wuxuuse ku yidhi, Nin baa casho weyn sameeyey, oo dad badan u yeedhay, 17 oo saacaddii cashada ayuu addoonkiisii u diray inuu kuwii loo yeedhay ku yidhaahdo, Kaalaya, waayo, haatan wax waluba waa diyaar. 18 Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 19 Mid kale ayaa yidhi, Waxaan iibsaday shan qindi oo dibi ah, oo waan tegayaa inaan imtixaamo. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 20 Mid kale ayaa yidhi, Naag baan guursaday, sidaa darteed ma iman karo. 21 Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada. 22 Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay, oo weli meel baa bannaan. 23 Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo. 24 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya