Add parallel Print Page Options

20 Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye,
Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.
Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa,
Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.
Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf,
Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.
Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo,
Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono.
Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer,
Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona.
Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda,
Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?
Ninka xaqa ah oo daacadnimadiisa ku socda,
Carruurtiisu way barakaysnaadaan isaga dabadiis.
Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa
Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa.
Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey,
Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?
10 Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah,
Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.
11 Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa,
Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.
12 Dhegta wax maqasha iyo isha wax aragtaba,
Labadaba Rabbigaa sameeyey.
13 Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye.
Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.
14 Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay,
Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.
15 Waxaa jira dahab iyo luul badan,
Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.
16 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad,
Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.
17 Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay,
Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.
18 Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo,
Oo waano wanaagsan ku dagaallan.
19 Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon,
Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.
20 Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya,
Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.
21 Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay,
Ugu dambaysta ma barakoobi doono.
22 Ha odhan, Shar baan ka abaalgudayaa.
Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.
23 Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo,
Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.
24 Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga,
Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa?
25 Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus,
Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo.
26 Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa,
Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.
27 Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga,
Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.
28 Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan,
Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.
29 Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda,
Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.
30 Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka,
Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.

21 Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah,
Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.
Nin jidkiis waluba waa la qumman yahay isaga,
Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu miisaamaa.
Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay
In xaqnimo iyo gar la sameeyo.
Indho qab weyn iyo qalbi kibirsan,
Kuwaas oo ah kuwa sharka leh laambaddoodu waa dembi.
Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo.
Laakiinse ku alla kii degdeg badanu wuxuu u degdegaa inuu wax u baahdo oo keliya.
Khasnadihii carrab been badan lagu helaa waa sida ceeryaamo hor iyo dib loo kaxeeyey,
Oo kuwa doondoontaana dhimashay doonaan.
Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa,
Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.
Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay,
Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.
In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon
In guri weyn naag muran badan lala joogo.
10 Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa,
Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.
11 Markii mid wax quudhsada la taqsiiro, garaadlaawahu wuu caqliyaystaa,
Oo kii caqli leh marka la edbiyona aqoon buu helaa.
12 Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa,
Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.
13 Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin,
Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.
14 Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa,
Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.
15 Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad,
Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.
16 Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa
Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.
17 Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa,
Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.
18 Kii shar lahu wuxuu furasho u noqon doonaa kii xaq ah,
Khaayinkuna wuxuu furasho u noqon doonaa kii qumman.
19 In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon
In naag muran iyo cadho badan lala joogo.
20 Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa,
Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.
21 Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa
Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.
22 Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda,
Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.
23 Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa
Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.
24 Ninkii kibirsan ee qab weyn waxaa magiciisa la yidhaahdaa quudhsade,
Oo wuxuu ku shaqeeyaa cadhada kibirka.
25 Ninkii caajis ah waxaa dila damaciisa,
Waayo, gacmihiisu waxay diidaan inay hawshoodaan.
26 Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca,
Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.
27 Ka sharka leh allabarigiisu waa karaahiyo,
Oo markuu niyo xun ku bixiyona way ka sii daran tahay!
28 Markhaatifuraha beenta ahu waa baabbi'i doonaa,
Laakiinse ninkii wax maqla hadalkiisu waa raagi doonaa.
29 Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa,
Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.
30 Ma jirto xigmad ama waxgarasho
Ama talo Rabbiga ka gees ah.
31 Faraska waxaa loo diyaariyaa maalinta dagaalka,
Laakiinse guusha waxaa leh Rabbiga.

22 Magac wanaagsan baa laga doortaa maal badan,
Oo nimcana waa ka wanaagsan tahay lacag iyo dahab.
Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan,
Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.
Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa,
Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.
Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu
Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.
Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan,
Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.
Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa,
Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.
Taajirku masaakiintuu u taliyaa
Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya.
Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo,
Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.
Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa,
Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.
10 Kan wax quudhsada eri, oo muranku wuu bixi doonaa,
Dirirta iyo cayduna way dhammaan doonaan.
11 Kii daahirsanaanta qalbiga jecel,
Oo bushimihiisu nimco leeyihiin, xataa boqorka ayaa saaxiibkiis ahaan doona.
12 Indhaha Rabbigu waxay dhawraan ka aqoonta leh,
Laakiinse isagu wuxuu afgembiyaa erayada khaayinka.
13 Kii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa dibadda jooga,
Oo jidka dhexdiisa ayaa laygu dili doonaa.
14 Naago qalaad afkoodu waa god dheer,
Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.
15 Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha.
Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa.
16 Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado,
Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.