Menu
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
account
One verse. Every morning. Get the free Verse of the Day email.
Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo
New Bible Gateway. Take the quick tour.
  • Read
    • Reading Plans
    • Advanced Search
    • Available Versions
    • Audio Bibles
  • Study
    • Scripture Engagement
    • More Resources
  • News
  • Explore
    • Newsletters
    • Devotionals
    • Bible Gateway App
    • Bible Audio App
    • Take a Tour
  • Store
    • Bibles
    • Deals
    • More
  • Bible Gateway Plus
SOM
Version
Bible Books Bible Books
SOM
Version
Read
Study
News
Explore
Store
Bible Gateway Plus
Light Mode Dark Mode
Font Size
Log In show menu
Previous Next
Print PrintSettingsSettingsShare ShareParallelParallelExpandExpandCollapse

Yexesqeel 19  Somali Bible

U Baroorashadii Amiirrada Reer Binu Israa'iil

19 Oo weliba waxaad u baroorataa amiirrada reer binu Israa'iil, 2 oo waxaad tidhaahdaa, Hooyadaa maxay ahayd? Gool bay ahayd! oo libaaxyay dhex jiiftay, oo waxay dhasheedii ku dhex korisay libaaxyo yaryar. 3 Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay. 4 Quruumihii baa warkiisii maqlay, oo waxaa isagii lagu qabtay godkoodii, oo dalkii Masar bay qabatooyin ku keeneen. 5 Haddaba iyadu markay isagii wax badan sugtay oo ay ka rajo beeshay waxay qaadatay mid kale oo dhasheedii ah, oo waxay ka dhigtay libaax aaran ah. 6 Oo isaguna libaaxyaduu dhex socday, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay. 7 Qalcadahoodii buu yiqiin, oo magaalooyinkoodiina cidla buu ka dhigay, oo dalkii iyo wixii dhexdiisa ka buuxayba baabba' bay noqdeen, waana codka cidiisa aawadiis. 8 Markaasaa quruumihii dhinac kasta kaga keceen oo gobolladii oo dhan ka soo hujuumeen, oo shabaggoodii bay ku kor kala bixiyeen, oo godkoodaa lagu qabtay. 9 Oo intay qabatooyin ku qabteen ayay khafas ku rideen, oo boqorkii Baabuloon bay u keeneen, oo waxay ku rideen qalcado xoog badan si aan codkiisa mar dambe buuraha reer binu Israa'iil looga maqlin.

10 Hooyadaa waxay ahayd sidii geed canab ah oo dhiiggaaga ku dhex jira oo biyo lagu ag beeray. Biyaha badan daraaddood ayay wax midho badan iyo laamo miidhan ah u noqotay. 11 Oo waxay lahayd laamo adadag oo ulo u ah kuwa xukunka hayay, oo sarajooggeeduna wuxuu ka sii sara maray geedaha laamahooda waaweyn, oo dhererkeedu wuxuu la muuqday laameheeda badan aawadood. 12 Laakiinse iyadii cadhaa lagu rujiyey, oo dhulkaa lagu soo xooray, oo dabayshii bari ayaa midheheedii qallajisay, laameheedii adadkaana way jajabeen oo engegeen, oo dab baa iyagii baabbi'iyey. 13 Oo haddana waxaa iyadii lagu dhex beeray cidlada, taasoo ah dhul engegan oo oommanaa. 14 Oo dab baa laameheedii ka soo dhex baxay, oo midhaheedii dhammeeyey, oo sidaas aawadeed iyadu ma leh laan adag oo ul wax lagu xukumo noqon karta. Tanu waa baroorasho, oo baroorashay u noqon doontaa.

Next
Yexesqeel 18
Yexesqeel 20
Next
dropdown
Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya

Bible Gateway Plus logo
Bible Gateway logo

Font Size

Font Size

Dark Mode

Light Mode Dark Mode

About

  • About
  • Learn About the Bible
  • Statement of Faith
  • Mobile App
  • Store
  • Blog
  • Newsroom
  • Support Us

Help

  • FAQs
  • Tutorials
  • Use Bible Gateway on Your Site
  • Advertise with us
  • Contact us
  • Privacy policy
  • California Privacy Rights
  • Do Not Sell My Personal Information
  • Site: Terms of use
  • Widget: Terms of use

Our Network

  • FaithGateway
  • StudyGateway
  • ChurchSource
  • HarperCollins Christian Publishing
  • Grupo Nelson
  • Editorial Vida
  • Thomas Nelson
  • WestBow Press
  • Zondervan
  • MasterLectures

Social

  • Facebook
  • Instagram
  • Pinterest
  • TikTok
  • X
  • YouTube

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway
Sign Up for Bible Gateway: News & Knowledge
Get weekly Bible news, info, reflections, and deals in your inbox.

By submitting your email address, you understand that you will receive email communications from Bible Gateway, operated by HarperCollins Christian Publishing, 501 Nelson Pl, Nashville, TN 37214 USA, including commercial communications and messages from partners of Bible Gateway. You may unsubscribe from Bible Gateway’s emails at any time. If you have any questions, please review our Privacy Policy or email us at privacy@biblegateway.com.

Preferences

  • Versión en español
  • Preferences
  • Classic Bible Gateway