Book of Common Prayer
148 Rabbiga ammaana.
Rabbiga samooyinka ka ammaana,
Meelaha sarsarena ka ammaana.
2 Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga,
Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga.
3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga,
Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga.
4 Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow,
Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow.
5 Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen,
Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen.
6 Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba,
Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn.
7 Rabbiga dhulka ka ammaana,
Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,
8 Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow,
Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
9 Buuro iyo kuro oo dhammow,
Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow,
10 Dugaag iyo xoolo oo dhammow,
Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,
11 Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow,
Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,
12 Barbaar iyo hablow,
Odayaal iyo carruuray,
13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga,
Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa,
Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa,
Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan,
Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow.
Rabbiga ammaana.
149 Rabbiga ammaana.
Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.
2 Reer binu Israa'iil kii iyaga uumay ha ku reyreeyeen,
Oo reer Siyoonna boqorkooda ha ku farxeen.
3 Magiciisa cayaarta ha ku ammaaneen,
Oo ammaan ha ugu gabyeen iyagoo sita daf iyo kataarad.
4 Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa,
Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.
5 Quduusiintu ammaan ha ku reyreeyeen,
Oo farxad ha ku gabyeen iyagoo sariirahooda jiifa.
6 Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto,
Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,
7 Si ay quruumaha uga aargutaan,
Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,
8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan,
Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,
9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran,
Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan.
Rabbiga ammaana.
150 Rabbiga ammaana.
Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah,
Ku dhex ammaana samada xooggiisa.
2 Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana,
U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
3 Dhawaaqa buunka ku ammaana,
Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
4 Ku ammaana daf iyo cayaar,
Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
5 Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana,
Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
6 Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen.
Rabbiga ammaana.
114 Markay reer binu Israa'iil Masar ka soo bexeen,
Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen,
2 Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah,
Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay.
3 Baddii way aragtay, wayna carartay,
Webi Urdunna dib baa loo celiyey.
4 Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan,
Kurihiina sidii baraar.
5 Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa?
Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa?
6 Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan?
Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar?
7 Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa,
Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir,
8 Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah,
Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah.
115 Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan,
Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato,
Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.
2 Bal maxay quruumuhu u odhanayaan,
Haddaba Ilaahoodu meeh?
3 Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa,
Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.
4 Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab,
Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.
5 Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan,
Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,
6 Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan,
Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan,
7 Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan,
Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan,
Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.
8 Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan,
Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.
9 Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
10 Reer Haaruunow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
11 Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya,
Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.
12 Rabbigu aad buu inoo xusuusnaa, wuu ina barakayn doonaa,
Reerka Israa'iilna wuu barakayn doonaa,
Reerka Haaruunna wuu barakayn doonaa.
13 Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada,
Yar iyo weynba.
14 Rabbigu aad iyo aad ha idiin kordhiyo,
Idinka iyo carruurtiinnaba.
15 Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka
Ayaa idin barakeeyey.
16 Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga,
Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.
17 Kuwii dhintay Rabbiga ma ay ammaanaan,
Kuwa hoos ugu dhaadhaca meesha aamusnaantana ma ay ammaanaan isaga,
18 Laakiinse annagu Rabbiga waannu ammaani doonnaa
Haatan intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Rabbiga ammaana.
Casuumaddii Xigmadda Iyo Tii Nacasnimada
9 Xigmaddu gurigeeday dhisatay,
Toddobadeedii tiirna way xaradhay.
2 Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii;
Miiskeediina way diyaarisay.
3 Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa
Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,
4 Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo.
Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
5 Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna,
Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.
6 Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada,
Oo jidka waxgarashadana mara.
7 Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa,
Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.
8 Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye,
Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa.
9 Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa.
Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.
10 Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda,
Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.
11 Waayo, maalmahaagu anigay igu badan doonaan,
Oo cimrigaaguna waa sii kordhi doonaa.
12 Haddaad caqli leedahay naftaadaad caqli u leedahay,
Laakiinse haddaad wax quudhsato, adiga uun baa waxquudhsashadaada xambaaran doona.
Butros Iyo Yooxanaa Oo Samaariya Jooga
14 Haddaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa, 15 kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan; 16 maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay. 17 Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.
18 Haddaba Simoon markuu arkay in markii rasuulladu gacmahooda saareen, waxaa la siiyey Ruuxa Quduuska ah, ayuu lacag u taagay, 19 isagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah. 20 Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo. 21 Xaalkan kuma lihid ama qayb ama badh; maxaa yeelay, qalbigaagu Ilaah hortiisa kuma qummana. 22 Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo. 23 Waayo, waxaan arkaa adigoo ku jira xammeetida qadhaadhnimada, kuna xidhan xaqdarrada. 24 Markaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.
25 Haddaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka.
Sida Loo Helo Nolosha Weligeed Ah(A)
25 Mid sharciga yaqaan ayaa istaagay oo jirrabay, isagoo leh, Macallimow, maxaan sameeyaa si aan ku dhaxlo nolosha weligeed ah? 26 Wuxuu ku yidhi, Maxaa sharciga ku qoran? Sidee baad u akhridaa? 27 Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada. 28 Wuxuu ku yidhi, Si hagaagsan ayaad u jawaabtay. Sidaas yeel oo waad noolaan doontaa.
Maarta Iyo Maryan
38 Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay. 39 Waxayna lahayd walaal Maryan la odhan jiray, oo iyaduna waxay ag fadhiisatay cagihii Sayidka oo ereygiisa maqashay. 40 Laakiin Maarta waxaa jiidanaysay hawl badan, oo intay u timid ayay ku tidhi, Sayidow, miyaanay waxba kula ahayn in walaashay i daysay inaan keligay adeego? Haddaba la hadal inay ila qabato. 41 Laakiin Sayidku waa u jawaabay oo ku yidhi, Maarta, Maartay, wax badan ayaad ka welwelaysaa oo isku dhibaysaa. 42 Laakiin mid baa loo baahan yahay, Maryanna waxay dooratay intii roonayd oo aan laga qaadi doonin.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya