Book of Common Prayer
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, si wax loogu xusuusto.
70 Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi,
Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.
2 Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan
Ha ceeboobeen oo ha wareereen,
Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana
Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.
3 Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu,
Ceebtooda dib ha ula noqdeen.
4 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen,
Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen,
Ilaah ha la weyneeyo.
5 Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay,
Ilaahow, ii soo dhaqso,
Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga.
Rabbiyow, ha iga raagin.
71 Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyaa,
Yaanan weligay wareerin.
2 Xaqnimadaada igu samatabbixi oo i nabad geli,
Dhegta ii dhig, oo i badbaadi.
3 Ii noqo dhagax weyn oo rug ah, oo aan had iyo goorba ku noqnoqdo,
Waxaad amar ku bixisay in lay badbaadsho,
Waayo, adigu waxaad tahay dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda.
4 Ilaahayow, iga badbaadi kan sharka leh gacantiisa,
Iyo gacanta xaqlaawaha iyo ninka nacabkaa.
5 Waayo, Sayidow Ilaahow, waxaad tahay rajadayda,
Oo waxaad tahay kii aan isku hallaynayay tan iyo yaraantaydii.
6 Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay,
Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday,
Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.
7 Anigu kuwo badan baan u ahay sidii wax yaab leh,
Laakiinse adigu waxaad ii tahay magangal xoog leh.
8 Maalin kasta waxaa afkayga ka buuxi doona
Ammaantaada iyo sharaftaada.
9 Ha i tuurin markaan gaboobo,
Oo ha i dayrin markaan itaal darnaado.
10 Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan,
Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,
11 Oo waxay isyidhaahdaan, Ilaah baa dayriyey,
Haddaba ka daba taga oo qabta, waayo, ma jiro mid samatabbixinayaa.
12 Ilaahow, ha iga fogaan,
Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.
13 Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een,
Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.
14 Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa,
Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
15 Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada,
Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.
16 Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh,
Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.
17 Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii,
Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
18 Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo,
Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe
Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
19 Ilaahow, xaqnimadaadu aad iyo aad bay u sarraysaa,
Ilaahow, adiga oo waxyaalaha waaweyn sameeyey,
Bal yaa kula mid ah?
20 Adiga oo na tusay dhibaatooyin badan oo aad u xun,
Ayaa haddana na noolayn doona,
Oo haddana waxaad naga soo saari doontaa dhulka moolkiisa.
21 Weynaantayda ii sii kordhi,
Oo intaad soo jeesatid i qalbi qabooji.
22 Ilaahow, waxaan kugu ammaani doonaa alaab muusiko ah,
Oo runtaadaan ammaani doonaa,
Israa'iil kiisa Quduuska ahow,
Waxaan ammaan kuugula gabyi doonaa kataarad.
23 Bushimahaygu aad bay ugu farxi doonaan, markaan ammaan kuugu gabyo,
Oo xataa naftaydii aad soo furatayna way rayrayn doonta.
24 Oo weliba carrabkayguna maalinta oo dhan wuxuu ka sheekayn doonaa xaqnimadaada,
Waayo, kuwa waxyeelladayda doondoonayaa way ceeboobaan, oo way isku wareeraan.
Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.
74 Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay?
Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?
2 Bal soo xusuuso ururkaaga aad waa hore soo iibsatay,
Oo aad u soo furatay inay ahaadaan qabiilkaad dhaxashay,
Oo weliba Buur Siyoon oo aad degganaatana soo xusuuso.
3 Tallaabooyinkaaga u soo qaad xagga baabba'a weligiis ah,
Iyo xagga xumaanta uu cadowgu meesha quduuska ah ku sameeyey oo dhan.
4 Cadaawayaashaadii waxay ka qayliyeen shirkaaga dhexdiisa,
Oo waxay calaamad ahaan u qotonsadeen calammadoodii.
5 Waxay u ekaadeen sidii niman faasas u qaatay hawd jiq ah.
6 Haddaba shuqulkiisii la qoray oo dhan
Waxay ku wada dumiyaan gudmo iyo dubbayaal.
7 Meeshaada quduuska ah dab bay ku dhejiyeen,
Oo waxay wada nijaaseeyeen meeshii magacaaga hoyga u ahayd.
8 Waxay qalbigooda iska yidhaahdeen, Kaalaya aan dhammaantood baabbi'innee,
Waxay wada gubeen sunagogyadii Ilaah oo dalka ku dhex yiil oo dhan.
9 Annagu calaamadahayagii ma aragno,
Oo innaba mar dambe nebi ma jiro,
Dhexdayadana ma joogo mid garanaya ilaa goorma.
10 Ilaahow, ilaa goormaa cadowgu caytamayaa?
Cadowgu miyuu magacaaga caayayaa weligiisba?
11 Bal maxaad gacantaada midig dib ugu celisaa?
Laabtaada ka soo bixi oo iyaga baabbi'i.
12 Laakiinse Ilaah waa boqorkayga tan iyo waa hore,
Isagoo badbaadin ka dhex samaynaya dhulka.
13 Xooggaagaad badda ku kala qaybisay,
Oo masbadeedyada ku dhex jirana madaxaad ka jebisaa.
14 Waxaad kala burburisay madaxyada bahalbadeedyada oo Lewiiyaataan la odhan jiray,
Oo cunto ahaan ayaad u siisay dadkii cidlada degganaa.
15 Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro,
Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.
16 Maalinta adigaa iska leh, habeenkana adigaa iska leh,
Oo adigaa diyaariyey iftiinka iyo qorraxdaba.
17 Adigu waxaad samaysay dhulka soohdimihiisa oo dhan,
Oo adigaa sameeyey diraac iyo xagaaba.
18 Rabbiyow, xusuuso in cadowgu caytamay,
Iyo in dad nacas ahu magacaaga caayay.
19 Qoolleydaada nafteeda ha u gacangelin dugaagga,
Weligaaba ha illoobin nafta masaakiintaada,
20 Bal soo fiiri axdigaaga,
Dhulka meelihiisa gudcurka ah waxaa ka buuxa hoyaalka dulmiga.
21 Kuwa la dulmay yaanay dib u noqon iyagoo ceeboobay,
Miskiinka iyo kan baahanu magacaaga ha ammaaneen.
22 Ilaahow, sara joogso, oo dacwadaada u muddac.
Bal xusuuso siday dadka nacaska ahu maalinta oo dhan kuu caayaan.
23 Ha illoobin codka cadaawayaashaada,
Kuwa kugu kaca buuqoodu had iyo goorba wuu soo kacaa.
Dhimashadii Saarah
23 Saarah waxay noolayd boqol iyo toddoba iyo labaatan sannadood; intaasu waa Saarah cimrigeedii. 2 Oo Saarah waxay ku dhimatay Qiryad Arbac, taasoo ah Xebroon, tan ku taal dalka Kancaan: Ibraahimna wuxuu u yimid inuu u baroorto, oo uu u ooyo Saarah. 3 Markaasaa Ibraahim meydkii naagtiisa ka kacay, oo wuxuu la hadlay reer Xeed, isagoo ku leh, 4 Waxaan ahay shisheeye sodcaal ah oo idin dhex jooga: ee dhexdiinna iga siiya meel xabaaleed oo hanti ah, si aan meydka naagtayda hortayda uga aaso. 5 Oo reer Xeedna Ibraahim bay u jawaabeen, iyagoo ku leh, 6 Bal na maqal sayidkaygiiyow, adigu dhexdayada waxaad ku tahay amiir weyn. Midka ugu wanaagsan qabriyadayada meydka naagtaada ku aas. 7 Midkayana kaama lexejeclaysan doono qabrigiisa inaad ku aastid meydka naagtaada. Markaasaa Ibraahim sare kacay, oo uu u sujuuday dadkii waddanka lahaa, oo ahaa reer Xeed. 8 Wuuna la hadlay oo ku yidhi, Haddaad oggoshihiin inaan meydka naagtayda hortayda ka aaso, i maqla oo ii barya Cefroon ina Sohar, 9 inuu i siiyo godka la yidhaahdo Makfelah oo uu haysto, oo ku yaal berrinkiisa geestiisa. Qiimo dhan ha iga siiyo, inay dhexdiinna ii noqoto meel xabaaleed oo hanti ah. 10 Haddaba Cefroon wuxuu fadhiyey reer Xeed dhexdooda; oo Cefroon oo ahaa reer Xeed ayaa Ibraahim u jawaabay, iyadoo ay maqlayaan reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhammu, oo wuxuu ku yidhi, 11 Maya, sayidkaygiiyow, i maqal, berrinka waan ku siinayaa, godka ku dhex yaalna waan ku siinayaa; waxaan kugu siinayaa ragga reerkayga hortooda, ee meydka ku aaso. 12 Ibraahimna wuxuu ku hor sujuuday dadkii waddanka. 13 Markaasuu Cefroon la hadlay iyadoo ay dadkii waddanku maqlayaan, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, haddaad oggoshahay i maqal; waan ku siin qiimihii berrinka ee iga qaado, anna meydkaan meeshaas ku aasan. 14 Cefroonna Ibraahim buu u jawaabay, isagoo ku leh, 15 Sayidkaygiiyow, bal i maqal: meel dhul ah oo qiimihiisu yahay afar boqol oo sheqel oo lacag ah, waa maxay dhexdeenna? Haddaba meydka aaso. 16 Ibraahimna Cefroon buu maqlay; markaasaa Ibraahim u miisaamay Cefroon lacagtii uu u sheegay, iyadoo ay reer Xeed maqlayaan, oo waxay ahayd, afar boqol oo sheqel oo lacag ah, oo lacagtii baayacmushtarka ku socotay ah. 17 Sidaasaa berrinkii Cefroon, oo Makfelah ku yiil, oo Mamre ku hor yiil, berrinkii iyo godkii ku dhex yiil, iyo geedihii ku yiil berrinkii, iyo xuduudkii ku wareegsanaa oo dhanba waxaa lagu xaqiijiyey 18 reer Xeed intii iriddii magaaladiisa ka gashay oo dhan hortooda, in Ibraahim hanti ahaan u lahaado. 19 Markaas ka dib ayaa Ibraahim naagtiisii Saarah ku aasay godkii berrinkii Makfelah oo ku hor yiil Mamre, taas oo ah Xebroon oo dalka Kancaan ku tiil. 20 Oo berrinkii iyo godkii ku dhex yiilba reer Xeed ayaa Ibraahim u xaqiijiyey inay meel xabaaleed oo hanti ah u noqdaan.
32 Oo maxaan kale oo idhaahdaa? Waayo, wakhtigu waa igu gaabnaan doonaa haddaan wax ka sheegi lahaa Gidcoon, iyo Baaraaq, iyo Samsoon, iyo Yeftaah, iyo Daa'uud, iyo Samuu'eel iyo nebiyadii. 33 Rumaysad bay kaga adkaadeen boqortooyooyin, oo xaqnimo ku sameeyeen, oo ballamo ku heleen, oo afafka libaaxyada ku xidheen, 34 oo xooggii dabka ku demiyeen, oo seefta afkeedii kaga baxsadeen, oo itaaldarradii kaga xoogaysteen, oo dagaal ku itaal weynaadeen, oo colalkii shisheeyaha ku eryeen. 35 Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan. 36 Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis. 37 Waana la dhagxiyey, miinshaarna waa lagu kala jeexay, waana la jirrabay, seefna waa lagu gowracay, wayna warwareegeen iyagoo qaba hargo idaad iyo hargo riyood, iyagoo caydh ah oo la dhibay oo la silciyey. 38 Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka. 39 Kuwaas oo dhammu, iyagoo loo markhaati furay rumaysadkoodii daraaddiis, ayaanay helin wixii loo ballanqaaday; 40 waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.
Ciise Wuxuu Yahay Bilaabaha Iyo Dhammeeyaha Rumaysadkeenna
12 Sidaas daraaddeed, innagoo haysanna markhaatiyaal badan oo sida daruur u weyn oo inagu wareegsan, aynu iska dhigno culays kasta iyo dembiga dhibyaraanta inoogu dhegaya, oo aynu adkaysasho ku orodno tartanka ina hor yaal, 2 innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.
Xerta Shakiyaysa
60 Sidaa aawadeed xertiisii badidood markay maqleen, waxay yidhaahdeen, Hadalkaasu waa adag yahay. Yaa maqli kara? 61 Laakiin Ciise qudhiisu wuu ogaa in xertiisu taas ka gunuunacday, wuxuuna ku yidhi, Taas ma ka xun tihiin? 62 Haddaba maxay noqon haddaad aragtaan Wiilka Aadanaha oo kor ugu baxaya meeshuu markii hore joogi jiray? 63 Waa ruuxa kan wax nooleeyaa, jidhkuse waxba ma taro. Erayadii aan idinkula hadlayna waxay yihiin ruux iyo nololba. 64 Laakiin waxaa dhexdiina jira qaar idinka mid ah oo aan rumaysan. Waayo, tan iyo bilowgii Ciise waa garanayay kuway ahaayeen kuwa aan rumaysan iyo kuu ahaa kii gacangelin lahaa. 65 Markaasuu yidhi, Taas aawadeed waxaan idinku idhi, Qofna iima iman karo haddaan Aabbuhu awood siin.
66 Taas dabadeed xertiisii intii badnayd dib bay uga noqdeen, oo mar dambe lama ay socon.
Butros Qirashadii Uu Ciise Qiray
67 Haddaba Ciise wuxuu laba-iyo-tobankii ku yidhi, Idinkuna ma doonaysaan inaad tagtaan? 68 Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe. 69 Annaguna waa rumaysannay, waana og nahay inaad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah. 70 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanan idin dooran idinkoo laba iyo toban ah? Mid idinka mid ahna waa cifriid. 71 Wuxuu ka hadlay Yuudas ina Simoon Iskariyod, waayo, isaguu ahaa kan gacangelin lahaa, isagoo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya