Add parallel Print Page Options

Maryan Baa Ciise Beytaniya Ku Subagtay(A)

12 Haddaba lix maalmood ka hor Iidda Kormaridda, Ciise wuxuu yimid Beytaniya, meeshuu joogay Laasaros, kii Ciise kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay. Maryan haddaba waxay qaadday rodol cadar ah oo naaradiin qaaliya ah, waxayna marisay cagaha Ciise, oo timaheedii ayay cagihiisa ku tirtirtay. Gurigiina waxaa ka buuxsamay udgoonkii cadarka. Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi, Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta? Sidaas uma uu odhan dan uu ka lahaa masaakiinta, laakiin wuxuu u yidhi wuxuu ahaa tuug, oo kiishadda lacagta ayuu hayn jiray, wuuna kala bixi jiray wixii lagu rido. Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda. Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse idinlama joogo mar walba.

Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey. 10 Wadaaddadii sare waxay ku tashadeen inay Laasarosna dilaan. 11 Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay.

Ciise Guul Buu Ku Galay Yeruusaalem(B)

12 Maalintii xigtay dad badan oo u yimid iiddii, markay maqleen inuu Ciise Yeruusaalem imanayo, 13 waxay qaateen laamihii geedaha timirta ah, oo ay baxeen inay ka hor tagaan, iyagoo ku dhawaaqaya [a]Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa'iil ah. 14 Ciise wuxuu helay dameer yar oo fuulay, siday ugu qoran tahay, 15 Ha biqin, gabadhii Siyoonay; bal eeg, Boqorkaagu waa imanayaa isagoo fuushan qayl dameereed. 16 Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga. 17 Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. 18 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey. 19 Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.

Dadka Gariigta Ah Weyddiiskoodii

20 Kuwa wakhtiga iidda u kacay inay Ilaah caabudaan, waxaa ku dhex jiray qaar Gariig ah. 21 Kuwaas haddaba waxay u yimaadeen Filibos oo ahaa reer Beytsayda ee Galili, wayna weyddiisteen oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu doonaynaa inaannu Ciise aragno. 22 Markaasaa Filibos u yimid oo Andaros u sheegay, oo haddana Andaros iyo Filibos baa wada yimid, oo ay Ciise u sheegeen. 23 Kolkaasaa Ciise u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Saacaddii way timid uu Wiilka Aadanahu ammaanmi lahaa. 24 Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Xabbad sarreen ah haddaanay dhulka ku dhicin oo dhiman, keligeed bay iska jiraysaa, laakiin hadday dhimato, midho badan bay dhashaa. 25 Kan naftiisa jecel, waa lumiyaa, kan dunidan naftiisa ku nebcaadaase, wuu hayn doonaa tan iyo nolosha weligeed ah. 26 Qof uun hadduu ii adeego, ha i soo raaco, meeshaan joogona, midiidinkayguna wuu joogi doonaa. Qof uun hadduu ii adeego, Aabbuhu waa murwayn doonaa isaga. 27 Haatan naftaydu waa murugootay, oo maxaan idhaahdaa? Aabbow, saacaddan iga badbaadi. Laakiin taas aawadeed ayaan saacaddan u soo gaadhay. 28 Aabbow, magacaaga ammaan. Haddaba waxaa samada ka yimid cod leh, Waan ammaanay, waanan ammaani doonaa mar kale.

29 Haddaba dadkii badnaa oo ag taagnaa, way maqleen, oo waxay yidhaahdeen, Waa onkod. Qaar kale waxay yidhaahdeen, Malaa'ig baa la hadashay isaga. 30 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Codkaasu aawaday uma imanin, laakiin wuxuu u yimid aawadiin. 31 Imminka weeye markii dunidan la xukumi lahaa, imminka kan madaxda dunida ah dibaddaa lagu tuuri doonaa. 32 Aniguna haddii kor layga qaado dhulka, dhammaan xaggaygaan u soo jiidi doonaa. 33 Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono. 34 Haddaba dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Waxaannu sharciga ka maqallay in Masiixu weligiis jiri doono. Sidee baad u leedahay, Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado? Waa ayo Wiilka Aadanahu? 35 Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo. 36 Intaad nuurka haysataan, rumaysta nuurka, inaad noqotaan wiilasha nuurka.

Qaar Badan Baa Rumaysan Waayay, Laakiin Qaar Baa Si Qarsoon U Rumaystay

Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu ka tegey oo ka dhuuntay iyaga. 37 Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga; 38 inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay,

Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay,
Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?

39 Sidaa aawadeed ayay rumaysan kari waayeen, waayo, Isayos ayaa haddana yidhi,

40 Wuu indhatiray, qalbigoodana ayuu engejiyey,
Si aanay indhahooda wax ugu arkin, oo aanay qalbigoodana wax ugu garan,
Oo aanay u soo noqon,
Oo aanan u bogsiin.

41 Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga. 42 Hase ahaatee qaar badan oo taliyayaasha ka mid ahaa way rumaysteen, laakiin Farrisiintii aawadood ma ay qiran si aan sunagogga looga saarin, 43 waayo, waxay ammaanta Ilaah ka jeclaayeen ammaanta dadka.

Ciise Waxbariddiisii La Soo Koobay

44 Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray. 45 Kii i arkaana, wuxuu arkaa kan i soo diray. 46 Waxaan dunida u imid inaan nuur u ahaado, in mid kasta oo i rumaystaa uusan gudcurka ku sii jirin. 47 Nin uun hadduu erayadayda maqlo oo uusan xajin, xukumi maayo, waayo, uma iman inaan dunida xukumo, waxaanse u imid inaan dunida badbaadiyo. 48 Kii i diida oo aan erayadayda aqbalin, wuxuu haystaa mid xukuma; ereygaan ku hadlay baa xukumi doona isaga maalinta u dambaysa. 49 Waayo, anigu amarkayga kuma hadlin, laakiinse Aabbihii i soo diray isagaa i amray waxaan idhaahdo iyo waxaan ku hadloba. 50 Oo waanan garanayaa inuu amarkiisu yahay nolosha weligeed ah. Sidaa daraaddeed waxaan ku hadlayaa, sidii Aabbuhu igu yidhi, sidaasaan ku hadlayaa.

Footnotes

  1. Yooxanaa 12:13